Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Xaaji Xunjuf;836179 wrote: Yes just blame everything on General caydiid the rest were angels. lol...Malla yaabtay...waa wixii Soomaali ku dagaashay. Dadkii dagaalkana mas'uulka ka ahaa oo huriyey, sababna u ahaa baa dad eedeynaya. Si markii loo fiiriyo waan u garaabayaa dadkii qaxay oo ka cararayey, Muqdisho, Kismaayo oo illaa Kenya iyo Itoobiya u cararary 1991, of course waxaa laga dhaadhiciyey Caydiid iyo dagaalyahannadiisa aya idin ceyrsanaya oo harraadka, gaajada iyo dhibkaan mas'uul ka ah. Aniguna inaan aamini lahaa baa laga yaabaa haddii taas igu dhici lahayd, XX adiga iyo JB waxaad marar badan ku dooddaan Koofur dhan baa iskugu kaaya tagtay. Come on, hadda qaxii la illowyey ee runta halloo noqdo, taariikhdana yaan been laga sheegin. Iyadoon cidna loo aasayn waxay geysteen.
  2. Macallinka;836086 wrote: Caydiid might be saying good words like don't kill, don't loot but the action on the ground was different to what the Keymedia guy wants us to believe specially when he said " There was no looting " I was there myself , in fact the only war i remember vividly in Somalia was that of Kismaayo. Yes there was no mass killing but there was mas looting that lasted several weeks. Waa runtaa xoogaa buunbuunis baa iska jira oo bililiqo way dhacday, balse waxaan ku su'aalay Kismaayo sidaan qiyaasayo 3 jeer baa USC tagtay 1991-1992 ee midkee baad adigu joogtey? oba hiloowlow;836197 wrote: Che if u mean Baidoa well we already know who was responsible for the starvation, Morgan sow ma dhihiin bakhaaradda raashinka ayaan jabsaneynaa, bal try again difaaci maa anigu ceydiid laakinse cid dhaanta meesha ma aysan jirin 2da dhinac baa xasuuqa iyo dhibaatadda waaku mideysnaayeen. Che halla yaabin weli cajaladihii 90s-kii baa ka dhex daaran video iyo wax la mid ah weli dhaqi maayaan. Iyadoon Caydiid (AUN) aysan malaa'igu u dagaallami jirin haddana buunbuuniska iyo beenta waa laga fiican yahay. Sida Oba u sheegay khaladaad wuu galay isaga iyo ilaahiisa ayaana ka xisaabtamaya, laakiin huuhaa badan oo dadka lagu dagaal-gelin jirtey oo laga sameeyeyna way jirtey. Tusaale ahaan, meeqo jeer ayaa la diley? Isaguna dadka idaacadaha ka hadalkooda ku badan ma ahayn, marar badan baa dad badani is dheheen ma dhintay? early in 1991 and 92 lol
  3. Fiqikhayre;836107 wrote: A delegation of 48 individuals made of esteemed Issimo, Business folk, Civil Society, Members of the Puntland State government and Members of Parliament of Puntland State left for Turkey from the state's capital of Puntland Garoowe. loool...Odayaashii hore u soo carooday amay yihiin dadka aad ka hadlayso oo haddana dib loo soo celinayo? Aala-Shiikh shirkooda waa sallaxdeen mana u malaynayo inay xubno kale qaabilayaan. Midka Jimcaha furmanayana International Contact Group ayaa hagaya.
  4. Xaaji Xunjuf;836141 wrote: Well this Faarmaajo guy is running but he doesn't stand a chance, i think Cabdi Cawar is running to but i don't think he will be elected maybe sharif sakiin is running to. Faroole is busy with Puntland he will not run for the top seat,so who's left President sharif. Cali khalif might get the Prime Minister position, i think Sh Sharif is tired of Puntland agents running towards Xamar. XX, maxaa prediction-ka loogu dari waayey in dadkii hore dhan aysan soo noqon? Why keliya loogu maleeyaa in dadka la yaqaanno soo noqonayaan? Let us look back, have we seen any politician coming back? No. And this time will be not different. Aaliyyah;836200 wrote: Farmaajo deserves to be the president of Somali. Laakin soomaali gacanta kuma haysto mustaqbalkeeda. Waa runtaa Aaliyyah, Soomaali gacanta kuma wada hayso. Haddii ay ku haysana meesha aan joogno xitaa maanta ma joogneen. Runta inaan isku sheegno ayaa wanaagsan haddii aan Soomaali nahay. Illaa aan wax ka beddelno dhaqammadan qabyaaladda iyo musuqmaasuqu hareereeyeen in naloo taliyo wax dhaama ma leh.
