Abwaan
Nomads-
Content Count
7,001 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Abwaan
-
Abtigiis..then who is your candidate?
-
Somalia;836388 wrote: Ok, I missed a lot of activities on this thread. What's the latest argument about, let me spice up the mood, you know I can! Somalia aan kula kaftamo ee adigu cid hebla ayaa xun inaad tiraahdo ma ahane illeen cajalad baa kaa dhex-daarane dood kama qayb qaadan kartid ee hanna wareerin.
-
MoonLight1, nin akhyaar ah oo hadal lala wadaagi karo ayaad tahay. Waxyaabo run ah ayaad iftiimisay balse aniga maba rabo inaan influence kugu sameeyo balse haddii aadan hore u samayn waxaan kugu waanin lahaa inaad horta soo baarto USC inay labo u kala qaybsanayd iyo in kale markii Maxamed Siyaad (AUN) Xamar ka baxay. Ma ogtahay xitaa USC-dii ka timid dhinaca Itoobiya iyo gobollada dalka iyo kuwii Xamarba iyagoo isku dhafnaa markii hore ka dib la dhahay si dadku isku aqoodaan, amase beel walba dhaqaale ugu kabto dagaalyahannadeeda iyo dagaalka dowladda lagula jiro beel beel halloo galo, aniga aragtidayda Caydiid baad sheegeysaaye garabkii hubaysnaa markaas baa loo qayilay in awooddooda la wiiqo, arrintaan Soomaali keliya wax ay ku fekeri kartey ma ahayn. Ma ogtahay in dowladda Talyaanigu uu safiir Mario Sico la dhaho Xamar u fadhiyey iyadoo ummaddii is qaxinayso oo gaari bullet proof ah ku dhex watey wixii ka horreeyey dagaalkii Muqdisho ee Sept 1991? Ma ogtahay xitaa Caydiid in si official ah guddoomiyaha USC keliya loo aqoonsaday bishii July 1991? Intii ka horreysey laba garab ayaa la kala ahaa? Again isaga ma difaacayo ee xoogaa taariikhda waxaan dib kuugu celinayey in sida loo moodo uusan ahayn oo awoodda USC dhan isagu haysan. Gaalkacyo illaa Xudduudka Kenya USC baa haysatey waa runtaa laakiin Caydiid ma wada xukumin. Anigu waxaan qabaa markii Axmed Cumar Jees la weeraray bishii Maarso 1991 inuu ka dhinac dagaallamo ayay ahayd, khaladka uu galay kaas ayuu ahaa. Kolleey sacabbada baruur kuma haysan ee nin ay Diri-Dhabe ku wada saxiixdeen heshiis oo isagu diidey inuu jebiyo waa Jeese, beeshiisa ka diidey, Cali Mahdi iyo kooxdiisa ka diidey markii la weeraray, Caydiid made sure in inta isaga ka amar-qaadata aysan dagaalkaas ka qayb gelin, waa dagaalkii ugu horreeyey ee Kismaayo lagu qabsaday balse khaladka ugu weyn ee uu galay waxay ahayd inuu Jees u hiilliyo ayay ahayd... Waayo markii Jees laga takhalluso isagaa ku xigey....Xitaa Waqooyiga markaas ma goosan waayo SNM way sugeysey oo iyaguba heshiiskii Diridhabe ee saddex-geesoodka ahaa ayuu C/Raxmaan Tuur qayb ka ahaa....If you have facts I would love to listen ee ii faa'iidee. Markii dagaalkii la soo rogaal-celiyey oo USC garabkii Maanafeesto Xamar lagu soo celiyey oo Carbiska la isla imaaday ayay ahayd markuu isaguna dagaalka galay xogtaan anigu hayo, taas oo ah kii markii labaad Kismaayo lagu qabsaday oo sidaan filayo cajaladdan laga soo duubay. Anigu waxaan aaminsanahay bililiqo iyo dil waa dhacay. Dagaal faraha la iskaga gubtona wuu dhacay sidaan maqlay sida kii Araare...IWM.
