Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. lol....oo muxuu dhaamaa isaguba wax ma qabane muxuu isku casili waayey tolow. Wax baan kala diray ku lahaa. Nin Soomaaliyeed iyo indho-adaygiisa ahaa!
  2. I think this time we should be discussing about his possible future cabinet list, not him. The CV and the man himself are not immune from mistakes and for those who think he is not the right man for this job for whatever reason, it is too late! He is already there. I am hearing that he is already disagreeing with Sharif Ahmed and Sakin's list for cabinet posts and if that is true and he also does not want to bring few of his kinsmen and few other old neighbors and classmates and Abdi is really trying to bring effective ministers then that is good news. Waan arki doonnaa wuxuu soo wado insha Allaah.
  3. Jacaylbaro;730579 wrote: I can imagine ,, they put on gabaygii Timacadde ee "kaana siib kanna saar" and none of them understands what he is saying ..... "Aree xaw sheegaa duqaan?" ,,,, looooooooooooool JB, hadalkaan mid nuxur leh uma eka...Ma waxaad iska dhaadhicisay in meesha dad gaar ah iskugu yimaadeen? I think taas waad ku fududaatay. Soomaaliya beeli ma kala goyn karto oo taas Soomaalina diiddey, caalamkuna diid, taas ku seexo!
  4. It says that he was born in 1965 but I think he was born before but it is ok too.
  5. Jacpher....it is good to be hopeful rather than criticize first. I think there is nothing wrong with giving someone the benefit of doubt even if there are some mistakes that they did in the past. Although he was a minister in the last cabinet he now has a new and bigger role and he seems to be the right man. Isaga ayay u taallaa sida uu xilkaas uga soo dhalaalo. Soomaalidana waxaa looga fadhiyaa inta la iska daayo shalay baa banooni la iga jeexay inay la shaqeeyaan mudanahaan cusub. Runtii waa nin aqoon sarraysa leh waxna qaban kara balse waan arkaynaa. General Duke ayaan la qabaa in jagooyinkaan Soomaalida dibeduhu u ordayaan inta la iska dhaafo in dalka maalgelin lagu samaysto. Dowladduna hopefully nabad ayey keeni doontaa. Ilaahna ha na garab galo. Waa inaan ogaannaa in dowladdan iyo macaa baarlamaankeeda hal sano oo keliya u dhimman tahay, haddii ay sannadkaas wax ku qaban waayaanna fursad lagu beddeli karo ayaan haysanaa...ee aan la shaqayno.
  6. General Duke;730176 wrote: To the new PM, as a Western educated Economist you should appreciate the need for a competent, lean and professional cabinet. Make sure that you build on the good work of your friend Farmajo with a few adjustments. Your task is to bring security to Mogadishu, unite your government with the regional States and outline a Somali centric end to the transition. PM, I would suggest that you keep the stars within the previous cabinet. You should name, Mr Farmajo as your Minister of Interior & Security. Keep Mr Fiqi as the Defence chief both of these men have played a good role in the fight against Al Shabaab. Omar Should be relieved of his comfortable position at the foreign office and given to one of Sharif Sakin supporter in this I would suggest the young man by the name of Mustaf Dhuxulow. My point is simple; Sharif Sakin if he wants to bring anyone to the table, that person must have the necessary qualifications and skills to take the job. Also demote IndaCade ASAP. Good advice. The only difference is I suggest that Abdiweli should look for someone new who can replace Oomaar. Or if he wants to bring back the old crew, I suggest it shuold be Jengeli (and get rid of Abdikareem Jama but I doubt this will happen) or someone who knows about the foreign office. For indhacadde, Yes he should be demoted but i doubt it will happen as I am hearing that Sharif Sakin wants him to be the defence minister...lol. I beleive Abdiweli does not only have the skills and education but he is more stronger than his predecessors. One last advice is that he should be very careful about those who want to support him because of Qabiil and want to get posts from the government. Good luck to him!
  7. My only HOPE is that he has a power to name his cabinet!
  8. Hambalyo Oba....Guri khayr Ilaah haka dhigo. Somalina....wiil iyo farmaajo waad tiri ee gabar iyo Somalina maxaad u dhihi weydey!
  9. looool......Daahir Calasoow halkiisa haba joogee khayr laguma sheegeyne, wax dayro astaahilana waaba yahay, balse kuwa Shacabka Media qoraa maxay dhaamaan toloow? I think in labadan shabakad ku sheeg kuwa qora (Waagacusub iyo Shacabka) wax dhex mareen oo halkaan been iskaga tebinayaan ee yaan lagu sirmin. Waxaaba caddayn kara February 2011 war la qoray oo hadda Shacabkamedia soo nooleeyeen...lol XX siduu well done ula soo boodey...bal aan saaxiibkay kaftan hagari ku jirto ku tuuree....Waan ogahay oo Daahir ayaa beryahaan Siilaanyo saarnaa marka adigana akhbaartaani waa kuu akhbaar culus....lol I only hope waxa website-yada Soomaalida ee wararka iyo macluumaadka kale ee akhbaarta Soomaaliya xambaarsan qora BADANKOOD, dagaal-oogeyaasha, kuwa shiikhyada isku sheega ee dadka laaya, ganacsatada kuwa isku sheega ee dadka dhiigooda jiqa iyo kuwa idaacadaha u shaqeeya ee beenta iyo qabyaaladda ka hadla oo buunbuuniya wax aan jirin in Soomaali disown-garayn lahayd, not koox iyo beel!
