Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Puntland oo war cad kasoo saartay dagaalka culus ee ka socda Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Iyadoo uu dagaal culus ka socdo deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalkaasi goordhow soo saaray Maamulka Puntland.

Qoraalka ku saabsan dagaalka ee kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay Puntland u cadeyneyso in saakay abaare 05:30 ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidanka Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq.

Puntland waxay qoraalkeeda ku sheegtay in masuuliyadda dagaalkaas ay qaadeyso Somaliland, islamarkaana Puntland ay difaaceyso dhulkeeda iyo dadkeeda.

Waxa ay Puntland ku sheegtay qoraalka inuu muqadas u yahay dagaalka ay ku difaacaneyso dhulkeeda sidaa aawgeedna ay sii wadi doonaan dagaalka inta ay kasoo ceshanayaan dhulka laga faramaroojiyay.

Dadka deegaanka ayaa u martiyey Dagaal leysu adeegsanaayo Hubka culus iyo Dabeylo xoogan oo Duufaano wata.

pp.jpg?resize=696%2C885&ssl=1

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this