-
Mooge;836435 wrote: ciyarta naga daa abwaa iyo aflagadada yaan kugu xanaaqin. ina nuur bidaar maahee yaa kale oo haysaa abwaan? noloshooda dad badan baa dhisay haday tasi tahay the only quality required. lol. saxiib hadaa tihiin ninka noo sheeg dee oo waxad tirhada mooge saxbikeey hala tageero. looooooool. wasiir ba lagu balan qaday hada wax buunbunisid noo sheeg runta. lol. Mooge, waxba la iima ballan qaadin. I just don't understand waxa ku gubaya? Qabiil? Masayr? Oh, your name says all, Waxba lama socotid oo wax walba waad moogtahay.
-
Yunis;836436 wrote: Mooge - Reer aakhiro wax kastooy shaqaysteen - ma dhashoodaad gunta ooga xiri kartaa, inuu raadiyo ama helo president waa xuquuqdiisa. Abwaan - you will forsake your beloved shareef for Bashiir. sheekaad la timid. Yunis, This is politics saaxiib, and here is the candidate I was talking about the other day. I wasn't joking at all. Sharif is our president, just because I did not admire Farmaajo does not mean I am a Sharifist:D
-
Mooge, Nuur Bidaar anigu shakhsiyan ma aqoon AUN laakiin dadka garanayey wax xun iigama sheegin. Waxaan ogahay in ubadkiisu ay yihiin dad wanaagsan, nolol horumar lehna gaarey Ilaah ha u siyaadiyee. Nuur Bidaar AUN sidaan filayo isagoo mas'uul dowladeed ah ayuu Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dhiganayey. Just because he was killed in Mogadishu does not mean people hated him that much and to proof you wrong, others were also killed on different dates e.g. Prof. Ebyan, was he hated? No. Saaxiib dadka qabiil iyo dano kale haddii aad leedahay ha xagxagan. Was Cabdi Bashiir Indhabuur hated by dowladda Soomaaliya just because military police individuals killed him? No. Anigu codkayga Bashiir baan siinayaa, Soomaali baanan wadaagnaa, kuwo iiga sokeeyana ma doorteen waayo isagaa ka mudan! Qabyaaladda iyo xasadka hallaga gudbo please. Anigu Dr. Bashir kuma cabsiinayo but even if you think his father made mistakes, this has nothing to do with him. FYI Maslax is different, dhibka Soomaaliya ayuu shakhsiyan qayb ka ahaa anigu sidaan qabo.
-
Maasha Allaah, she reminds me of my great friend and peace leader, Her father AUN Elman Cali Axmed. He surely was one of the great men Somalia lost. Nin aad u samir badan buu ahaa. I remember the last time I spoke with him Ilaah ha u naxariistee. 7 out of his 11 businesses were looted, he collected the remaining equipments and gathered them near Digfer Hospital and this is what he said to me "i created all this with the help of Allah, I will even make it better this time Insha Allah and all I need is peace".
-
Cambuulo iyo bun;836328 wrote: Abwaan im talking about the truth here my friend whether u like it or not your kinsfolk are considered as barbaric anarchists Cambuulo adiga cidna kaala tashan mayso qabiil dhan. Waan ka xumahay dhibaatada soo gaartey qoyskaaga iyo qoys Soomaaliyeed oo kaleba, laakiin adiga ma ogtahay in dadkan aad ka hadleysid victims badan ku jiraan? Ma ogtahay in dad iyagoo nool inta berkad biyo lagu guray la laayey? I have relatives aanan maantadan la joogo meel ay jaan iyo cirib dhigeen la haynin oo ugu wardambeysey iyagoo dhahaya waddadaan baan ka soo noqon....I lost the only brother I once had due to this civil war and guess what he was sitting in our livingroom when he was killed by a bullet. Ilaah mahadiis markaas ka dib beddelkiis ayaa Ilaah na siiyey. I lost friends, neighbors, teachers and so on. I beleieve every Somali is somehow or another a victim.
