Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo Somaliland ku eedaysay dagaalka dib uga qarxay Tukaraq.

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay soo weerartay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda hore ee degaanka Tukaraq.

Xukuumadda Puntland ayaa caddaysay in mas’uuliyadda dagaalkaas ay qaadayso Somaliland oo duullan joogta ah ku haysa degaannada Puntland,sida War-saxaafadeedka lagu xusay.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargelisay in ay garab istaagan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Somaliland,waxaana si gaar ah loogu boorriyay shacabka gobolka Sool in ay u diyaar garoban difaaca dalkooda iyo karaamadooda.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka.

Saxaafadeedka.jpg?resize=742%2C960

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo Somaliland ku eedaysay dagaalka dib uga qarxay Tukaraq. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this