Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Xitaa Cirkii Baa duceeyey !! W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com Muqdisho, Soomaaliya -------------------------------------------------------------------------------- 16-kii sano ee dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya, waxay dhibaatadu gaartay meel kasta, oo ay ugu horeyso bulshada, haddaba maqaalkan oo aan ugu magacdaray (Cirkii oo Duceynaya), waxa uu xambaarsan yahay arrimo fara badan, qof waliba waxa uu la yaabi doonaa waxa loola jeedo cirka duceynaya. Markii Maxaakiimtu qabsadeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka, waxay neefi ka soo fuqday intii dhibaato ka soo gaartay dagaalkii Sokeeye. Dadka Soomaaliyeed waa kuwo ay erey bixintoodu aad u sareyso, markii la eryay Dowladdii Max’ed Siyaad Barre waxa uu hubkii gacanta ku galay shacabka Soomaaliyeed, waxaana soo baxay suuq loogu magacdaray “Suuqa Cirtoogte”, waayo qof kasta oo tijaabinaya hub waxa uu u ridaa dhinaca Cirka. 16-kaas sano, cirka waxaa maalin walba lala dhacayay hub noocyadiisu ka duwan yihiin xanuunkaas cirku cid uu u sheegto ma garaneyn, waxaa maalin walba ka soo yeerayey cabashooyin uu bulshada kaga codsanayey in laga dhaafo hubka maalin walba lagu tijaabinayo. Cirka oo hadlay ayaa yiri “Maalintii iigu darneyd waxa ahayd maalinkii la saaray Max’ed Siyaad Barre, waxaa igu soo dhacay rasaas noocyadeedu kala duwan tahay hadba dhinac ayaan u boodaa, saqiir iyo kabiirba rasaasta way ila dhacayeen, ayagu farxad ayey muujinayeen anna dhibaato iyo waxyeelo ayaa I soo gaareysay, maalinkii xigay waxay ahayd oo xasuusta igu reebay maalinkii USC ay gacanta ku dhigtay Magaalada Kismaayo, waxaa I saaqay rasaas isugu jirtay kuwo guduudan iyo kuwo jaale ahba, maalin walba, waxaa is iraahdaa goorma ayaa ka baxeysaa dhibkaan iyo murugadaan, waxaa maalmahaas ka sii darnaa maalinkii General Caydiid loo magacaabay in ay uu noqdo Guddoomiyihii USC, waxaa is dhahaayey waa lagaa neefin doonaa hubka lagu ridayo, hase yeeshee USC halkeedii ayey ka sii miistay, iyagu way faraxsan yihiin, aniga waxaa I gaaray dhaawacyadii ugu cuslaa”. Cirka waa uu sii hadlay oo yiri “Waxa iigu yaab badnaa markii canug yar oo 11 jir ah loo dhiibay qori AK47 ah, waxaana u dhiibay Aabbihii, wiilkii ayaase ku yiri ‘Aabbe qoriga inteen ku ridayaa, waxa uuna ku yiri Cirka, waan naxay, oo waxaan iskula hadlay xitaa ilmihii yaryaraa kuma cafinayaan, hoogayoo iska dhintay, Ilaah ayaa mar kasta baryey, in uu dhibkaani iga du l qaado” “Waxaa iigu sii yaab badneyd markii iyana loo dhiibay qori M-16 Haweeney, iyadoo la dhacdhaceysa oo garan la’ meel ay u rido ayaa waxaa lagu yiri ‘Naahoow qoriga cirka ku seyri, wixii xumba ma xaawaa iska leh ayaa hoosta ka iri, waxaase niyadda iigu jirtay in Dumarku ka naxariis roon yihini Ragga, hase yeeshee qayb ku lahaayeen waxyeeladii la I gaarsiinayey, inkastoo ragga ay iigu badnaayeen oo iyagu habeen iyo maalinba igu soo fiiqayey hubka noocyadiisa kala duwan, Ducadeydii ayaan sii watay, waxaan mar kasta Allaah ka baryey in uu iga bixiyo dhibkaan igu gaamuray, Inkastoo aan ku soo koobi