Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Al-Shabaab Oo Mudo Saacado Ah Maamulayey Deegaan Ku Yaalla W/Bari Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera-(caasimadda Online)-Warbaahinta dalka keyna ayaa baahisay Dagaalamayaal ka tirsan kooxda  Al-Shabaab oo aad u hubeysan in ay Khudbad Diini ah ka jeediyeen Masjidka ku yaalla Degmadda Mandhera oo u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia masjidkaas oo lagu magacaabo Komor Xayle .

Dagaalamyaasha ayaa la sheegay inay Masjidka taageen 10-kii Fiidnimo ee Habeenkii Khamiista, waxaynahalkaasi joogeen dhowr saacadood, iyadoo Masjidka isaga tegay 2-dii habeenimo ee Jimcihii shalay.

Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska Kenya oo ku sugan Deegaankaasi ayaa xaqiijiyey in 10 dagaalyahano Alshabaab oo aad u hubeysan ka soo gudbeen Xuduudka Somalia, kadibna ay galeen Masjid ku yaalla Bartamaha Deegaanka Faafi  Khudbado Diini ah ka jeediyeen muddo 3-sacadood.

Waxa uu tilmamaay inay dadka weydiiyeen halka ay ku yaallaan Xarunta Maamulka, Xarumaha Ciiddanka Ammaanka  iyo kuwa Ciiddanka Kaydka ee ku sugan Deegaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this