Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Abwaan


  1. Mooge;918327 wrote:
    Oba Unuka, ninyoow you are writing like you are drunk again. lol. get sober ninyoow. Abdiweli did great things and your unukaland are destroying all that progress. posting stuppid videos of warlord's friends having marqaan session is not equivalent to a statesman being welcomed by all somalis.

     

    ninyoow sida isu dhaan. the warlord you are showing off is the same warlord who chase your clan unuka hapless militia all the way to kaaraan. lol.

    I thought he was nin macquul ah and you supported him for being hoggaamiyaha Galmudug. Dadkuse way dagaalaan waana heshiiyaan. Aanba ka afeeftee, wax rag loogu maahmaaho ma ahane Soomaalidaa ku maahmaahda "Doqontu meeshii lagu dagaalay un bay xasuusataa ee halkii lagu heshiiyey ma xasuusato"

    You also claimed that he killed your folks in the South and Galkacyo but supported him when he was part of Yey's government, so maxaad Oba ka rabtaa? mise anigaa khaldan?:D


  2. No doubt that massacres happened in Somalia in different times and places. Ilaah un baa garsoori kara caddaaladna laga sugaa ee Soomaali nin walba tiisa un buunbuuninayo kala gar qaadan maayaan. Wixii koox genocide u ah ayaa koox kalena Jihaad ku sheegi, marka maxaa la iska daalin. Wax macne ah ma samaynayaan these posts iska soo daba-dhacaya oo middi middi ku taag un laga wado. Ilaah Soomaalida wixii buka ha ka daweeyo cudurka qabyaaladda.


  3. I am glad that you have lot of friends there. Ha cabsanin. All will go well insha Allah. Cabsida dadku ka qabaan iyo sida runtu tahay way kala duwan tahay. Magaalada dhan diaspora ayaa ka muuqata meel walba oo aad tagto. I hope inaan wakhtigu aad joogeyso kugu yarayn. If 1991 was the last time you went there I think you will be somewhat sad sida magaalada ay dagaallada sokeeye u baabi'iyeen specially the roads iyo magaalada faras-magaaleheedii, Shabeelle iyo agagaarkeeda. Laakiin rajo fiican ayaa muuqata insha Allaah. waxa lagu qoro website-yada yeysan wel-wel kugu abuurin. Magaalada dhinaceeda xitaa waxa ka dhacaya maba ogaaneysid, how busy it is.:D Enjoy the caano-geel, Pasta and Malaay insha ALlaah and May Allah protect you. Please take a lot of pictures. Don't be scared, if you have an I-pad, Expensive watch and I-phone waad qaadan kartaa, just ceel gaabta lee halla laafyoon like it is used to be during the old times tuug waa la helaa, other than that cid wax kaa qaadaysa ma jirto insha Allaah. There is Wi-Fi in hotels, restaurants and even some homes, although it is slow mostly. I even travelled by car around 11:00pm at night, mostly around Maka-Al-Mukarama though, Not Huriwaa.:D


  4. Macallinka, anigu waaban codsaday hadday kaaga macdahay waxaan dhahay Soo Gelid halla iigu dhufto.:D. Horta diyaar u noqo farxad iyo naxdinba, dad dhibaataysan, qashin, dad dowlad la'aan noolaa more than 20 years oo siday rabaan u dhaqmaya, sidoo kale farxad rajee, dalka oo dhismaya, noloshii oo soo noqonaysa, hawada iyo cuntada waad ka heleysaa baan filayaa. Haddii aadan ka cabsanayn sida dadka qaarkood waxaan kugula talin lahaa inaad maalin walba caano geel cabtid, hilib-kana geela ka cun inta kale ha badsan.

    Dadkii Lido syndrome baa ku wada dhacay ee meeshaas Jimce iyo Khamiis midna ha aadin, maalmaha kale ayaa buuq yar. Jaziira haddii aad aadeysid don't go on Friday afternoon cause it is crowded, go early morning and you will love it. I bet you will be the only one there.:D Ha cabsan hee meesha dhib kama jiree. Haddii aad rabtid inaan boorka iyo qorraxda u goysid go to Al-Jazeera Hotel after lunch.

    Xaggeed jeceshahay inaad martid? Ma Nairobi? Diyaaradaha waxaa ugu roon baan filayaa African Airlines and Eastern African, labadaanba waa reliable and you will be in Mogadishu by 10:00am insha Allaah.


  5. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;918093 wrote:
    Wajeer airport looks, functions and is more professional than the 'international' Aaden Cadde airport. Kor buu ka qurxoonyahay Aaden Cadde airport, gudahiisa suu u egyahay iyo dadka dhex joogay inta waqtigeyga uguma dhuminaayo inaa ka hadlo.

