Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Taleexi;791478 wrote: Abwaan: Waxna waa wixii fiicnaan lahaa, waxna waa waaqiciga aynu ku jirno. Federalism-ku waa laba nooc, mid tight ah sida Maraykanka iyo mid loose ah sida Germany kaynu dooranaaba innagay innagu xidhan tahay. Way wacnaan lahayd inaynu dawlad dhexe oo caddaalad ah helno balse waaqiciga dhulka taagan taa ma ogolaanayo, cadawga dibada khatarta uu jiritaankeena ku hayo ka gudaha baa ka daran. Tusaale, waxaa kuugu filan oday Xaaji maamul beeleedkiisa buu aaminsan yahay inuu wadan yahay, maamul beeleedkaygana wuu ka soo horjeedaa, dawlad dhexe oo xooggan in la dhistona wuu inooga sheekaynayaa, Agah, tolow xagay iska qabsan la'dahay. lol...XX haddii uu rabo inaan isku sii baaba'no wuxuu dhihi lahaa Federal noqda hadda ayaan is leeyahay. Wuu ogyahay runta jirta haba iska dhigdhigee inuusan ogeyn....Hadduu cid kale dowladnimo u diidey tan ciddiisa uu la jecelyahayna ma shaqaynayso......Teeda kale wuxuu dowlad-dhexe oo xooggan u taageerayaa sheekadu inay is beddeshay buu la socdaa oo wuxuu is leeyahay mid adeer ah oo uu hadda ku qanacsan yahay baa madax ka noqon doona ee ninku ma foga Taleexi:)
  2. Samafal;791469 wrote: Cadlaad? cadaalad eey xaal qaado. xanaaq ma jiro laakiin si aan kuula doodo baan garan wayey. Ilaahay xaqa hanawada tus. Cafis iyo misaamax boowe. Waxba kuuma qabo anigu, I did not call you names....just meel xun baan taabtay sidaan u arko like many aan la dooday over here b4....Let us to disagree!
  3. Xaaji Xunjuf;791461 wrote: Federalismku runti Somalia uma wanaagsan goboleysi qabileysan dabeedna dawlad dhexe oo awood yar waxay danta ugu jirta Ethiopia iyo kenya awooda hadaad siisiid goboleysi dee maxaad so kordhisay Somalia ma dad kala diin iyo kala af iyo kala qawmiyada baaa? Oo la kala ilaalinayo Bal hadaad dhowr gobol oo caadi ah u samaysiid oo isku jir ah dawlad dhexe oo adag maha in wax walba xamar laga dhigo hayadaha dawliga qaar waxaad ka dhisi karta garowe qaar baydhabo qaar galkacyo si dalka oo dhan isu gaadho. That is a very good point XX...Oraah Soomaaliyeed ayaa oranaysa "Bil 3 xero ayay kaa saartaa ee xero kale kuma geyso" Macneheeduna yahay haddii dayaxa dhalashadiisu 3 beri jirto iftiin badan ma lahan aan ka ahayn xoogaa yar oo aan la isku hallayn karin. Oo reer miyigu habeenkii inay socdaan bay u isticmaalaane haddii aad hal reer ka tagtid reer kale kuma gaareysid dayaxaas 3-da beri keliya ah oo weli iftiimaya, Maba laga fekerayo siyaasadda dibedda iyo dowladaha deriska ah ee waxaa un lagu khafiifay Federalism for us!!! Waana ayaandarro!!!
  4. Samafal;791457 wrote: Abwaan nin jiran baad tahay Allah ha ku daweeyo. Anigu aan kala faaiidasano oo wax is tusno bay iga ahayde hadba meelbaad u boodaysaan waxaad rabto iyo waxa aad ka soo horjeedo adiga xataa inaad taqaanid u malaynayo. Halkaa inagu ekeeh Su,aasha aan Nassir waydiiyey waxaan kawado iyo meesha aad u leexinaysid isma laha qofkasta oo aqriyana oo maskax fiyoow waa ujeedaa inaanan lahayn maxay udhisteen. Waxaan kawadaa hadii idinkiiba aydan maalgashanayn meesha aad kasoo jeedaan sideebaa dawlad uga sugaysaan inay idiin maalgalin. Aniga dawlada Puntland baan ogahay magaalo aan cabanayn iyo tuulo waanala dayacay lahayn majirto. Wixii jirran Ilaah ha caafiyo....Jirrada ayaananba isku si u aqoon...Name calling again? That will not derail me from the path ah inaan caddaaladda ka hadlo......sheekada maalayacniga haddii ay kuu socon weysey waad is xanaajineysaa miyaa? cid carruur loo koriyo meeshaan ma jirto, fikirkaaga khasab ma ahan in lagula qabo ama hal hees la wada qaado...ee haddii aad isbuufinayso Hakugu taagnaato...!
