Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir degdeg ah oo Guddiga difaaca Maamulka Puntland uga socda Madaxtooyada maamulka + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Sida uu kusoo waramaayo Wariyaheena waxaa goordhow magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka bilowday shir degdeg ah oo u dhexeeya  Guddiga difaaca Maamulka Puntland.

Shirkaan ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid al-baabada uu u xiran yahay oo ka socda Madaxtooyada maamulka, kaa oo go’aan hor leh looga soo saari doono dagaalka Tukaraq iyo Hanjabaado hor leh oo saacadihii lasoo dhaafay kasoo yeeray Somaliland.

Shirkaan oo wariyayaasha ay ka yihiin banaan joog, sida aan xogta ku heleyno ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Guddiga difaaca Maamulka Puntland, ayaa shirkaan kasoo saari doono qodobo kooban oo lagu xoojinaayo dagaalka ka socda jiida deegaanka Tukaraq, waxaana aad looga cabsi qabaa in go’aanka kasoo bixi doona shirka uu cirka kusii shareero Colaada ka taagan Tukaraq.

Wariyayaasha ayaa ku sugan banaanka sare ee Xarunta Madaxtooyada, kuwaa oo Guddiga difaaca Maamulka Puntland ka sugaaya qodobada shirka iyo inay jeediyaan War-saxaafadeed.

Guddiga difaaca Puntland ayaa maalin kahor waxa ay soo saareen in la mamnuucay in Gaadiid iyo Shacab intaba ay ku safraan wadada u dhaxeysa Garoowe  iyo laas caanood gaar ahaan aaga dagaalada ay ka jiraan ee Tukaraq.

Sidoo kale, Guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa ku howlan diyaarinta ciidamo hor leh oo laga soo kala uruurinaayo difaacyada dagaalka Puntland, kuwaa oo ku biiri doona dagaalka ka socda Tukaraq.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn qodobada kasoo bixi doona shirka Guddiga difaaca Maamulka Puntland oo hadda ka socda Madaxtooyada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this