Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Somalia;826932 wrote: No, wallahi I don't, when it comes to Imams I don't question, only politicians. You see I wasn't wrong when I thought you still have rajo:D....Yes, I agree with you. Culamaa with no hidden agenda are ok. Abtigiis;826970 wrote: Naagtuu intuu subaxii nabad galyo kaga baxay, fiidkii uu ku yidhi iga soo xijaabo waad furantahaye, ee Mombassa 2 da caruurta ah ku haysa ha ka taliyo xaalkeeda sheekh isku sheegani, intuu dastuur iyo wax uuna waxba ka aqoon ka hadlayo. Disgusting! Shareecada uu sheegina loogama baahna soomaalia; waxaan wadaado haween badan afuuf kooda baneeysta aheyn kama soo socoto! lol....Ma waxaad leedahay shareecada ayuu jebiyey? if that is the case yes laga yeeli maayo, laakiin haddii aan xaalku sidaas ahayn maxaa nin iyo naagtiis na dhexgeliyey, arrin Soomaali u taal maahan. Mise aan kula kaftamee gabadha ayaad is xigtaan? Teeda kale, wadaaddadaan inay dadka u tusaan inay Shareecadu run ka tahay oo aysan dhinacna agmarin dhinacna xoogga saarin iyagaa laga dooni. Inaysan siyaasad ka ahayn oo daacad ka tahayna iyagaa laga dooni.
-
"Sweet hands"...as prof Samatar said:D.....what a talent.....this young guys is brilliant and for Qurbe-joog singing and playing Cuud like this he is the best.
-
it looks like in Dr. Osman ku riyooday sheekadaan since aanan ku arkin Hobyoradio iyo meel kale midna.
-
Alpha Blondy;826099 wrote: Jb, how does this differ from the somali custom of 'dumaal'? i've always found that interesting. Dumaal miyaa wax la sharegareeyaa at the same time? I wouldn't approve all Dumaal marriages but it works well sometimes.
-
Che -Guevara;826111 wrote: loool...that's the flag of AU. Ditoore see kaa noqotey Ka warran hadda waad ka nixisay oo wadnahaad gooysey, adigaa laguu haystaa haddii wax gaaraan duqaan. Been ka cimri yar weligeey ma arkin:D walaalkis;826112 wrote: Dad Ayey siyaasadda somaliyeed kawaashey. Tan siyaasad lama dhaho waa cudurro kale...
-
Aaliyyah;826528 wrote: ok this is one of those random topics lol. Nothing you will benefit from it. But, I am just curious do you have those few people in your life who text you more than they call you? and does it annoy you??..I am seriously considering of disabling the text function in my phone . I am sorry dont get me wrong i dont mind if someone text me one line..but seriously texting a whole paragraph? and no im not being mean. I am just wondering if anyone is on the same page as me? salaam lol...Aaliyah, you wouldn't want in a poem or buraanbur laguu soo text-gareeyo?
-
Waa muuqaallo aad u qurux badan. Ilaah Soomaalida haka dhigo kuwo garta in dhul wanaagsan Ilaah ku mannaystay oo ay dayrada iska daayaan...I now want to persue my PhD in Natural Resources or Forestry:D....This and many other landscapes need to be preserved. Maasha Allaah. Thanks for sharing this Siciid1986.
-
OdaySomali;826312 wrote: O.k no cheating I know that many of you know each other in real life so no pretending to be guessing of those you know. Let me start us off. The regulars: Group 1 - 35-45 Che JB NGONGE XX Nuune MMA Group 2 - 30-35 Somalina Xiinfaniin Group 3 - 25-29 AlphaB Goup 4 - 20-24 Carafaat Aaliyah Rudy Bluelicious Group 5 - 17-19 Somalia aka Dr Osman aka KingofK Mario B Aniga, Xiin, Nuune, MMA, Abtigiis, XX, JB, Somalia aka King, Dr. Osman waad ka tagtay our age group ee waa sidan: 45 -60
-
nimankaan wax walba waa ku dhaqaaqaan, ciyaar-ciyaar ma galaan fiiri halkaan: www.youtube.com/watch?v=EWPiL9R4k_g
-
nuune;825747 wrote: I visited before him 6 times and there were no cameras or large crowd around me lol....Malaha qaraabo salaan baad u aadey ee dan guud miyey ahaydna? Haddii ay ahaydna Ilaah baa ajarkeeda ku siin ee camera waxba ma tarayso. I think the proffessor has done a good job, this time xaqiraaddu ma fiicna.
