Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: ALL OF THEM WERE CAR BOMBS ,,,, That is scary.
-
It is boring and long to listen the whole clip but one can start after about one third... BBC Somali Reporter Covering the IGAD Somali Meeting in Nairobi
-
Just spoke to a family member in Hargeysa confirming the Qarax but didnt know what it was.
-
STRAIGHT FROM THE ARCHIVE OF ABAAQAROOW! Breaking News Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia oo maanta Booqasho Kuyimida Magaalada Muqdisho. iyo Halyeeyda Jabrti oo shir kuleh Madaxtooyada Muqdisho. (Abaaqaroow)- Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia Halyeey siyuun Misfin ayaa maanta ka soodagaya degay Garoonka Aadan Cadde international ee Magaalada Muqdisho. Halyeey Siyun Misfin ayaa kulan gaar ah waxaa uu kula qaatay Xarunta Madaxtooyada ee Vila Somalia Madxweeynaha Dowlada KMGS Halyeey Cabdullaahi Yuusuf Axmed Xafidahullaah kulankasi oo aan si dhab ah loo ogeeyn labada masuul waxa ay uga wada hadleen labada halyeeya ayaa ah saaxiiba aad iskugudhawah dhanka siyaasada. Halyeey Siyum Musfin oo aan la shaacinin Imaanshiisa Muqdisho, ayaan ilaa iyo hada la ogayn inta uu dalka joogayo, iyadoo uu dhowr jeer oo horay yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo kulamo kula yeeshay Madaxda sar sare ee Dowladda Soomaaliya. Waxaa la arkayay ciidamo lixaad leh oo wata taangiyo iyo Madaafiic Waaweeyan ah ayaa la dhigay wadada isku xirta Villa Soomaaliya ilaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay soo gelbiyeen wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Halyeey Siyum Musfin Ciidamada Amisom ee hoos taga Midowga Afrika. Booqashada uu Wasiirka Arimaha Dibada Ee Dalka Ethiopia uu ku yimid Dalka Somalia ayaa waxaa noqoneeysaa tii labaad ee uu dalka ku yimaado tan iyo markii Xilka Loo magacaabay Ra’isul Wasaare Md.Nuur Cadde. Wixii Warar ah ee ku soo kordho kulankasi kala soco Abaaqaroow hadii uu illaah inoo Saamaxo. Xafiiska Wararka Abaaqaroow.com 29.03.2008
-
Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: I was listening to the BBC and the reporter who met Yey was explaining how happy he looked. He said he was simple, sittiing with the reporters and throwing jokes around. He said he has never seen him happier than today (the day before yesterday). Haddii arrintaan jirto Itoobiyaanka sow kuwaan naqaanney maahan...oo 7 qof prime minister u ballan qaaday si ay Yeey u doortaan, oo midba dhegta wax ugu sheegay, malaha isagana sidaas ayey dhegta wax ugu sheegeen. Allow yaa u sheega ina godkiisa qodayaan. I really have a mixed feeling about this issue one is: TO YEEY: WAADIGAKAN LIITEE LEEXADU KU SIDATEE KOLBA LAAN CUSKANAYEE MAXAA LURAY NAFTAADII? Tan kalena waxay tahay ayaandarrada Soomaali soo martay oo ah intey cayayaanka meesha dhooban oo markii horena loo isticmaalay in dalkooda la burburiyo haddana la rabo in la isa sii daba tiro iyagana la isku diro oo ay faraha isku fiiqfiiqaan. Waa ayaandarro in maanta sida gumeystihii runta ahaa siyaasadda Qaybi oo Xukun lagula dhaqmo. Waa ayaandarro maanta in Wasiir Arrimo Dibadeed Itoobiyaan sidii Kaabbagalaaskii uu kala celceliyo. Anigu waxaan is dhihi lahaa awal baynaan ka roonayn kuwii dalkeennii sidaas u galay awal haddaba isa sii daba-tiraya ee sidaan halla isku dhaamo oo halla tashado. Amase odayaashaan inta lagu da+ba baaba'o hadhoowna qalfoofkooda (Skeleton) sidii masawirradii guryaha surta illeen wax kale ee ay qabanayaan ma lehe.
-
I need to know more about this incident before I comment on it, arrintaan arrin sahlan ma ahan. Waxayna horseedi kartaa dembi inta qof qiiro iska qaaddo.
-
Asc bro Yusufaddie...wlc back saaxiib.
-
Originally posted by Abwaan: Originally posted by dhulQarnayn: [qb] I know inaad Keyboard ku dirir tahay laakiin can u really handle someone in person Allow yaa ku ogaada kabahaaga ayaad ka carari lahayde? DQ u didn't answer my question and I have asked that for a reason...I think that says all and I will ignore you!
