Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. lol...Qorrax, macnaha erayga oo qura ha fiirin ee waxaa lagu asteeyey in Cambaartu tahay wax qofka oogadiisa ka muuqda, marka sidaan dareemayo cambaarayn waxaa laga wadaa iin amase dhaliil ka muuqata shaygaas, ficilkaas amase qofkaas la cambaaraynayo. Midda kale afka macnihiisu kuma dhisna oo keliya qiyaas ee waa in si qoto dheer loo fiiriyaa sida lagu xushay erayga iyo xiriirka uu la leeyahay waxa lagu tilmaamayo. Waxaan filayaa inaanan kugu caajisin xoogaaga qoraalka ah ee aan soo xusay aanse ku fahansiiyey waxa looga jeedo erayada.
  2. I guess to describe this into Somali would be "Dhaleecayn amase cambaarayn"
  3. Waxaan garanaayo Haddaan gudan waayo Gefkeeda anaa leh Nimaan waxba geysan Maxaa gawraciisa Gar loogu tilmaamay Ajaanib gadoodey Dhulkooda ka guurey Maxaa geyigeenna Gabbaad uga yeelay? Maxaa gabdheheenna Dadkaasba u guurshey Waaba sheeko gun dheere!!! Raggii dadka gooyey Dhammaan gam ka siiyey Gumaca ku asqeeyey Waa midaan garan waayee Maxaa? Maxaa Baarlamaanka dhex geeyey? Qabuuro qabuuro Qabuuro gaboobey Ninkii Gacmihiisa Godkooda ku faagey Waa adduunyo gaddoone Maaxaba u geystey. Markay xaajo gedooddo Allaa loo gardhigtaa Gacmaha loo fidsadaa Gargaagkii la baryaa Haddii Guulle yiraahdo Colaaddaa go'i doonta Gallad baa dhici doonta Gu' baa noo di'i doona Geelaa noo dhali doona Gorofkaa culmi doona Giiryaalaa tegi doona Geesigaa iman doona Waayeelkaa gabyi doona Gabannadaada qosli doona Cid kaloo gurigeenna Gogol noo dhex dhigtaa Garab noo noqotaa Gacan noo fidisaa Su'aal baa garab taallee Soomaalaay Soomaalaay Soomaalaay isgarawso!!! Waah waah waxaasaa miro, laxan iyo muusig ah.
  4. lol@ soo dhaweynta Norfsky. Intaa markii la helo maxaa xiga?
  5. Originally posted by Allamagan: lol @ Nin dooran doorta xaw dhahdeen! wuu iska dooranaa miyaa sheekadu? lol...arkeysidaa saaxiib. Waa iska caddayd markii ay ka billaabatay baarlamaanka gudihiisa doodda ah in Aadan Madoobe wakhtigiisii dhammaaday ay arrintu tahay in Xariif Xasan meesha u soo xusul-duubayo. Anigu kolleyba wakhtigaas ayaan maqlay in xariifku uu diyaargarow ku jiro.
  6. Nin dooran doorta xaw dhahdeen! Oraah Soomaali baa oranaysa "Ninkii khayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso" Madaxweyne Sharif muxuu sugayaa, this guy wuu u dhaarsan yahay shaki kuma jiree, hadduusan is geddin oo haddana siyaasad kale hoosta kala soo bixin. Runtii, Soomaaliya in labo jeer la xoreeyo ayay u baahan tahay, marka koowaad Xariif Xasan in laga xoreeyo, marka labaadna Al-habaab.
  7. There goes reading university Cybernetics Department trying anything in order to show their capability in this Computer Science.
  8. Originally posted by Canjeex: To see all this successful Somali people in one thread has truly made my day, thanks Adam! Indeed. This list and many more that have not been mentioned. Thnx --
  9. Waa yaab, xerada ciidammada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Buuhoodle maxaa waaye, goormay Buuhoodle Itoobiya ka mid noqotay?
  10. lol...I think kan in la ceyriyo ayaa habboon...awalba wixii wasiir ka dhigay way khaldanaayeen. I can't stand this guy. If Maxamed Dheere, Darwiish and Xuubsireed are gone why not him too.