-
faarah22;836341 wrote: Abwaan caydiid markii la criticize gareeyay ayuu tire kii ka banjaray. see qabyaalad is so difficult to get rid of. sure you can point out others fault but when it hits close home. everyone gets defensive and reflexive about their clan folk being criticized. lol...Faarax. I am glad to hear inaan xushmad kasbaday markii horeba waxaanse kuu iftiimin ninkaan AUN wuxuu ahaa public figure markaan difaacayo ma waalanahay I just said taariikhda runta hallaga sheego just that.
-
MoonLight1;836333 wrote: Horta abwaanoow saad u fiicantahay oo uu qofku isku leeyahay mashallah ninkani waa wadani maxaa isnadaamiska kugu kiciya marka caydiid wax laga sheego, war ninyahow meel halaguugu soo hagaago ee khimaarkan aad xirantahay had iyo goor iska fuji, forget about the rest of the south, Who distroyed Muqdisho ilaah baan kugu dhaarshee, was it not by ALI vs Aideed war from Oct 1991-Jan1992, and then again Ato vs Aideed war, yaa muqdisho dhulka dhigay, ma siyaad barre mise caydiid? bal ka jawaab su'aashaa. MoonLight1...marka hore name-calling some individuals ay SOL ku baafiyaan iyo dhabta in lakala sooco waa fiican tahay...NO 1 Anigu marnaba ma dhihin ninkaan dembi ma gelin, Tan Labaad he is a public figure waxna waa laga sheegi karaa waana la dhaliili karaa. Tan saddexaad xuquuq waan u leeyahay in sida ay ila tahay aan comment uga dhiibto....Midda Afraad, intaan SOL joogey waa marki labaad oo xitaa aan Caydiid (AUN) arrimihiis ka munaaqishoodo mowduuc furan, dhawr jeer baa xiaa la igu label-gareeyey balse waxba kama soo qaadin waayo discussion-ka socdey ayaa igala muhiimsanaa inaan ka jawaabo eedayn aan macno weyn lahayn. Adigoonba i dhaarin, Caydiid siyaasaddiisu qayb way ka ahayd burburka Soomaaliya isagu siduu rabo ha u dhigee....Xamar baa dhul la dhigay baad tiri. 1996 ayuu dhintay oo shan sano iyo bar ayuu markaas dagaalka sokeeye ahaa, wixii ka dambeeyey Xamar dagaal kama dhicin? Haddiise isaga loo saarinayo maba xumee maxaad u diiddaan markaan dhaho Siyaad Barre Ilaah ha u naxariistee dhaxalkiisii baan guranaynaa? Mise waa pick and choose xaaladdu. Horta dadka keliya 1991 in Soomaaliya dagaal u billawday waxaan u sheegayaa in anigu gurigaan ku soo koray 1986 iigu dambesey maantana uu meel bannaan yahay. My father dowladda ayuu 28 sano u shaqeynayey weligiisna mucaarad ma raacin anna ma raacin. Dowladdana Darajo weynna kamuu qaban ee qarankiisuu u adeegayey maantana Soomaaliya ayuu si nabad ah ugu noolyahay Ilaah mahadiis. Muhiim ma ahan inaan taariikhdayda ka hadlo balse waan idiin iftiiminayey what sort of background aan ka soo jeedo. Soomaaliyana ayaandarro weyn baa ka dhacday, dembigana dad badan baa wadaaga ama shakhsi ahaan amase koox-koox. Waxaan dhihi lahaa intii dhimatay Ilaah ha u naxariisto, intii dhibtootay oo nool Ilaah dhibta haka qaado, inta dalka burburineysana Ilaah ha soo hanuuniyo wixii aan hanuunsameyna Ilaah hannaga qabto. Anigu marna uma aamusayo hadallo hagar ku jirto oo la igu soo tuurayo, fikraddayda ayaan dhiibanayey haddii dhibsadeen waa aragtidooda. Bun iyo Cambuulo with all due to respect shaqo ayaa iga dhacda macneheedu ma ahan inaan hadal ka cararo. Aniga qofkii garanaya baa garan emotion kuma socdo. Qof kastana wixii wanaag ah waan ku taageeraa wixii xunna waan kaga soo horjeestaa... MoonLight1 meeshan dhan SOL baaba waxay noqotay dad isku cammiraya iyo dad aan runtaba u jeedin. War Forum-ku-Dirir dal laguma xoreeyo... Qandalaawi ayaan ku raacsanahay siduu hadalka u soo koobay.
