Dabxire

Nomads
  • Content Count

    37
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dabxire

  1. ***Wadartii Haweenkaay*** (2)Wadartii Haweenkaad Gabaryahay waxdheertoo waxyahaagan simaniyo wajigaagan quruxda leh haaaaaaa wanaagaad udhalatayeee (2)Xiska weerargelisayee waxa nool adduunyada Adaan kugu werwerayaa warna iima hayside adaan kugu werwerayaa warna iima haysidee (2)Waanadeydan maqaloo haddii weyne nagu simo Jacayl aan wadaagnee aaa adna hay wax yeeleyn *** *** *** **** (2)Jaceylbaa iwada oo iwatee anigee iwalwaalanaayoo Kolna waaban maayee haaa wacadkii xasuusnow (2)Wehelkii Nafteydaay weedhaad tiraahdaa Wehelkii Nafteydaay weedhaad tiraahdaa Wadnahay kutaalaa warna iima hayside wadnahay kutaalaa warna iima hayside (2)Waanadeydan maqaloo haddii weyne nagu simo Jacayl aan wadaagnee aaa adna hay wax yeeleyn ***END***
  2. ***Tusmo*** (2)kuma koobi karo tiree hadaan taabto quruxdaada (2)todobkoo darooroo arlada tiixu wada gaadhey geeduhu taraareen nimcadu tog waliba buuxdo tafiirtii suleekhaan marwooy kugu tilmaamaa (2)wuu taaba galayaa kalgacal loo shin tiriyaaye (2)tusmo ila wadaag aaminaay waan ku tabayaayee *** *** *** *** (2)asluub loogu taliyey hadaan taxo amaantaada (2)tagsaniyo waxad tahay hablaha heer la tiigsado (2)caqli taamahoo qaba xishood lagu tidcaad tahey tayadii suleekhoo wakhtigan taagan baa tahaye jaceyl daacad tiirsadey ayaan abid tasoobine tusmo ila wadaag aaminaay waan ku tabayaaye By Awaale ***END***
  3. ***Samiiraay*** (2)Timo seynta gerigiyo sida geenya moodaa saatir kugu abuuroo waad suuro wacanteee (2)Markad socoto laafyaha sixun uma dhaqaaqdidee dhulka kama sanqadhisidee Allow saxay Tallaabadayeeee (2)Abidkey Samiiraaaay Kuma sahashanaayoo Wadnahaabad sudhantooo Saldhig aad kuleedahayeee *** *** *** *** (2)Midabaan saluugiyo Midna saxar xumaaniyo aan sakati gelinbaad macaaney udhalatee (2)sina aynigaagiyooo soomaali idilkeed midaan adiga kula simooo maan saarin Indhaheee (2)Abidkey Samiiraaaay Kuma sahashanaayoo Wadnahaabad sudhantooo Saldhig aad kuleedahayeee ***END***
  4. ***Waaashey gacalisooy*** (2)Walaashay Gacalisoy, Aakhiro wehel lama ahoo, Wakiil laysuma noqdoo, Wacaal laysuma hayee, Walaashey Gacalisooooooooooy (2)Intay wada nool yihiin, Hadday labo waajib iyo, Xaq weyn isku leedahoo, Waxuun ifka la isku taro, Waax iyo jiidh wada dhashoo, Wadaagga naftaan nahee, Walaashey Gacalisooooooooooy (2)Anigu waagii beryaaba, Wanaagaagaan jeclahay Wadeecaan ku la nebcahay, In cadow kugu wiirsadoo, Marnaba aad wiiqantiiyoo, War iyo ceeb ku lama rabo Walaashey Gacalisooy (2)Walaalnimadeenna iyoo, Jacayl wadankaa lahoo, Wadnahu wadar kaama dhexeeyee, Waheey waheey waheey isla garasho wacan. *** *** *** *** *** (2)Walaashay Gacalisoy, Waddada khayr toobaddiyo Wacane dhaqankiyo hiddaha, Ilaah hayna waafajee Walaashey Gacalisoooy (2)Wiil iyo caanoba noqee waxbaan kuu sheegayaa Adduunyadu waa wilwilad) Hijradu waa kala wareeg, Wacdaro baaxaa deggiyo Waleyl baa lagu jiraa walaashey Gacalisoooy Anigu waagii beryaba, Wanaagaagaan jeclahay, Wadeecaan ku la nebcahay, In cadow kugu wiirsadoo, Marnaba aad wiiqantoo, War iyo ceeb ku lama rabo, Walaalnimadeenna iyo, Jacayl wadankaa lahoo, Wadnahu wadar kaama dhexeeyee, Wahey waheey waheey isla garansho wacan. The Legend Ahmed Ali Egal ***END***
  5. ***Xabiibi*** Xurmo iyo Sharaf Xilkas iyo Aqoon Xishood iyo midii Xayada u Dhalataay Anoon Xoolo hayn Xubi taan wadaagnee Caydh ila Xarootee Xaaskeygii Noqotaay Sidii baan Xabiibi Weli kuu Xaq dhawraa Sidii baan Xabiibi Xumaan kaa ilaashaa Sidii baad Xabiibi Xile iigu tahayoo Wali kuu Xushmeeyaa *** *** *** Xuural cayntii Xiisaha kalgacal iyadoon Xumayn Tii ila Xambaartaay Xulashadii Haweenkaay Xaqiiqdii waxaad tahay Xog~Ogaalka Noloshiyo Xaragadii Nafteydee Sidii baan Xabiibi Weli kuu Xaq dhawraa Sidii baan Xabiibi Xumaan kaa ilaashaa Sidii baad Xabiibi Xile iigu tahayoo Wali kuu Xushmeeyaa *** *** *** Xidigyahay adaa Xarago iyo Qurux Xasil iyo wanaag Xaakim kuugu Deeqoo Xaraga jidhkaagiyo Xubnahaaga Yaab kaleh Markaan soo Xasuustaan Nafta xiiso galisaa sidii baan Xabiibi weli kuu xaq Dhawraa sidii baan Xabiibi xumaan kaa ilaashaa sidii baad Xabiibi xile iigu tahayoo wali kuu Xushmeeyaa ^^Lafoole^^ **END**