-
Somalia;825737 wrote: You won't get recognition while Puntland is in Mogadishu, your realists have discovered this. However the road map fails then Puntland will meet you in the UN. @Qandalaawi, Xaaji think Puntland is in Mogadishu for the environment and money.. Cantarabaqash, hypocracy iyo maalayacni ka weyn ma arkin inaad maalin walba Somaliland ku weerartaan maxaad u goosateen haddana aad adiga iyo Qandalaawi iyo kuwo idinla mid ah ugu booteysaan UN-ka ayaan isku arkaynaa....yaa idinka hoos qaadi Somaliland bayba u socon weysey:D "Timirtii horeba dab loo waa". A famous phrase by AY AUN once said "tan ninkii ka hara badda ayuu ka cabayaa":D
-
Somalia oo si ku-meelgaar ah u noqday the honorary ambassador of Galmudug at SOL..lol
-
Aamiin. Ilaah ha u naxariisto....Somalia you got it wrong this group were not part of the Centeral Regions Reunion as far as I know.
-
Aamiin.
-
xiinfaniin;825321 wrote: Waryaa, Abwaan wacdiga iyo waanada ka dib, which I think are mostly good, dastuurka aan labadeennuba cidaha ka dhaadhicinno. Dacwo labaatan sano ah maaro looma hayyo ninyahow, horay halloo socdo, hala tanaazulo, ku-meel-gaarnimada halaga baxo, ninkii dad, degaan iyo magaalo leh waxba weyn maayo, kii raba inuu internet portals dadka ku qabsado oo buun-buunin iyo faan ku meel maro waa khasaarayyaa...laakiin nabad ha la helo , danta ku jirta awoowe ps. maanta dagaalkii waa iga dhanyahay ,mar haddii Carafaat difaac galay, xaaji xunjuf ahlu sunna baa i aqoonsatay war deg dega ah nagu siiyey Car aan taas kaa diido, maanta laga billaabo ka billaabata aniga iyo adigu aan isku jeel noqonno for nabdda, midnimada iyo horumarka Soomaaliya.....Wixii hore halla qubo, "Xalay dhaley hallaga noqdo" ayay reer Muduggu yoraahdaan lol
-
xiinfaniin;825295 wrote: Abwaan, the proposed federalism is based on the Somalia's 18 regions. I am not sure where you got the qabiil thing. Somaliduna qabaa il waaba tahay. Saaxiib, labaatansano baa qolo dacwoonaysay. Walad Cabdalla aha aad sheegaysid waan taageernay, heshiiska Maxaakiimta xukunka loogu dhiibay ee Jabuuti ka dhacayna isagaa ka shaqeeyey. Sheekadaas waa dhammaatay hadda horay baa la socdaa ee reerka inta warkaagu gaaro wax u sheeg, oo dastuurka raaca dheh : ps. maanta oo kale lama kala haro awoowe , when Yalaxow becomes the intellectual and the standard bearer of Xamar xaaladu ma fiicna D lol....Xiinfaniin, reerku waa dimoqoraadi oo hal dheg iyo il wax kuma maqlaan. 