karini dhibkaas, haddana waxaan xasuustaa habeen ka mid ah habeenada oo dhinac waliba ay iiga soo dhaceen hub noocyadiisu ka duwan yahay, waa habeenkii uu bilowday dagaalkii afar biloodka ahaa, inkastoo hubka xoogiisu ku dhacayey dhulka, haddana waxaa isoo gaarayay hub aan ka yareyn midkii lagu waday dhulka, habeenkaas dhibaatada waxaa ila qaybsaday Dhulka, Geedaha, Xawaanaadka, Guryaha iyo Dadka, waxaana dhibkaan ku jirnay mudo dhowr bilood ah, mar is iri waan nasatay ayaa haddan meeshii laga sii Miisay dhibkii la igu hayey, dhinaca aan sida weyn uga sheeganayo waa dhankaa iyo suuqa laygu magacdaray ee Cir Tooge, halkaas oo aan si aad ah uga bislaaday, Ilaah Mahadiis maanta waan nastay, waxaana mahadeeda iska leh, Maxaakiimta Islaamiga ah oo gebi ahaanba mamnuucay in wax huba ah lagu dhex tijaabiyo bulshada Dhexdeeda ha yaraado ama ha weynaado”. Qof walba oo caqli u saaxiib ah waa uu la socdaa in hub lala gaarin ama lala Karin cirka, hase yeeshee dulucda sheekadeyda waxay tahay sidii aan dadka u dareen siin lahaa, dhibaatada baahsan ee ka taagenyd tijaabinta hubka, ee bulshada dhexdeeda loo isticmaalayey, dadkaas oo ay waxyeelo kala duwani ka soo gaari jirtay tijaabada hubka, sida naxdin, Shook, Argagax iyo Cabsi, waxaan maqlay ama la ii sheegay in Haweenay Uur leh oo laga dul riday hubkaasi ay ilmihii banaanka keentay, marka Cirku waxa uu ka taagan yahay Dadka Deriska la ah goobaha lagu tijaabiyo hubka, haatanna mahad balaaran u jeedinaya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, sidoo kale waxaa mahad tan la mid ah jeedinaya Dadka kale oo iyana uu gaari jiray dhawaqa rasaasta, Xayawaanaadka, Geedaha iyo Wixii kaloo la mid ah. Isku soo duuboo, Duceydii cirka illaah waa uu aqbalay oo maanta waad aragtaa in cirkii damaashaadayo, macnaha deggan yahay, urta rasaastana ka ammaan helay,
  2. Maxkamada islaamiga magaalada Baladweyne oo mamnuucday hubka in lagu dhex sito gudaha magaalada Baladweyne. Baladweyne, 28-October-06 Maxkamada islaamiga magaalada Baladweyne ayaa mamnuucday in hubka lagu dhex qaato ama lagu lagu tijaabiyo gudaha magaalada Baladweyne,waxa ayna u soo jeedisay hay'adaha samafalka in ay diiwaan geliyaan hubkooda si loogu sharciyeeyo. Tallaabadan ayaa waxa ay gacan ka gaysanaysaa sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Baladweyne oo haatan mid aad u wanaagsan isla markaana loo baabi'in lahaa muuqaalada hubeysan si hubka uu ugu soo haro gacanta ciidamada maxkamada islaamiga oo qura. Madaxa amniga iyo difaaca maxkamada islaamiga Baladweyne Amiin Barqadle Guure Amiin Daacad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay saldhiga booliska ee magaalada Baladweyne ayaa uga digay dadka rayidka ah in ay hub ku dhex qaataan gudaha ama ay ku tijaabiyaan hubka,isagoo ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay diiwaan gelinayaan hubkooda si loogu sharciyeeyo. Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi,waxa ayna sheegeen in ay sii xajinayso amniga iyo nabada haatan ka jira magaalada Baladweyne tan iyo wixii ka danbeeyay markii maxkamada islaamiga magaalada Baladweyne ay la wareegtay magaaladaasi.