-
Originally posted by-Nuradin on his websiteAqiyaar: Taariikhdiisa Siyaassada iyo Hogaanka Ka hor intuusan imaan Puntland wuxuu ku noolaa wadanka Ingiriiska isagoo ka ahaa sarkaal sare oo mas’uul ka ah qorsheynta magaalada London. Sidoo kale wuxuu madax ka ahaa gudigga isku-xirka Soomaalida Ingiriiska (UK) oo toos ula shaqeeya dowlada iyo baarlamaanka wadanka Ingiriiska (Britain). Waxaa uu sanad ka mid ahaa 40 khubaro Afrikaan ah oo Raiisul Wasaarihii wadanka Ingiriiska “Prime-Minister-ka UK, Tony Blair” kala talisa horumarinta Afrika. Dowrkaan oo ahaa mid saameyn aad u weyn ugu leh siyaasada arimaha dibada ee Ingiriiska ee ku aadan qaarada Afrika iyo gooni ahaanba Soomaaliya. Nuuradiin laf ahaantiisa wuxuu 12kii sanadood ee la soo dhaafey ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska UK (the Labour party) ee talada wadanka Ingiriiska haya, balse waxaa uu ka door bidey in uu wadankiisa hooyo ku soo noqdo wuxuuna aaminsan yahay in uu wax walba loo huro sidii lagu gaari lahaa Soomaaliya oo mideysan, xasilloon barwaaqana ah. Runta haddii aan ka hadlo xoogaa naashnaash iyo buunbuunis waan uga jeedaa waxyaabihii uu UK ka qabtay iyo shaqooyin meeshaan lagu soo xardhay oo la leeyahay wuu qabtay. With this attention and energy I wish Nuradin was campaigning for Somaliweyn rather than dhawr gobol oo beelo keliya deggan yihiin. I think he deserves a support but for Somaliweyn. One shouldn't follow siyaasaddaan qabiilaysiga iyo gobolaysiga ku dhisan oo weliba xambaarsan sed-bursiga aanse ahayn mid ku dhisan caddaalad.
-
Originally posted by dhulQarnayn: p.s Abwaan, Ninyahow horta adiga yaad lahaysataa? Dadka toos baa looso abaaraa, ee umada kadaashooda lagama ciyo sida makulaasha oo kale. Aniga, if you got beef wit me, bring it on-- you know I can handle whatever a person afflicted with cretinism can throw at me. DQ haddii aan ku iri kaftanka hannaga hallayn ma canaanyoonaysaa...Saaxiib cid aad carruur u haysid ma jiraan ee burushkaan dhiiqadaa ee aad la wareegeysid dadka ha ku firdhin. Saacadaan dib uma noqon karo Ilaah baa i lehe iyo inaan carruureeyo. People do loose Debates and if today is not yours wait for tomorrow. I know inaad Keyboard ku dirir tahay laakiin can u really handle someone in person Allow yaa ku ogaada kabahaaga ayaad ka carari lahayde. All I said was be a man and if a point lagaa helo ka gudub laguma noqnoqdee.
-
Originally posted by Abtigiis &Tolka: Someone said it. My guess is the Amharic speaking Azhari, if the old man has to go. Aw-dhubad, he was the guru in the Somali relif and rehabilitation commission (qoxotiyadii). The guy is said to be very corrupt and tribalist. I am surprised how anyone could suggest him given the demographic realities in Somalia; something EMPEROR is suggesting to. Isagoo reer-hebel ah sideed meel uladamacaday miyaa sheekadu? Well, I heard it and if you doubt, the rumour is also on Hiraan online (as a comment to a news item). loooooool.....Sxb Tarrax kii Qaxootiga haysan jirey soo maahan back in Siyaad Barre's era...hadduu kaas yahay raashinkii uu qaxootiga ka bililiqaystay miyaa la macaanaadey oo maanta Soomaali miyuu rabaa inuu isa sii raaciyo? To be honest majority of odayaashaan have nothing to offer for Somalia. Ilaahoow kuwaan kulligood naga qabo... oo wax khayr qaba noogu bedel.
-
lol..Mukhtaar Roobow oo Jagadii Cabdi Qaybdiid qaatay iyo shabaabkii oo Booliska TFG bedelay magaalada Roondo ku maraya! Waxaan la yaabay aaway Allputnland warkaan ma soo qorin miyaa? Mise iyaga weli waxaa loo haystaa Bay iyo Bakool? Ninkaan intee soo Maray haddii Bay iyo Bakool oo dhan la qabsaday?
-
what does this personal attack and name calling means? Is this the sign of loosing and qaraar...bahasha ha naga hallaynin.
-
Originally posted by nuune: ^^ Dhulqarneyn, sxb odey iska dhig, waa ku sidee, saaxiibkaa ha ugu wicin Jiijo, magaca waa juje and you know it well, bikoorad inaan kula dhaco miyaad rabtaa go'e yaan ku oraninee. Beezaani iska dhig sxb, see waaye adi lol..ma yaabtay What does that show the signs of someone loosing a debate
-
lol...Baabuurtii TFG laga furtay baa lagu jeesteynayaa!
-
http://shabelle.net/
-
http://hobyoradio.com/10,27,81shabab.htm
-
Originally posted by Abtigiis &Tolka: Apologees accpeted dear Juje. loool...Juje akhyaarnimo waxaas baa la yiraa in qofku uu khaladkiisu qaato and of course the same to tolka inaad u garawdo as well. Both a good example for many.
