Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan caawa la toogtay iyo mid kamid ah Ilaaladiisa oo la dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland halkaasi lagu dilay.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xildhibaanka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Macalin Daahir ay toogteen maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado xili uu ku sugnaa banaanka Hotel uu leeyahay ee Clasic ee Waqooyiga Magalada gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa marka hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaal ku yaalla magaalada, iyada oo markii dambe dhaawacii soo gaaray u geeryooday.

sidoo kale weerarkan waxaa lagu dilay askari ka mid ahaa ilaalada xildhibaanka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Geesta kale, Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay ragga toogtay xildhibaanka in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, ciidanka ammaanka Puntland-na ay ku daba jiraan, gacantana lagu soo dhigi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this