Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshaha Imaaraadka ee Soomaaliya iyo sida lama filaanka ah ee uu qeyb ahaan ku fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya haysata ayaa ah halka ay dunida kaga taal, oo ah meel aad iyo aad muhiim ugu ah isu socodka gaadiidka badda. Ka sokow taas, Soomaaliya waxay leedahay xeeb aad u dheer oo kheyraad alle uu ku maneystay.

Soomaaliya oo qaran ahaan dib u hana-qaadda, waxay dhibaato ku tahay dalal badan. Kuwa deriska, waxay ka baqayaan inay dib ugu sheegato dhulalka ka maqan, qaarkoodna waxayba hadda hamiyeen baddii. Kuwa kale ee aan xuduudda la lahayn Soomaaliya, sida Imaaraadka Carabta, waxay u arkaan in Soomaaliya ku tahay halis dhaqaale.

Maxay ka cabsanayaan Imaaraadka?

Inkasta oo Imaaraadka lagu tiriyo dalalka hodanka ku ah saliidda, haddana xaqiiqda ayaa ah in kaliya 5% dakhliga dalkaas uu ku tiirsan yahay saliidda. 95% dhaqaalaha Imaaraadka wuxuu kasoo galaa ganacsiga, gaar ahaan dekadaha, oo xarun ama marin ay kasii gudbaan u ah alaabta la geeyo dalal badan oo Carbeed iyo kuwa Afrikan ah oo u dhow.

Haddii Soomaaliya ay noqoto dal dhisan, oo dekadihiisu shaqeynayaan, waxay halis ku tahay Imaaraadka, maadaama Soomaaliya ay ku taal meel ka muhiimsan Imaaraadka Carabta, dhul ahaanna aad ay ugu weyn tahay Imaraaadka.

Goorma ayay billaabatay cabsida Imaaraadka?

Kuwa sheegta inay caawiyaan Soomaaliya ee reer galbeedka, marna daacad kama ahayn, sidaas darteed Imaaraadku marna kama wel-welin in Soomaaliya ay dib qaran ay u noqoto. Hase yeeshee taasi waxa ay is-beddeshay markii Turkiga uu yimid Soomaaliya.

Turkiga wuxuu muujiyey wax qabad dhab ah. Wuxuu dhisay iskuulo, garoomo diyaaradeed, iyo tan ugu walaaca badan Imaaraadka oo ah dekado. Markaas kadib Imaaraadku waxay dareemeen in Soomaaliya ay rajo leedahay, waxayna durba billaabeen faro-gelin.

Sidee Imaaraadka ku yimid Soomaaliya?

Imaaraadku waxa uu Soomaaliya kasoo galay halka ay ugu baylahan tahay, oo ah inuu ka taageerayo dhanka amniga, tababarka ciidamada iyo mushaharkooda. Intaas kadib wuxuu si tartiib ah ugu milmay siyaasaddii, kadibna ciidankiisa waxay noqdeen calooshood u shaqeystayaal ayaga un ka amar qaata.

Waxaa xusid mudan in Turkiga marna uusan faro-gelin arrimaha siyaasadda Soomaaliya, uuna si isku mid ah ula dhaqmo qof kasta oo madax ka noqda dalka, tusaale Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii uu Imaaraadka faro-geliyey siyaasadda Soomaaliya, wuxuu isku dayaye inuu fuliyo laba qorshe, oo midka kowoaad yahay in la helo madax maamul goboleed, oo isaga hoos-taga, iyo madaxweyne guud oo magac u yaal un ah. Qorshaha koowaad waa hir-galay, kii labaadse weli waa lagu guuleysan la’yahay.

Taas waa tan siyaasadda, balse waxa uu Imaaraadka sidoo kale isku dayay inuu dalka qabsado awood ahaan. Tusaale, wuxuu qorsheeyey inuu 8,000 oo askari oo ka kooban afar guuto ay u joogaan Muqdisho, si haddii siyaasadda shaqeyn weyso awood uu ugu maquuniyo. Ogow, ciidamada waxay wataan magacyo badan, qaarkood waxay ku magacaaban yihiin milatariga Soomaaliya, haddii xal kale la waayana waxaa loo rogi karaa hab qabiil, sababtoo ah odayaal qabaa’il oo badan oo Imaaraadka biil ka qaata ayaa jooga.

Wuxuu sidoo kale xarumo ciidan ka sameystay Jubaland iyo Puntland, halkaasi oo uu ciidamo ku tababarayo.

Dhinaca Koonfur Galbeed, wuxuu usoo diray nin Mareykan ah oo ayaga xiriir la leh oo lagu magacaabo Eric Prince, oo madax ka ahaa shirkadda Blackwater, kaasi oo ciidamo calooshood u shqeytayaal ahu diyaarinaya Imaaraadka iyo Shariif xasan.

Muxuu yahay qorshaha guud?

Qorshaha guud ee Imaaradka ayaa ah in marnaba Soomaaliya aysan noqon qaran isku filan, balse ay ka jiraan maamullo ayaga hoos-taga iyo dowlad dhexe oo aan dhaafsiisneyn Xamar, siyaasad iyo ciidan ahaan, inataba, dalkuna ku jiro sidaas muddo fog.