18-ka gobol ee aad sheegeyso ayaa caddaalad darro ka billaabatay. Sheekadii Jariiban nin demagada uga dhigtay si uu kursi u helo ayaad moodda inaysan dadku fahmayn waxa ka jira...haddii aad rabtid inaa tiraahdo reer baa Isbaaro dhiganaya soo dhab ma noqonayso in 1978-kii ciddii dowladda ka hortimid dad magacyo u sameeyeen iyana ay noqonayaan wixii lagu tilmaamay? Iyo inay qaran dumis noqdeen, ma noqonayso inay dhabiobeyso, waa markii loo fekero caqliga ah reer hebel baa saan ah oo weliba lama oranayo goormaa qaran-jacaylku ku soo duxay....taas waa iga tilmaan in dad la is wada raaciyo ma fiicna, oo Horta aan talo ku siiyo, caqliga generalizationku ma fiicna. Reerkan aad igu xaglinayso Qullaten waa ka badan yihiin haddii aad murtida taqaannid...Waxaan kugu raacsanahay in gobollada Bari iyo Mudug dad Soomaalinnimadu ku weyn tahay ay deggan yihiin laakiin ha iga dhaadhicin kulligeen Asharaaf baan nahay. Sheekadaan aad SOL iskugu nacamlaysaan ee wixii xunba Xaawaa leh iska daaya meeshaanna Goof cidi ku kulanto ayaad ka dhigteen ee naga daaya, Somaliaonline on line baa na soo jiidatey ee aan ka run-sheegno, haddii kale nagu kala wada. Waxaan qabaa qofkii isna iska dhaadhiciya Mudug iyo Bari baan xaqirayaa inta aan xaqdarro ka doodayo taasna ma soconayso...enough dagaal with qoryo, enough dhiig, let us move on. Xamar halloo duceeyo, guryihii hallagu noqdo, adinkuna guryihii Boosaaso dadka u oggolaada lol.. Mise waxaad leedihiin Eyl baa Xamar ka weyn oo ka dad badan, wax walba meeshaan waan ka akhriyey runtiina waxaan u yaabaa dadka waxaas tun moodaya. Muuse Suudi, wax uusan Faroole hallayn ma hallayn, the difference is mid baa calan gaar ah leh roog guduudanna dhulka loo dhigaa ee labadaba banooniga dhulka dhiga halla dhaho. Muuse shalay dagaal ooge ayuu ahaa oo magac beel iyo koox buu watey, maantana Soomaalinnimo ayuu ka hadlayaa that is an improvement, laakiin waxaa ayaandarro ah in Faroolihii la is lahaa wuu dhaamayaa uu sidaad aragtay u hadlo adiga iyo beeshuna aad la duuban tihiin...Maxaad Muuse ula yaabaysaan haddii aan waxba la is dhaamin....before you take me back to Xamar iyo 20 years....Xamar waxay la degi weydey Soomaali oo dhan baa damac kaga jiraa unlike degmooyinka yaryar ee dadka Soomaaliyeed kala degaan. Aan Soo koobee dalkaani Soomaali oo dhan waa wada deeqaa, nagana badan, adna ha isku deyin inaad i xaqirto anna ku xaqiri maayo.
-
Xiin sheekada intaad iga deysid maxaa loo kala hari la'yahay haddaan meesha wax ku jirin. Waa sheekadii Itoobiyaanka oo kale, berri markii Cabdiweli iyo rag jago raadinaya ay waayaan oo banoonigu dhinaciisa ka wareego, Mahiiga ayaa dheesha khalday waa arkaysaa dad dhahaya?. I am sure you remember Walad Cabdalla ayaa Soomaali qasaya inay dad hal-hays u ahayd markii AY iska dhaqaaji la dhahay. Anigu waan kuu sheegay dastuurka sida looga dayrinayo ma ahan balse khaladaad waa leeyahay. Haddii Federalka qabiilka ku dhisan hadda hold la geliyo wax walba way hagaagayaan insha Allaah. Federal should be based on degaan NOT beelo, haddii kale asaga dhan halla iska daayo.
