Sign in to follow this  
Deeq A.

Casir is ma ceebsado, Carrabeeyna col ma daayo!

Recommended Posts

Deeq A.   

Labadan meesha idiin kaga muuqata, garguduudka waa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Gacal Casir, kan kalana waa MW ku xigeenka Galmudug Maxamad Carrabeey.

Sidii awoodda dawladnimo ay gacanta ugu gashay Formaajo iyo Kheyrre waxay la soo bexeen wajiyo aan hore loogu aqoon. Dabcan qabyaalad ayaa ka keenaysa, haddana, wax is ku la harid haybtu diidi mee iyo in qofku is garto.

Casir wuxuu ahaa, ninka subax shir ku qabtay Xamar, ee yiri: shirka Jabuuti ka socda, ee u dhexeeya Ahlusunna iyo Suldaan Xaaf, oo lagu doonayey Galmudug mid ah; waxba ka ma jiraan, waxa ka soo baxana ma aqoonsani! Oo yaad eheed ama is moodday? (Qabiil iyo darajo ha u qaadan!)

Saacado ka dib, haddana isaga oo cod badalan, oo cabaad gaaban ayuu muuqaal kale soo duubay, oo ku leeyahay waan taageersanahay shirka Jabuuti, waana ayidsanahay waxa ka soo baxa! Oo Yaa kaaga baahan, haddii aysan adiga dan kuugu jirin?!

Carrabeey, waxaa soo gashay naf aan hore ugu jirin iyo hawo uusan qabin. Halkii ay eheed, in uu uga faa’iideeyo, isu soo dhaweynta beelaha iyo adkaynta maamulka uu xilka sare ka hayo, wuxuu u dhaqaaqay burburin, asaga oo uu daabka u hayo Formaajo.

Waad wada xusuusataan hadalkii ka yaabiyey senator Qaybdiid ee uu Carrabeey ku yiri xildhibaannadii u baxday ka hortagga duminta Galmudug: meesha aniga ayaa madaxweyne ka ah! Xil jeclaa, oo xeeladxumaa!

Heshiiskii dhac, Xamar lagu sii hubi, Dusmo reeb lagu hirgeli lana wadatag. Halkii la is lahaa, Galmudug mida ah ayaa hawlgeli doonta, Xamar ayey ku laabteen, asey haddana halkii ka miiseen kabankii Formaajo iyo Kheyrre garaaciisa. Dhawaqxumo ka sokow, waxaa kaaga daran, dheeh iyo dhadhan la’aanta.

Mar kale ayaa maanta Galmudug weerar lagu yahay, waxaana hagaya Formaajo iyo Kheyrre, oo Xamar talada duminta iyo dhaqaalaha ka soo dhiibaya, halka fulinteeda loo xilsaaray Casir iyo Carrabeey!

Degaanka Galmudug qaybo badan oo ka mid ah waxaa haysta Alshabaab, weli ma aragteen labadan oo taladeeda haya, halka aad aragteen, iyaga oo ka shaqaynaya daminta Galmudug? Qof jaraya laan uu ku fadhiyo!

Ma idin la tahay, haddii aysan Formaajo iyo Kheyrre ku beel ahaan lahayn, in ay fawdadan iyo fadqalalladan sii wadi lahayeen? Qofku marka uu tiisa wax ku diid gob dheh, markay duruufi haysana u garaab, wixii ka soo hara waa uun GUNNIMO hadba giir gaar ah leh.

Cadaado colka lagu ururinayo, ee la doonayo, in Galmudug awooddeeda lagu wiiqo waxaa habboon, in xildhibaannada, dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada IWM in ay is ka kaashadaan sidii loo celin lahaa, oon waqti kale ku lumin aragti ma dhalays ah iyo isjiijiid.

Waxaa qoray Bashir M. Xirsi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this