Heshiisyada ay la galeen maamullada, waxay sidoo kale ka gacan siineysa inay gacanta ku hayaan dekedaha dalka illaa 30 sano, sida Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, taasi oo meesha ka saaraysa helistii uga iman lahayd dekedaha Soomaaliya.

Si dhibaatada dalka usii socoto, waxay sidoo kale dhanka dhaqaalaha si dadban uga taageerayaan Al-Shabaab, ayaga oo iibsanaya dhuxusha, oo ah halka kaliya ee Shabaab dhaqaalaha ka hesho, inkasta oo QM ay mamnuucday dhoofka dhuxusha Soomaaliya.

Yaa fulinaya qorshaha Imaaraadka?

Qorshaha dhanka maamulo goboleedyada, Imaaraadku wax dhibaato ah kalama kulmin, oo waxay madaxdoodu noqden kuwa ay ku filan tahay lacagta, oo aan wax dan ah ka lahay aayaha dalkooda, iyo mustabalka jiilka soo koraya.

Marka ay noqoto dowladda dhexe, Imaaraadka waxay qarash badan ku bixiyeen xilligii doorashada in Cumar Cabdirashiid ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur midkood uu noqdo madaxweyne. Labadan siyaasi, oo horey u iibsaday badda Soomaaliya, ayay ogyihiin inaysan lahayn wax damiir iyo dadnimo ah, oo dollar-ka uu uga weyn yahay wax kasta.

Inkasta oo qorshahaas fashilmay, haddana Imaaraadka weli lacag ay ku bixiyaan labadan siyaasi, si gaar ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madax ka ah olole xooggan oo malaayiin dollar lagu bixinayo, oo ka dhan ah dowladda hadda jirta.

Maxaa fashiliyey qorshihii Imaaraadka.

Guushii doorashada ee madaxweyne Farmaajo, waxay fashilisay qorshihii Imaaraadka qeyb ahaan, waayo marnaba ma aysan fileyn inuu madax noqon doono. Waxay rumeysnaayeen haddii Cumar Cabdirashiid ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur la waayo, inuu soo laaban doono Xasan Sheekh, oo ay la macaamili karaan.

Markii taas ay dhici weysay, waxay aamineyn in Farmaajo yahay Soomaali kale, oo lacagta ay ka adag tahay, ayna siyaasad ahaan beddeli karaan. Waa ay ku guul-darreystaan hamigaas, waxaana khilaafka labadada dhinac gaaray inay dalka ka baxaan, oo ciidamadii ay ku haysteen Muqdisho la kala diro, ama lagu daro ciidamada kale ee dowladda.

Maxaa hadda yahay xaalka Imaaraadka?

Imaaraadku weli kama quusan inay Soomaaliya kusii jirto xaaladda hadda ay ku sugan tahay. Inkasta oo qorshihii weynaa ee ahaa inay gacanta ku dhigaan hoggaanka dalka uu fashilmay, haddana weli waxaa hoos taga dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Ayaga oo ka gudbaya xeerarka caalamiga ah, ayay heshiisyo been ah kula wareegeen dhowr dekeadood, iskana dhego tireen dowladda federaalka, inkasta oo dastuurka dalka uu qorayo in dowladda dhexe ay maamusho dekedaha, garoomada diyaaradeed iyo dhammaan xuduudaha dalka.

Waxay adeegsanayaan lacag aad u tiro badan, oo ay ku abuureen mucaarad badan, oo isugu jiro xildhibaano iyo siyaasiyiin uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo isna qortay dhallinyaro baraha bulshada ka jahwareeriya shacabka, oo dhowr kun oo dollar bishii loo qoray.

Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed?

Shacabka Soomaalida, waa inay ogaadaan in sida kaliya ee dalka lagu bad-baadin karo ay tahay isku duubnaan. Waa inay fahmaan in qabiilku yahay wax aan jirin oo ay ku adeegtaan siyaasiyiinta xil doonka ah iyo kuwa u adeega danaha dalalka kale.

Waa inay fahmaan in mucaaradnimada dowladda iyo bad-baadinta dalka a kala tahay laba arrrin. Dowlad waa la mucaaradi karaa, balse ma ahan inaad dalkaada mucaaraddo. Waa in dadku ogaadaan in dowladda hadda jirta ay tahay mid joogaysa waqti kooban, balse dalku weligiis jirayo, sidaas darteedna ay dalkooda bad-baadsadaan.

Waxaa macquul ah in kuwa badan ay taageersan yihiin Imaaraadka, ayaga oo aan fahamsaneyn waxa socda, ama ay marin habaabiyeen siyaasiyiin lacag la siiyey. Haddaad rabto inaad ogaato in Imaaraadka daacad ka yahay taageeridda Soomaaliya, waxaad la bar-bar dhigtaa Turkiga. Tukriga ma faro-geliyo arrimaha siyaasadda dalka, lama wareegin dekado, ma sameysan ciidan u gaar ah oo aan dowladd hoos iman, lamana macaamilin oo dalkooda uguma yeerin madaxda maamul goboleedyada. Maxaa intaas looga heli waayey Imaaraadka?

Faalladii Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this