-
xiinfaniin;825120 wrote: ^^Not surprising at all No one talks substance ...distoorku waxbuu burburinyaa bay leeyihiin, may sheegaan how. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa haddii aan sacab wax ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa? Hadda haddii aan dastuurkaan khiyaamo ku jirin maxaa Xiinfaniin iyo Beesha oo dhan si aan kala harin ugu taageerayaan? Oo ay ula yaabayaan qofkii su'aal ka keena uguna sheegaan qaswadeyaal?. Kuwaan aan kala hareyn oo isku aragtida ka ah teennu ha socoto qaswadeyaal ma noqdaan? Sidaan u arko intaan ka akhriyey dastuurkaani badanaa waa ok, dhaliili waa iska jiraan oo khaladaad waa leeyahay, sidoo kale dad dano kale leh oo hawshoodu dastuurka dhaafsiisan tahayna waa jiraan oo ka soo horjeeda,balse the common Soomaalidu tuhun bay ka qabaan waana ok baan filayaa in laga qanciyo. Soomaaliya cidna kuma hor atoorayn karto, annagoo fursaddii nabaddu soo dhowdahayna, oo cadow Alqaaciida,la dhaho iyo kuwa shabaabka ee u adeegga ay dadka laynayaanna in dadka lagu khasbo inay sii kala caroodaan ma habboona.
-
Carafaat;825032 wrote: Will Abdiwali pull another Faroole trick and come with another final draft constitution last minute? We ask the Prime Minister, where is the final draft? And why not publish an official Somali and English version on the TFG website or the website of the IFCC, www.dastuur.com? don't you think inaad messenger wax ka fileysid Carafaat....Soomaalidu dastuur qoris illaa iyo 2004 baa la ga sugayey oo dad bay mashruuc lacag lagu qaato u noqotay....Cabdiweli walaa kuwa u heesayaaba dastuurkaan waxba kalama socdaan ee waxayba iiskaga niikinayaan muusik loo daaray.
-
loool....Geesi geesi dhalay ku lahaa....Soomaalidu danaano badanaa waa waxa aan nabad ku weyney, qof ay yaqaannaan haddii qof kale la dagaalo kay yaqaannaan bay u hiillin gar iyo gardarro. Anigu waxaan dhihi lahaa horta arrinta in la baaro ayaa roon intaan la horboodin. Ninka wax toogtey dembigii hore ee uu galay, Kan wax dharbaaxay oo la diley sidaas wax ma u dheceen? Inuu xabbad ku kala jeexo ma fiicnayn hadda dil buu geystey, do you think in la cafin? Ama waa la xiri amase waa la toogan ama noloshiisa inta ka dhimman carar buu ku dhammaysan. Markii horeba qalab loogu talo-galay in dan guud lagu fuliyo hadduu bannaanka la aadey amase ku soo danaystay amase qayb ka ahaa arrintaas wuu khaldanaa, kan la leeyahay wax buu dharbaaxayna isagana haddii sidaas wax u dheceen wuu ka daba khaldamay, midka dileyna kaba sii daran.
-
Waan sugeynaa....although I know in shidaal ku jiro degaannadaas haddana sheekada Faroole igama gadmin. TFG is not dowlad beeleed....weliba the one after august is not insha Allaah.
-
Somalia;824267 wrote: There's nothing else you can, you are the one who wanted him to be dragged down to the level of Aideed and the one who was afraid that the pictures posted of him looking like the 'common man' would change people's view of him, it in fact has with many people realizing he was right after all. But lets go back to Galmudug, inshallah Qeybdiid will get elected, I believe he is the right man for the job. And no, runta maad taaban, I am what I said. Unlike you dowlad beeleed is not my main agenda, I go for Soomaali weyn. .horta shidaalkii xaggee aadey? Lol you know dad baa weli waxaas run u haysta iyo in Faroole shidaal qodayo....Rag baaba SOL carruurtooda ka tegi gaarey.....geyrkaas dadka qaar waa galay...but not me
-
Lol....for a reason, waadba ka guri ee ducadaada Ilaah ha kuu aqbalo....Wallee nin qof caqli lihi ku duceysta ma ahan...AY waa nin dhintay, nin dhintayna kabtiisa ayaa ka roon...faankana adeerkaa buu ku ahaa . Intaas ka badan kama oranayo oo waa qof dhintay. Lol. Your age....it bothers you a lot...cause runtaan taabtay.