Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Maaddeey;778760 wrote: ^ Sxb, sidaan kuugu sabraayey -from day one- I run out of patience!, haddana waxaad keentay inaad wax aan bari' ka ahay inaad igu tuhunto -qabyaalad & dhiig dad masaakiin ah! (weligey -halkan & meel kaleba- qabyaaladna layguma sheegin, dad aan wax galabsan layntoodana ma condone-gareyn, mushkilada adigay kula taallaa, been abuurka iska daa!. Like inaad baradho bisil tuurteysid...Xaggeed nagu aragtay anigoo Isbaaro raalli ka ah? Ama wax isbaaro dhigta u riyaaqaya...xitaa in la kala sooco ma qabo kuwa isbaarada dhigan jirey 20 years ago, within the last 20 years iyo kuwa maanta dhigtaba! Qabyaalad layguma sheegin lol...it depends on who is around you....Soomaalidu badanaaba amase markii ay qabyaaladda iskugu nacamlaynayaan ma iyagaaba is dhaha aan qabyaaladda iska deyno, hebel waa qabyaaladloow iyo waxaas waxaa un la iskugu raaxeeyaa xaq baan ku taagannahay iyo annagaa daacad ah iwm. Aanba warkaaga kuu raacee...Maxaa sheekada keenay qaxootiga Beledweyne iyo sheeko iska hallaasi ah haddii aadan haddaba dad dureyn?
  2. Maaddeey;778743 wrote: ^ A simple 'waan qaldamay', 'si kalaan u qaatay', 'waan fududaday' would do!. tan waa ku leeftaye, mustaqbalka lee ka fiirso!. The only mistake I made here was inaan nin akhyaar ah kuu heystey laakiin markii Aala-Afduub la ceyriyey waad isku dhex yaacday and your true colour was shown! Wayska Xaal Adduun!
  3. Carafaat;778349 wrote: Maddeey, cimaamadii Al Shabaab iyo suwaalki Pakistani ma iska dhigtay? Did you answer this question?
  4. maaddeey;778733 wrote: waryaa retard!, duke baan u jawaabaayey, wuxuuna yiri sidan: Yes they are good ones because they are our muslim brothers! Ma fahantay hadda? tan kale, shabaabku qabiil inuusan ku shaqeyn ajnabigaa og, before somalis, waase gartaa oo reerkaaga reer baraxleey iyagaa ugu yar, sababta aad ugu careysantahayna waa la yaqaannaa shiddadii & dhibkii aad soomaaliay guud ahaan, koonfurta gaar ahaan aad ku heyseen bey idinka cunaqabateeyeen!. Isbaaro era is gone, sxb. Mehered kale raadso!. nin carooday laga badi! Dad muxuu iska ogyahay keligii Mujaahidoow. Meeshaan wax walba laguma sheegsheegi karo ee sidaas ogow, sidaan wax u ogahayna uma sheegi karo ee ogoow...Waa bilaa reer, anigu reer Soomaaliyeed adigaas kuu caayi maayo, weligeyna ma samayn haddana igama suurtoowdo, haddii runta aan kuu sheegay ay ku dhibtay hakugu qalloocsanaato!
  5. Somalina;778699 wrote: Mikrofoon uunbey hortaagan yihiin marwalba, aqoonyahanada Soomaliya wax u soo baratey waa kuwa jaamacadaha iyo isbitaalada meel walba ka furey, ayagoon thank you xataa sugeynin. Kuwan lacag waxay ku qaataan in Soomaalida aflagaadeeyaan on tv. Haddey run sheegaayaan mey la shiraan madaxda dalka oo ay ka shaqeeyaan midnimada dadkooda, nah why bother, face time on tv sure alters the bruised ego much more. Waqti in lagu dhumiye ma istaahilaan. Ciao Waa runtaa Somalina...laba asbuuc xitaa Jaamacadaha Soomaaliya meel kastaba haku yaalleene kamay dhigin. Axmed Samatar baan arkay isagoo leh 50 plus waddan baan tegey oo aan wax ka dhigis amase barnaamijyo u aadey. I know in Cabdi Samatar uu u badnaa tegitaanka dalka, Axmedse for the first time uu mar dhow un tegey for many years. Waxaan ka rajeyneynaa inay xoogaa isbeddelaan oo ay is-jilciyaan. Soomaali maanta waxaa meeshan ka saari kara Ilaah ka sokow waa iyagoo kale iyo inta wanaagga rabta, intii ay ku xiiqi lahaayeen annaga na dhegeysta haddii kale dhegooleyaal baad tihiin ha tegeen dadkana wax ha u sheegeen. They can visit Muqdisho, Taleex, Garoowe, Boosaas, Boorame Gaalkacyo iyo meelo kale. Wax badan bay dadka u faa'ideyn lahaayeen iyaguna marxaladda dalku marayo ayey si fiican u fahmi lahaayeen iyo qaabka Soomaali loo wejihi karo!