  3. Masuuliyiinta Maxkamadaha Jubooyinka Hoose Oo Mamnuucay haysashada Hubka fudud Gudaha Magaalda Kismayo 19 Nov 2006 Guddoomiye Xigeenka Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolada Dhexe C/fataax Max'ed Cali, oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo iyo Gobolada Jubboyinka uu mamnuuc ka yahay ka Ganacsiga iyo Heysashada Hubka. Gudoomiye Xigeenka, ayaa sheegay iney dhawaan xafiis ka furi doonaan Magaalada Kismaayo, iyadoo dhaqaalaha uu ku fadhiyo hubka loo celin doono cidii iska laheyd ee xafiiskaasi keensada. C/fataax Max'ed Cali , waxa uu sheegay in qofkii raba in la ciidameeyo la soo dhaweynayo isaga iyo qorigiisa si uu ugu howl-galo. Mas'uulkaani ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay howl-galo hubka lagu uruurinayo magaalooyinka hos yimaad maamulada jubooyinka. Mas'uuliyiintaan ayaa qeybaha kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ugu baaqay, iney kala shaqeeyaan Amniga Magaalada Kismaayo iyo la dagaalanka hubka sida sharci darada looga heysto Gudaha Magaalada Kismaayo Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa la ogeyn iney noqon doonto mid ka hirgasha Gobolada Jubbooyinka, maadaama dadka halkaasi ku dhaqan intooda badani ay heystaan hub aad u fara badan. Bosasotimes
  4. loool...Duke anigaaba joogey markii ay dheheen qofkii xabbad kor u rido oo ummaddu ka seexan weyso waa lala kacaa wax yar ka dibna waa la xiray. Adiga dhib baa ku haysta Ciilka aad Yusuf Garaad u qabtid ee muxuu TFG idaacadda ugu furi waayey iyo Maxkamadihii Gaal iyo Muslim loo riyaaqay waxqabadkooda baa iskaga kaa khaldan oo aad isku dhex yaacisay. Do you think inay habboonayd inay magaalo kasta xukun baarashuut ku keenaan? I don't think inay taasi sax ahayd, waad ogtahay just Jowhar inay Maamul u magacaabaan inay wakhti dheer ka baaraandegeen and you know Banaadir inaysan ku degdegin waayo dhibka ka dambeeya ayey ogaayeen xitaa way xushmayn jireen Cadde Gaabow waayo ma aysan samayn cid hore ka bedesha! Ninyahow qandho ama feebare wax waan ka qaadi karnaa oo nici karnaa laakiin xaqiiqda yaan laga fogaan. Dekadda aad meelahaan masawirradeeda cut an paste ku samaysay iyo ayroboorka bilicdiisa la yaabay oo u xirnaa Maxamed Dheere, C/qaybdiid iyo Cali Mahdiga la leeyahay Soomaali buu nabad u keeni, Gacmadheere iyo inta Warlord ah waad ogtahay cidda FURTAY! yaa kale hee The UIC.
  5. looool@ India and South Korea toloow xuseen Caydiid maxay ugu magacaabi waayeen isagaa dhihi jirey shir baan u aadey intuu shir aan macne lahayn sida kuwa baadariyaasha ka qabygalo....What is the need for this now? don't you think in la iska daayo "Jago soo arkoo business" and dalkan talo fiican loo raadiyo? Tolow Fiji iyo Comoros ma reer Sweden baa dafi doona mise UK?
  6. Duke saaxiib waxaan aad ka hadleysid Cusbo ayaan u arkaa, what is the point haddii raashinkii dhammaa ee cusbada lagu dari lahaa uu maqan yahay? Cusbo maa la cunaa? Let me correct you TFG horteed baa cirtoogte loo dhammeeyey and it was the UIC remember. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Haruub ninkii lisay la ogyahay, ninkii sidi lahaa ha sido"
  7. No wonder in daacuun iyo cudurro aan la aqoon dalka ka dillaaceen and guess what I have seen this tree which has conquered the whole city oo Soomaali badani iska dhaadhicisey maraykanka ayaa deliberate ugu beeray in 90s. Anigu waxaan is leeyahay waa geed uu Ilaahay sabab uga dhigay inuu soo haajiro cagta dad dibedaha ka yimidna soo raacay oo si dhakhso ahna u fiday.
