Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo tallooyin cajiiba kasoo saaray amni darada kusii baaheysa magaalada Muqdisho (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia C/laahi Maxamed Cali ‘’Sanbaloolshe’’  ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii laga qaaday xilka ka hadlay sida ugu sahlan ee amniga looga dhigi lahaa  magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe, oo u waramaayay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowlada Somalia uu ka caawinayo tallooyinka wax tarka leh ee dhanka amniga.

Sanbaloolshe, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal qorsheysan loo helo amni leysku haleynkaro.

Sanbaloolshe, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay mid baaxadweyn oo aan lagu sugikarin qorsho aan wakhti laheyn, sidaa aawgeed la doonaayo in la helo qorshooyin dhanka amaanka ah oo ka fog kan iminka ay hiigsaneyso dowlada.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wakhti waliba yihiin kuwo u jooga fulinta talaabo waliba oo keeni karta amni darro, maadaama Shabaab ay xilli kasta isku dayaan fulinta falal lidi ku ah ammaanka.

Sanbaloolshe waxa uu yiri ‘’Amniga magaalada Muqdisho ma sahlanaa waayo Muqdisho uma koobna sidii hore wey baaxad weyntaha xiligaan waa in lahelaa amni iyo qorshayaal cusub’’

“Waxaa la doonayaa sugida amniga in laga soo bilaabo Shabellada hoose, qaasatan Afgooye, Lafoole Siinka dheer iyo dhinacaan Jazeera in la dhigo Koontaroolo badan’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Goobaha aan kor kusoo sheegay waa in la geeyo qalab sahlaayo gaadiidka qaraxyada wada in lagu ogaado’’.

Sanbaloolshe waxa uu sheegay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay kordhiso Koontaroolada Muqdisho iyo duleedkeeda, oo uu sheegay inay yihiin ciladaha ugu badan maadaama ay maleeshiyaadka halkaa kasoo rawaxaan.

Sidoo kale, waxa uu Sanbaloolshe intaa raaciyay inay muhiim tahay in Dowlada Somalia ay sameyso dhiiragelinta iyo abaalmarin lasiiyo ciidamada qabta shaqooyinka adag inay door ka qaadanayso qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Haddalka Sanbaloolshe waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay marti galineyso dilal ay si siman u geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this