Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Calankii sarreeyee Rabbigay na siiyee Lixdankii la saaroow Samahaaga calanyahow Waataan sannado badan Sidko dhalay ku maalloo Dadka ugu sarraynee. Inkastoo sarsuuriyo Salaw iyo colaadiyo Muddo saxal ku soo maray Ma samrine sadkaygoow Rabbi waxaan ka sugayaa Sidaad beri ahaydiyo Sumcaddaadii waa hore Ku soo noqoto sebenkaad Dayax guudkii saarnayd Oo Soomaali toostaa Gacmaha isa saaraan Oo sidigta maandeeq Sama lagu wadaagaa Saatir aan ku mahadshoo Adoon siigo kugu ool Kaa eegto samadee Kaa eegto samadee Calanyahow surroow Weligaaba saarnoow Rabbi saxarka kaa qaad Aammiin aammiin Rabbi saxalka kaa qaad! Summaddaan lahaynoow Allow aan la sidanoo Cadow layga kaa siin Sagal iyo daruuroow Sahan noo maqnaayoon Ku sugaynay Khayriyo Saadaal barwaaqoow In kastoo sabaannadan Siigaal sidoodii Salaw yaacney badankeen Ma samrine sedkaygoow Rabbi waxaan ka sugayaa Shacabkii salkucu galay Inay soo noqdaanoo Ay sabaad barwaaqaa Soorta ay wadaagaan Wixii soof la kala dhacay Laysu saamaxaayoo Sebigiyo agoomaha Same loo daryeelaa Saatir aan ku mahadshoo Adoon siigo kugu ool Kaa eegto samadee Kaa eegto samadee Calanyahow surnoow Weligaaba saarnoow Rabbi saxarka kaa qaad Aamiin aamiin Rabbi saxarka kaa qaad Aamiin aamiin Rabbi saxarka kaa qaad Original video:
-
A compromise-based list of ministers although I must say that most of them come from the president's camp. I am glad to see at least four individuals in this cabinet from completely different clans who grew up in the same city that I did. And of course many new faces as mentioned here earlier by other SOL members. Good luck to the new cabinet. May Allah guide and help them in all the challenging tasks ahead of them.
-
It is really sad...in qof masuul sheeganaya kuna doodaya inuu caddaalad wax ku maamulo kuna hadlo uu hadallo noocaan oo kale ah ku hadlo, waxayse dhib khaas ah ku haysa dadka uu maamulo. Wuxuu dooran karey inuu isticmaalo erayo badan oo wanaag leh halka uu meesha la soo istaagey; Muqdisho waa magaalo beeleed halka Garoowena uu dadka u tusay inay tahay magaalo dad Soomaaliyeed oo isku dhafan wada leeyihiin. Ma xuma inuu la jeclaado in Garoowe lagu shiro balse ma garan waayey inuu xitaa hadallo diblomaasiyadeed isticmaalo oo yiraahdo "Muqdisho ayaan culayska ka qaadanynaa oo sidaas ayaan Garoowe u soo bandhignay in lagu shiro". Waxaad mooddaa inaan Soomaali aysan weli is baran, xitaa haddii la dagaalay oo la isbaabi'iyey oo la is qaxiyey, oo laga gudbi la'yahay inaan lakala fiicnayn oo ayaandarrada jirta weli la iska dhaadhicinayo in la kala fiican yahay.
-
THE SOLDIER: War in a time of warlords and extremists
Abwaan replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jacaylbaro;734465 wrote: I'm still a captain but now we are given $130 per month. And Indhacadde, Cali Madoobe, Qaybdiid, Dhegobadan, Bashir Goobbe, Axmed Taajir and others are generals! -
xiinfaniin;734240 wrote: Inta shirka Soomaaliya gudaheeda lagu qabanayo, wax nin weyni ka hadlaa meesha ma yaallaan. Garoowe iyo Xamar waa isku mid oo labaduba waa Magaalooyin soomaaliyeed. Xaad waa inay intaasi deeqdaa Well said bro. Xaaji Xunjuf;734242 wrote: ^^ Xiinfanin bal deeqsi adigu XX...sidee xaalku yahay? Ma cid isku haysata ayaad aragtay hadda arrintaan? Soo ayaandarro ma ahan meel aan khilaaf jirin in khilaaf laga raadiyaa? Haddii Faroole jeclaa in Garoowe lagu qabto oo uu soo bandhigo wax ku jaban malahan, balse guddigii qabanqaabada ayaa markii ay xaaladda u kuurgaleen waxay gunaanadkii go'aan ku gaareen in Muqdisho lagu qabto wax dhib ahna ma jiraan. Sheekadu inay halkaas ku xiranto soo kuma habboona?
