Qandalawi

Nomads
  • Content Count

    2,331
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Qandalawi

  1. Amisom in Garowe aa? Huh? Anagaa yaab aragnay wax kasta miyaa la iska sheegaa. Hadii xataa ay oran lahayen Galkacyo ama Bosaso laakiinse the peaceful city of Garowe. Meel aan kumaqlay xataa in qof sakiin lagu saray ma ahan for years. Due where credit is, please. This small city is very peaceful town, it has hosted high profile events on many an occasion including the last Somali regional tournament that run for almost a month and nothing happened.
  2. Garowe Live:- Madaxweyne Shariif:- Road map-ka waa wadada kaliya ee aan Dowlad ku hanan karno.. Posted by Pi on December 21st, 2011 Shirka Garowe(pi) Madaxweynaha Soomaaliya oo hada khudbad dheer ka jeediyay sirka wada Tashiga Soomaaliya ayaa ku dheeraaday in Roadmap-ku yahay wadada kaliya ee Soomaaliya Dowlad aan kumeelgaar ahayn ku hanan karto. Madaxweynaha oo khudbadiisa ku bilabay mahad celin uu mahad celiyay Dowlada iyo shacabka Puntland ayaa sheegay inuu aad ugu riyaaqsan yahay Wadad Puntland ku taagantahay. Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la hergaliyo dastuurka lana meel mariyo, wuxuu ku booriyay Dowlad Goboleedyada inay fadhiga ka kacaan oo buuxiyaan sharuudaha laga rabo oo Roadmap-ka ama dastuurka cusub tilmaamayo. Madaxwyne Shariif wuxuu sheegay in Dowlada Kumeelgaarka ah ay ku qanacsantahay Qorsha Roadmapka iyo maamul goboleedyada inay buuxshaan sharuudaha laga doonayo. Madaxweyne Shariif wuxuu kaloo soo qaaday khilaafka baarlamaanka oo uu ku tilmamay mid aan loo baahnayn, una baahan in laga waantoobo lana raaco axdiga iyo Qorsha cusub. Madaxweyene Shariif wuxuu isna hoosta ka xariiqay in Caalamku uu diyaar u yahay in la garab istago qorshaha kasoo baxa shirkaan iyo in la adkeeyo oo la raaco Roadmap-ka. Hada waxaa lagalay nusaac nasasho ah. Puntlandi.com Garowe shirka Wadad tashiga Soomaaliya- Live from Garowe
  3. Garowe(Pi)Live: Shirkii oo furmay,madaxweyne Faroole oo shirka furay, khudbadihii oo qoraal ah Posted by Pi on December 21st, 2011 Garowe(Pi) shirkii Wada tashiga Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Garowe, Waxaa khudbad furitaan ah ka jeediyay Madaxweynaha Dowlada Puntland ee soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sh. MM Faroole. Madaxweyne faroole wuxuu kusoo dhaweeyay ergada shirka, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyhay in shirku sidii la rabay u bilowday uuna filayo in guul laga gaaro. Madaxweyne Caalim ayay ahayd inuu isna ku xigsado Madaxweyne Faroole lakiin wuxuu codsaday inuu khudbadiisa ka dhigto Jamcada, Waxaa xigay oo hadlay kuna dheeraaday Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mahiga, wuxuu ku bilaabay safarkiisii New york oo uu yiri “Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Mood wuxuu aad uga xumaaday dib u dhaca ku yimid shirka Garowe, wuuna kaniyad xumaaday arintaas, aad ayuu ugu hanwaynaa in Shirka Garowe dhaco, isaga kaliya ma ahan dadka ka xumaaday arintaas, Midowga Yurub iyo Caalamkakale ee daneeya arimaha soomaaliya iyana waa ka xumaayeen dib u dhiga shirkaan lakiin waa guul haduu maanta bilowday”. Mahiga wuxuu kaloo ka hadlay sadix qodob oo uu yiri waa muhiim aduunkuna waa danaynayaan in shirkaan lagu dhameeyo, sadixda qodob ayaa ah. 1- Shirkaan Garowe waa inuu dhalaa Dastuur Soomaali leedahay, qodobkaan sadix jeer ayuu ku celceliyay 2- Waa in la taageeraa Barnaamijka Roadmap-ka aana wadadaas laga leexan, lana joojiyaa khilaafka iyo tashuushka. 