  8. Originally posted by The Duke: ^^^We agree on more points than we disagree brother. Somalia has lost a generation of people and time for nothing other than our own failures. Now its time to move on, insha Allah we will get out of this hole that we dug. One has to build on what ever he has. This government is only tranistional, we need to built upon it. Duke I am glad you see things this way now, but yaanaan weli isku raaxayn I don't beleive wax transitional la dhaho inay meeshaan yaalaan. Abdullaahi iyo Geeddi iyo odayaashaan la wada midka ah ee amxaaradu meesha keensatay durbaanka qabiilna lagala daba ordayo inay tegayaan ma aaminsani Ilaah inuu na dhaafiyo maahane. Where is the dastuurkii la dhahay within two years baa lagu diyaarin? I am sure inaan qalin iyo warqad Baydhabo iyo Jowhar laga waayin... inta Barasaabyo la magacaabayo, loosers Western World dhooban ay Soomaaliya ugu ordayaan aan safiir soo helo ama Envoy aan dhammaan iyo Agaasime, geel-jire laga dhigayo kornayl geeljireyaal kale oo la leeyahay waa la dhaqan celiyey iyagoon xitaa bil tababar ah qaadan madax looga dhigayo, ruufiyaan kasta oo amxaaro u shaqeeyey jago muhiim ah abaal-gud looga dhigayo...arrintu ma dhawa!
  9. Baga horta sandaqadahaas foolxumadooda iyo qaabdarradooda halla fujiyo. Do we know that Suuqa Bakaaraha inaad ku dhex lugeysid ay kugu qaadanayso saacado halka waagii adduun adduun ahaa laga soo billaabo dhinaca cowska iyo qoryaha lagu dejiyo illaa geeska kale ee baaskiillada lagu kireyn jirey ay kugu qaadaneysey wax yar. I know in nabadgelyo xumo ay keentay in dadku Bakaaro keliya ku soo uruuraan, laakiin arrintu duruuf un waa ka weyneyd. Qofba meeshuu rabo ha iska dhistana waa ku jirtey meesha. I hope in Suuqa Xamarweyne oo last year markii UIC waddankaan nabadda u horseedday awal baan warlords caqligaan lahayne ay bilicdiisii soo if-baxday dadka loo ogolaado inay ka ganacsadaan oo dadkaan jiingadda gacmahooda ku diiraya aan bannaan cidlo ah loo dirin cause they deserve inay nolol helaan. Waxaan ka baqayaa in kuwa amxaarada u adeegaa ay doollar iyo laaluush dhahaan hannaloo keeno...oops Geeddina waa joogaa bal yaanan xasuusin hadduu leeyahay Fanaxleey mid la dhaho baan suuqa Xamar Weyne madax uga dhigay!
  10. Originally posted by The Duke: Abwan you have some point there, though this is the beggining. Though the Somali's seem not to want to get their hands dirty. Duke to be honest inaan isku raaxayno ma ahan we have to be self-critic. Including MYSELF dadkeenna waa laga yaabay...Barwaaqo aan jirin inaan iskugu raaxayno maahan. I don't think we can cover this on a keyboard, Somalia has a looooooong way to go. Ilaahoow jidka noo soo gaabi oo jid khayr qaba nooga dhig. You know the first important think is to be confident on ourselves and think that we have to get out off this mess by just innagoo Soomaali lee ku xisaabtamayna Ilaahna talo saaranayna.
  11. Originally posted by nuune: lool Abwaan, ma ila aragtey sawirkaas, xata qumaati uma saarna baabuurka, sidii rah iyo anyax bey is dul saaranyhiiin, ma jawaano masagaa maxaa is dul saarey! loool...nuune saaxiib aaway dhaqan celintii la lahaa kuwaan waa soo mareen...mise many of them were forgiven! lol you know musuqmaasuqa Somalida ...kornayl hebel...ina abtiday baa ilmo u dhashay...wasiir hebel is used to be my neighbour...oh the most common one... Kabtan dafaaye waa CIDDA nooh! Ilaahow Soomaali adigaa u maqan ee silicaan naga saar iska saari weynaye... Ninyahow masawirka waaba ku noqnoqday rah ma ahane wax kale maba moodid...I feel shame inaan kuwaas Somali isla nahay. The poor Ugandans must be thinking...War dalkaan dadkiisii aaway?
