Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qorshe Al-Shabab la xiriira u gudbisay Russia (Ma laga aqbali doonaa?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)- Dowlada Kenya ayaa wada qorsho ay al-Shabaab uga mid noqoneyso liiska argagixisada caalamiga ah, kadib Markii ay u aqoonsatay inay ka halis badan tahay Kooxaha kale.

Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta oo arrintaan u kaashanaya Dowlada Ruushka oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin.

Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhammaan wadamada hormarsan ay garwaaqsadaan in al-Shabaab ay ka halis badan tahay Kooxaha kale ee lidka ku ah Nabadda iyo Horumarka.

Uhurru Kenyatta oo si gaara u daneynaaya in al-Shabaab loo aqoonsado Kooxda ugu halista badan dunida ayaa waxa uu arrintaasi kala hadlay dhigiisa dalka Ruushka oo uu ka codsaday in al-Shabaab lagu daro liiska argagixisada ugu halista badan.

Kenyatta waxa uu cadeeyay in al-Shabaab ay iminka dunida uga diiwaan gashantahay argagixiso qatar ku heysa Bariga Afrika.

Dido Rasso oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Kenyatta uu xooga saarayo sida al-Shabaab loogu aqoonsan lahaa Kooxda ugu halista badan.

Xildhibaan Dido Rasso oo xubin ka ah guddiga difaaca Kenya ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan talabada uu Uhurro Kenyaatta ku doonayo in indhaha caalamka ay qabtaan al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ka Guddi ahaan xitaa ay dowladda Ruushka ka codsanayaan in il gaara ay ku eegto dalabka Kenyaatta ee ku aad al-Shabaab.

Xildhibaan Dido Rasso waxa uu intaa raaciyay in qorshahaani ay mar hore soo jeediyeen, hase ahaatee Madaxweynaha Kenya uu hadda gartay ahmiyada ay leedahay in Shabaab lagu daro liiska argagixisada ee Caalamiga ah, halka ay hadda u diiwaangeshanyihiin argagixiso qatar ku heysa Bariga Afrika.

Waxaa uu sheegay in al-Shabaab ay qatar ku yihiin Caalamka oo dhan,sidaas darteedna  uu dowladda Ruushka ka codsanayo in lagu daro liiska Caalamiga ah halkii la dhihi laha waxaa ay qatar ku yihiin Bariga Afrika, Kenya ama Ethiopia.

Dhinaca kale, dowladda Ruushka ayuu ka codsaday in ay Kenya ku taageerto qalab dhinaca Tignolojiyadda ah oo ay kula dagaalanto al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this