-
Lol Cambuulo and his generalization. Marna victim game ciyaar oo sympathy raadi, qabiil dhanna wax ka sheeg. I have seen kuwa sidaada u hadla oo beesha maxamed siyaad (AUN), kuwo beesha AY(AUN) u saariya. kuwaas waxba kama duwanid. Ruux walba su'aal baa sugi including u and me?
-
Che -Guevara;836310 wrote: lol@abwaan...very mature but I am not the one defending criminals. As for AS, you were with them when they fought tigray and their d@bash!l!f, now that Sharif munaafiq is in power, I guess its different story. Ps...I work for my living son. And you don't know you could be a criminal for supporting Al shabab criminals just because of qabyaalad? Waxba boorka ha isku qarin.
-
Che -Guevara;836261 wrote: Abwaan...you might as well make pilgrimage to his grave ninyahow, I never understand this cult personality worship. You are mocking the people he killed by justifying his crimes. lol Che, no need inaan grave tago, aniga sidaada emotion iyo eex ima wado. I never said he was a saint. Adiga waxaa tahay yaa ku yaqaan? You could be former military police, jabhad or your might have linked to one somehow. Yaad mooddey inaad ka fiican tahay intaad qabyaalad meelaha la meereeysato? Adeer cayrtaada iska jiq meesha talo kuma hayside. Al Shabab oo dad ugu liita ayaad taageertaa nacayb aad dadka Xamar deggan u qabtid. Kuwa ay dilayaan ma basal baa?
-
Puntland gets her way once again: #Istanbul update
Abwaan replied to VivaSomaliaa's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;836185 wrote: You don't care about you're capital strange war ileen tan oo kale. Line inuu kanoo kale Xamar wax u dhimi karo...Haylaan haddii aad soo dhaaftid iska jir. You personally should be banned from Xamar. -
Mooge;836231 wrote: abwan maxay sallaxdeen haday iyaga meel isk soo xiren and said shir baan qabnaa. they could have done that in nairobi. lool. anyone can lock himself in room and say shir ban no socda. lool. waxay ka shiren ma jirto. maxay helen. maxa so baxay? maxaa loo gabtay? waa waste of time. what matter is the internation community. no aalasheikh. I agree they do not matter that much laakiin Faroole iyo taageeryaashiisa cidda maxaa waalay oo ay la barooranayaan? Fikhi baan samirsiinayey ee anigu shalay baan caddeeyey maantana waan ku celin, nimankaan meel bay daydayanayaan wuxuna waa siyaasad laakiin iyaga iyo Farooleba khadka waa ka baxayaan mar dhow insha Allaah. Shirka Aala-Shiikh isku keentay dad wanaagsan oo Soomaalinnimadu run ka tahay way joogaan laakiin siyaasiyiin jago-doon ahna waa buuxaan ee la soco.