  10. Showqi;729612 wrote: Abwaan, Shariifka shaqadisii ahayd madaxweynaha ku meel gaarka ah si fiican ayuu uga soo baxay. Sanad walba Ra'isul wasaare cusub ayuu magacaabay. Ra'isul wasaaraha marka uu soo doorto ka bacdina wuxuu shafalgareyaa Xildhibaanada. Haye maxaa kale oo ka rabtaa hee!!! lol....you mean wasiirrada.
  11. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;729585 wrote: Mahiga iyo Musaveni haku maamulaan mashaqo ahaa. Qol Mugdiyaa naloogu tashadee mashaqo ahaa! Soomaalina ma mucaaradi karto mashaqo ahaa! Mid mid baa naloo adoonsadee mashaqo ahaa! Marba qolaa saan noo gashee mashaqo ahaa! Shalayna Meles maantana kuwaan mashaqo ahaa!
  12. Mayaani;729426 wrote: Bal adba garo, may be is personal thing that most us have no clue what so ever or may be Abwan will write a book "Contemporary Somali Politic for Dummies " then detail what we are missing here. lol...personal...Oo tolow maxaa iskugu keen darsaan shakhsiyan waa yaabe. Naxar iyo Mayaani, I have nothing personal against Farmaajo, I just don't see in qiiro un lagu taageero, su'aal ayaanan ka dhiibtay khudbadihiisii is khilaafsanaa. Taasna ma debmi bay noqotay? Soo tii la yiri "Wax is weydiini ma xumee, wax is weydaaris baa daran". Farmaajo raggii keensaday baa haddana xilka ka qaaday, haddana waad maqlaysaan in C/Weli oo kaamkiisa ka socda lagu beddelayo. I hope C/Weli oo sidaan oo kale loogu dheggan yahay inaynaan arkin berri!
  13. Mayaani;729419 wrote: Abwaan waxaan dadku arkin baad aragtaa baan u maleyn. This isn't for Farmaajo bigger than him. Hadaad ogeyn wax dowlada Somaaliyeed layiraahdo inaysay jirin Farmaajo wixii ku dhacay baa daliil kuu ah. Wixii kartidiisa ahayn ee awooday waxay ila tahay inuu qabtay tusayn Soomaalida hufan in Qaranimadoodii mar hore luntay asaguna maanta tusaale u yahay. Mayaani, dowlad Soomaaliyeed waa jirtaa balse awood ma laha ayay ku qurxoonayd. Dhaqanka Soomaali badan ayaa beryahan laga dareemayaa in markii ruux ay taageerayeen xilka laga qaado inay dhahaan dowlad ma jirto oo wax adiga kugu kooban ma ahan. In Soomaaliya siyaasad khallafsan ka socoto waan kugu raacsanahay balse dowlad waa jirtaa. Haba ahaatee mid aan shacabku soo dooran. Anigu dadka waxba ma dheeri balse waxaan isku dayaa inaan wax qiirada dhaafsiisan arko. Haddiise muddaaharaadku uu Farmaajo ka weyn yahay waa wax wanaagsan oo in mustaqbalka dheer laga fekero iyo waxa bulshada dan ugu jirto. At the end of day waxa Sharifs ay soo wadaan inaysan horumar la taaban karo keeneyn la isla meel dhigo way wanaagsan tahay. Looba joogeese bal inuu sii socdo iyo in kale Insha Allaah.
  14. Waa kacdoon calaf ka baxay. 3 maalmood xitaa kama soo wareegin, ninkii Farmaajo ahaana waa iska dhaqaajiyey. Toloow dadkaan riyadoodii xaggee buu uga tegey. This is why aysan siyaasiyiin-ku-sheegyada Soomaalidu isku hallayn u lahayn warkooduna uusan qabasho u lahayn!
  15. lol....The famous sentence. "Maslaxada ummadda ayuu ilaalinayaa" Kuwii ka horreeyeyba, kulligood soo sidaas ma dhihin markii ay xilka ka tageen? Shalay markii uu lahaa waa joogayaana wuxuu lahaa shacabka ayaan u danaynayaa....Toloow markee buu been sheegayey labada wakhti?
  16. Taleexi;729156 wrote: Mudane Abwaan: Wax fahan sheekadu waa One Way Direction. lol....Sheekadaas xaggee ka shaqaynaysaa?
