Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Farmaajo ku eedaysay dagaalka Tukaraq .

Recommended Posts

Deeq A.   

War-murtiyeed ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Farmaajo weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax(Guri-barwaawo) ayaa sheegay in ciidamada Farmaajo ay weerarka u soo qaadeen,si ay uga faa’idaystaan inta Somaliland ku mashquulsantahay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay duufaanta.

“Saaka Abbaaro lixdii Aroornimo ayaa  ciidamada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidamada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, mar naba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan” ayaa War-saxaafeedka lagu yiri.

Guri-barwaaqo ayaa sheegay in Farmaajo uu dagaalka ka soo qaaday saddex aag oo kala duwan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna  tilmaamay in aysan Somaliland marnaba filayn bisha barakaysan ee Ramadaan in dagaal lagu soo qaaday.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo Farmaajo ku eedaysay dagaalka Tukaraq . appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this