Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
He hasn't been killing Somalis for 40 years...lol
-
It is coming soon insha Allaah..........so toloow yaa raaci doona?
-
SOL EXLUSIVE: Watch this comedy - Video of Somali Parliament
Abwaan replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Originally posted by Naxar Nugaaleed: abdullahi, abdullahi, what exactly did he do abwaan? Horn, just be careful next time before bringing that garbage, hubso sxb before ran with ish like the ones you have been posting. Naxar...last time I knew cajaladaha lama hadli jirin. -
SOL EXLUSIVE: Watch this comedy - Video of Somali Parliament
Abwaan replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Originally posted by HornAfrique: Actually I just noticed something. Look closely when the video is at 3:11 . As soon as the voting started, the video is cut off and a different vantage point ensues, from behind the security detail instead of with the crowd before the cut. The video is cut from the beginning of the counting to the beginning of the end of the meeting when people have sat down and counting has been processed. Whoever edited the video is the real duper and not the speaker of the parliament. The video on youtube loool...Horn dadkay xoolo u maleeyeen kuwaan........! -
SOL EXLUSIVE: Watch this comedy - Video of Somali Parliament
Abwaan replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
lol...Waxaa la dhahay god sireed ha qodin haddii aad qoddana ha dheereyn ku dhici doontidaane ma ogide. C/llaahi isagaa billaabay khiyaamooyinka noocaan oo kale ah marka haddana isagii bay ku socotay. -
Originally posted by Abu_Diaby: it seems every1 is in djibouti. Something is going down. lol looba joogee hadda in la hor dhaco maahan.
-
loool...Caadi maba aha sida Kenya ugu dhaaratay Yey and his junta...He (Foreign Minister said) Waan Ognahay Yey keligiis ma shaqeeyo ee maxaysatadiisa waanan ognahay oo halkaan ayey ganacsi ku leeyihiin oo weliba carruurtoodu iskuul ka dhigtaan. Tolow Duke, Xuub-sireed, DQ, Emperor iyo Qoor Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ma aadi karaan?
-
looooooooooooooool...Duqa waa u dhammaatay and others halkaan durbaan uga garaaci jirey mise hadda change of heart baa ku dhacaya?
-
loool...money saaxiib please tell us the rest dee...I know ciyaal-koollo upgraded their business in mainly becoming militia...
-
Originally posted by Nur: Haneefa sis We need a SOL alumni reunion. Nur lol...oo xaggee la iskugu imaanayaa?
-
Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Maya tusaale ma rabo ,, loool JB oo sxb tusaalaha maxaad u diiddey?
-
Vote registration stops in hargeysa 40% dident get Registered
Abwaan replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
JB ma is diiwaan gelisey? -
Waa war lagu farxo. Ilaahay haka dhigo kuwii dalkooda iyo dadkoodaba wax tara, da'yar kale oo Soomaaliyeedna ay ku daydaan.
-
Originally posted by NinBrown: radio 5 live all the way Used to Listen to that.
-
Saan-saan bixitaan oo laga dareemo Milatariga Itoobiya ee Muqdisho kusugan. (Mogadishu, Khamiis ,4,December, 2008,(Hornafrik Media) Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay ku banaynayaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho,halkaasoo lagu arkayay saaka dadweyne aad u fara badan oo ku qamaamay goobahaasi. Boqolaal dad soomaali ah oo u badan caruur iyo haween ayaa saaka isagu soo baxay xaafado ka tirsan Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay meelaha qaar, labo sano fadhiisimo ku lahaayeen ciidamada Itoobiya. Goobaha ay ka baxeen ciidamada Milatariga Itoobiya waxaa ka mid ah Ex-Boostadii hore iyo Hotel Towfiiq halkaasoo saaka ay dadweyne aad u badan ku yaaceen. Inkastoo ciidamada Itoobiyaanku aysan ka fogayn fariisimada ay ka baxeen oo ay u muuqdaan, ayaa hadana dadweyneha soomaalida ah ee saaka tagay meelaha ay ka baxeen ciidamadaasi waxay ku dhaaqeen inay burburiyaan gabaadyadii ciidamada ay ka sameysteen meelaha ay saak ka baxeen, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa hada kusugan ex-Maxkamadihii hore ee deegaanka Towfiiq waana goob wax aan ka badeyn toban tallaabo u jirta Somali-Post. Shan fariisin oo ay ciidamadaasi ku lahaayeen wadada Laamiga ah qarkeeda ayaa ilaa hada la xaqiijin karaa inay dib uga gurteen,hase ahaatee ma kala cada hadii ay sii socon doonto ka guurista ciidamada Itoobiyaanka dhamaan goobaha ay ka degan yihiin Muqdisho. Sidoo kale in ka badan 10 gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada qaada, ayaa saaka lagu arkayay wadada dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye waxaana ciidamadaasi ay ka baxeen Magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee Bulshada soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka xiligaan ee Ciidamada Itoobiya oo muddo 2 sano ah duulaan ku joogay caasimada. Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Itoobiyaanka yaa qeyb ka ah sida la shaaciyay heshiiskii dowlada KMG ah ee Somalia iyo isbahaysiga dib u xoreynta ay ku gaareen dalka Jabuuti, iyadoo dhanka kale dowladda Itoobiya ay sheegtay in Ciidamadeeda ay kala baxayso Somalia dhamaadka bishaan aan ku jirno.Ku laabo bogga hore
-
Oo toloow ma ciidan isaga ka amar qaaray ayaa haystey? Sidee buu arrintaan u awoodi karaa kolleey lacagta ay rabaanna ma bixin karee? Mise xoogaa buu inta iska jafjafay ayuu rabaa maadaama uu nalkiisu sii bakhtiinayo inuu naf ka dhigto uu rabo in Dunidu aragto as an important man for Somalia issues...lol... looba joogee insha Allaah oo waan arkaynaa inay dhabowdo.