  6. ****Wax Dhintaad Ka samirtaa*** (2)wax dhintaad ka samirtaa rajo waa la dhawraa (2)wixii dhumeyna doon doon ayaad is dhiiri galisaa (2)dhaban ceel tegeyn baan geel ku dheel miyaayoo dhalan dhool haraad baan naf kadhiganayaaye (2)dhici weydey sidaan rabay dhaawaciiba dilaacyo waa dhababoobey jacaylkaan dheel dheelsenaayee *** *** (2)dhagax dhuunta kama dego dhaayahaad ku aragtaa (2)dhulka meesha dooga leh carabku maa dhadhamashee ana dhabanahaysiyo dhibtu wey igu badantoo dhidid iyo kuleel baa dhabanada ka da'ayee dhici weydey sidaan rabay dhaawaciina dilaacyo waa dhababoobey jacaylkaan dheel dheelsenaayee. ***END***
  7. ***Walee Xalay*** walee xalay xogtaan helay xam xamta iyo sheekada waxaan xiiso kuu qabay ku xaraamay jiifkii xajin waayey gogoshii markaan soo xasuustaba sidaad ii xumaysee xaakim waa ilaahay xagiisaan xigsanayaa adna goysay xadhigii ileen dumar xis malahee * * * * * ilaa xaawo idinkaa xaasid noo ahaayo noo bixiyey xagashee xaqa lama afduubee xagaad u xaglanaysee aad u xeebanaysaa armuu kugu xumaadaa xaakin waa ilaahay xagiisaan xigsanayaa adna goysay xadhigii ileen dumar xis malahee By Shey Mire Dacar
  8. **Tiriig** (2)sida Tuunyo iyo hawd Todobkii ku hooroo Gugii uu ku taagsadey (2)Tigaada isku fila iyo Maadhuba tis qaadeen ayaan kugu taamaa (2)tii kali aheeydee qurux lagu tilmaamaay (2)igu taran kalgacaloo ka talaabsan waayoo tahli waayey socodkee (2)Waanse kaaga tudhi laa Hadii uu ku taabee (2)iga tiiri caashaqa aawadaa tasoobee (2)Tiriig baxay la moodyeey xubna toosanaantiyooo xaragadaad la tiicdaa (2)tashi igu abuurtoo talaaboo daradaaaa ku caweeyey taahee tusaaladi jannada iyo tusmadii amaantaay (2)tabaalada daraadaa tiiraanyo ooyoo tagayoo ma joogee (2)waanse kaaga tudhi laa hadii uu ku taabee iga tiiri caashaqa aawada tasoobee By Hassan Adan Samatar
  9. **Dhoof** Jacaylkan I dhaawacey Jaceylkan idhalan rogey Jacaylkan idhaansadey Jaceylkii dhabta ahaa Soo dhawaatey halistii Markaad iga dhaqaaqdee Bal inaan ku dhiirado Dhexdaan xidhanayaa Malmal baan dhiteeysanee Dhoof nooli kulantee Ha dhalantaalin caashaqa Dhakso iigu soo noqo. * * * * * Dhaqaaq toobiyaha qaad Dhulku taago taago Dharaartuna dalaalimo Malaa igao ku dhawroo Wax ku dhiba ilaahey Kuuma soo dhaweeyee Gaadiidkana mid aan dhicin Dheeliyeen usii raac Dhakhso meel walba u taga Dhoof nooli kulantee Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso iigusoo noqo. By The Legend Kuluc
  10. Qurux Badanidaayeey (*_*) Qurux badanidaayee Qiimo weeynidaayee Qalbiguna ku jecelaa Qawlkaadu waa dahab Aan la quurikarinee Ala qaalisanidaa Kaa doortay Qayrkaa Laabteeydaan kugu qoray Ila qaybso noloshoo Kalgaceeylka ila qaad * * * * Ala qumanidaayee Qaayo weeynidaayee Ma qof kula midaa jira Niyadeeyda qaadoo Qancisay nafteeydee ma qof kula midaa jira Kaa doortay Qayrkaa Laabteeydaan kugu qoray Ila qaybso noloshoo Kalgaceeylka ila qabo
  11. Heestii Calanka Somaliweyn Qolabaa Calankeedu Duul waa ceynoo, Anagaa keenu waa cirkoo kala, Aan caadna laheyn een caashaqayee. Xiddig yahay cadi waad na ciidamisee, Carradaan kaligaa aad u curatee, Cadceedda sideeda caan noqo ee..... Aamiin Erayadan waxaa tiriyay isla markaana ku luqeyn jiray Allaha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Qarshe
  12. ~~Qalanjo~~ By Samatar Qoraxdoo aroortii Qaybisay falaadhaa aa Ama qaanso roobaad Daruur midab ku qarisay Qaymaheedii leeyeey Qof mid lama amaanoo Qalad looma heesee Qurayshtii haweenkaay Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Qofaalada jacaylkoo U qabiray naftaydaa Ilamaad qalaynino Waad ila qorshaysee Iga saartay qoolkii Qamandacada dushaydiyo Qamuunyadii i saarnayd Ilamaad qaxootiyin Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Haddaan qiro runtaydoo bowbaa Laabtayda qaadee Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo