Deeq A. Posted May 24, 2018 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaal saakay Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Muuse Biixi oo socdaal ku maraya deegaanada ay abaaraha ku dhufteen ee bariga Somaliland ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya iyo Puntland ay weerar ku soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay. “Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso, laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa ,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakiin Somaliland marwalba wey iska difaaceysaa weerarka uga yimid Soomaaliya” ayuu yiri Muuse Biixi. Dagaal xoogan ayaa markale saaka ka dhacay Tukaraq kaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan. Hoos ka dhageyso codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Muuse-biixi-Cabdi.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muuse Biixi “Weerar ayaa dhinac walba nooga socdo” appeared first on Puntland Post. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted May 24, 2018 Saalax, Indha Adeyg Muuse laguma gaaro...😀 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 24, 2018 13 minutes ago, Tillamook said: Saalax, Indha Adeyg Muuse laguma gaaro...😀 Muuse wa hasha geele cuunta hadana cabaada. Quote Share this post Link to post Share on other sites