Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Ictiraafkii waa duulay. Soo sidaas maahan JB?
-
wyre dadka inaad ka daba qaadato baad rabtaa...War dadka qaar baanba timo lahayn. What colour ku lahaa...
-
Che -Guevara;884667 wrote: lol leave the old man alone and honestly, I think adding her to the cabinet is bad ideas if she is or was dedicated secessionist. I agree with you Che. She should not be included.
-
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
Abwaan replied to xiinfaniin's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;884719 wrote: Anigu wali maan fahmin wuxu abwaan diidanyahay ma Axmed madoobe bu diidanyahay ma inay kibaaki saaxib yihin mise wuxu diidanyahay ciidamada shiisheeye. War ama cadaado haku dhasho ama dhooblay muhiim maha halkay hooyadi ku foolatay eh waxa muhim ah siyasadisa so far anigu wali wax mad madow ma arkin aan ahayn Axmed madoobe.. mamuul ba kismayo loo sameyey gudi ba loo saaray wax sharciga diidaya anigu ila hada ma arkin. XX, adiga Laascaano, Ceerigaabo iy Buuhoodle bal caddaalad iyo nabad ka abuur marka hore aan Kismaayo kaala sheekeystee....Dad dhan baad rabtaa inaad duugtid markaas baad rabtaa inaad Abwaan ma fahmin meesha la soo istaagtid. Waa gartaa maba i fahmi kartid waayo aniga Soomaalinnimo ayaan u doodayaa adiguna si Beeshaada Waqooyi degta Dowlad loogu aqoonsado baad rabtaa inaad Dadka Koofur deggan gooba-goobaysid taasna kaama siisan. -
lol...: Apo and XX, do you know he was trained in the US as an officer? Teeda kale madaxweynayaasha Africa gacan baanba u taagey. Xaaladdoodu waa noolow ma daaloow.
-
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
Abwaan replied to xiinfaniin's topic in Politics
Baashi;884663 wrote: War heedhe Xiinka aad quote-garaysay waxuu ka hadlay iyo halka aad la aaday is ma leh! Awoowe adoo raali ah bal ku yara noqo. Waa runtaa oo dowladu ma hana-qaadin wali. Misana waa runtaa oo dagaalkii ahliga in laga gubdaa kharku ku jiraa. Waa runtaa oo gobolku waa 10 million buu ka badan yahay. Intabu waa run. Balse hawsha miiska saaran waa sadex ciidan baa goob wada jooga. Islama socdaan. Qaar waa xulufo, badhna command & control bay wadaagaan. Rag baa wax qaybsanaya, waa isku jiffo, waxbay rabaan inay gaar u riixdaan. Iyagga qudhoodu heshiis ma aha misanna waxa u muuqdaa qaar kale oo aysan isku hayb iyo interest ahayn. Talo, go'aan iyo guddoon intaba waxa laga dhowrayaa madaxweynaha iyo resul wasaarihiisa. Haddii uu madaxweynuhu ka hor yimaado nimankan doonaya inay nidaam hoose sameystaan, qaabka iyo hannaanka ay u sameysanayaa iyo sida ay wax u qaybsanayaana u madax banaanadaan hadde su'aasha Xiin iyo Mukhtaar baa messha soo galeysa? Waxa imanaysa awoowe nidaamka kaa dhigay madaxweyne miyaad wax ka badaleysa after the fact . Taa waa qodob! Kan kale waxa weeye maxay tahay sharciga Somaliland, Puntland iyo Galmudug u ogolaaday in ay xaafadooda si hoose u maareeyaan una maamushaan oo u diidaya xaafada Jubba inay sidoo kale ay u madax banaanaadaan in iyagguna ay si hoose u falaxashaan oo gole ay u dhan yihiin heshiisnaku yihiin u sameystaan? Baashi ma waxaad leedahay Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Khaatumo ( I don't understand waxaad uga reebeysid:) waxaa garwadeen ka ahaa dowlado deris ah oo intaas oo sano daba ordayey. Anigu shakhsiyan waaban ka soo horjeedaa federaal qabyaalad ku dhisan, waxa Soomaaliya ka socda ee maamullada lagu sheegana waa maalayacni kulligood, Period. Ninyahow yaan la isku ciyaarin. Aniga Xasan Sh. carruur iima koriyo ee sharciga iyo nidaamka aad sheegeysid halla ilaaliyo. Sida ii muuqata hawshani Kismaayo ka weyn ee maa runta la isku sheego, inta ciyaarta la iska daayo. Axmed Madoobe waa nin Soomaali ah (oo weliba sidaan maqlay Cadaado ku dhashay haddii ay run tahay:D) oo waa runtaa xaq buuna u leeyahay inuu meeshan taladeeda wax ku yeesho laakiin in cajalad la soo gashto ma ahan oo uu iska dhaadhiciyo dadka masaakiinta ah ee aan hubaysnayn inuu talada ka marooqsado. Bahashu hadday marayso cidihii ku dagaali jirey baa ku heshiiyey USC/SNA iyadana maa talada wax laga siiyo illeen waan ognahay saamaynta ay ku yeesheen degaannadaane iyo meesha xaalkeedu gaarey muddooyin badan:D Intaas haddii aan kaftanka hagartu ku jirto uga baxo, Sheekooyinka hallaasiga qabiilka hallaga baxo again Kismaayo waa magaalo Soomaaliyeed not xaafad Kenya hoos tagta, Soomaalida ayaana inay u tashato habboon tahay, kaarkii Azania markii uu socon waayey baa update lagu sameeyey cidaan wax fahmeyn ma jirto. -
Cabdi Cawar being forced to leave boosaaso by Farooles admin .