  17. Jacaylbaro;729029 wrote: Waaba haday gartaan dee ,,,,, Qorax bal maxaa laga garan waakaase
  18. Saalax;729137 wrote: Address the message not the messenger. lol...Ma anigaa Soodaanta keenay dheh!
  19. Xunduf Weli heestii baad waddaa! Waxaan ku weydiiyey labadeenna keebaa qiiroonaya oo suuroonaya. Waa adiga is xiijinayee bal ii sheeg qof Koofurta ka yimid oo Waqooyiga dagaal ka wada amase jago ka doontay inta Jaad ka dhergey. Waxaan ku weydiiyey, Axmed Cabdi Godane & Ibraahim Xaaji jaamac Meecaad, Oomaar, Ilko-xanaf, Buubaa, Gen. Jaamac Maxmmed Qaalib iyo qaar kaloo badan Waqooyinnimada miyaad ka saaraysaa? Anigu waxaan ku leeyahay nimankaan Soomaalinnimada kama saarayo mana ka saari karo. Ninyahow wax runta kuu sheega ayaad weydey, sheekadaadu waa "Wixii xunba Xaawo ayaa leh" Waa dhab in koofurta dagaallo badani ka socdeen for the last 20 years, laakiin ogoow in nololina ka jirto oo inta Waqooyi oo nabada wax ka barataa ay ka badan wax ka bartaan marka ha isku deyin inaad aastid. Waxaan la yaabay waxaad isla boohineyso oo aad la calaacalayso markii su'aal un lagu weydiiyey!
  20. Xunduf. Xagga iyo kaftanka hagartu ku jirto waxba kaa oran maayo. Soomaalida ayaa beryahan inay derejo sheegato ku soo badatay wax koofurta ku siman ma ahan. Caddad ma laha intaan marfishle sheeganaya inuu yahay Eng. Metela Xisbi fulaan oo ka soo jeeda Waqooyi arkay" Midda kale waxaa laga yaabaa inay adiga qabyaalad iyo qiiro ayay kaa tahay balse mid caddaalad iyo walaalnimo ku dhisan ayaan u qirayaa horumarka NABADEED ee ay gaareen walaalaha waqooyi. FYI Hargeysana waan tegey dhawr sano ka hor oo waan soo arkay runtii intaas ka badan baan ka filayey laakiin weli jidadkii iyo iskuulladii dowladda dhexe dhistay waxba laguma darin. Shacabkuna waa dedaaleen Ilaahna ha u siyaadiyo. Dimoqoraadiyaddan aad sheegeyso ma midda Shakhsiyaad aaskii waalidkood loo diidaa, oo qaar inay transit Hargeysa ku maraan loo diidaa oo qaar inay carruurtooda soo arkaan loo diidaa? Dimoqoraadiyaddu ma inaan maalin walba maqalnaa "Ciidammada xoogga ayaa inta xero Awr laga soo daabbulay, tuulo hebla ku gaardiyey" Horta Dimoqoraadiyadda ayaad khalad ka fahantey. Ha u qaadannin inaan taageerayo maamul gaar ah balse waxaan leeyahay yaan la is cabburin, haddii kale dooddaada ah Koofur baa nagu qasbaysa inaan ka mid ahaanno ayaan noqoneyn mid macno leh...!
  21. Xunduf, with all due respect Jawaab waafi ah imaadan siin ee waxaagu waa Shimbirayahow heesa, taasna cidna ma dhegeysaneysey oo xitaa 60-maadkii baa laga dhiidhiyey oo hees caan ah laga sameeyey. (I do not know the singer and was not born when it was made balse heesta iyo luuqda macaanba waxaan ka dhegeysan jirey Raadiyo Muqdisho). Waxaan is lahaa dood xalaal ah meesha haka dhacdo laakiin weli waxaad mooddaa inaan borobogaando ku wada hadlayno ee bahasha beddel haddii kalese iska wado dacaayaddaada iyo "Ciidammada Xoogga dalka oo ku gaardiyey Widh-Widh" (I am sorry marna ha iga sugin inaan soo qoro magaca maamulka Waqooyi ka jira waayo waxaan u arkaa inaan aqoonsaday if I do. Beleive me it is nothing against them balse xitaa kuwa goobaha kale ka jira ma soo qoro. I respect them and wish them well in taking part of getting Somalia back together.
  22. Xunduf. Haddii khariidaddii hore socon weysey, si aad aqoonsiga raagey u heshaan mallaga yaabaa inaad ka fuqdaan gobollada dadkii lahaa u tashadeen oo hadda idinka soo horjeeda haddii aad SNM tihiin oo aad keliya maamulkiinna ka dhigtaan degaannada la is-dhihi karo waa deggan yihiin. Sidee ku soconaysaa inaad dhahdaan Koofur baa na jajuubta 60-kii haddana na khasbaysa adinkuna aad dad Soomaaliyeed aad hoggaamisaan iyagoon raalli ka ahayn oo raba inay idinka tashadaan?
  23. Sayid, the guy is an innocent Somali man who would do the same for Somaliweyn. Xoogaa qurbaha ayuu ku raagey laakiin nin xun ma ahan. He makes a lot of jokes and this can be one of them.
  24. looooooooooooooooooooooooool....................Xassan Regea or Doctor.........Magac laga miskiin maahan. John Major annagaa dhalnay ku lahaa.................