  12. It is sad kuwii Soomaalida ahaa inay baabuurta sidii koronkorradii saaran yihiin, halka Ugandans ay jidadkoodii nadiifinayaan. Haddana ma waxay dhihi doonaan Ugaandhays baa lacag ku soo qaatay inay dhulka nadiifiyaan ee yaan loo dhaqaaqin? Unfortunately this phrase was famous for many years! And where are those famous images during the UIC where local women used to gather for the clean up of streets...Ah I know why, they were wearing indho-shareer which is now not allowed in this area I guess and Also the mines...waxay ka baqayaan in qashinku uu ku noqdo beer miino oo rag meeshaan ka abuurteen.
  13. Originally posted by TheSomaliEconomist: ^^ Alright but first I'd like you to provide the source for your heroic message. Then you want inaad shilimaad iyo waxaad sharaf moodey ku raadsatid?@lol Waxaan maqlayey Maxamed Dheere oo leh 5 milyan baan dhiibayaa...toloow xagguu lacagta ka keeni?
  14. Maxamed dheere oo sympathy raadsanaya...I thought he was the one that started this masar-dafoow and xayuubis business in Jowhar!
  15. Kismaayo fogaan badanaa oo weli lama tegin miyaa?...oops yaan waxaas amxaaro igu maqlin hadday intay maraykankuna sidoodii geel baabi'iyaan dhihi doonaan argagixisaan laynay!
  16. Originally posted by The Duke: ^^^You used to even defend warlord/court Indacdae claiming he was fighting for the faith while he occupied a whole region. Duke a leapord never change spots. When will you stop allegations? I never did and will not support Indhacade or anyone else to rule degaan by force. Do you think I am like you? Who thinks that Puntland which for you is a qabiil aad shaar huwisey (sidaad adigu qiratay) have the right to disarm from Raskamboni to Rascasayr? and call the rest of Somalis who oppose this moooryaan and terrorists? If you need examples and proof...CADAADO is one of them, so is KISMAAYO,DHAHAR, and many more like places. Adigaaba hadhoow dhihi doontid Puntland baad necebtahay waxaanse ku leeyahay anigu qabiil Soomaaliyeed ma nebci waayo dadka lama Generalise-gareeyo balse xaq-darro waan ka soo horjeedaa. Adigana kolleey iyo koox kale oo yar oo sidaadoo kale ah waxaad Puntland u taqaaniin iyo waxa dadka kaa badan ee dhistay u yaqaannaan waa kala duwan yihiin.
  17. Originally posted by NGONGE: Is Peru gone? loool....Somaliland is still vacant...lol
  18. Originally posted by The Duke: ^^^Again all you do is complain, you skirt around the issue and you even claim that the leadership of a whole region is less important than treating some patients in hospital. Ha isku deyin inaad iga dhex hadashid aniga sidii jinkii oo hadal aanan dhihin aad iga sheegtid.... shaqo kastaa waa muhiim xitaa kuwa jidadka markay xirmaan baabuurta muraayadohooda dhaqa. Is it wrong to say that the man might suit more to cure patients in hospitals ay dad masaakiin ahi ku silceen. Are you telling us gobolkaan dhan dadka xitaa degaan ahaan ka soo jeeda malahan qof kale oo shaqadaan qaban kara. Plus horta degaannada Soomaalida dastuur-ku-sheegga TFG ma qorayaa in loo magacaabo barasaabyo and even bring some with parachutes?
  19. Waa iga dhab haddii aniga talo la iga maqlayo waxaan dhihi lahaa Cadde Soomaaliya oo dhan madaxweyne hallooga dhigo oo C/llaahi Boosaaso u cesha, waan ogahay dad badan oo awalba qabiil ku taageerayey Yey ma murmayaan. Sababta aan anigu ku doortay waxay tahay intaan ka aqaan ma ahan nin ummadda Soomaaliyeed inuu xasuuqo dalkana gato u soo taagan. This Guy Cadde is Daacad, remember markii Maxkamaduhu inay Puntland qabsadaan ku dhowaadeen ee uu Sh. C/qaadir ku yiri isagaan talada la wadaagayaa ee uu dareemay in dalka isbedel ka soo muuqdo...Waan ogahay halka maanta xaalku marayo lama helayo qof dhinac walba ka miisaaman in Soomaali doorato marka atleast xitaa xukuumadda Hargeysa tusaale u qaado oo Riyaale hor ordayo...lol...ninkaan Cadde waad arkaysaan shidaal qodoow iyo dekad dhisow buu ku sii jeestay in kastoon khudbo uu lahaa maalin dhoweyd "war waddanka kolleey dhaca oo waan ogahay waad dhacaysaane canshuurta bixiya uu ku lahaa ganacsato" halka C/llaahi Shimbiraale ayaa argagixiso lagu sheegay uu shaqo ka dhigan jirey.
