Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Originally posted by Abdinasir Kadawo: Duke, sxb your logic is: if you belong a certain clan then you must support yey and if you don't support him then you must belong an apposing clan. Sadly that is why you don't make sense. Since you are interested to categorising people into clans, groups, Looters Inc(whoever they may be), clan courts etc etc, let me give you a hint about where I may belong to: "Geeleenu wuxu daaqaa inta u dhaxaysa Cagta Meeladeen iyo Ciiradhame" lol...Waano abuuris baa ka horreysey.
-
lol...rudy
-
Originally posted by Emperor: PS: Abwaan adeer waa kugu ceeb inaad gabdhaha kusoo hoos dhuumatid. gabadha su'aasheedii baa kugu adkaatay haye? aniga adiga maba kula hadleyn I was commenting on what LayZie posted here...balse haddii ay dhimbil dab ah kugu noqotay hakugu taagnaato...
-
Originally posted by General Duke: They are the ones who defeated the TFG and Ethiopia and they will defeat the little weaklings who are now thinking big. lol...oo adiga goormaad Al-shabaab ku biirtay amase aqoonsatay? Remember you and asxaabtaada used to call them fanatics...when did that change...? Nice move...or this is Cadawgayga cadawgiisu waa saaxiibkay...Al-shabaab waa dhallinyaro Soomaaliyeed, waxay wanaag iyo xumaan faleenna taariikhda ayaa qoraysa. Haddii mabda'oodu ahaa Itoobiya ayaan la dagaallamaynaa I think there is a date to wait for now and once that happens there shouldn't be no loss of Somali lives and what happened in the past should be a lesson for all of us...Duke haddii aad naf ka dhiganeysid adeer baa la ceyriyee ha isla qaraxdo caqli maahan...orod SHIMBIRAALE ugu tag haddii ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbalkeeda uu shakhsi iyo koox kaala qiimo badan yihiin...!
-
XAAJO WAXAY MARAYSAA..........: DHEG DHEER DHIMATAY...DHULKII NABAD.....XAMAR ROOB BAA KA DA'AY!
-
Mongolia, East Timor, Vietnam, Surinam...lol..
-
Ilaahay aan khayr ka barinno.
-
Waa Goynkaa saaxiib lol
-
lol...someone I know was telling me this story xalay...illeen halkaan baa laga soo akhriyey...waxaan ka helay sida niyedda la iskugu dhisayo...waah waah waxaasaa indho-adayg ah...nin Airport terminal la dhahaayo waa loogu sheegay inuu is casilo miyaa haddana laga naxayaa markii shaqadii la faray inuu qabto uu fuliyo? lol...I like taariikhda laga been sheegayo...I am so proud of myself I NEVER called Yey a president but those who believe in so and are tryuing to write some history over here forgot to include : The first to travel an armed personal transport and tanks around his country... Did anyone read the ICG report? I remember the one they wrote first time Ethiopia brought Yey back in 2004 their message was the same and they said he is a looser and a murderer. For the last time...Yey will go insha Allaah and so are the likes of him we know the list is long and they come from almost every region of Somalia,,,all those odayaal dhulkeenna baabi'iyey and I hope kuwa ay ka dhex hadlaan in cajaladohoodu ka dhaqmaan.
-
Nayroobi: IGAD, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka oo walaac ka muujiyey wararka sheegaya in uu Iscasilayo Madaxweyne Yuusuf. Baydhabo(AllPuntland)- Dalalka ood wadaagta la'ah dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa wal-wal ka qaba hadii uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxyaabaha dhici kara. Dawladaha Kenya, Ugandha, Burundi iyo Itoobiya iyo waliba Ururada, IGAD, Midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midowbay iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ay dhistay dawladda Mareykanka iyo Xukuumada Bush ayaa lasoo xiriiray Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen in uu ka laabto, hadii ay jirto in uu iska casilayo xilka madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya. Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dawladda Mareykanku, ka codsatay Madaxweyne Yuusuf in uu arintaasi uusan ku dhaqaaqin,hadii ay jirto laakiin Mudanahan ayaa sheegay in uu taasi ka biyo diiday Madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaankan oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa ka gaabsaday in Magaciisa lasheego, wuxuuna sheegay in ay wax jira tahay in uu doonayo Madaxweyne Yuusuf in uu iska casilo xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku ka soo horjeesatay Axdiga dawladda Soomaaliya ayna aqoonsatay dawlad aan sharci aheyn. Hadii uu xilka Madaxweyne-nimo ka dago Madaxweyne Yuusuf, ma jirayso Xukuumada uu hogaamiyo Nuur Xasan Xuseen,maadaama uu Raysalwasaaraha magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya,hadii uu iscasilana uu raacayo. Xildhibaanadii dhawaan ku kulmayay Xarunta ADC-da ayaa xalay oo dhan kulamo ku