  11. Originally posted by xiinfaniin: Awoowe it is the way of somalis inay qalad cad ku adkeystaan. Sidaase maaha sida insaanka cadaariga ahi u dhaqmo, Sharifna sidii saxda ahayd buu yeelay oo wuu ka laabtay go'aankii qaldanaa. Ina Sharmarke maaha nin shidda qaba, asaga iyo Sharifna waa heshiinayaan, waa madaxweynihiisa Waa runtaa xiin weliba waxaa ugu sii daran markii qofka danaano qabiil iyo dano kale wadaan. Waxaan la yaabay dowlad la leeyahay lama jiro haddana madaxdeedii lala kala safanayo!...Cakuye qabyaaladda. Midda kale sidaan dareemayo madaxweynuhu wuu dareemay inuu khaldamay waana lagu ammaani karaa inuu isa saxay in kastoo ay habboonayd inuu markii hore ka fiirsado "Maahmaah Soomaaliyeed baa tiraa, intaadan falin ka fiirso". Kolleey kuwii sidaan kula taliyey waa inuu xarigga u jaraa oo iska fogeeyaa. Waxaa dhici karta oo weliba iska cad in tani awooddiisa siyaasadeed ay wax u dhimi doonto. Sheekada hadda waxay u weecanaysaa dhinaca baarlamaanka oo haddii Xariif Xasan Guddoomiye loo doorto waan dareemi karnaa meeshuu diiradda saarayo iyadoo wararku sheegayaan inay kala fo-gaadeen madaxweynaha. Kooxdii Xariif Xasan nebcayd markaan baa dhiiggu ku karayaa markii jagadii uu Aadan Madoobe ka ceyrsaday oo ku fariisto. I hope that he doesn't.
  12. Originally posted by Geel_jire: how many SOLers have heard about it ? I have not heard it before you posted it over here.
  13. Originally posted by BiLaaL: I'm not a fan of Sh. Sharif but this dimwit has failed miserably. He is a complete disgrace to his father's legacy. lol...So you are comparing the time that his father was PM and now? Is that fair?
  14. lol...Juje has contacted a SOL member and said to him "Due to the sudden changes in the TFG I am focusing on my P45/unemployment Allowance".
  15. I believe PM Omar has a point here. Sharif can say Dowladda waan kala diray, balse the parliament has to approve it. I think it is not a bad idea to have another government in place but someone who can bring change is needed. Plus if the likes of Xariif Xassan will be in the next government then president Sharif HIMSELF needs to GO.
  16. Indhacadde iyo waallidiisii....Omar isagaa dameerkaanoo kale markii uu wasiir ka dhigtay ka mas'uul ah inuu sidaan u hadlo.
  17. Fashil aan Xasan Daahir iyo waxa la midka ah ahayn miyaaa Soomaaliya ka jira?
  18. lol...Juje, where are u? Meeshaan qarow baa ka billowdee...hahahaha.
  19. Originally posted by Xaji_Xunjuf: The next pm will be from Puntland as usual. So no jangali for you lol...I thought he was from there too. is it just when it suits that Erigave people become Puntlanders...yaab badanaa or is it you trying to hijack him into Somaliland? Originally posted by Libaax-Sankataabte: Ayaandarro indeed!! Weliba mid weyn. i beleive Somalia inay one day sidaan ka wanaagsanaan doonto Insha Allaah, laakiin ifafaalahaasi hadda ma muuqdo shaqo dheerna way u baahan tahay.
  20. Any leak or guess on who will be named for the next Somali PM? I think it could mean that Omar comes back with Adan Madoobe and Xariif Xassan swapping posts...lol...Don't be too suprised, this is the current Somali Politics. It was obvious that Xariif Xasan wanted to go back to his old seat of the Speaker of the Parliament. According to someone who knows him well Adan Madoobe will not give up easily and I was not suprised when I heard president Sharif stating that Adan will be included in the next gov...lol. Isn't that another clue that he might take over Xariif Xasan's position (Finance Minister)? If this happens...Somalis need to think about immediately on who should replace the president himself because iyadoo awalba loo dulqaadan waayey shacabka sii baaba'ayey haddan tan wax la qaadan karo ma ahan in mustaqbalka Soomaaliya sidii banooni loogu sii ciyaaro. Or could it be a totally different scenario. 2 guys that I think Sharif might choose to replace the former PM, Omar Ali? Jengeli who you can say he has been getting ready for this job for a while and Abdulkareem Jama, the president's current chief of staff, who wanted this job back in Jan. 2009. I heard Ali Khalif Galayr being interviewed on the VOA's Somali section yesterday. I thought that he was like war aniga halla i magacaabo again….lol Only Allah knows what the future holds.
  21. Originally posted by NGONGE: ^^ I think Sh Sharif wanted to sack him a year ago but wuu ka xishoonayay. Oo ma gabdhay kala qabaan? Xishoonayey ku lahaa!
  22. What do you expect when a pirate is captured by another pirate?
  23. Oo isagana tolow maxaa haya? I would say "Xukun Jacayl iyo madax adayg" lol
  24. Amin Amir, raggeedii.