3- Khilaafka Baarlamaanka waa in shirkaan lagu xaliyaa si degd eg ah oo aan qalad dame kasoo noqon. Mahiga wuxuu hoosta ka xariiqay in qodobadaan ay yihiin kuwo muhiim ah. waa xalka kaliya ee hada la tiigsanayo ayuu yiri. Wuxuu kaloo sheegay inuu isagu Nairobi ku noqonayo uuna warbixin siin doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Nidoobay kadibnauu soo noqonayo. Waxaa isna hada hadlay Ra’iisalwsaare Gaas oo markii hore Engilish ku khudbeeyay kadibna soomaali u badalay wuxuu yiri” Waxaan si wayn ugu qanacsanahay shirkaan, Caalamka oo dhan indhaha ayay ku yhayaan shirkaan, waana muhiim in ay kasoo baxaan waxyaabo wax ku ool ah, Caalamku wuxuu usoo jeestay sidii Soomaaliya wx loogu qaban lahaa,Waxayna indhaha ku hayaan shirkaan Garowe, wixii kasoo baxana waxay noqonayaan tan inoo horseedaysa inaanka baxno jawiga aan hada ku jiro” Ra’iisal wasaare Gaas wuxuu u mahad celiayay Dowlada iyo shacabka Puntland oo sida qurxoon usuura galyay shirka. Waxaa hada hadlaya Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, markuu dhameeyo khudbeeyo ayaan idin soo gudbinaynaa wuxuu ku hadlo. Haka dheeraan puntland.com Puntlandi.com Garowe 3
  4. Ciidamada gaarka ah ee sida khaaska ah u tababaran oo ilaalinaya banaanka hoolka jaamacada ee shirku ka dhacayo, waxaa ciidankaan dhowaan lagusoo tababaray Adis Ababa
  5. Qayb ka mid ah Kooxda Musikada Ciidinka iyo horin Ciidanka difaaca ah oo salaan ka qaadanaya Madaxweyne Shariif oo shalay ku booqday Xerada 54aad.
  6. Sidee loo sugay Amaanka Hoolka Shirku ka socdo iyo guud ahaan amaanka magaalada, Amisom se ma joogtaa Garowe(Sawiro) Posted by Pi on December 21st, 2011 Garowe(Pi) Ciidomo kumayaal ah oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Puntland ayaa ku sugan Garowe iyo nawaaxigeeda, kuwasoo masuul ka ah amaanka Shirka Wadatashiga ee Garowe. Goobta shirku ka socdo oo ah Jaamacada PSU waxaa ku wareegsan Ciidanka Qalabka sida ee Puntland, iyo ciidanka amaanka ee sida khaaska ah u tababaran, waxaa weheliya Bileys. Jaamacada Gudeheeda Waxaa iyana jooga ciidan isugu jira dharcad iyo kuwo labisan, Hoolka shirku ka socdo waxaa jooga oo kaliya wafuuda shirka kaqayb galaya, saxaafada iyo qaar ka tirsan ilaalada khaaska ah ee Ciidanka abniga Puntland, qof aan kaar wadan jaamacada masoo gali karo maanta. Magaalada waxaa jooga iyana Cidian u badan dharcad, Kantaroolada lagasoo galo magaalada waxaa ku sugan ciidan dheeraada oo baaraya cida soo galaysa iyo cida ka baxaysa magaalada. Ciidamo Amisom ah ma joogaan Magaalada Labada shariif ayaa midkiiba waxaa la socda afar askari oo ilaaladooda khaaska ah, 8daad askari waxay hada ku sugan yihiin qol kamid ah qolololka Shirku ka socdo, sababtoo ah Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu codsaday inuu fasax siiyo 4 ta lasocota oo ay hotelkooda joogaan. Waxaa kaloo jooga dhowr sargaal oo iyana shirka ka qayb galaya matalayana wadamada ay kayimaadeen mana hubaysna. Ma jiraan Ciidan kale oo amisom ah oo jooga Puntland, Amaanka guud ee Shirkana waxaa gacanta ku haya Wasaarada Amniga Puntland . Sawiradaan hoose ee aad arkaysaan Waa qaybo ka mid ah ciidanka, dhamaantoodna waa cidanka Puntland oo qaybo kala duwan ah sida aad labiskooda ka aragtaan.
  7. Trade is understandable and it exists right now as we speak but what's with foreign relations. The Somali constitution says that any Somali born outside of the Somali republic including Kenya, Ethiopia and Dj territories has the right to live, acquire Somali documents and receive as much opportunities and rights as any Somali born in Somalia.