  5. lol@Oba hadda leenba fiirsanaayey ee shimmee video-gaan SOL ku soo xoortey? galia;835998 wrote: Keymedia is owned by a separatist Somalilander, intent on stirring up trouble between the two neighboring tribes who believe in a united Somalia Stop misinforming bulshada yaan adigana cajal lagaa soo xoorine. Keydmedia Somalilander ma hago, mana furine....Way iska wanaagsan tahay in wixii sidaanoo kale proof leh dadku ogaadaan oo huuhaada laga baxo, laakiin in hadda cadaawad iyo caaddifad dib loogu noqdo ma habboona.
  6. Abwaan

    Robots

    Somali philosopher;835674 wrote: sadly they don't have capable leaders who can see the bigger picture. I couldn't agree with you more!
  7. Macallinka;835945 wrote: Dee filaarta Abwan bay ku socotay oo si gooni ah baan u waydiiyay laakin hadaad rabtid inaan sual ku waydiiyo waxaan ku waydiiyay diraca bacwaynta ah iyo kan Baljamka ah keebaa fiican ? macallinka, diraca cayaarta hallaga daayo.
  8. Banooniga dhulka dhiga akhyaarta...Oday...Su'aalaha ciyaarta hallaga daayo.
  9. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;835900 wrote: Haa widaayoow waa iska Soomaali, jahwareer badana waa lagu jiraa. Maareeyaha dekedda in laga qaaday moodaaye. Dadkii ka horeeye waa laga badalay muxuu rabaa kan. Dekedda hal jufo inay isku dhajiso ceeb weyn waaye. Inta dowladaan kumeelgaarka jirtayba hal jufo maamuleysay dekedaas. Dekedaan waa deked qaran ma'aha tii macmalka ahayd ee Ceelmacaan. lol...Waa runtaa...Meelo badan baa jufooyin isku dhejiyeen...I tus hal jago oo aan jufo ku dhegganeyn.
  10. Qandalawi;835897 wrote: ^Waar ninyahow you speak with an aura of confidence, what do you know that you are not willing to share with us. Waaban shakiyay anigu, do you work for MOSAD or perhaps you are a member of the Freemasons. Spill the beans, taadu CIA operative xataa waa ka wayntahay. Gheelle.T;835906 wrote: In fact both the Turkish and gulf Arabs want him (Shareef) back, it's the Europeans, Africans, and Americans that want him out. So let's see which way it will go. As for this conference, it's clear it has been mismanaged, but will the Turkish who are still figuring out Somalis complicated politics learn something from this? Time will tell. Waa kan rag siyaasadda si fiican ula socda.
  11. Macallinka;835907 wrote: ^xagee ugu magac dari lahayd? Anigu meel gaar ah uma raadinayo, balse Soomaalida inay u bislaato in la isku calool-fiyoobaado oo taariikhda wanaagsan ee qofka qaar laga xuso inta xunna aan mar walba laga hadlin. Jidadka caasimadda ayaan ka billaabi lahaa inaan u bixiyo, sida midka tarabuunka...etc
  12. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;835891 wrote: Hadduu madaxweynaha maqanyahay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhaariyo xeer ahaan. Labada mar uu dhaariyana madaxweynaha waa maqnaa. Soo magacaabista wasiirnimo ra'iisul wasaaraha u xaq leh laakiin waa markaas marka ra'iisul wasaaraha lasoo magacaabo, oo uu soo dhiso golahiisa wasiiro. Marka wasiir gooni gooni tahay ra'iisul wasaaraha soo magacaabaayo iyadoo qoraal ahna madaxweynaha wuu soo saari karaa, iyagoo isla tashtay. Madaxweynahana asagoo sharciga raacaayo xil wuu ka qaadi karaa wasiir. Marka wax isku qasan ma arki. lol....MMA, mar walba madaxweynaha maxaa maqneysiiya? Ma ogtahay in xitaa agaasimaha dekedda laga qaadi la'yahay jagada uu hayo confusion madaxda dowladda ka dhex-jira awgeed. Ma ogtahay in taasi ay keentay is-maandhaaf madaxweynaha iyo ra'iisalwasaaraha. Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu ku qanciyo jufo, beeshiisa ka mid ah oo iska dhaadhicisay inay jagada Tarzan iyagu leeyihiin, oo uu nin iyaga ka soo jeeda u magacaabi lahaa dekadda laakiin taasna waa shaqayn weydey. MMA, waan fahmayaa sidaad wax u dhigtay laakiin meeshan sidaas wax ugama jiraan.