lahaa Magaalada Baydhabo, kuwasoo oo ay kaga hadlayaan xaaladaha soo wajahay, waxaana ay sheegeen in ay ka war sugayaan hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ka hor cadeeyo Baarlamaanka Soomaaliya maalinada Sabtida ah. Madaxweyne Yuusuf ayaa dhawaan ay sheegeen dawladdaha iyo Ururada qaarkood, siiba IGAD Iyo Midowga Africa in uu dhibaato ku yahay dibu heshiisiinta Soomaaliya, balse dad badan ayaa xasuusta wada hadaladii Magaalada Muqdisho loogu qabtay 3,200 Ergay oo laga kala keenay gobalada dalka Soomaaliya, ayna ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed oo ay udhaxeeyeen dagaalo qaraar lagana heshiiyey. Qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayaa ka mid ahaa in Raysalwasaaraha iyo Wasiirada dawladda Soomaaliya banaanka laga soo dooran karo, taasoo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya. Waana mida lugu magacaabay Nuur Xasan Xuseen oo aan ka mid aheyn Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dastuurka dawladda Soomaaliya qabey ka hor waqtigaasi, in qof aan aheyn Xildhibaan uusan ka mid noqon karin Golaha Wasiirada ee dawladda Soomaaliya. Soomaali badan oo taageersanaa dawladda Soomaaliya ayaa rajadoodii ka laabtay DFKMGS, markii ay soo baxday dhawaan in uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed qorsheynayo in uu iska casilo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in taasi ay cadeyneyso in ay burburayso dawladda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyey markii ay ka soo laabteen isaga iyo Nuur Cadde Magaalada Addis Ababa, 25-Oug-2008, kana jeediyey Xarunt ADC-da ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna uga digey beesha Caalamka iyo Baarlamaanka Soomaaliya-aba in ay dumiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markaas oo ay socdeen Ifafaalo muujinaya xaaladaha maanta taagan. Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo wariyey in uu wel-wel ka qabo waxyaabaha dhici kara hadii uu icasilo Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna cabsi ka qabaa in ay burburto dawladda Soomaaliya, maadaama ay soobaxayaan warar sheegaya in uu ka tagayo Hogaamiyihii mudada dheer isku hayay dawladda Soomaaliya. Saxaafada Soomaalida iyo Mida Caalamka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ay cadaadis saareen dawlado iyo Ururo ay ka mid yihiin ICG, IGAD, AU, Mareykanka iyo EU, balse taasi waxaa meesha ka saaray afhayeenada Madaxweynaha Soomaaliya oo been ku sheegay warkaasi, waxa ayna ka codsadeen Saxaafada in ay joojiyaan duminta dalka Soomaaliya balse loo baahan yahay in la dhiso Soomaaliya. IGAD, Hay'ada Xasaradaha Aduunka, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka, ayaa wel-welka ay ka qabaan in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf ku noqotey mid culus, markii ay soo shaac baxday Iscasilaadii Raysalwasaare Maxamed Maxamuud Guuleed, oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay si sharci ah udhacday Xukuumadii Nuur Xasan Xuseen oo waqtigeedu ku ekaa 22-Nov-2008. Madaxweyne Yuusuf ayaa Cod bixin caam ah kaga guuleystay sannadkii 2004, rag Siyaasiin ah oo la tartamayay, markii lasoo unkay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu uu codad badan kaga qaaday C/laahi Yuusuf Cadow xilka Madaxweyne-nimo, oo ay saaxiibo ahaayeen ayna ku wada tartamayeen Xilka Madaxweyne-nimo, ayadoo sidoo kale ay la tartamayeen Rag kale oo si aad ah looga yaqaano Siyaasada dalka Soomaaliya, balse ku guuldareystay in ay ku soo baxaan Madaxweyne-nimada Soomaaliya. Md. Yuusuf ayaa dawladiisu ay noqotey dawladii ugu horeysay ee ciidamo ay leedahay ku maamushay Gobalada Jubooyinka, Banadaair, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Mudug, Banaadir, Baay, Bakool iyo Hiiraan wixii ka horeeyey 22-kii November 2007-ba, markaasoo xilka Raysalwasaare-nimo loo dhiibay Nuur Xasan Xuseen oo lasheegay in uu sicad u amray in ay ciidamada dawladda Soomaaliya ka baxaan Xeryihii Milateri ee ay ku lahaayeen gobaladaasi. Madaxweynaha ayaa noqday Madaxweynihii koowaad ee Vila Soomaaliya ee Muqdisho xarun ka dhigta, wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya ka dhaceen dagaaladii lugu diray Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare (Allaha uraxmadee), waxa ayna dad badan wada dhowrayaan waxyaabaha dhacaya Maalinimada Sabtida ah hadii Eebe Yiraahdo. Kala soco Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee www.AllPuntlad.com, wararkii ugu xiisaha badnaa uguna dambeeyey ee gudaha Soomaaliya, oo ku Saleysan Waaya-aragnimo mug dheer, xaqiiqo, cadaalad iyo Wariyaal ku xeerdheer xaqiijinta wararka, la soco daqiiqad kasta iyo waqti walba AllPuntland. F. C. Geylan AllPuntland
-
Breaking news: President Yusuf to resign on Saturday...
