Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo weli ku howlan xirista Garoomada Muqdisho & Garoomo hor leh oo la xiray  

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda qorshaha ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku xirayaan garoomo badan oo ay ku cayaaran dhalinyarada magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada al-Shabaab oo horay amaro ugu soo rogay Garoomada ayaa iminka mar kale soo cusbooneysiiyay, waxa ayna guda bisha ramadaan al-baabada u laabeen Garoomada ugu badan.

Garoomada bisha ramadaan lagu xiray Amar ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Garoonka Kubadda Cagta ee ku yaalla Xaafadda Shiirkoole ee Degmada Hodan.

Garoonkaan oo si wayn dadka ay u garanayaan, ayaa dhalinyaradii ku ciyaareysay waxa ay sheegen in albaabada leysugu dhuftay, kadib hanjabaado iyo amar kasoo baxay al-Shabaab.

Maamulka Garoonka oo maalmihii ugu danbeysay ay soo waceen maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa lagu wargaliyay in Qaraxyo lala eegan doono Garoonka, waa haddii aan la xirin.

Garoonkan oo sanado badan dhalinyarada ay ku ciyaari jireen ayaa ah markii ugu horeysay oo Shabaab ay xiraan, iyadoo halkaasi uu ka socday tartan kubadda Cagta ah oo ay wada ciyaarayeen dhalinyaro kala duwan, kaa oo lagu soo xiri lahaa Bisha ramadaan.

Maamulka gacanta ku haya Garoonka, waxa ay sheegeen in Shabaab ay u soo direen Taleefoon laguna wargeliyay kaliya inay xiraan Salaxa, loomana sheegin sabab kale.

Garoonkan ayaa noqonaaya kii ugu danbeeyay ee gudaha asbuucaan lagu xiro amar kasoo baxa maleeshiyaadka al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhaqaale xoogan ku raadineysa dib u furitaanka Garoonkan iyo Garoomo kale oo ay horay u xireen, sababo dhaqaale aawgood.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia oo gacanta ku heysa magaalada Muqdisho, ayaan weli ka hadal amarada Shabaab ee lagu xiray Garoomada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this