  13. Qandalawi;835886 wrote: Lool @ Abwaan, you are right, the man was underestimated, I must give it to him on how he outmaneuvered only one, two but all. Even I heard Shariif Sakiin is pissed off That he pulled this off shows the man is canny and calculating, but still I doubt the man did it on his own, I think bahasha idinkaa kawaalay oo yiri kagaarsii oo invitation cards isdaba mari, I know ragiina meelahaa ayaa lataliye u ah including you. Waar Somalia shidada kadaaya nimanyahow sidaan faa'ido nooguma jirtee. lol@Qandalaawi. Soomaaliya shidadeeda ma in siyaasaddii lagaa badiyaa? If I was somebody's advisor meeshaan kama wada hadalneen this time ee I would be in Istanbul. I am not denying that I met with the president back in 2009 not in Somalia though, support him and respect him but I think that he should go this time. Again, waxani waa maaweelo ee iska sug August insha Allaah.
  14. Samafal;835881 wrote: Abwaan all is set for Sharif to come back. Sending elders to Istanbul is bribe, like they af wax cunay xishoo Samafal anigu prediction-kayga iyo xogtaan hayo taasi ma dhacayso insha Allaah. Waa dhab in rag Aala-Shiikh ahi shax ciyaarayaan laakiin midda Faroole waxba kama duwana, labaduba shaqayn maayaan insha Allaah. Yaan la is dhiibin, yaanan la kala raacin dadkaan ee danta ummadda iyo dalka Soomaaliyeed halla fiiriyo...Bal meeshan fiiri heerka dadkeennii marayo: http://www.calanka.com/warka/article2915.htm
  15. Qandalawi;835873 wrote: The whole thing was a stitch up, I don't know how Shariif Hotel pulled this one, waar ninku waaba magician bilaash ayaa loo underestimate garaynaayay. Loool Malaha wuu sixray intii kale ayagoo soo jeeda, afkee qaylo wada furteeen But the whole thing is a joke. Qandalaawi, Sharif Siyaasi ma ahan ninkii dhaha been dheh. Intaad meelaha Hotel ku hayseen buu idinka yaabsaday haye? Runtii waa siyaasi culus, balse mid ku bishaarayso Sharif ma soo noqonayo insha Allaah. Haddii uu soo noqonayo dhibkaan dhan lama mareen ee waa loo kordhin lahaa, waa sii socdaa ee yaan laga xanaajin. U sug ha farxine, Faroole iyo Cabdiwelina ka hari maayaane.
  16. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;830398 wrote: Marxuum Max'ed Siyaad Barre markuu noolaaba dadka Soomaaliyeed wuu kala xishoon jiray in uu meelo iskugu magacdaro ama taalooyin dhisto ama lacagta isku sawiro. Waa runtaa laakiin Ilaah ha u naxariistee dalka dhan buuba isa siiyey ee muxuu hal meel ku fali. Haddii uu xukunka si wanaagsan uga degi lahaa waxaan qabaa inuu ahaan lahaa madaxweynihii ugu fiicnaa ee Soomaaliya soo mara ebidkeed. Wanaag wuu sameeyey, khaladaad maanta dhaxalkeedii la guranayana wuu noo horseeday, balse xaq ma ahan in khaladkii dowladdiisa keligii loo saariyo. Odayga dalka waa lala burburiyey, mid lacag booba, mid dad laaya mid sii orda oo soo orda, mid af wax ku laaya, mid wax isku dira. Isagu hantina ma dhicin, guryana ma dhisan, meelana iskuguma magac-darin aan ka ahayn Kulliyedda Ciidammada Qalabka sida ee "Jaalle Siyaad". Xitaa in meel loogu magacdaro waa ok laakiin, gegida diyaaradaha ee Caabudwaaq in qabiil dartiis loogu magac-daro ma ahan. Was he born there? I don't think so. So no reason.
  17. Mario B;835859 wrote: Lol, Faroole is on his own now. There is mutiny in Galmudug. He is not on his own yet, most of SOL is with him except General Duke, who seem to have a change of heart after Islaam Bashir was welcomed in Muqdisho with the latest Shirib from barbaarta gaashaaman.
  18. Xaaji Xunjuf;835856 wrote: Waleh wa runta waxan arkay sharif sakiin oo wasiir dhaarinaya isago dhoola cadaynaya iyo Sh sharif oo shaqadi cabdi cawar qabanaya meesha wax badan ba qaldan hala saxo, laakin reer galmudug dad wax bartay bey leeyihin oo xita gobonimadi Somalia doorweyn ka so qaatay administrationka koley wax wa ka yaqanin. Meesha in la is dhex yaaco maha sidi adhiga. Meesha waa dowlad-beeleed, meeshaan runtaa la isku sheegaa oo run-run sida dadka qaarkii waxan looma arko, ragga aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta waxaa loo kaydiyey Siyaasadda Soomaaliya, tan kuwa jaabo-jaabada ayaa dowladnimada lagu barayaa!
