Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo qabsatay masjid ku yaalla Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray oo qabsaday masjid ku yaalla magaalada Mandheera ee dalka Kenya, halkaasi oo dhowr saac ay ka wacdinayeen.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in rag aad u hubeysan oo Shabaab ah ay qabsadeen masjidka Komor Haile, abaare 10-kii habeenimo ee xalay, ayna joogeen illaa labadii subaxnimo ee jimcaha maanta ah.

“Waxay yimaadeen ayada oo Sheekh uu noo wacdinayo, waxay ka dafeen makaroofanka, waxayna amreen inuu fariisto oo uu dhageysto” Waxaa sidaas yiri qof ku sugnaa masjidka, markii dhacdadan ay dhacday.

Waxa uu sheegay in dhowr saac ay masjidka ku xannibnaayeen, oo qofna aan loo ogolaan inuu ka baxo.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa xaqiijiyey dhacdadan, isaga oo sheegay in maleeshiyada fulisay ay ahaayeen 10 nin oo aad u hubeysan, kuwaas oo la rumeysan yahay inay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya.

Sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in maleeshiyada ay dadka weydiinayeen halka ay ku sugan yihiin guddoomiyaha degmada, taliyaha booliiska iyo xubnaha kale ee dowladda deegaanka.

Waa markii labaad ee Al-Shabaab ay qabstao masjid ku yaalla Mandheera, ayada oo markii koowaad ay ahayd August, 2015, markaasi oo sidoo kale ay jeeidyeen wacdi ka dhan ah dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this