Abwaan replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
XX, horta ninka cayda ka daa it is ok inaad soo qortid warbixin ama sax ha ahaato amase khalad. -
Naxar Nugaaleed;884582 wrote: This nonesense needs to stop, there far more real problems facing Somalia then imaginary capitals Well said Naxar Nugaaleed.
-
lol@XX aren't all of your leaders ambitious...? They will plan the Land card today and tomorrow they are somewhere else dancing with Somaliweyn group.
-
Sharif Ahmed-Temporary/Permanent Move to the U.S.
Abwaan replied to Mintid Farayar's topic in Politics
Jacpher;884645 wrote: GalMudug maa gabadh ka siiyay Boston area. Tii Gaalkacyo miyaa halkaan loo soo xawilayaa? -
Sharif Ahmed-Temporary/Permanent Move to the U.S.
Abwaan replied to Mintid Farayar's topic in Politics
Shariif waa raggeedii, siduu siyaasadda uga aamusay baan ka helay. Sidaas un haku wado markaas anigu waxba u qabsan maayo. Che, Soomaalida in la xukumaa waa arrin dhib badan ee ogoow. Qof ay rabaan ma jirto wax walbana muran bay ka keeni. I know badanaa xitaa haddii leader wanaagsanaado beesha ayuusan ammaan ka heleyn oo isku hareereynaysa. Ogow qofkana dacaayado badan ayaa laga fidiyaa, madaxweynihii cusbaa iyo R/Wasaarihiisii xitaa hadda waa fakan la' yhiin. Anigu Sharif waxaan ka mid ahaa dadkii rabey inuu tago haddana ma rabo inuu soo noqdo balse libtiisa uma diiddani. Sharif xilligii doorashadu soo dhawaatay beel waa lagu tilmaami karaa inay ku dhaweyd laakiin intii ka horreysey kolley anigu ma aamisani nin Soomaali ah oo xaafiiskiisa amase agagaarkiisa Soomaali badan oo kala geddisan lagu arko nama soo marin. Ninkaan was Aala-Shiikh and they were a political group taas ayaa u sahashey inuu xoogaa qabyaaladda ka koro. Xasan Sh. inuu waddadaas raaci doono ayaa laga yaabaa but it is too early to say anything about our president now. -
Sharif Ahmed-Temporary/Permanent Move to the U.S.
Abwaan replied to Mintid Farayar's topic in Politics
loool@Duceysane you might be saying that and aan kula kaftamee I might know why:D but let us ask Mooge and his camp, isagaa Xasan Sh. ka roonaa bay ku hayaan. Sharif wuxuu ahaa madaxweyne wanaagsan dadka laguma abaal dhaco. Khaladaad siyaasadeed wuu galay oo ay eedda badan leeyihiin la-taliyeyaashiisa laakiin nin rag ah buu ahaa, but I do not want him to come back. Calaf lama hor istaago welina wakhti baa u dhiman da' ahaan balse naftu meesha ay gaari lama oga. -
Jacaylbaro;884610 wrote: There is nothing more ...... even that was too much. JB, you haven't left anything, Fowzia-na waad u dhammaysay. I personally do not want her to be given to this post and I actually heard it is NOT her. Fowzia waa dictator taas waan kugu raacsanahay, balse waa gabar Soomaaliyeed and that might be what Duke is loughing about cause she once was a die-hard Somalilander like you are, and who knows that you will come to Xasan Shiikh Maxamuud next year asking to be named for xiriirka jaaliyadaha.
-
Sharif Ahmed-Temporary/Permanent Move to the U.S.
