Sign in to follow this  
Deeq A.

Istraatijiyad la’aanta siyaasadda Bariga Afrika iyo Gacanka cadmeed halis maku tahay jiritaanka Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dardar gelinta hannaanka loo yaqaan (Globalization) ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, ujeedkuna yahay si loo helo hannaan fudud oo isku xira salkana ku hayo xog is weydaarsiga, sida sirdoonka, dhaqaalaha, ciidanka iyo isgaarsiinta aya waxa caqabad ku noqday isla markaana udub dhexaad u noqday amni darada ka jirta geeska Afrika (Soomaaliya) iyo gacanka cadmeed. Iyadoo ay qeyb ka yihiin wadamada ay quseyso xiisada colaadeed iyo kuwa kalo oo daneeya arrimaha Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed.

Wadamada Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Iiraan, Turkiga iyo kuwa Carabta aya waxa ka dhex bilowday in ay isku herdiyan gacan ku haynta biyaha badda cas iyo Badweynta Hindiya. Iyado wadamada Carabta ee dhoofiya saliidda ay laba jeer khatar u arkaan dalka Soomaaliya,

  1. Waa dal leh qeyraadka Saliidda oo an weli la taaban
  2. Waa dal juqraafi ahan ku yaal marin muhiim u ah ganacsiga iyo isgaarsiinta adduunka.

Isku dhacan wadamada gacanka iyo geeska Afrika waxa ay keeneysa xasilooni darro ka dhalata xuduudaha ay leeyihiin dalalkaas taasoo horseed u noqoneysa in an la helin amni buuxo oo aay isaga gooshaan maraakiibta ganacsi ee mara biyaha Geeska Afrika, Ganacka cadmeed iyo Bab al-Mandab, kaasoo lagu qiyaasay ganacsi ka badan $1 Trilion oo doollarka Mareykanka ah in uu maro biyaha Geeska Afrika iyo ganacka Cadmeed, iyado wadamada beesha caalamka ay xoogga saareen sidii looga hortagi laha ururada Alqaacida gacanka Cadmeed (AQAP) iyo ururka Al Shabaab. Balse aaney muhiimadda saarin kaliya sidii biyaha Geeska Afrika iyo Ganacka cadmeed ay si nabad ah uga gudbi lahaayeen maraakiibta ganacsi ee isaga goosha qaaradda Aasiya iyo Yurubta Galbeed.

Waxa kale oo jira in biyaha Soomaaliya ay ku kulmaan iskuna xiraan isgaarsiinta internetka ee loo yaqaan Global Fiber Optic Connectivity HUB (GFOC) taaso inta badan laga ilaaliyo in wadamada Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan in ay wax yeelaan, waana midda ay u joogaan maraakiibta dagaalka ee dalalka ku bahoobay ururka NATO waxayna ku joogaan qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay, balse aaney ku joogin rabitaanka Dowlad Soomaaliyeed, taaso qatarteeda leh marka laga eego dhanka madaxbaanida iyo midnimada Dalka Soomaaliya.

Haddaba iyado taa ay ka duulayan wadamada Carabta gaar ahan Qatar, Sucuudiga iyo Imaaraadka aya waxa ay bilaabeen in Soomaaliya anay noqon wadan uu amni ka jiro, iyago wakiilanaya dhaqaale badana ku bixinaya dalalka deriska la ah ee Itoobiya iyo Kenya.

Dowladda Imaaraadka aya ku abaal marisay dalka Itoobiya in uu yeesho 19% dekedda Berbera, si ay Itoobiya uga mid noqota wadamada lagala tashado isla markaana saami ku leh juqraafiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyado laga ilaaliyay in Dowladda Soomaaliya ay kaalinkeedi hesho, aya waxa heshiis seddex geesood ah uu dhex maray Imaaraadka, Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Waxa sido kale jira xiriir hoose oo dhex maray dalka Qatar & Kenya iyago sido kale u wakiishay dalka Kenya in uu qeyb ka noqdo dagaal dhanka warbaahinta ah taaso Kenya ay marar badan ku eedeysay dalka Imaaraadka in uu Soomaaliya ku hayo faragelin toos ah, waxayna Kenyanka uga digeen Imaaradka in ay joojiyan faragelinta isla markaana ay tixgeliyan madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

Waxa ayan darro ah in Dowladda Federaalka ah aanay ahmiyad siinin khatarta kasoo socota geeska Afrika, waxana ay ku mashquulsan tahay siyaasad gurracan oo an hadaf lahayn, waxa ayna ahayd in kaalinkeeda ay ka qaadato siyaasadda geeska Afrika sameysana istraatijiyad cad oo loogala xaajoodo wadamada ay danta toosska ah ka leh Soomaaliya kuna jirto maslaxadooda sida, Mareykanka, Shiinaha iyo Turkiga.

