Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre oo safar degdeg ah ugu baxay Addis Ababa & Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka oo …

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalad Muqdisho ka sagootiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo tirro Xildhibaano ah.

R’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa u kictamay dalka Ethiopia, waxa uuna casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ethiopia Abiy Axmed.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kulan khaasa kula qaadan doona dhigiisa Ethiopia Abiy Axmed oo ay kawada hadli doonaan danaha labada dal.

Mid kamida Xildhibaanada wehlinaaya Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in labada mas’uul ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid yihiin Amniga iyo Siyaasada, waxaana intaa dheeraan doona oo leysla soo qaadi doonaa Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka iyo Heshiiska Dekadda Berbera oo ay qeeb ka tahay Ethiopia.

Sidoo kale, waxaa halkaasi uga sii horeeya oo safar qarsoodi ah ku tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyeen la Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan oo u muuqata mid hoos iska taabat ah, ayaa waxaa isku arki doona Ra’isul wasaarayaasha labada dal, halka ay mas’uuliyiinta kale si gaara u arki doonaan dhigooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this