Deeq A. Posted May 23, 2018 Xildhibaan Cabdixakiim Daahir Macalin oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa caawa kooxo hubeysan ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Xildhibaan Cabdixakiim ayaa lala dilay mid kamid ah ilaaladiisii, waxaana dilku ka dhacay agagaarka Hotel Clasic ee magaalada Gaalkacyo, sida uu PUNTLAND POST u sheegay qof goob joog ahaa. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobtii falkaasi ka dhacay ka baxsaday, waxaana meydka Xildhibaanka iyo askarigii la socday la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland ka taliso ayaa marar badan waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo inta badan ay sheegtaan Al-shabaab. Wixii warar ah oo ku soo kordha dilka Xildhibaanka kala soco PUNTLAND POST. The post Xildhibaan ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites