Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Originally posted by Gordon Gekko: Suuqaan baas e Bakaaraha la dhaho gabi ahaanba in la xiro ayaan qabaa. Meel xun oo 4 x 5 mitir ah ayaa dadkaan qaar waxay kaaga dhigayaan New York Stock Exchange lol. I would close the place down for public health reasons. It is sad inaan hadalkaaga waddaniyad ka muuqan ee aad u hadleysid sidii nin Itoobiyaan ah oo aan wax badan ummadda Soomaaliyeed kala socon, saaxiib Soomaaliya isagaa New York Stock Exchange u ah. Waan qabaa in horumarin lagu sameeyo, waayo xitaa markii aad Googl Earth ka fiirisid waad garanaysaa in nidaam ka maqanyahay laakiin halla xirodaada waxaan u arkaa inaad tahay shakhsi dan kale leh oo aan wax weyna dalka kala socon aan ka ahayn QIIRO.com
-
Originally posted by Emperor: Saaxib waad iga qoslisay, Im sure you wouldn't be too bad for a comedy actor... Laakiin qoraalka waxuu jawaab uyahay Abwaan oo kadhigay meesha in dadka la iska argagax galinaayo for nothing, Sxb that is result of this actions, dadki way baqeen kadibna hubki way iska soo dhigeen banaanka, cid dadka aragagax galinaysa ama gooni uraadsanaysa majirto laakiin tuugada waa inay baqaan hubkana soo xooraan hadii kale waa loogu tagi, that is the message and so do we now witness the result... As for the news it's from Dayniile, anti-TFG... Emperor jawaab naf leh meesha kuma haysid, wax aan ka jeclaan lahaa in hubka la aruuriyo ma lahan laakiin first Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah haka dhacdo, dowlad XALAAL ahna haka dhalato, second hubka yaa aruurinaya? Ma Meles oo hadhow dib u soo dhiibi doona? Maxamed Dheere oo hadhow cidduu doono kula dagaali inta sidiisii Oday.....yiraahdo@lol...mise C/Khayrdiid oo khayr beele ah...? hubkaan aad leedahay waa la aruurin xaggee lagu store-garayn? Yaa diiwaan gelinaya? mise qayb Puntland loo raro iyo Ari-caddeeye, qayb Kismaayo loogu dagaal tago iyo qayb Xamar iyo meelo kale isbaaro loogu dhigto baa laga dhigi? Dukema waxaad ka dabaaqtamaysa dooddii ahayd waxaan Allpuntland ahayn war kama soo qaadatid iyo WIDHWIDH@lol....kaas adigaaba malaha qora saaxiib hakugu taagnaato! Duke ma ogtahay in warkaan Midnimo oo Geeddi kaba qaad u ah ay soo qortay? Malaha wax baa is bedeli raba...
-
lol...Maxamed dheere iyo C/khayrdiid oo waxaan u jeedaa hubkii ay Yey ku ceyrsan lahaayeen uruursanaya. Duke ma illowdey wixii Maxamed Dheere ku hadli jirey markii Jowhar uu joogey end of 2005?
-
Illeen meeshaan wacdaraa igu dhaafay, Duke haye Juje cut and paste xitaa waa kaa hor istaagey haye? Dood aadan jawaabteeda hayn buu ku geliyey.
-
Yes Northener it was at the Whitehall.
-
Originally posted by Northerner: When did westerners become concerned for the plight of Africans? No such consern was shown in Ruwanda 13 years ago. A bandwagon if ever there was one! Waa yaab! Maybe another test for their technology.
-
Very good analysis Juje and interesting points in your discussion.
-
Ciidamada dalka Itoobiya oo saaka baaritaano ka wada Xaafadaha ku dhaw dhaw Wadada Warshadaha ilaa iyo Isgoyska Baar Ubax Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowaladda yaa saaka howlo baaritaano waxay ka wadaan Waddooyinka Warshadaha iyo Soddonka ee Caasimadda Muqdisho halkaas oo lagu arkayay waaberigii saaka Taangiyada Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda fara badan kuwaas oo ku hubeysan hubka noociisa kala duwan. Ciidamadan ayaa waxay guri guri u galayeen Xaafadahas iyagoo ka baaraya hub iyo shaqsiyaad la sheegay inay sabab u yihiin nabadgalayo xumada ka jirta Magaalada Muqdisho. Waxay joojiyeen dhamaan isu socodkii Gaagiidka Isticmaali jiray inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Suuqa Xoolaha, iyadoo dadweynaha ka yimaada Xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa saaka ay isticmaalayeen lugtooda kadib markii la joojiyay Gaadiidka dadweynaha. Lama soo sheegin ilaa iyo hadda wax hub ah oo Ciidamada Itoobiya ka heleen Xaafadahaas, waxaase laga war dhawrayaa natiijada baaritaanka waxaa uu ku soo cidlaado. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com This Page!
-
Isu socodkii Gaagiidka Dadweynaha Inta u dhaxeysa Isgoyska Baar ubax iyo Suuqa Xoolaha ayaa saaka jirin iyadoo dadweynaha.... Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa saaka xiray dhamaan waddooyinka ka yimaada Suuqa Xoolaha, Fagax iyo Huriwaa, iyagoo u diiday dadweynahana inay maraan wadada Warshadaha , waxaana kaliya loo furay dadka isticmaalaya Lugta inay soo maraan Wadada Jen Daa'uud ee dhabarka dembi Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho kadibna ay ka soo leexdaan Isgoyska Baay ayaan halkaas oo ay bakaaraha ka soo galaan. Boqolaal dad ah ayaa saaka lagu arkayay waddooyinkaas iyagoo lugta isticmaalaya aadna ay u daalan yihiin, waxaana la ii sheegay in mar mar askarta Itoobiya ay baaraan dadka socda marka ay ku arkaan Bac iyo waxyaabo kale oo alaabta lagu qaato. Ciidamada Itoobiya ayaa baaritaano ka wada qeybo ka mid ah Caasimadda Soomaaliya Muqdisho iyagoo baaraya hubka weli ku jira gacanta dadweynaha iyo kooxo la sheegay waa sida ay dowladda Soomaaliya tiri waxay sabab u yihiin Nabadgalyo xumada ka jirta Magaalada. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com
-
DOWLADII C/LLAAHI YUUSUF OO CEYRINEYSA CIDDII AAN ADEECSANEYN!! -BAARLAMAAN WADA MUXAAFID AH MACQUUL MAKULA YAHAY? Shimbirayahow heesa..hees wanaagsan heesaha ..kaalaya horteydoo shimbirayahow heesa…hadii sidaas lagu heesay bilowgii lixdameeyadii oo waagaas baarlamaankii jiray lagu xantay inay sidii uu rabo hoggaamiyaha dowlada wax ugu sharciyeeyaan makula tahay in maanta sidaasi socon karto..? Dowladda uu madaxda ka yahay Cabdullaahi yuusuf bilowgiiba ma ahayn mid soomaalida u cuntantay, maxaa yeelay madaxweynaha ayaan ahayn nin ay soomaalidu jeceshahay..madaxda kale ee maamulka kula jirtana intooda badan looma arkin dad rabitaanka beelahooda ku yimid oo waxaa la xasuustaa sida ay itoobiya u maamuleysay shirkii ay madaxdani kasoo baxeen. Min madax ilaa mijo, dadka maamulka ku jiraahi waa kuwo ay Itoobiya mar hore meel ku xiratay, maxaan sidaas u leeyahay? Intiina xasuusata madaxdii lagu soo magacaabay Mbagathi, kenya, marka laga reebo shariif xasan sheekh Aadan, intooda ugu muhiimsan waxay ahaayeen dagaal-oogayaashii xubnaha ka ahaa golihii SRRC oo sanadkii 2000 ay dowlada itoobiya ku dhistay magaalada bariga dalkeeda ku taala ee AWASA, dadka qaarkii ayaa dood ka qabi kara in Cali max’ed Geedi uusan golahaa xubin ka ahayn laakiin ma moogtahay inuu ku fariistay kursigii max’ed dheere oo golahaas awood weyn ku dhex lahaa?. U fiirso madaxweyne Yuusuf, Ra’iisul wasaare Geeddi (booski max’ed dheere), Sheekh Aadan Madoobe, Max’ed Cumar Dalxa, Xuseen Caydiid, Abdullaahi Sheekh Ismaaciil, Xasan max’ed Nuur (shaatigaduud), Muuse suudi (inkastoo uu markaas ku kacsanaa itoobiya),Hilowle Imaam Cumar, Cabdirisaaq ***** biixi, Max’ed Ibraahim Xaabsade, Mowliid Macaane Max’uud, Jeneraal Gabyowgii geeriyooday (wiilkiisa ayaa hadda booskiisii ku jira), Jeneraal Morgan oo inkastoo uusan xubin ka ahayn dowladda hadana la taliye u ah Madaxweyne yuusuf, Salaad Cali jeelle (oo markaas ku xigeen u ahaa max’ed dheere) iyo kuwo kale oo fara badan ayaa maanta ah madaxda ugu sareysa,mudanayaal ama wasiiro laga talo galiyo howsha ay dowladdu qabaneyso. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis yiraahdaan waxaa jira xubno kale oo aan Golahaas ka mid ahayn kana tirsan madaxda sare ee dowladda sida Wasiirada Arrimaha gudaha iyo ganacsiga Gacmadheere iyo Afrax, mase ogtahay in Raggani ay Garoowe ugu tageen Cabdulaahi yuusuf xilligii uu madaxda ka ahaa Puntland ee shirkii Eldoret laysku diyaarinayey markaasoo sida dad xog-ogaal ahi sheegeen laguba daray liiska baarlamaanka ka hor intii aanba shirka la tagin. Hadda waxay arrintu u egtahay in aas aasayaashii ururkii SRRC ay isugu soo miirmayaan maamulkii Somali oo dhan ka dhaxeeyey ka dib markii howsha laga talo-galin waayey intii kale ee aan ururkaas ku abtirsan. Shalay waxaa mar qura la shaaciyey in xubinnimadii baarlamaanka laga xaayuubiyey xubnihii mucaaradka ahaa oo dhan, maxaa yeelay waxay diideen inay u hogaansamaan amarka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. Waxaa xusid mudan in xubnahan la eryey ay badankoodu yihiin kuwii ka tirsanaa dowladii Carta ee C/qaasim madaxda ka ahaa, kooxdaasoo ahayd tii Golaha SRRC kula loolameysay shirkii Kenya ka dhacay. Wixii shalay Baydhabo kasoo yeeray oo shaki la’aan ah go’aanka Cabdulaahi yuusuf waxay marqaati cad u tahay inuusan jirin hadda iyo wixii ka dambeeya baarlamaan Soomaaliyeed oo la aamini karo mar haddii ay isugu soo hareen intii uu isagu rabay oo amarkiisa u hogaansan iyo inkaloo ka cabsaneysa in Baarlamaanka laga saaro haddii ay awoodooda sharci adeegsadaan. Waxayna tani maalin madow u tahay shacabka Soomaaliyeed oo filayey inuu Baarlamaanku noqdo hey’adda kontaroosha Xukuumadda oo kula xisaabtanka qaladka ay gasho inkastoo wixii ka dambeeyey faragalintii milatari ee Itoobiya Baarlamaanku ahaa mid cabursan oo aan qaadan karin go’aan xukuumadda ka dhan ah waxaana la sheegaa inay mudanayaashu amaankooda u baqayaan, haddii aad howsha Baarlamaanka u fiirsatay muddooyinkii dambana maba jirin wax awood ah oo ay lahaayeen, Madaxweynaha iyo Ras’iisul wasaarihiisuna howsha sida rabaan ayey ku wadeen. Waddanka ciidan sharci iyo si sharci ahba kusoo galay ayaa yimid mana jirin wax talo ah oo laga siiyey Baarlamaanka, tusaale howsha ay qabanayaan cidi kalama tashan..muddada ay joogayaan cidi kama wareysan lagamana warsan doono hadda ka dib. Dhibaatada ay tusaale ahaan ciidanka Itoobiya ka geysteen Xamar hay’addii xukuumada kula xisaabtami lahayd waa Baarlamaanka oo inta Baydhabo joogta aysanba ka hadli karin iska daa inay go’aamo ka qaataane. Baarlamaanada aan Mucaaradka lahayn ee maanta Dowladaha aduunka qaarkood leeyihiin waxay ka jiraan dalalka ay kaligood-taliyayaashu xukumaan, mase fileynin in Soomaliyana ay maanta kuwaas ka mid noqoto. Mudane kasta oo ka tirsan Baarlamaanku wuxuu dabcan ka socdaa Beeshiisha mana jirto ilaa hadda beel intay isku timid go’aan ku gaartay in mudanahooda la eryo, mana jiro qof ama koox kale oo awood u leh inay mudane beelu meesha keensatay ka erido. Maxaa dhici kara hadaba hadii dhaqankan kalitalisnimadu sharciyoobo..dadka soomaaliduse ma aqbali karaan..? maya ..maya ma ahan wax u cuntami kara in Baarlamaankooda laga sifeeyo intii wax sixi lahayd oo dhan..Baarlamaan wada muxaafid ah!!!!!!!. Dadka Soomaaliyeed waxay sugayeen inay arkaan Madaxweyne Yuusuf ama Ra’iisul wasaare Geeddi oo sidii Tony Blair ka Ingiriiska lagu orinayo markuu isku dayo inuu socodsiisto wax xukuumadiisa dan gaar ahi ugu jirto ama Madaxweyne Bush oo Congress ku ugu hanjabayo inuu miisaaniyada ku baxda howlgalka Ciraaq ka jari doono. Ugu dambeyntii natiijada ka dhalan karta eryidda aan sharciga waafaqsaneyn ee ay Dowladda Cabdulaahi yuusuf ku dhawaaqday ayaa ah mid khatarteeda xambaarsan oo keeni karta in beeluhu kalsoonida kala laabtaan dowladda aan haddaba dadka soomaaliyeed intiisa badan taageerada ka heysan oo walibana la arko beelo u diyaar ah inay dowladda la dagaalamaan sida haddaba ka socota magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo isha lagu hayaa sida maalgaliyaha ugu weyn ee Dowladda kmg oo ah midowga Yurub uu ka yeeli doono sii gacanqabashadeeda marhadii howshu isku rogtay in dowladda dhaxdeeda laga sifeeyo wixii mucaarad ah ee wax sixi lahaa iyadoo la ogyahay in Midowga yurub uusan horeyba ula dhicin talaabadii koowaad ee xilkii looga qaaday Shariif Xasan Sh.Aadan. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo howshan Aabe iyo hooyo u ah ayaa dadka dhaliilaa ku sheegaan inuu yahay nin qabyaaladda iyo nin jecleysigu astaan u yihiin misana aan aqoon u lahayn nidaamka dowliga ah iyo siyaasadii lagu hagi lahaa kuna dhaqmaya nidaamkii jabahadnimada. Inuu qabyaalada ku dheereeyo hadii aad shaki ka qabto ku qanac sida uu isugu wareejiyey maamul iyo ciidanba dadka ay jufada hoose isku yihiin amaba uu adeerka u yahay. Inuu yahay nin dalka ku maamuli doona ,hadiiba ay u suuragasho,hab qabiil ha joogte sida ay qoyskiisu rabaana waxaa daliil u ah hadal uu bilooyin ka hor u jeediyey waxgarad ka tirsan Jilibka Sacad ee ********** uguna bishaareyey fariin ay soo dirtay Xaaskiisa oo ahayd ’inaysan Xarunta Madaxtooyada kasoo ag-dhawaan cid aan iyaga ahayn maadaama ay reer abtiyaasheed yihiin’.Caddaalad iyo xukun dadku u simanyahay maka filan kartaa Madaxweynaha isagoon xukun sal-adag ku fadhiya heysan haatan beelaha u sheegaya inuu rabitaanka naagtiisa darteed wax ugu qaban doono..? maa shaa allaah!!! Waxaasaa Madaxweyne kaa ah!!!. Waxaa qoray: Qaasim Cabdulle Nero, Email: qaasimnero@yahoo.com
-
Suuqa Bakaaraha oo Albaabada loo Laabay kadib markii dadkii ka Ganacsadayay Suuqa isaga baxeen iyagoo ka cararaya howlaha baaritaanka Guud ahaan waxaa xiran goobaha Ganacsiga ee Suuqa weyn Bakaaraha kadib markii suuqaas Ciidamada Dowladda saaka ka bilaabeen baaritaano aad u ballaaran kuwaas oo dardar xoog badan ku socdeen. Dukaamada laga ganacsado, Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha, goobaha kale ee yar yar, Suuqa Dharka iyo meelo kale ayaa albaabada loo laabay iyadoo qof kasta oo Ganacsi ku leh Suuqa Bakaaraha uu goobtiisa xirtay kadibna gurigiisa ku Laabtay. Sababta Suuqa u xirmay ayaa waxaa u wacan baaritaanada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ka wadaan qeybo ka mid ah Suuqa iyo Xaafadaha Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo ilaa iyo Yaaqshiid. Sidoo kale isu socodka dadweynaha ee Suuqa bakaaraha ayaa xitaa aad u yar, sidoo kale isu socodka Gaadiidka dadweynaha Isgoyska Sanca ilaa iyo Isgoyska KM4 ayaa xiran. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com Ummadda Soomaaliyeed oo argagax iyo kadeed lagu hayo, gumeysi gacanta loo geliyey waan arki doonnaa halka ay arrimahaani salka la galaan.
-
Originally posted by The Duke: All those people for the governemnt, nice lol...good try. Yes for a government but for a real one, not TFG !
-
Ma is tiraahdeen TFG = waa koox u timid inay ka aargudato un qofkii ama kooxdii ay is dhahaan maalin bay idin dharbaaxeen? kan baa waa hore Kismaayo qabsaday, midkaan baa ayaan Baydhabo nagu xannibay...Where is the so-called reconcilliation ay meelaha la taagnaayeen mise kaas waa markii UE lacag laga dalbanayo?
-
lol...TALIYIHII (Past tense). Taliyaha ciidammada dooxada Jubba ee hadda Kismaayo haysta waxba lagama qaadi karo ee ninkaan an ICU mar hore hubka ka dhigtay ayaa la xiri yaqaan!
-
Originally posted by XOG-ogaal: I MUST BE BLIND BECAUSE I DON'T SEE AHMED DIRIYE'S ..........WHY LIE DUEK ? YOU TITLE STATES THAT NNS HAS NAB HIM ? lol...that is dhibka uu leeyahay cut and paste. Duke remember what the NSS used to do in the 80s? Is the sort of actions you support?
-
-
-
Duke let us compare afarta is taqaan ee leh waa mudaaharadaaynaa iyo dadkaan some of them all the way from Manchester ka yimid:
-
Maasha Allaah bal fiiri dadka caddadkooda iyo inta timid midka laga koobiyeeyey ee Amxaarada lagu taageerayey?
-
Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
looooool........haddaanba dib ka arkay ee what happened to the contact telephone? Tolow ma Hormuud iyo Telecom baa ka xirtay? Haddaa iyagana la xiri doonaa waxbaa haysata. I have seen and heard kuwa TFG u shaqeeya oo ka cabanaya in hanjabaado loo soo mariyo taleefonnadooda, kuwo xitaa leh taleefon private ah oo aan lambarku soo bixin maba qabanno. Nimanka dhibbaa haysta oo canaantii Gabre iyo Itoobiyaanna taas waa u dheer tahay. -
Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
loool...even if he grew up in Jamaica where I think not many Somalis live, this is not an excuse, plus what about the people around him? like Cabdi-qaybdiidka hiinraagayey sidii inuu wax qiimo badan akhrinayo hadalka u qurqurxinayey? Afhayeen-ku-sheegyada TFG, dadka sidee wax ka yihiin? Malaha qiirada beenbeenta ah iyo qaadkaa wax walba uga qiimo badan. -
loool....sida Halkani waa Radio Laasqoray loo dhahayo oo loo kala jiidayo baan la yaabay, caadi maa loo dhaho maxaa la iskaga soo riixayaa?! Waxaan ka helay qofka da'da yar (Ashraf?) ee sida xaqiiqda ku dhisan u hadlay oo dhahay TFG is not good. "They are nog good people, they are..." Did you hear that? that says all! Durbadiiba MIC-ga waa lagala orday. Maasha Allaah I hope da'yarta soo koreysa oo dhan inay sidaan uga madax bannaanaadaan qabyaaladda oo aan laga dhex hadlin.
-
Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by The Duke: Abwan, I dont get ti mate from copy and paste to Bush? Saadambaad garan! -
Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
Ayaandarrada Soomaali haysata, wasiir warfaafin shakhsi sheeganaya oon xitaa Afsoomaali la fahmi karo qori karin amase aan dib u hubin wuxuu qoro! -
Mogadishu: comprehensive crackdown TFG is not playing
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
Duke intaad cut and paste dhamaysey you now seem to emulate Bush.
-
Popular Contributors