  19. Xaaji Xunjuf;835851 wrote: Haa waleh geesi bu aha war Somaliwood iska daye Hollywood wa inay meesha is keento sidi black hawk down Cismaan caato iyo general caydiid. Anigu xiliga Hargeysa ma joogin waxan joogay Aware meel la yidha , anigu fulay ma ihey laakin dhagax maan tuurayn anigu. Hollywood raggii lahaa ma isagaa la dagaalay, maxaabiis buu oodda nooga soo qaadaye, Aidid (AUN) iyo Caato iyagay la dagaaleen markaas bay filin ka sameeyeene. oo adigu qori baad wadatey baan u fahmey, maxaa mujaahid-qarsoon maalin walba la sheekeysannaa oo aannaan ogeyn.
  20. Xaaji Xunjuf;835825 wrote: Lol Madaxweyne kuxigeenka miyaanu madaxweynuhu ka sarayn meesha galmudug wa meel yaro walaan waleh kulaha wefti baan diraya. lol...XX, waa nidaamka dimoqoraadiyadda Soomaaliya ee maxaa ka rabtaa adigu? Miyaadan arkin, Madaxweyne Shariif oo wasiirro beddelaya, Shariif Xasan oo xafiiskiisa wasiirro cusub ku dhaarinaya? Tii Jamhuuriyedda ayaaba sidaas u dhaqmaysa waaba dowlad beeli samaysatay. Mar dhowna waxaad arki Siilaanyo oo leh waan ku darsanaynaa Soomaaliya iyo guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo diiddan.
  21. Xaaji Xunjuf;835836 wrote: War ma ahayn tuug waxay ahayeen dad reer Somaliland oo xaq daro u xidhan qaar waxay ahayeen dhaliyaro, walaalkay ba ku jiray waxa la xidhay dhagaxtuurki 1982 hargeysa maandheera la geyey .Waleh qaar waba la dili laha hadanu Lixle mission prison break samayn lahayn. Do you know he planned it all just by him self. Oh, ma isaga keligiis baa isku biimeeyey? War ninku Somaliwood inay filin ka samayso ayuu mudan yahay....oo XX adigu ma fulay baad ahayd maxaad dhagax-tuurka uga hartay oo laguu xiri waayey? Mise ubaxa Kacaanka ayaad ka tirsanayd?
  22. Siyaasi;835835 wrote: Waad ku mahadsantihiin soo dhaweynta wacan ee aad ii fidiseen. wax badan baan isha mariyay somaliaonline, laakiin hadda waxaa iisuura gashay inaan member ka noqdo, maxaa talo ah, yaa halkan ugu tun weyn, yaase ugu afdheer, waxse reer Puntland ah meesha ma joogaan. Ku dayo, waa bilaabatay. Oo maba cusbayd? Soo dhawoow....Biyo Cab...Nabad waan sheegnay, adna nabad noo sheeg...Ma waxaan Puntland ahayn baaba meesha jooga annaga dhan baa wada ah. Xitaa goofka magaciisa hoosta ka fiiri, kor keliya ayaad ka akhrisay.
  23. Xaaji Xunjuf;835829 wrote: Waryadhaheen dee dadkanu wa dad nool shaatiguduud iyo barre hiiraale iyo Mayor Maxammad dheere iyo Xaaji Muuse suudi, iyo general moorgen iyo Amiir Godane, markay dhintaan baynu eegi dee. Meeshaan nidaam ma jiro, raggaanna waa wada Mr. Lixle miiran ee ka hor leexo.
  24. Showqi;835827 wrote: Xaaji, nin tuugtii Mandheera lagu xidhay shacabka masaakiinta ah ku fasaxay sidee Halgamaa loogu sheegi karaa? loool....Showqi ma xaq-u-dirirka ayaad tuug ku sheegi? ha dembaabin...Soomaaliya oo dhan soo wixii tuug la soo fasaxay soo saas nooma aysan gelin maanta. Awalba tuug inta tuug kale oo garaaddoo been ah la siiyey xirtay, haddana inta tuuggii la sii daayey maxaad ka fileysey? lagama sheekayn karo! Ilaahoow na badbaadi.
  25. Siyaasi;835815 wrote: helloo. ma lay maqlaa jamaacooy. testing testing, kow laba kow laba. waa siyaasi oo cirka ka soo dhacay. are you receiving guys. Maya kuma maqlo. Showqi;835821 wrote: loud and clear................Bal barashutkii ha iloobin in aad furato inta aanad dhulka soo gaadhin... :D lol...Siyaasi, saaxiibkeen Showqi yuusan ku waalin. Anigu kuma maqlo ee waxaad qortid unbaan akhrin karaa.