  6. Somalina;778394 wrote: I will send a car for you IA. lol....Somalina...tell him this is a bullet-proofed car!
  7. Good news...Thanks for sharing this Somalina!
  8. loool...marka dadka degaankaas kulankooda iyo go'aankaba khilaafka Cali Kh. Galayr inuu hareereeyo ma ahayn ee waxay ahayd in loo hambalyeeyo lana yiraa Hargeysa, Burco, Berbera, Boosaaso iyo Booramana nabad kula noolaada Soomaaliyana kaalin mug leh ka qaata in nabad waarta, dowlad iyo caddaalad ka dhacdo ee ma ahayn in la yiraa "La jooga xaafad hebla, xoog ha idinku xukumeene".
  9. A_Khadar;778658 wrote: The prof. has free to voice his opinion and I am not sure if also supports s/l succession though last time I knew he was opposed to. So no make sense if he is anti-succession to oppose awadal and Khatumo to have their own governance under the TFG and not join to the successionist lot. Can one clarify what he statement actual is all about. I am not getting it.. Is he for succession or unity? That is the first qeustion to be asked prof. inuu ka jawaabo. This is the exactly the confussion that I was talking about....When I said wuu jahwareersan yahay!...One on day he says "There should be no Somaliland" and on another he says "Some part of Somaliland should not reunite with the rest of Somalia" I wonder what day was he correct? Haddii aysan sheekadu ahayn "Warkii hore iska dhaaf, kayga dambe la qabso" gooni;778633 wrote: koonfurta aadbuu uga hadlaa hadalka badana xikmaduu dadka ka qaadaa hadda ko horna tv baan ka daawaday asagoo snm hor fadhiya oo aad u hadal gaaban. Baa hadalku ku soo uruurayaa!
  10. Maaddeey;778657 wrote: No comment! or we should call it: 'Abwaan refuting Abwaan' "haddaan aadayo kan tolka ayaan aadi lahaa haddaan Kaas aadi waayeyna mid kale uma socdo"! Af-Soomaaliga inuu kugu yaryahay ma ogeyn in Soomaalinnimadaadu sii naxuustan waanba arkayee oo wejiga duubatay! You wanna send this my good prof. Abdalla Mansuur hakuu turjumee? Isku soo duuduuboo ....Damiin FAR WAAWEYN baa wax loogu dhigaaye ee aan ku celiyee It means...Shir Beeleed uma Socdo, miduu yahayba! Waxaan la yaabanahay inaad wakhti ku dhumisay wax aan daliil kuu noqoneyn....Sheekadan ka dhamow, it is ok to loose a DEBATE and it is not the end of the WORLD!
  11. Maaddeey;778649 wrote: Bull's eye! Waa ku kaa Samatar xag-xaganaya meel walba! I am glad in warkii kugu noqday oo aad intaas ka badin weysey!
  12. Soomaali baa ku maahmaahda "Fallaari gillgilasho kaagama harto"...meelahaaga iska caytan awalba beryahan raggannimo aad ku difaacdo waxaad tiri kaama sugeyn!
  13. Maaddeey;777252 wrote: 1) Mohamed Ahmed Roble 'Boqolsoon' (AUN) 2) Adam Cayroow (AUN) 3) Abdiqasim Salad Xassan 4) Xalima Khaliif Magool (AUN) 5) Xassan Adam Samatar :cool: Tan ayaa ii sheegtay, aniga miyaa khasab kaaga dhigay? Malla isku ciyaaraa! Camal-xumadaan kaa sheegay, aflagaadadaada ayaa muujineysa hadalna uma adkaysan kartid ee dooddaada ma quud baa laga helaa? Cirka laad haddaad awooddo! Inaad cudur-daarato ku lahaa....inaan ku qancay jawaabtaada soo kama horrayso marka hore? Meeshaan dadka dhiig-karka qaba uma fiicna!
  14. Maaddeey, Samatar waa nin Soomaali ah dan baana naga wada dhexaysa. Markii aad adigu shirarka qabiilka aadeysayna anigu kuwa Soomaalida ayaa mashquul ku ahaa, sidaas ayaana Samatar isku-keen keentay inaan arrimaha Soomaaliya kaga wada hadalno. Samatarna bulshada Soomaaliyeed maqaamka uu ka taagan yahay waan xushmeynayaa, laakiin in lala kulmo ama lala sheekeysto ma ahan wax la buunbuuniyo. Haddii aad adigu kari weyseyna, rag baa kara! Kuwo Samatar ka sii waaweyna waan la kulmay ee meeli hakux xanuunto! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Geedka geedaha u dheerna shimbir xaarkeed baa ku yaal, ragga kuwa ugu diricsanna doqon xagantinteed" Adigu naf kale intaad weysey ayaad gafuur-duub naf ka dayday. Waxaan ku dhihi lahaa it is not too late. Yaase kuu sheegay inay madaxweyne mar hore heli lahaayeen? Siyaasadda Soomaaliya sidaan baad fahankeeda uga arradan tahay! Aniguna kama hortaagni, mana ka hor istaagayo!