  5. peasant;791438 wrote: ^ Waa run dad xil kas ah wax badan waa ka qaban karan musuqmaasuqa. Lakiin aniga waxaan qabaa in federalism ay tahay sida ugu wanaagsan uu gobol walba xaqiisa ku heli karo. Siyaad bare dowladiisi muqdisho un ayey kaabihi dhaqaalaha ku soo koobtay taaso arin khaldan ahayd waayo meelaha kale waa loo baxsan lahaa kadib burburkii wadanka marka uu dhacay hadii ay dhisnaan lahaayen. Waan kugu raacsanahay in dowladdii mileterigu iyo kuwii ka horreeyeyba ay diiradda saareen Muqdisho keliya, sida muuqatana that is why dhibka ugu badan uu Muqdisho uga dhacay waayo waa meeshii dowladnimada loo asteeynayey...Anigu waxba kama qabo haddii Federalism Soomaali ay si caddaalad ah uga fekereen Soomaaliya laga hirgelinayo laakiin waxaan ka soo horjeedaa in iyadoo aan ognahay xaalka waddanku guud ahaan marayo in duuduub lagu laqo...!
  6. Samafal;791428 wrote: Abwaan nin yahoow horta waxaa fiican in qofku meesha xanuunaysa abaaro inaad hadba qori is mariso ma fiicna. Dagaamada Awdal, Sanaag iyo Sool kama aanan hadlayn. Waxaan ka hadlayo waxaad tiri dadbaa sad bursday, iyo dadbaan xaq ku taagnayn, marka ilaa iyo hada iimaadan sheegin waxa ay ku sadbursadeen marka laga hadlayo Somaliweyn. Arintaan SSC, Sanaag waa local grievance, local grievansina mar walbuu wuu jirayaa. soomalidu waxay rabaan inay madaxwayne wada noqdaan, mana wada noqon karaan. Arinta Southka anigu ma lihi yaysan federaal noqon, adigaa waxaa tiri, federalism dagaal 20 sano oo kale ha lis dagaalo weee. waxaan u fahmay inaad leedahay dadku kuma heshiinayaa federalism. Dadkale oo koonfurta kasoo jeedaa lehna waan arkay: Puntland iyo Somaliland waa hal qabiil oo meel wada daga, marka way u fududahay inay hal maamul wadayeeshaan, halka koonfurta aysan u fududayn. marka walaalow halkaas baan ka imaanayaaye dooda ha inaka dhabqin. Haduu wax lakala yeesho, waxna lawada yeesho ma ahan inaay tahay waxaaga kula lihi, waxaygana kaalihi. Maxaaa yeelay, Khayraadka si siman baa loo qaybasan qofkasta oo muwaadinana dalka meesha uu rabo buu kadagi karaa, oo cid juujuubaysa ma jirto. Nassir Suaal: Adiga waxaad ka timid Sanaag. oo kay meesha ugu wayn magaalooyinka ugu wayn waa Dahar iyo Badhan, maxaad idinka udhisan waydeen? reerkiinu wuxuu dhistaa oo daaro dhaadheer ka taagay Bosaaso? maxaa magaalooyinkaas loo dhiswaayey inta aan dawlad la is gaarin? Waxaan tagay tuulo hada degmo laga dhigay oo ku taal Mudug layiraa Bursalax. School hoose dhexe, Schoole sare, Boolis station, suuqyo Wadada ku xirta Galkacyo, intaas oo dhan waxaa dhisay dadka dagaanka iyo dibada? iyaga dawlad wax uma qaban iyagaa dhistay soow umqalmaan inay dawlad gobeleed ku dhawaaqaan? It looks like in waxaad adigu jeceshahay ee aad isku qancisay oo aad rabtid inaad maqashid ee jawaab waafi ah maba aadan rabin...Khasab ma ahan in. Anigu waan kuu sheegay, Unlike some of you here dareen Soomaalinnimo ayaa igu jira waana aaminsanahay in xil iga saaran yahay inaan ka hadlo haddii aan goobjoog ka ahay meel Soomaali dhibaatadeed ka sii hurayso. Haddii intaas aad igu nacaysid, waa ayaandarro...wax aan ka dhihi karo ma leh aan ka ahayn, runta Ilaah ha ku tuso. Dad baad ku eedeyneysaa tuulo heblo maxaad u wada degi weyseen? Do you think it will be fair to say Reer Mudug iyo Garoowe maxay ka soo dooneen Canada, Dubai, US iyo UK ee maxay wax Alla waxa ay hayaan xagga lee ula tegi waayeen. People have choice. Boosaaso waa magaalo Soomaaliyeed haddii ay horumar ku tallaabsatay there is nothing wrong in la maalgashto...Waan ku ammaani lahaa haddaan adiga ahay ee kumaan caayeen dadka sidaas sameeyey, haddii kale you sound like waxaad tahay ma leh ee aniga magaalooyinkayga ii dhis... Dad baad leedahay meel baa ku xanuunaysa bal muraayadda isku fiiri! Beleive me weligey ma tegin, and si Soomaalinnimo ah I contributed to Bur-Saalax schools, like I did to some other places around Somalia and I am not regretting that..