-
lol...Ms DD...I wanna thank you for garaadaha aa iga riftay...waa ii fududeysey lol.
-
oooh......way baaqdeen...lol....malaha awalba ma soo socon. Allpuntland...haddii ay soo qortay waa official baan u malaynayaa...awalba yaa hubay ma soo socon baan filayaa.
-
Garowe: Wafuud ka kala imaan lahaa Nayroobi & Baydhabo lana filayay in ay soo gaaraan Garowe oo baaqday.. Yaa ka mid ahaa Wafdigaasi, Maxayse tahay Sababta baaqashada?. 1. December 2008 Garowe(AllPuntland)- Wafdi balaaran ayaa lafilayay in ay soo gaaraan Caasumada Puntland ee Garowe, waxaana wafdigan ay ka socdeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayadoo lasheegay in uu hogaamin lahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), balse wafdigan ayaan soo gaarin Magaalada Garowe. Sababaha ay wafuudan ubaaqdeen ayaa lugu sheegay in ay ka dagi doonaan saacadaha nagu soo aadan Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna Wafuudan kala joogeen Magaalooyinka Nayroobi & Baydhabo. Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Nayroobi ayaa sheegay in ay wafdigan xubno ka ahaayeen Siyaasiin lasafnaa Raysalwasaaraha waqtigan ee dawladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen, kuwasoo markan ka soo horjeestay hadalada Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada uu wadey todobaadyadii ugu dambeeyey. Xubnahan ayaan si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa la hubaa ayay leeyihiin Wararka laga helayo Nayroobi in uu wafdigaasi uu ka mid ahaan lahaa Raysalwasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, waxaana booqashadoodan ay ku imaan lahaayeen Puntland ay ku aadaneyd in ay wada xaajoodyo la yeeshaan Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sugan deegaanada Puntland. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay xubnahan ubaaqdeen markii fadhi baarlamaan oo deg deg ah, Xildhibaanada looga yeeray Magaalada Baydhabo, markaasna ay maalmaha nagu soo aadan uga qeybgalayaan fadhi baarlamaan oo waxyaabo badan lugu soo qaadi doono. Hadii ay wafdigan imaan lahaayeen deegaanada Puntland ayaa dad badan uarkayaan in ay maqraati cad u tahay in ay jiraan isku soo dhawaansho ka dhaxeeya Madaxda dawladda Soomaaliya, waxaana Siyaasiinta Soomaalidu aad uhadal hayeen wararka sheegaya in Aaden Madoobe uusan ku qanacsaneyn dadaaladii ugu dambeeyey ee dibu heshiisiinta ee la qaaday. Xigasho: Saraakiil jooga Nayroobi & Garowe F. C. Geylan AllPuntland
-
Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: He is just trying to find an excuse to go back ,,,, how will he be treated if he comes back? And what sort of questions does he need to answer?
-
Daynuunay: Maxkamaddaha oo weli gacanta ku haaya Daynuunaay oo wax yar u jirta Baydhabo 1. December 2008 Daynuunay(AllPuntland)-Xaalada Deegaanka Daynuunaay ayaa maanta degan kadib markii shalay gelinkii danbe dagaal uu halkaas ku dhex maray maliishiyo ka tirsan Maxkamadaha iyo Maliishiyooyin halkaasi bar kontorool ku lahaa. Daynuunaay oo 22-Km u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore waxaa xarun ciidan ugu lahaa Ciidamada Dowladda, kuwaasoo bilo ka hor halkaas ka guureen, waxaana ilaa iyo maanta deegaankaasi gacanta ugu jirtaa maliishiyooyinka Maxkamaddaha ee shalay la wareegay halkaasi. Saraakiishii hoggaamineysay maliishiyooyinka Maxkamaddaha ayaa goob fagaare ah dadweynaha deegaanka kula hadleen iyagoo u sheegay in aysan wax dhibaato ah u wadin balse ay ka soo horjeedaan maliishiyooyin ay sheegeen in ay dadka lacago sharci daro ah ka qaadi jireen, waxayna ka codsadeen dadweynaha in ay ku soo wargeliyaan hadii ay arkaan jidgooyo dadka lacag sharci daro looga qaadayo. AllPuntland, Daynuunaay
-
Popular Contributors