Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Muqdisho.

Xalay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in madaafiic kale oo culus ay ku jawaabeen, gaar ahaan jihooyinkii looga soo riday.

Dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya inay xalay maqlayeen madaafiic culus oo la isku ridayay, kaasoo cabsi badan ku reebay dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar saldhigyada ciidan ee AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda ku weerara madaafiic hoobiyeyaal ah.

Dadka ku nool Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in xalay ay siweyn u maqlayeen dhawaqa madaafiicda la isku ridayay,isla markaana ay cabsi soo wajahday,waxana lagu soo waramayaa in xaalada ay iminka tahay mid degan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this