Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukunno adag ku soo rogtay ciddii gacan-siisa Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Difaaca.png?resize=811%2C520

Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa go’aanno cusub ka soo saaray mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannada Sool,Sanaag,iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland iyo sidoo kale ciidamada u dhashay goboladaasi ee ka tirsan Somaliland.

Go’aannadaan oo u badan xukunnada ay mutaysanayso ciddii lagu qabto,gacan-siinta Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in abaal-marin la guddoonsiinayo cid kasta oo Puntland isu soo dhiibta muddada uu socdo dagaalka u dhexeeya labada dhinac.

Xukunnada uu guddigu soo rogay ayaa waxaa kamid ah in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland,ama jaajuusnimo ula shaqeeya,sida ku xusan qoraalka.

Qoraalka uu soo saaray guddiga difaaca Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dowladda Puntland ay la wareegayso dhammaan hantida uu leeyahay qofkii maamulka Somaliland ku gacan-siiya dagaalka kala dhexeeya Puntland .

Guddoomiyaha guddigaan ahna,Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay go’aannadan.

Sidoo kale Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay go’aannadan iyo xukunnada ay xambaarsan yihiin ee lagu soo rogay ciddii lagu helo in ay Somaliland ka gacan-siisay dagaalka.

Halkaan ka daawo Muuqaalka oo dhammaystiran.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland oo xukunno adag ku soo rogtay ciddii gacan-siisa Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this