  20. Originally posted by The Duke: ^^^lool, I dont wish for anything, just report on the reality. Qaybdeed is the police chief of Somalia and not Mogadishu saxib, and Dheere is the mayor of one of the most violent cities on earth. Compare it to this peaceful region is ludicrous. Anyhow are you not glad for the people of this region, after all they went through? First of all I never agreed with that Indhacadde ruled Sh House. Shabeellaha Hoose is peaceful? You mean all jirri waa la xirxiray? Mise dharkii TFG bay xirteen? I personally know some recent victims lagu dilay iyo carruur agoon laga dhigay. Plus ninkaan dhakhtarkaa wax aqoon ah uma lihi oo waxaan ka sheegaa waa dembi maxaase shaqo ka muhiimsan oo ah inuu ka shaqeeyo isbitaallada Marka, Baraawe iyo Qoryooley ahna wixii uu ku soo takhasusay maadaama uu weli da' yar yahay oo uusan retirement ku dhowaan looga dhigi waayey? Caku TFG iyo siday wax u qiimayso. Illeen wax awalba gumeysi ku yimid khayr ma lahayn.
  21. Originally posted by Geel_Jire12: Buy you wish "strong men" like Qeybdiid and Dheere on the Muqdisho populace. Why not a doctor for Muqdisho too? run badanaa...war ninyahow adiga su'aalo wadnaha na xanuujinaya ayaad meesha keentay....lol..lol.........
  22. Originally posted by Geel_Jire12: Mideeda kale Wiilashan reer Gedo waxan idinka yaabay topic Kismayo hadii lasoo qoro waad isku soo wad a shubaysaan, I hardly see you take party in other topic depates from other areas of Somalia posted in the Politics section... Kaaga sii daranne markaas meesha la imaataan... Anagaa wax dilnay, anagaa wax xoraynay, anagaa geesiyaal ah, reer kayagaa ka adag reerkiina... lol waar Walahi waan qoslaa.. I suppose they aren't different from any other Somalis? lol...
  23. Originally posted by The Duke: ^^^My dear lad, I know you want to convince me, but I am not the problem history is. Siyad tried his best but failed due to the clan, simple. An unelected dictator who relied hevily on his clan and who was led down badly. But I respect the effort you are putting into rewriting history. First I don't want to compare Siyaad (AUN) with Abdullahi Yey Taasi waa iga afeef, cause laba nin oo isku dhiganta maba ahan whatever khalad uu Siyaad (AUN) galay balse waxay runtu tahay. All the mistakes that Siyad (AUN) has done in 21 years, It just took Abdullahi to do Even more in just 2 and half years. That is the history now which you should accept . And I am sure you know haddii maanta Soomaali la weydiiyo midka ay nacaybka u qabaan xitaa qabiilka uu isagu ka dhashay waxa ay jawaabtu noqon.
  24. Originally posted by Geel_Jire12: I know you highlighted those quotes for a reason. But i think this is a rather pathetic and unacceptable execuse. The second Somali that carried out a suicide operation was dressed in military fatigue( as worn by t.f.g and Ethiopian army)will you stop and arrest people with military uniformers? The first suicide bomber, who's operation can viewed on the internet, was also wearing normal clothing. So tell us what suicide operations have been carried by men dressed as veiled woman? Or tell us which suicide operations were uncovered due to men with veils been captured? One is surpised at these actions, considerign the fact that the former terror alliance of warlords is once again in control of Muqdisho. But this time they have the support of the entire world, to do as they wish. Well said sxb Geel_Jire12
  25. T = TUURA F = FASALEETIGA G = GABDHOOW