Deeq A. Posted May 23, 2018 Amarka ee uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland oo ka kooban 6 Qodob ayaa kala ah:- 1-Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban isticmaalka iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda. 2-Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3-Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool. 4-Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile. 5-Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon. 6-Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkaan. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in cidii ka hor imaadaa amarka ay muteysan doonto cawaaqiib looga abaalmarin doono amar diidada. Quote Share this post Link to post Share on other sites