  7. Waa arrin murugo leh, at least dad kuma dhiman....Ilaahay dadkii hantida iska lahaa beddelkeed ha siiyo. Dad ayaa laga yaabaa inayba intaas un wax ka haysteen!
  8. peasant;791422 wrote: Abwaan sedex boqol oo scholarship ah oo caawino ah baa muqdisho dhaafi waayey ma kula tahay in dhaqaalaha wadanka oo dhan u dhaafi doono hadii aysan jirin dowlado federal ah oo u dooda xuquuqda gobol walba? peasant I understand your point laakiinse haddii dad xilkas ah aan xilal u dhiibanno markaas way dhaafaysaa? You think in Muqdisho ay ka tagayaan dadka baxayaa? Dad Nairobi iyo Sudan jooga ayaa ku baxay....That means afar-jeeble ayaa gadanaya....Xitaa haddii degaannada kale laga soo billaabo I think the same would happen....We need in dad xukunka u qalma wax loo dhiibo, not loosers iyo dad waalan oo qabiil, selfish-nimo iyo aqoon la'aan iskugu aruurtay! Anigu anti-Federalism ma ahi ee waxaan leeyahay caqli haku dhisnaato, Not boob...Nabad iyo caddaalad marka hore halla helo.
  9. Taleexi;791403 wrote: Xaaji naga daa dee ciyaarta Ma waxaad leedahay XX wixiisu waa bareejayn?
  10. Taleexi, ururro baaxad leh miyaa la xaqirayaa? SSCD maanta ka hor maba maqlin!
  11. What does SSCD stand for? Sool Sanaag Cayn and...? mise waan khaldanahay?
  12. Why not build one Soomaaliya now. Bring the nation together and then si caddaalad ah uga feker haddii uu Federalism shaqaynayo?
  13. Koofurta dadka deggan horta nabad ha helaan markaas ka dib hallaga fekero hadda way adag tahay inaan ku dhaho sidaan halla dhaho. Ogow dadka Koofurta laftoodu wax waa isku afgaran karaan one day Insha Allah, mise waxaad rabtaa inaysan Federaal aysan noqon oo lala dhuuqo nacfigooda gobollo kalena ay federaal yeeshaan "Kaaga kula lihi, kaygana keligeey lihi camal" ? Waa su'aal!
  14. Samafal, you want me to state the obvious....Degaannada hadda Khaatumo laga dhisay, Awdal, Maakhir and many more degaanno ma waxaad leedahay hallagu jujuubo labadaas degaan? Haddii xitaa 90skii marxalad nabadgeliyo xumo oo Koofurta ka jirtey ay dadkaas ku khasabtay inay degaannadaas ka mid noqdaan oo qaar ka mid ahi maamulka ka mid noqdeen, haddii ay hadda saluugeen oo u arkaan inay ku dulman yihiin ma waxaad leedahay yaan la dhegeysan?
  15. faarah22;791382 wrote: don't let the hatred of one qabiil color your perception. I guess it is the other way round; you and few other individulas over here being selfish...I hate no qabiil and will never do that....Don't try to silence me with your name calling...it won't work for you....I am against the injustice...If qabiil aad ka hadleysid waxaa laga yaabaa in la igu tiriyo degaannada aad soo sheegtay mid ka mid ah oo I am not saying "Ciddeenna ayaa ku qadday" lagaba yaabee in qayb weyn la siiyey but it does not mean inaan sidaada oo kale mashxarado, Unlike you waxaan arrinta ka fiirinayaa Soomaalinnimo.