  15. Ilaahoow khayr iyo xasanaad aan la tirin karin ugu beddel Turkiga. Inta ay na tareen so far ayaanba la xisaabin karin. Soomaalidu Turkiga ha xasuustaan waxay na tareen mar walba, hana kala dardaarmeen ubadkooda wanaagga ay na tareen wakhtigan aan ugu baahi badannahay!
  16. Taleexi wait until Siilaanyo iyo Kooxdiisu cajalkaas daaran in the middle of this year insha Allaah " XX iyo JB oo dhahaya idinkama aannu maqnayne waan idin sugeyney baad arki" lol
  17. XX....21 sano ayaan haddaan Koofur nahay idinku akhrineyney qiimaha Unity....Maanta ayaad fahanteen lol...
  18. Maaddeey;778345 wrote: ^Yes, they are. They are our Muslim brothers, wax fahan.! Soomaalidu muslim brothers-ka miyaad ka saartay oo waa laga kaaftoomay miyaa? Ma waxaad naga dhaadhicinaysaa in Cantoobo waddammadoodii ka soo cararay oo afafka u duuban yihiin iyo cantoobo shilimaad qabiil iyo fanatic-nimo isku raacday oo Soomaali ah ka muslinsan yihiin ummadda Soomaaliyeed oo dhan?
  19. Wakhti baad iska dhuminaysaan lol aan idinla kaftamee...Check on maaddeey's 5 prominent Somali's choice then this will tell you why this guy is a mouth piece for Al-habaab, purely qabyaalad! Maaddeey aniga iyo adigu isku dhuuman mayno duqa. I know in SOL madaxaagu kuugu duuban yahay oo aad isleedahay laguma garanayo laakiin waxaan Ilaah ka baryayaa inuu wanaagga ku tuso in dadka Soomaaliyeed ee maatida ah layntooda in janno lagu galaa aysan habboonayn aad garawsato!
  20. lol....XX aanba kaa koobinno oo maxumee warkaan xaggee ka soo xigatey?
  21. Abtigiis iga raalli ahaw aan kugu halqabsadee. Dadku iskuulladooda iyagaa isku aadey iyagayna anfacaysaa shakhsi ahaan balse taasi ma horseedeyso inaysan hadal xun ku hadlin amase gef gelin mana siinayso heybad gaar ahaaneed oo aan fekerkooda lagaga hor imaan. Waxaan ka xumahay inaan idiin sheego inaan ka qayb-galay goobo badan oo uu ka hadlayo shakhsiyanna ula kulmay Axmed Samatar oon weliba siyaasadda Soomaalida isla qaadaadhignay Samatar iyadoo ay sidoo kale na wehliyeen dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed. Samatar jahawareer baa haysta, xukun buu rabaa laakiin qaabkii ma hayo. Waan aaminsanahay inuu xaq u leeyahay laakiin maxaan ula dagaalnay, askari, qabiiliiste iyo wadaad diktatoor ah haddii aan professor diktatoor ah u sacaba tumayno. Samatar no. 1 uma dulqaadan karo fikirkiisa mid aan ahayn, no2 dadka dhan isaga maahane iyo kooxda u cammirta waa khaldan yihiin marka ma sidaas buu xukun ku dooni? Haka yaabin dheh. Anigu ma qabo qof hankiisa ay si xad dhaaf ah ugu weyn tahay inuu Soomaali wax ka noqdo inuu xalka Soomaaliya hormuud ka noqon karo waayo wax kasta waxaa kala weyn kursiga. Soomaalidana badanaa waxay la socon waayaan siyaasiyiintoodu waa iyagoo danahooda, kuwa qabiilkooda amaba kuwa asxaabtooda ka hormariya danaha dalka. Illaa taas dhammaatana amase yaraato Soomaaliya rajo dhaw ma yeelan karto!
  22. Bal muu Lubnaan Xoreeyo intuu Soomaaliya dhibka la soo raadsanayo?
  23. Does anyone know if even one of those factories was producing after 1985?
  24. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;777571 wrote: Google images wuxuu kasoo xaday uu rabaa in uu naga dhaadhacsiiyo. Meeshaan looks like somewhere in Afrika. Qarxis 2012 lol.