-
Midowga Maxaakimta Islaamiga oo ka soo horjeestay heshiiskii shalay lagu saxiixay magaalada Jabouti, iyagoo ku balan qaaday inaysan joojin doonin dagaalka. Hobyonet.Com Isniin, Oct, 27, 2008 Afhayeenka midowga maxkamadaha islaamiga Shiikh C/raxiin Ciise Cadoow oo u waramaya saxafada ayaa waxba ka mijraan ku tilmaamay heshiiskii maalintii nshalay lagu saxiixay magaalada Jabouti kaasoo ay wada jir u gaareen dowlada KMGah iyo Isbahaysiga dibu xoreynta garabka Shiikh Shariif hogaamiyo. Shiikh C/raxiin ayaa cadeeyay in maxkamaduhu aysan ka mid ahayn heshiiskaasi, isagoo xaqiijiyay inay sii wadayaan dagaalka ay kala soo horjeedaan ciidamada shisheeye. Afhayeenka ayaa sheegay inaan la joogin waqti ciidamada Itoobiya heshiis lagula gaaro inay si nadiif ah ku baxan, waxuu cadeeyay inuu socon doono jihaadka ilaa ciida Soomaaliya ay kawada baxayaan ciidamada cadowga. Diidmadan ka soo baxday midowga maxkamadaha ee ku aadan heshiiskii shalay magaalada Jabouti lagu saxiixay mid sii xoojinaysa hadalada mucaaradaya heshiiskaas, kaasoo ugu horeyn ka soo yeeray Shiikh Xasan Daahir oo hoogaamiye ay u doorteen xubnaha isbahaysiga dibu xoreynta ee ku sugan magalada Asmara. A/Hakiim Osman Hobyonet Xhobyo@gmail.com
-
nuune arrintu sidaas bay u muuqataa. I think inuu raalli ka yahay sidii odayaashii $3000 ee inta baadiye laga soo uruuriyey Xamar la iskugu keenay hadhowna hoteelladii laga bixin waayey qaarna inta diyaarad waayeen geeloodii u raaceen baabuur. Teeda kale masuul ayaa meesha u joogey oo saxiixa-goobjoog ka ahaaa. Waana la ogyahay waa a little upgrade la rabo in TFG laga dhigo wax ah legitimate, xaggeese legitimate ku noqonaysaa wax markii horeba ay dhisteen kuwan hadda IGAD isku sheegaya ee Itoobiyaanku horboodo oo hadda leh waxbaan saxaynaa. TFG marna kuma imaan rabitaanka Soomaalida, odayaashaan gaaweetooyinka iyo Boorsooyinka la wareegaya oo hadba meel looga yeerayo awalna ummadda hoobiyaha ku laayey ma metelaan.
-
Waxaa ayaandarro ah jeesjeeska hadalkiisa ku jira iyo in like all the warlords uu ku faanayo in carruurtiisu ay iskuulo iyo jaamacado ka bexeen ayna shaqooyin fiican haystaan halka uu iska dhigayo inuu yahay nin qaranka u adeegaya. Taasoo astaan u ah kulli odayaashaan qabqableyaasha ah from Muuse Suudi, Maxamed Dheere, Qanyare, C/Qaasim, Caato To Xasan Abshir, Yey, Cadde, Barre Hiiraale, Shaati-guduud, Mowliid Macaane, Buubbaa, Caydiid-Ilkaxanaf, Indhacadde iyo Muunye. Waxaa ayaandarro ah kuwa u qosqoslaya markuu hadlayo in laga yaabo xittaa ilmahoodu inaysan iskuul aadin magaalada uu joogana inaysan ku oollin jaamacad. Soomaalida illaa ay fahmaan in odayaashaan diyaarad chartered ah ka soo raacaya waddamada deriska ah hoteellana ka deggan waddamo shisheeyana u aadaya inay iska daweeyaan intay joogaan inaan nabad la gaareyn.
-
loool...Xiin faniin...it is true the guy is a typical nacamleeye...I heard that he was driving Mr Barre's car when he was involved in a car accident around Afgooye back in the 80s. And sidoo kale Of course markii uu C/Qaasim ku bedeley Prof. Cali Khaliif Galayr markii ay Itoobiyaanku u adkeysan waayeen siyaasaddiisii qiimaha lahayd ee uu UN-ka u adeegsaday Itoobiyana lagu soo saaray resolution dhigaya in laga mamnuucay inay qarannimada iyo xudduudka Soomaaliya ku xad-gudubto. Ka dibna C/Qaasim oo isaguna ah xariif ay Xasan Abshir siyaasad ahaan isla soo koreen uu hal iyo eber ku diray markii Mbagathi ay Itoobiyaanku ku qanciyeen inuu ka qayb galo shirka Kenya isaga iyo Mr Deeroow. Halkaasna C/Qaasim meel cidlo ah ku istaago.
-
Popular Contributors