-
Che -Guevara;836237 wrote: Abwaan....lool@khaladaad waa dhacay. Waa kow, Ceydiid ciduu dhaafe malaha from Qanyara tribe, reer Hiiraan, Galkayo to members of his sacad that disagree with them. The man inherited Xamar, under his nose even symbols of the nation were looted and the city ethnically cleansed. Perhaps you could ask people whose houses are occupied to this day. Spare this moral equalivence nonsense. Horta waxaad been ka sheegtay cid uu dhaafay ma leh. Hiiraan isagu maba weerarin and he was in Kenya. It was Cismaan Caato and reer Hiiraan know that. Qanyare tribe jallaato meysan gemeyn ee ogoow, members of ciddiisa waa is dagaaleen waana is dagaali karaan oo siyaasadda Soomaaliya ee qaabka daran baana la isku qabtay, taas ayaana kuu caddaynaysa inaysan bahashu gebi ahaanba qabyaalad ku salaysnayn. Soomaalidu waxay tiraa "Gaal dil, gartiisana sii" anigu kuma lihi Caydiid (AUN) masuuliyad kama saarna waxa Soomaaliya ka dhacay oo qayb kama ahayn, laakiin "Wixii xunba xaawaa leh ma soconayso". War xitaa dadkan SOL ku jira waxaa laga yaabaa kuwii sharaabka qaybinayey markii odayaashu dagaalka ka shirayaan ay ku jiraan ee maxaa la iska ogyahay? You said he in-herited Xamar? I guess there is where you got it wroing. Xamar keligiis kama dagaallamin, keligiisna USC ma ahayn. Maka war haysaa in intuu damcay inuu Raadiyo Muqdisho ka khdubeeyo on Jan 27th la soo xabbadeeyey oo mid ka mid ah ilaaaladiisa uu ku dhaawacmay? Wax badan baa kaa maqan ee xogta soo raadi. He came to Muqdisho on day 17th, dagaalkana 26 days buu socdey, bal xisaabta ka shaqaysii maskaxdaada.
-
Xaaji Xunjuf;836224 wrote: Dhibaatada Somalida haysata waxa weye nin walba waxa reerkisa lugu sameyey ama qoiskisa ayaa la weyn ma arkayo waxa umadaha kale lugu sameyey sure USC way ka dagalaantay xamar iyo Kismayo , Kismayo xita marki danbe jabhado kale ba isku dilay rasaasta xiliga dhacaysey tallow ma subag ba la isu mariyey. :DBal ka sheekee..Dad baa xitaa dhagax lagu dilay inta geed lagu xiray, oo la silciyey, kuwo ayaa guryahoodii lagu gubey, kuwo ayaa berkadihii biyaha laga cabi jirey lagu guyra oo lagu laayey, dadkii geysteyna iyaga iyo Ilaahay baa is og. Xamar 27 days oo xiriir ah baa dagaal ka socdey. Isbartiibo, Fiat, Madaxtooyo, Wasaaradda Gaashaandhigga...intaas wixii taangi ka dhacayey oo shacabka lagu xasuuqayey...Jallaato miyaa ka dhaceysey? Dagalladii Mudug, Galguduud, Hiiraan, Shabeellada Dhexe ka soo dhacay oo Xamar la isla yimid iyagu waxba ma ahayn. Taariikhda ninba dhinacuu rabo haka fiiriyo miyaa sheekadu? Anigu waxa Soomaaliya dagaal ka dhacay oo dhan ayaandarro ayaan u arkaa cid ka fadli badan cid kalena ma jirto ninkii iska dhaadhiciyeyna waa mid hurda. Waa runtaa XX, waxaaba iigu daran haba iska dhaadhiciyeene, waaba lagu camaynayaa sidii inaas shalay dhalatay. Waxan miyeysan ogeyn inay dembi un sii gelayaan dadka isku deyaya inay reerahooda difaacaan oo dad kale un u saariyaan wixii khalad ka dhacay Soomaaliya. Cidna sidaas eed ugama qaadmayso, cidna eed ma fuulayso. Cid waxlba waxay geysatey Ilaah baa kala xisaabtami maalinta qiyaame.