Sign in to follow this  
Deeq A.

4 qodob oo muujinaya in DF ay ka maaranto ciidamada Amisom ee jooga Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa weli ku adkeysaneysa inay ka maaranto ciidamada AMISOM ee kaalmada u ah kuwa Somalia, isla markaana amniga Somalia ay xiligaan ku filan tahay.

Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa inay heysato ciidamo ku filan amniga guud ee dalka kuwaa oo intooda badan qaatay tababaradii loogu tallo galay.

Dowladaha ay ka socdaan ciidamada AMISOM ayaa iyagu diidan in la dadajiyo ciidamada AMISOM, waxa ayna doonayaan inay sii joogan Somalia, iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaaya in Somalia aysan heysan ciidamo ku filan.

Dowladaha Ugandha, Kenya, Ethiopia iyo Burundi ayaa ka mideysan in Somalia aysan heysan ciidamo u diyaarsan ka hortagida weeraro kaga imaada Al-Shabaab, sidaa aawgeedna ay muhiim tahay in ciidamada AMISOM lagu sii hayo Somalia.

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ayaan xiligaan hayn howlihii loogu tallo galay, waxa ayna taa muujineysaa in dowlada Somalia ay ku filan tahay amnigeeda.

Ciidamada AMISOM ayaa ku eg keliya Xarumaha ay ka degan yihiin Somalia, waxaana inta badan howlaha Amni gacanta ku haya ciidamada Qaranka Somalia.

Haddaba waxaa halkaan idinkugu heynaa 4 qodob oo muujineysa in DFS ay xiligaan ka maaranto Ciidamada AMISOM:

1-Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka muddo laga joogo 2 sano iyo bar kama aysan qeybqaadan weerarada lagu qabsado Hoteelada iyo Xarumaha dowlada.

2-Ciidamada AMISOM banaanka ugama baxaan Xarumaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, markii laga soo tago xiliga kala gadoonka oo ay isku bedelayaan xarumaha ay ku sugan yihiin, waxaana xiligaa lagu arkaa waddooyinka Muqdisho.

3-Ciidamada AMISOM kama qeybqaatan Howlgalada lagu ugaarsanaayo Al-Shabaab ee ka dhaca Waddooyinka iyo  Xaafadaha Degmooyinka, waxaana dhammaan howshaasi iska xil saaray ciidamada Qaranka.

4-Taliska AMISOM waxa uu ciidamada ka mamnuucay in kuwa dowlada Somalia ay kala qeybqaatan Hub ka dhigista iyo weerarada qorsheysan oo dowlada ay ka fuliso magaalada Muqdisho.

Marka la’eego qodobada aan kor ku xusnay waxa ay ka dhigan tahay in Dowlada Somalia ay ka maarmi karto in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan Somalia, maadaama howsha ugu badan ay hayaan ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, Dowlada Somalia waxa ay qabtaa in ciidamada Somalia ay dhanka amniga kaga horeeyan kuwa AMISOM, maadaama ciidamada AMISOM aysan dulqaad u laheyn inay iska difaacan al-Shabaab xiliyada ay ku weeraraan Saldhigyadooda.

Si kastaba ha ahaatee, QM ayaan dhawaan sheegtay in ciidamada AMISOM ay si nidaamsan uga bixi doonaan Somalia iyadoo la gaarsiin doono ilaa labada sano ee fooda nagu soo heysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this