Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Hadda ma shaki baa ku jira inuu kan lahayste yahay mar haddii uu sidaan u hadlayo, meelo uusan awal tegi karinna uu hadda ka khudbaynayo?
-
Tarzan Champions in Garowe.. remmeber this moment: PIC
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
So today Tarzan is a hero in Waqooyi Bari Soomaaliya? Adduunyada maalinba wax baad arki! lol -
SAYID MAX'ED CABDULLE XASAN: Was he a Mujahid Shahiid??
Abwaan replied to MoonLight1's topic in Politics
Waxaan la yaabay maxaa Sayidka iyo SNM isku keenay. Mowduucaan ma Sayidkaa looga hadlayaa mise SNM? -
waa joojinnay baa la iska dhahayaa...meeqo jeer buu hadda ka hor sidaan oo kale dhahay oo socon weysey. Gaafoow illaa ay dowladdu samayso qaab ay Soomaalida ku kala baahsan caalamka ay baasaboorkan heli karaan waa joojiyey ma soconayso. Dadkaan awalba iska dhibaataysnaa in caqabad loogu sii daraa ma habboona. Soomaali badan oo arday, shaqaale amase degaan ahaan u jooga goobo ay ka mid yihiin: Sucuudi, Imaaraadka, Suudaan, Shiinaha, Hindiya, Bakistaan, Maleesiya iyo meelo kale oo badanba soo arrintani caqaband ku noqon mayso oo degganaashihii waddamadaas ay ku haysteen lagama joojinayo? Dadkaan Soomaalidu ay xilalka u dhiibtaan horta maxay naxariistu uga guurtaa oo ay keliya uga fekeraan labada shilin ee iyaga soo geleysa?
-
恭賀新禧Happy New Year from Beijing.
-
Mad_Mullah...Egypt invited Hassan Dahir Aweys in 2007? Do you have that info and he met with chief of Intel. Plus the humilation took place more than one occassion as far as I know bro no need to discuss it in public.
-
Mad_Mullah...that is a good question but Egypt does not care about Somalia. For instance do you know that they did not support our independence back in 1960? That they used to send arms and fake scholarships in order to indoctrinate our people and make them to blindly support Egypt for whatever the reason, especially the Nile issue. Egypt does not have a border with Ethiopia. Therefore Somalia is a perfect spot to launch it's anti-Ethiopia campaign. Do you know that Egypt humiliates the Somali leaders during Arab or International conferences unless they speak Arabic? By the way I dont not mean that Ethiopia is our ally...Their governments equally worked/work towards the destruction of our nation. In my view...Ethiopia, Egypt and Italy are the foreign powers that have contributed to the destruction of Somalia.
-
lol...so far indho-xanuun baan ka qaaday...I hope inaan la qabsado. You know to many change is a hard thing to get used to. The options for text is cool
-
Originally posted by Jacaylbaro: Weligayba ma maqal ,, lol...haddaba maqal...
-
Maaddeey waxaan islahaa wuxuu dhihi doonaa Xujeydii waa la xirxiray iyo diyaaraddoodii baa dib loo celiyey iyo wax la mid ah, laakiin haddii ay nabad ku soo degeen oo guryahoodii aadeen maxaad kale oo aad rabtey?
-
lol...xiinfaniin...waa ku dayannay camal miyaa sheekadu?
-
Heestiisa Cusub ee Dhaxalsuge Yaa xasuusta heestii miraheeda ay ka mid ahaayeen...Folloriinta curiyaha, firfircoonaantaa taxa looga celiyaa...ee ay la qaadi jirtey Saado Cali Warsame.
-
looool...xiin...thanks for the update. Ma anigaan yaabin ayaantaan...Horta haddaan ogaadey sida ugu fudud ee SOL U-Turn loo sameeyo. Ayaanbaa la iska noqdaa dorment oon waxba la soo qorin, fasax gaaban la qaataa, ka dibna kolleey xaaladda Soomaaliya hore ayay isku beddeshaa ee tartiib inta la soo noqdo ayaa la dhahaa "Maxaa i dhaafay" adigoo si qunyar ah u beddelayaa fikirkaaga iyo qoraalkaaga.... This is what I observed...
-
W/Salaam Maaddey horta sxb welcome back first. Tan labaad ma maqashay murtida Soomaaliyeed ee oranaysa "Xaajo nin aan ogeyn indhuhuu ka ridaa"? Horta in bulshada la marin habaabiyaa ma habboona oo the current government ministers waa ka dheeryihiin tagsiileyaasha aad ku sheegtay oo iyaga iyo Cali Dheere, Kabo-ku-Tukade, Macallin Xaashi iyo Fu'aad Shongolle kuwii aqoon u dhow adigaa lagu weydiin. Midda kale C/Qaadir Cali Cumar isagaaba Dowladda u hoosaasin jirey kuwa gafuurka duubta iyo Xaynta Ina Daahir Aweys taageerta ee wax weyn ma soo kordhineyn wadaadkaan miskiinkaa ganacsigiisa ha iskaga laabto awalba nin wanaagsan oo la waalay buu ahaa maamul wasaaradeed oo uusan aqoonna madaxa loo saaray. For the Sharif-yada awalba xilka looguma dhiibin inay isku nacamleeyaan shaqo ayaana Soomaali ka sugeysey and FYI wakhtiga u haray labadaba waa tirsan yahay insha Allaah waxaan sugeynaa beddel wanaagsan markii wakhtigoodu u dhammaado. For Mr Farmaajo...waa ogtahay 100 beri buu qabsaday waana laga warsugayaa insha ALlaah. Ilaahna ha garab galo.