-
genius pauper.;734179 wrote: theres something very common between taleexi and abwaan, that i sometimes think, they =1. ;) wan kaxumahay qarxiska. lol...genius....waxba maad qarxin saaxiib ee xoogaa male ah baa soo dhigtay meesha mana ahan mid kuu shaqeeyey markaan! Taleexi and I are two different individuals. I hope in shakigu kaa baxo!
-
You mean 55? Tiradii xitaa waa idinka luntay ee sidee aqoonsi ku raadineysaan? This is Why OAU u diidey. Marka Hore Muqdisho ka soo barta taariikhda qaaradda, markaas aqoonsi raadiya!
-
Can photoshop recognise (ictiraaf) north west somalia aka somaliland??
Abwaan replied to djibsomali's topic in Politics
Siilaanyo is looking straight at Ban-Ki Moon and The UN Head is looking at the camera...What does that say? Afewarki is not smiling either! -
lol@ oday...What time baa sheekadaadu dheggan tahay maanta? It is already tomorrow for some!
-
Nice buildings. Welldone reer Garoowe. Was the road built recently too or during Siad Barre 's government? Another sign that this area and Somalia in general needs people as streets are almost empty. Dadka oo awalba yaraa ayaa haddana dibedaha loo yaacay! Thanks for sharing this Timur.
-
Jacaylbaro;733534 wrote: And Sh. Sharif must have been Saluting to all the flags And where is this? Hargeysa?
-
Suldaanka;733553 wrote: Calanyahaw ha dhicin oo ha dheeliyin. Waligaa dhisnow! loool....Suldaan, heesaha yaan la iska bililiqaysan ee mid kale la imaw. Heestaan Calanka Buluuggaa ayaa loo qaaday!
-
SHARIIFIINA inaad iskala baxdo ayaa kuu quman Somalina waxaad ka ogtahay maleh. You know keyboard iyo computer qofka asluubtiisa ma beddelaan oo weligaa waxaad ahayd baad ahaan! For Tarzan-ka aad ka hadleysid dad muxuu iska yaqaanaa, for your information maba la sheekaysto hab-hableyaasha, cheatlord-ka ah and we know each other and believe me if I do this is exactly the way I would talk to him. Hadduu wax qabanayo lacagta ilmaha Soomaalida Camden iyo Islington ku dhinta ayuu wax u qaban lahaa, yaa loo sheega beenta Xamar baan wax ka qabtay. Kaartadii Ilaah ha U naxariistee my good friend Elman ayaa la soo xaday oo inta baallayaashii nalalka rinji guduudan la mariyey baa la dhahay Soomaaliya ayaan wax u qaban; What a hypocrite markii aan maqlay the guy oo dad ku eedeeynaya raashin dhacay baa dad la siiyaa markii xaqiiqda jirto uu isagu ka mid yahay kuwa ugu horreeya kuwa Soomaali fail--gareeyey! I don't think inaad istaahishid inaan wakhti dambe kugu lumiyo. And I don't think inaan diyaar u ahay inaan islaan qabiil cabsan la tirsado cause it is against my principle!
-
Waxaanin cammiraad waa dhaafeen! lol
-
Gabbal;731091 wrote: Su'aashaas ma tu ka danbaysaa Cadde Muuse garaadadiisa musuqmaasuq ayuu ku helay War ninyahow calool-ku-qaad badnidaa. Maba xasuusto dooddaan aad sheegeyso balse waxaan xasuustaan intaan maalin public ku wada hadalnay inaad private isku dayday inaad sheeko beer-dulucsi aad rabtey inaan dad u showrno iigu sheegto anna aan ku dhahay private ha iga sugin inaan kugula hadlo ee wixii aad qabtid public keen. I don’t really like in Luuq la iskugu cammiro and I have never done it! MEESHAAN (SOL) QOFKII U IMAADAY IN LA ISKU CAMMIRO WAA SOO LUG GO’AY BAAN QABAA. WAXAA LAGA YAABAA INAAN MAANTA ISKU FIKIR DHOWAANNO, SHALAY IS KHILAAFSANANYN BERRINA IS-KHILAAFI KARNO. Gabbal;731091 wrote: but ilaahay haku samatabixiyo. Qof qabyaalad gaar ha ku salaysan tahay ayaad iila ekayd teer iyo su'aashaa ka danbaysay. It is ok fikirkaaga adigaa iska leh wixii aad rabto ayaad ii arki kartaa aniguna ku gees iyo gafuur xiri maayo, wixii aan ahayna waan ahay balse afkaaga iyo qof kale midkiisa toona waxaanan ahayn ku noqon maayo. Gabbal;731091 wrote: As for these guys that you talk about, it is not a lie I did support Maslah as president but even then knew Sheikh Sharif would be president and since then I have watched the TFG carefully and if I felt Farmaajo was the best hope, then that is a hope I shared with the Mogadishu mothers who protested in the streets. The same mother's aspirations you declined in favor of Sakiin and Sheikh Sharif's corruption. Lol warkaba adigaa dhammeeyey oo caddaystay qaabkaad wax u taageertid ee hooyooyinka Soomaaliyeed maxaad u nabaysaa? Gabbal;731091 wrote: To be honest I have read a couple of your responses welcoming the professor and I never thought even one was genuine as well as watched your response demeaning the populist protest for Farmaajo in Mogadishu protests. Loool..Mar dhawna inaad faaliso ayaan kaa sugeynaa haddii aadanba mar hore bahalka ku xadin! FYI Sidii aan awalba Farmaajo iyo kuwo ka horreeyeyba u soo dhaweeyey ayaan C/Welina u soo dhaweeyey, haddii hawshii loo xilsaaray uu gudan waayo for whatever reason, tomorrow xaq ayaan u leeyahay inaan dhaliilo adiguna sidoo kale. Laakiin sheekooyinka raqiiskaa in la iska daayo ayaa habboon! And Farmaajihii aad la murugooneysey xaggee aadey? War maka haysaa caddadka lacagta uu qaatay ee Dahabshiil loo soo dhigay? Mise inaad ka hadashid ma rabtid?! Saaxiib, hana iga xumaan oo hadalkayga ha u qaadan mid personal oo aan kugu weerarayo balse in dood xalaal ah na dhexmarto ayaan jeclaystay!