  8. Secessionism or Isgooniyeel is a sect like clan political cult and a belief that exists and thrives to this day; and not only a historic event that happened 20 years ago.
  9. I heard the editor of this website is SOLer, who is it? Mintid or Fartaag?
  10. High ranking TFG ministerial delegation led by Prime Minister Abdiwali Ali Gaas is expected to arrive Garowe tomorrow. Tune in for more updates and pictures Viva the Republic
  11. Garoowe:Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka warbixiyey Imaanshihiisa Garoowe, Amaanka Caasimada oo qaab cusub loo sugayo & Ergada shirka oo weli Garoowe kusoo gurmaya. 20. december 2011 APL Garoowe:(Allpuntland)-Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan oo maanta soo dhawayntii ugu saraysay loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa sheegey inuu ka qaybgalayo shirka Wadatashiga Tastuurka jamhuuriyada Soomaaliya oo Arbacada beri ah si rasmi ah uga furmaya magaalada Garoow ee caasimada dawlada Puntland halkaasoo caawa aad loo adkeeyey Amaanka guud ee caasimada Puntland meelaha qaarna lagu xiray Kaamirooyin laga daawanayo goobaha Amaanka lagu sugo lagana arkayo cidkasta oo Amaanka wax u dhimaysa. Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegey in Soo dhawaynta maanta loosameeyey ay ka turjumayso Nabad iyo Dawlad jacaylka reer Puntland kuwaasoo tan iyo markii maamulka Puntland la aas aasay ku mashquulsanaa raadinta Soomaaliweyn iyo isku keenista shacabka Soomaaliyeed oo kala tagay wuxuuna Gudoomiyaha Baarlamaanku sheegey in ay Puntland ku guulaystaya Ilaalinta nabadeeda iyo Maamul Wanaaga. Gudoomiyuhu wuxuu sheegey in shirka Beri garoowe ka furmaya uu yahay mid muhiim ah oo Dawladnimada Soomaaliya boos muhiim ah ka galaya isagoona sheegey inuu rajaynayo in ay qodobo wax ku ool ahi kasoo baxayaan shirkaas, Dhinaca kalena ergada dhinacyada Soomaalida ee shirkaas ka qaybgalaysa ayaa kusoo gurmaysa Caasimada Puntland ee garoowe iyadoona madax kale oo kasocda Dawlada Soomaaliya, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud, madax kasocota Midowga Afrika, Igad iyo Amisom la rajaynayo inay iyana waqtiyada dhow Garoowe soo gaaraan. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland Team
  12. LANDER;766359 wrote: This man suffers from a severe form of inferiority complex. Only a lesser man would fabricate stories and disrespect women in order to boost his self-worth. Recognize that and guard your own values by not indulging in the same foolishness. :D This is heading exactly as I imagined. Abtigiis boiling, to the maximum level, the blood of the secessionists. Loool.
  13. Shariif Xasan oo gaaray magaalada Garoowe Muqdisho: (Sh. M. Network) Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka anbabaxay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen magaalada Garoowe halkaasi oo lagu wado in bari uu ka furmo Shirka wadatashiga. Shariif Xasan iyo Wafdigiisa oo la sheegay in ay ka kooban yihiin 20 Xildhibaan ayaa waxaa la sheegay in si weyn ay magaaladaasi ugu soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Maamulka Puntlanad oo ka mid yahay Madaxweyne Faroole iyo dad kale oo shacab ah. Soo dhaweyn kadib ayaa Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweyne Faroole iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay Shariif Xasan in uu ku faraxsan yahay in uu gaaro magaalada islamarkaana uu ka qeyb galo Shirka wadatashiga ee lagu wado in bari uu ka furmo Garoowe. Sidoo kale C/raxmaan Faroole oo isna dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Wafdi ka socda dowladda KMG ay soo gaaraan magaalada Garoowe oo uu sheegay in ay soo dhaweynayaan. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net
  14. It is dehumanizing women, and the best way to respect the dignity of somali woman is not to insult Suusle and Abtigiis, but to write petitions to the SNM leaders in Hargeisa and pressure them to cancel pimping as official SNM political strategy. :D
  15. Lets hope this conference will be a turning point for Somalis and the country.
  16. ^Abtigis is blaming the men. What he calls the 'PIMP'
  17. ^Lol, haa waa ciidanka dumarka daraawiishta oo madadaalinaaya dumarka Soomaaliyeed.