-
Originally posted by xiinfaniin: Oodweyne soo dhawoow Somalia will be back in sha Allaah, habaarkii reer waqooyigana ilaah aqbali waa looooooooool.........Oo ma waxay ku habaartamayaan baad leedahay Soomaaliya Ilaahoow ha hagaajin...xiin waa iga qoslisay runtii.
-
Originally posted by Thankful: quote: Ugandan President Yoweri Museveni on Sunday made a surprise visit to the Somali capital Mogadishu, becoming the first foreign head of state to set foot there in almost 20 years, officials said. This is incorrect a few years ago Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi went to Mogadishu. Unless they don't consider him foreign?? Not only that but Museveni himself went to Mogadishu back in 1992 a day before the Former Irish president Mary Robinson came to Mogadishu. Are we also forgetting that Bush Sr. visited Mogadishu during US troops involvement (Dec 1992)?
-
Originally posted by Qodax_iyo_Qarax: quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf: Just like when melez zenawi visited xammar he met with his general Gabre. Yoweri Museveni did the same only he met with his general buhuku. Is the General really called Buhuku? What if this is the only Ugandan in Mogadishu we know...?
-
Mogadisho mayor says TFG is aware of the atrocities Amisom Commits
Abwaan replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaggee laga dhigaa dad baa la xasuuqayaa anna waxba kama qaban karo oo waan iska fiirsan, kuwa samaynaya xasuuqana waan la shaqaynayaa? -
Djibouti President Gets Unique Gift From Somaliland Ex-Minister
Abwaan replied to Jacaylbaro's topic in Politics
lol...Sida xoolaha Koofurta laga keeno looga dhoofiyo Berbera, libaaxaanna waxaa laga keenay Koofurta marka dacwo ayaa lagu soo oogayaa dadka is-dhaafsaday...lol -
Originally posted by The Zack: Abwaan sidaad Gabbal aad u dhibto aan kuu dhibo caawee, adigu inta Shariifka TFG-da madax ka noqday, TFG loyalist baad soo baxday ma is tidhi? Waliba xaga sheekh shariif lagaama marki karo? lol...Zack...sxb waxba igama dhibteen haddii la hubo inaan Sharif loyalist ahay, laakiinse I am not. Haddii la yiraahdo maanta shariifka malla bedelayaa oo ma habboon tahay liiska dadka haa oranaya xagga KORE ayaan ka geli lahaa, mana ahan inaan qabiil iyo dano gaar ah u leeyahay balse maslaxadii aan ka fileyney ee dadka iyo dalka siday ahayd ugama soo dhalaalin mana filayo inuu ka soo raynayo waxaana dhab ah in isbeddel loo baahan yahay. Ninayahow anigu I care less about odayaashaan is-daba-maraya waxaan loyalist u ahay Soomaaliya iyo qarankeenna iyo nabad iyo wada-noolaasho soo noqdaan. Jago kama rabo, xoolo kama rabo just inaan neecaawdii udgoonayd ee dalkeenna ee sida ninka reer miyiga ahi halo dhawr ah amase riyo dhawr ah inta maalo uu geed hoostiis u seexan jirey kuna hurdo bogan jirey haddii Ilaah caafimaad ugu daro ayaan rabaa. Just that oo weliba maanta Alxamdulillaah fursadaha dhaqaale, aqoon iyo tiknoolajiyo maantay ay adduunka kobocday wax badanna laga bedeli karo qaab nololeedkii hore. Tuulo Soomaaliya ku taal oo aan dad ka xigo ma jirto, meel kastana waa ii dhul Ilaah sida dhulalkaan nalaku soo dhaweeyey ee aan martida ku nahay aan u degneyba!
-
Originally posted by Al-Haji Abtigiis & Tolka: Xinny, Waad ku mahadsantahay tabida aad i tabtay, waana filayey oo anba waan ku tabi lahaa. Foodleeyda SOL baa igu buuqday oo deedna waan u soo Xajay, istaaqfurullah. Bal waa ta danbe ee ila hadasha. Soo dhawoow Al-xaaji waa lagu wada tebey.
-
Originally posted by Tuujiye: quote:well done galdogob. ina kalif hashi works for himself and shariif. shariif is his mentor and the community internally knows who he is and his hostility towards puntland. well done. looooooooooooool subxaanalaah! war ilaahey ka cabso oo qof aadan aqoon ama aadan wiligaa filinka daawan, wax haka sheegin... Khaliif xaashi iyo Sheekh Shariif maba is aqoon ilaa iyo dhawaan loool ajanabi bee isku ahaayeen.... Ilaaheey kacabso saaxiib.... Wareer Badanaa!!! Waa runtaa isma aqoonin shakhsiyan aan ka ahayn xilligii xaafiiska Madaxweynaha looga magacaabay Xoghayaha Xiriirrada. Si kale wax ha looga sheego iyo jagadaan uma qalmo laakiin hebel baa wata war ma ahan. Cali Ismaaciil Giir (Ex. Xoghayihii Xisbiga ee Jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed) sootii C/llaahi Yuusuf wadan jirey illaa 1991-kii, Daandurreey taas ma moogyahay? Mise wuxuu leeyahay Galdogob baa laga soo doortay?
-
Mogadishu: Same old game, some MP's to unilaterily vote in PM
Abwaan replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Taleexi: Abwaan : Kuraasta caagaga ah in laysla dhaco waa horumar, war qoriga kalashnikov-ka ha laynaga ilaaliyo. Waa runtaa waa horumar balse kuwii xalka laga sugayey hadday kuraas isla dhacaan, shacabkana maxaad ka fili...? Horta maanta malla isla dhacay kuraas war maka haysaa? Waxaan akhrinayey dagaal baa ka dhex-dhacay Baarlamaanka.