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
lol...it should have been la casili doono...waayo rabitaankiisa kuma tegin. -
Adduunoow adduun maxaan subax u soo joogney ay Duke iyo askartiisu isku qariyaan boorka oo qarannimo, nabad iyo Dowlad ka hadlaan if that was the case WHY CRY TODAY? Malaha Dowlad waxay u yaqaannaan odayaasha adeeryaalkood ah oo keliya miyeysan ogeyn in Mustaqbalka Soomaaliya ee ah positive uu hadda billowday insha Allaah? Duke...aniga adiga haddii aan ahay mar hore ayaan caddaysan lahaa inaan ahay Qabiileyste xanuunsan ee weligey institution iyo TFG kuma dhuunteen. I once remember sidaad afka ubur uga sii deyneysey when we met on a Somali event "Oh Ethiopia is a friend not an enemy...blah, blah, blah ...my question is are they still OUR brothers? or there is slight change now since they have fired YEEY? TFG ma waxay adiga kula ahayd mashruuc aad dano gaar ah ka wadatey...listen adeer Yey-ba waa ka waantoobey ee adigana dadkaaga dhinac ka raac.
-
Originally posted by LayZie G.: Emperor, why were you in hiding until today? Was he? lol...he was always hooska Yey anigana daah igama saarnayn iska dhaafse iyagaa ku mustaqbal la'
-
Originally posted by General Duke: ^^^Adeer Abwan, when Mr Guled was your age he was a successful legitimate import export business man with HQ in Dubai and Mogadishu. At that time your whole family were herding goats in South Mudug. He has been a politician of peace, ever since when you was in the rusty pickups of Aydeed chasing old defenseless women and children from their homes . Adeer who are you talking too, your whole clans leadership could not shine his shoes, but of course you only respect individuals for the number of roadblocks they had. I agree with you here he never got into that business. loool...Duke waa naga xumaatay bahashii ee ninyahow oohintu ha yaraato...I wish inaan xoolo raaci lahaa as this would have enhanced my CV and soo kolleey ma dhaamo midka aan xoolo uu raaco haysan If only you knew intaan Gacmo-dheere ka aqaanno afka iguma soo taagteen and I dont want to get personal like a looser like you neither gacmo-dheere or even yourself oo aan aqaanno waxaad tahay. Waayo ma rabo inaan noocaaga oo kale noqdo. Haddii aad lumisay nuxurka dooddana waxaan ku dhihi lahaa baroor-diiqda soo dhammayso. ?
-
Originally posted by Emperor: [QB] ^Only passing the news mate, you of all people the supporter of the worst blood sucking warlord Indha'ade cannot make sensible judgement... lol...waaba haddii aan indhacadde taageeray...bal meeshaan ku taageeray keen adiga waaba la hayaa in Fiqi-Buraalihii Yey kugu dhecee. Calaacal wax ma taro ee sida halla isku dhaamo.
-
welcome fellow bro...ha is martiyeynin minanka minankaa waaye ee soo dhawoow.
-
loool...Career prospect...cakuye riyo...I hope odayaashaan inaysan nagu soo noqon...They have destroyed Somalia already. Makax fayoow baan u baahannahay oo aan ahayn iyaga iyo kuwa daba ordaba.
-
Duke tartiib Alshabaab warka Alaska ayaan tegeynaa maa run mooddey?
-
Gen Duke oohinta iska tartiibi that is all I can say to you. Not everyone is qabiiliiste like you. This guy had nothing before or no jago other than being a stooge for Yey. Wax uu iska casilo meesha maba yaallaan. His master leads him to wherever he wants. Mustaqbalkaaga ka feker odayaashaan waa laguu dhaamaa.
-
lol...jagadii ugu ceebta badnayd, awalna waxba muu qabteen.
-
AND?
-
loool...Baadiyoow ma is tiri su'aashaan waaba soo daahday? I hope inaad jawaab waafi ah heshid...waan arkaynaa.
-
OH NO HE MUST JOIN AL SHABAAB...SI UU ISKU DHAQO...LOL... HISTORY-GAAN AAD RAADINEYSID EE UUSAN LAHAYN HALKAAS BUU KU HELI KARAA ...LOL What a Joke...FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN. Super powers ku lehe...Islaan shaqada ka sii tegeysa ayaa the airport terminal kula kulantay waxaad ka dhigaysaa like in White House la geeyey! I think maanta Yey in wakhti lagu lumiyo ma istaahilo, qorraxduna waa ku sii dhacaysaa ee waxaa la is weydiinayaa xagguu maciin bidi? Ma intuu is adkeeyuu Xabsi geli...Ma London buu u carari?
-
Dahir Riyaale to be new President Sharif Ahmed PM
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
Ma halkaas bay maraysaa?
-
Popular Contributors