Maamulka Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaatay go’aan dhexdhexaad ah kasoo lagu dhaliilay laguna eedeeyay in go’aankaas aanu ku jirin maslaxadda iyo danta dalka Soomaaliya, wana sidoo kale lagu eedeeyay in uu si dadban ula saftay dalka Qatar.

Dowladda Qatar aya waxa xurguf siyaasadeed ay kala dhexeysa wadamada Carabta ah ee loo yaqaan GCC, kaddib markii ay boqortoyada Qatar diiday in ay xiriirka u jarto dalka Iiraan, iyado fiirsaneysa danaheeda qaran.

Dalka Qatar oo ah dalka ugu qanisan adduunka aya waxa dhaqaalaha ugu badan ay ka helaa dhoofinta saliidda dabiiciga ah, Dalka Qatar aya waxa keydka ugu badan ee saliidda dabiiciga ah laga helay xadka ay la wadaagto dalka Iiraan ee loo yaqaan (North Dome) halka dalka Iiraan uu ka helay keyd aad u badan xadka ay la wadaagto dalka Qatar ee loo yaqaan (South Pars). Labada dal aya kala saxiixday heshiis horumarineed iyo in ay si wadajir ah u soo saaraan keydka saliidda dabiiciga ah, waxa sidoo kale lagu heshiiyay in Qatar ay si toos ah uga dhoofin karto saliideeda dekedda Lavan ee dalka Iiraan. Arrintan aya lafdhabar u ah colaada ka dhexeysa wadamada Khaliijka. Sucuudiga aya u arka dalka IIRAAN Qatar amni iyagoo kaashanaya dalalka Mareykanka iyo Isara’il.

Dagaalkii qaboobaa (Cold War) iyo hogaanka Milatariga (1969 – 1991)

Kaddib markii xukunka uu kula wareegay afgambi milatari bishii Oktoober 21, 1969. Maxamed Siyaad Barre wuxuu xiriir aad u dhow la lahaa gaashaan buurtii Warsaw oo uu hormuudka ka aha dalkii loo yiqiin Midowga Sofyeetii. Ruushka aya Soomaaliya ka caawiyay dhamaan dhismaha hay’adaha dowliga ah, waxana Soomaaliya ay ka faa’idey gaashanbuurtaas, in Soomaaliya ay yeelato ciidan iyo cudud military oo aad u weyn, waxana inta badan lagu sheega in Soomaaliya ay ahayd kaga jira safka qaaradda Afrika marka  loo eego dhinaca dhismaha ciidaman cudud leh.

Cilaaqaadkii aan la lahayn Ruushka aya waxa soo galay mugdi madow, sanadkii 1977 kaddib markii Gen. Maxamed Siyad Barre uu dagaalkii 77 loo yiqiin la galay dowaldda Itoobiya, dagaalkaas oo Soomaaliya ay ku weyday naf iyo maal. Bartamihii 1977 aya amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, waxa lagu amray in saraakiisha iyo dhamaan howlwadeenada ka howlgala Soomaaliya ee ka soo jeeda dalka Ruushka ay muddo 48 saacadod ah uga baxaan dalka. Taaso sababteeda ay ahayd in Ruushka uu si toos ah u taageeray dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladaha Mareykanka iyo Masar aya kala taliyay Maxamed Siyaad Barre in aanu ku duulin dalka Itoobiya taaso wiiqi doonta awooddisa ciidan, una horseedi doonta mugdi siyaasadeed haddii uu ku geeleysto ama ku guul dareysto. Balse go’aan xumadii 1977 aya horseed u noqday in Soomaaliya ay gasho colaad sokeeye iyado kaddib markii laga soo laabtay dagaalkas ay isku dayeen saraakiil Soomaaliya in ay inqilaabaan xukunkii Milatari sanadkii 1979, inqilaabkaas oo dhicisoobay aya waxa bilowday in dalka uu yeesho jabhado hubeysan oo saldhig u aha dalka Itoobiya, sida SSD, SNM, USC iyo kuwa kale.

Ujeedka an u xusay taariikhda danbe aya ah, in ay mar labaad muuqato saansaan taa la mid ah, iyo go’aan qaadasho xumo laga dhex arkayo hoggaanka dalka ka jira wallow aanu dalka gacanta ugu wada jirin haddan go’aamada la qaadanyo ayaanan ahayn kuwo ku dhisan istraatijiyo siyaasadeed oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ma uusan eegin mana ka fiirsan go’aankii ee uu qaatay colaada ka dhexeysa wadamada Carabta, waayo dowladda Qatar go’aanka ay ku diiday in ay xiriirka u jarto dalka Iiraan waxa ku jiray maslaxadeeda, dadka iyo dalka Soomaaliyeedna waxa maslaxadooda ay ku jirtaa labada dal ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaaliya isla markaana uu naga dhexeeyo xiriir ganacsi oo qoto dheer. Balse Madaxweyne Farmaajo aya qaatay go’aan dhexdhexaad isago aanan si qoto dheer uga fiirsan go’aanka uu qaatay.

osman.jpg?resize=333%2C81&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this