Abwaan replied to Mintid Farayar's topic in Politics
Che -Guevara;884630 wrote: Where did you hear this? lol Che, madaxweynaha soo dhawee ninyahow naga daa sheekadee. Che, Soomaalidu waa cajiib ma is tiri. Kuwii Shalay Sharif Axmed ka harsan waayey waxay leeyihiin maanta waa nin fiican oo durbaba way u darsadeen. Anigu waxaan qabaa let him enjoy his retirement. -
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
Abwaan replied to xiinfaniin's topic in Politics
xiinfaniin;884632 wrote: Iskuma dhex yaacin, adeer, ee ama mawduuca wax ku darso ama doc ka yeernimada jooji. Su'aasha meesha taallaa waxa weeye muxuu maamuul Kismaayo loo sameeyaa u dhimi karaa dawladda federaalka? Yaa mucaaradaya roadmapka, oo weli cuqdad ka qaba federaalka? Yaa ciyaartuu shalay shuruucdeeda ku guulaystay maanta raba in muraajaco lagu sameeyo? Jawaab adiga lagaama rabo, Abwaan. Imtixaanka ugu horreeya ee dawladda hor yaallaa waa Kismaayo Dowladda hadda ayaa weli dhisme ku socdaa, waan ognahay dad dano kale leh ayaa Kismaayo iyo sheekooyinkaas ku marmarsiiyoonaya. Xasan Sh. Maxamuud haddii uu ka leexdo waddadii uu ku dhaartay inuu dalka ku hagi waxaan noqonayaa dadka ugu horreeya ee ka hor yimaada laakiin horta fursad halla siiyo. Arrinta Kismaayo ma ahan mid sahlan marka ay faragelin ku hayaan waddamo deris ah oo raba inay qabaa'illada Soomaaliyeed soo kala dhaweystaan iyagoo danahooda khaaska ah fiirsanaya. Kismaayo waa magaalo Soomaaliyeed, Xasan Sh. iyo Saacidna ma leh, adna ma lihid anna ma lihi ee Soomaali baa leh, waxaana wanaaggu ku jiraa in la wada ilaashado. Waa dhab in degaanka ay qabaa'illo u badan yihiin balse ma ahan in kan is yiraa hub baa dowlad ku siisay amase ciidankeedaa ku taageeray uu iska dhaadhiciyo inuu dadka ka xigo. Ama halla wada dhisto amase talo xumo ayaa meesha imaan doonta. Dad baa weli is ceyr-ceyrsigii 90-gii aanba ka korin ma is tiri. War dalkaan waa naga badan yahay cadow iyo dhibaato dhexdeenna ka weyn baana na haysata ee aan taas aragno. -
Cambuulo iyo bun;884489 wrote: evry girl i try to talk to is dissing me:( wat should i do? Help needed!!!!!! :(:confused: go to Baadiye, no dissing there, specially That you are Mr. Diaspora.
-
Jacaylbaro;884574 wrote: . I don't even wana talk about her husband ,,, Does she have a current husband? or you mean Jeneraal Abuukar Aftooje (AUN)?
-
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
Abwaan replied to xiinfaniin's topic in Politics
xiinfaniin;884442 wrote: Come again Abwaan I am out of the loop these days, but from what I heard it is Somalia's current leadership that is dwelling on past politics. An admin in Kismayo should not cause such a fuss ... But once again you are Abwaan War waa isku dhexyaacday ninyahow oo Faroole baad la xanaaqdey. Annagaad meelahaan noo lahayd Roadmap baan taageeraa iyo I won. -
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
Abwaan replied to xiinfaniin's topic in Politics
xiinfaniin;884390 wrote: Apo, and Oba, I think someone who is unfortunately more interested in semantics than the substance of the article removed it. But I also understand rules no matter how illogical are there to be followed. Xiin mucaaradnimadiisa meel ay ka baxday baan la yaabay. Waryaa dadka 1990 haku celin:D -
Narniah;884129 wrote: ^I know so many who do, I lost count. lol...You mean the one that has beaten his former girlfriend andn changed her face? Is that how much they like a bully?
-
Samafal;884287 wrote: How would it be better? What do you know about Somali Community Organizations in London? They are blood suckers who claim money on poor people and keep it for themselves. This lady was among them and it will be disaster giving her any ministerial post. Samafal I agree with you that Those com. organizations(aren't they like that everywhere) are mostly may be 99.99% thieves...lol:D. Bye the way, I don't think this lady will be made a minister. At least according to anigu xogtaan hayo.
-
lol@Che, kan Dr. Osman Ilaah ha caafiyo.
-
Popular Contributors