  16. Samafal, waa su'aal wanaagsan. Indhaha miyaa la is tirayaa? Yaa yiri labadan degaan ee aad soo sheegtay ayaa Federaalkoodu xaq ku dhisan yahay....Of course there is Sedbursi, Soomaaliduna guud ahaan diyaar uma ahadan federaal. Waan qabaa in maamullada degaanka aan dowladda dhexe helicopeter ku keenin balse yaan la degdegin oo dalka nabad buuxda oo waarta haka dhacdo markaas wixii la isku afgarto hallagu dhaqmo....
  17. Qandalawi;791307 wrote: Fuad Shangole ma reerkiisa lagu daba joogaa ileen sheekadaanu waa mid Alshabaab oo dhan ay kasimanyihiin. He's mad and confused lad as most of the crazy boys but picking on him and presenting this case as something that's unique to him smells clanish conspiracy. I pity and feel sorry for all the woman that been abused, killed and raped in Somalia. It's a sad case so lets not politicize it because of cheap point scoring. looool......Ma waxaad leedahay godane, Mansuur kulligood sidaas waa sameeyaan?
  18. kingofkings;791369 wrote: ^^^^^^^^. furthermore, not every qabli can have their own state, unless they have two or more states to themselves. . maxaa u diidaya haddii kaad u mashxaradeysidba uu yeeshay? You think in halkaas dagaal ku dhammaanayo? Ma cid baa cid xukumi karta? Waxaad naftaada la jeceshahay dadka kalena waa lala jeclaadaa! Qax kale kama bixi karno, dagaalna Soomaali uma ahan. Kan hadda jira Ilaah hannaga joojiyo, mid federalism lagu raadinayo dalka inta ka hartay buuba burburin...Anigu cidna uma hadlayo, balse waxaan leeyahay Soomaalidu waa isku mid!
  19. faarah22;791337 wrote: His a classic specimen of the anarchist remnants of the moryaan era, dowladiid qashin. he can't create shit and won't allow other to progress. And he was one of you heroes not long ago....lol
  20. If one has concerns on some of the issues discussed or agreed does that mean they are against the whole meeting? For the Federal aad ka hadleysid right NOW, be ready in every sub-clan federal noqdaan...maalinkaas yeysan kula xumaan oo haka shallaayin. I don't mind federalism haddii Soomaalidu ay gaarto xilli deganaasho dalka ka jiro, ay u bislaato, cod loo qaado, si cadddaalad ahna lagu saleeyo. Laakiin dalkii oo Shabaab badanaa haysto ayaan marsanayaa card hakuu shaqayso. I don't think in qof caqli leh uu nabadda ka hor imaanayo. aan ka ahayn kuwa xasadka ah oo waxa ay naftooda la jecel yihiin aan walaalahood la jeclayn. Remember we once had peace and I THINK that was lost due to injustice.
  21. Showqi;162400 wrote: bloody stolker,,, Halhays Jabuutiyaanku isticmaalo. Ayaa iga xanaajisa, marka aan maqlo qof isticmaalaya Heey abahaa ayaad ku wa*i laheeyd maaha!
  22. The Zack;770849 wrote: Dumarka yaa wax baro, Abwaanoow? Rag dheh! lol...Hooyooyinkana ma raggaan ku tirinnaa illeen ragga iyagaa wax baree?
  23. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;791237 wrote: Inkastoo sheekadaan aan wada dhameystirneen, mid iyada la mid ah wey dhacdaa. Agagaarka Jilib wey ka dhacday. Maskiinkoo beero falato ah ayee xaaskiisa ka xoogeen asagoo xaadir meeshaba taagan. Waxee daliil ugu dhigeen 'mujaahidka' ayaa u qalma xaaska and not mid aan 'jihaadka' ku jirin oona 'diintana difaaceynin.' lol...Markaas nin maqan miyay u daahayaan?
  24. Somalia;791255 wrote: Everyone seems to have gotten what they want. Caalin and Sharif Hassan got it good. Are Caalin and Sharif Hassan everyone? Cayaar baad meesha ku haysaa!
  25. http://www.raxanreeb.com/2012/02/somalia-communique-from-garowe-second-somali-national-consultative-constitutional-conference/