-
Somalina;733100 wrote: Wax ma u qabatey dadka abaarta hayso? mar walba dacaayad uun baad haysaa, marnaba solution ma keentid, why is that? Diyaarad uu raacey, Ala Sheik bla blah c'mon now you can do better than that. Get up and go to Somalia and do something instead of complaining non stop. The only time you don't complain is when characters from Galmudug come to the picture. Somalina, ayaandarrada Soomaaliya ka jirta ayaa waxay tahay taageerada indho la'aanta ah ee kuwa noocaaga oo kale ah meel walba la taagan yihiin oo aan xitaa la dhaliili karin dhagar-qabeyaasha dhulkeenna halaagga ku wada. Waxaan qabqablenimo iyo qabyaalad ka daran ee tolow inaad SOL Shariifoow ku digriso meeqaad ku qaadataa? Anigu dalkaan Kitaab uma marin inaan hoggaamiyo, hagardaamana uma horseedin. Wax waan qabtay Alxamdulillaah, mana rabo inaan sheeg-sheego no 1 adiga iyo kuwa kula midka ah iskama dhisayo no 2 ajarka ayaa iga nusqaamaya. Waxaadna ogaataa inaan aaminsanahay inaan cause-kaan intaad u gashay ka badan u galay anigoo weliba aysan qabyaalad iyo dan gaar ah midna iga ahayn! Waxaad ogaataa Kitaabka ay Shariif iyo kuwa dalkaan hoggaankiisa soo qabta maraan ee aysan waxna qaban in adigoo kale oo dano gaar ah ee aad leedihiin u difaaca aad la qabtaan, illeen in la saxo ayaad hortaagan tahee mana ogolid in runta loo sheego! Waxaan la yaabay Shariif hadduu adeer kuu yahay amase waxani qabyaalad kaa yihiin markuu Soomaali ka hortago ciddii wax ka sheegta la dagaal balse hadda waa la dhaliilayaa! Haddii taasi dhib kugu tahayna BADDA KA CAB! Wax runta kuu sheega ayaad la'dahay! Miyaadan jir damqa lahayn? For once, Shaar Soomaalinimo gasho!
-
Dadkii oo abaar iyo macaluul u baaba'aya ayay wefdi celcelis 15 ah u dirayaan South Sudan. Shariif inuu diyaarad la raaco jecelyahay waa caddaatay ee midkaan diyaarad caag ah inta loo gado Jowhar halla geeyo uma qalmo inuu dalkan sii hoggaamiyo. Waa ayaandarro ee Ilaahow kuwaan ummadda ka qabo. Aala-Shiikh waa na waashay sidaas bay wadaaddo ku sheeganayaan, mar unbaa la xisaabtami wakhti ay noqotaba insha Allaah.
-
bilan;732653 wrote: I wish people will stop partying and send the money they will spend that night back home, where people are still dying in hunger. I agree with you sis. Why Soomaalidu ugu mashquulaan inay dabbaaldeg weyn u sameeyaan shakhsi xafiis loo magacaabay oo lagaba yaabo in 6 bilood ka dib la beddelo una illoobaan arrimaha ka muhiimsan. Haddii aysan abaartaani jirin dhibba uma arkeen balse hadda xaaladdu meel xun bay maraysaa. Waxaan qabaa in looga faa'iideysto dadka meeshaan iskugu imaanaya oo lagu wacyi geliyo inay dadka tabaalaysan u gurmadaan!
-
Somaliland: Mujahid Maxamed cali dayib remembered in Hargeysa+PICS
Abwaan replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
I thought the two Ss were the SAME!