     

    Laakiin briefly: Soomaali maxee iloobeen mudnaantii, asluubtii iyo kala dambeyntii dowladnimo. Garoonkii weynaa gudahiisa iska burbursanyahay ayaa ciyaal jokoro moodid iska dhex dhex socdo, boorsadaadana dafaayo. Yacni inay kuu qaadaan rabo. Kaalay ka fuji ii daa haddaa dhahdidna, dagaal iyo nus. Darbi la duleeliye ayaa boorsada laga soo dhex bixinaa. Meesha waxa ka shaqeeyo, wax shaxaad u yimid, waxa taksiile ah, waxa tuugsinimo soo doontay iyo kuwa waxee yihiin la kala garaneynin iska wada soc socdo.

     

    No wonder you don't see a single picture taken in the interior of the airport. All the sawiro iyo muuqaalo waa sawiro garoonka bannaankiisa laga soo qaaday, which looks all great.

    lol...MMA, qaybta VIP-du way dhaantaa I don't know if you have been there or not balse waan kugu raacsanahay halka public-gu xoogaa waa isku dhex yaacsan tahay. Waxaan soo arkay waan la yaabay xamaaliyaasha jooga midkii boorsadaada qaada, kii taabta iyo kii arkaba (indhaha un) wuxuu ku leeyahay xoogaagii Xamaaliga ii dhiib.:D. Balse maxaad ula yaabi mid Kenyaan ah oo KLM ticket counter ka shaqeeya, mashiinnada yar ee boarding pass-ka laga goosto wuxuu i dhahay Faanto ii iibi, waxaan soo xasuustay Wajeer iyo 21 years ago, Weli Faanto ama Soda ii iibi bay ku hayaan maba hormaraan.:D


  6. Waranle iyo Geelle.T haddii aan indhaha la is tireen dowladdii Yey iyo Amxaaradii la socotey dad bay xasuuqii jireen saacad kasta, hadda ma arrinkaas baa Soomaaliya ka jira? Cayaarta naga daaya, teeda kale Transitional admin ay hoggaamiyaan warlords bay ahaayeen dowladda hadda dhisanse waa ka duwan tahay and that is why I support it now.

     

    :D Duceysane, ha rumaysan haddii aad rabto kolleey aniga taasi dhib iguma hayso.


  7. Dadka qaar waxay ku habsaameen qabyaalad iyo old wounds blah, blah...Sidee ciidan ku dhismayaa haddii aan la qaadin cuno-qabataynta hubka oo xitaa ciidanka Soomaaliyeed uusan iska difaaci karin weerarrada cadowgooda. Dad baa raba in lagu sii jiro marxaladda guluusyada dharka ciidanka in AMISOM iyo xalane loo doonto. Taas caqli miyaa? Ha u moodina in AMISOM ay geesinnimo kula dagaashay Shabaab balse qalab iyo tababar ayaa u sahley arrintaas, ciidanka Soomaaliyeedna labadaas waa ka liitaa, dadka qaarna waxay ku talinayaan inaan la siinin iyagoo dano kale leh. Ciidanka Soomaaliyeed kuwo badan oo wanaagsan oo akhlaaq iyo tababar lehba waan soo arkay oo rajo ku gelinaya, inta ka dhimanna waa la dhammaystiri insha Allaah. Maxaaba la iska daalin dood iyo dood la'aan siday u muuqato ciidammada Soomaaliyeed waa laga qaadi cuno qabataynta markii aad dalka booqataan oo ay amnigiinna dhawraan ayaad ka shallayn doontaan hadallada gurracan ee meelaha lagu soo qorayo.

    Waxaa la yaab leh dadkii markii AY (AUN) uu joogey ku doodi jirey cuno-qabatayna halla qaado inay maanta leeyihiin yaan la qaadin....Malla isku ciyaaraa...:D


  8. nuune;917879 wrote:
    Xogta Xamar soo daadi iyadey xididadu tabayaane, ma dayuuradii baa Wajeer kula fadhiisatey, Apo waligii ma uusan arag Wajeer iyo ciiddeedi gaduudneyd, this is Kenya's new frontier to check everyone coming to Kenya, Wajeer laakin waa magaalo aad u wacan, too bad, Airportka unbaad ku ekeedeyn.

     

     

    Ma dhabbihii labadaada sxb ayaad raaci ood qorsheyneysaa inaad halkaa qumaati u dagto.

    Saaxiib Wajeer xaalkeeda waad fahantey. At least dadka kuma qashqashaan oo they treat you nicely and I do support qaabka ay diyaaradaha dhan halkaas ugu weeciyeen. I somehow think this suggestion came from somewhere else, but it is working.:D

     

    Wadiiqada saaxiibbaday inaan raaco waan jeclaan lahaa insha Allaah, waana filayaa inaan raaco.


  9. thanks nuune, update waan buuxaa ee xaggeen idiinka billaabaa? Anigu Xamar baan ka warrami karaa meel kale oo Soomaaliya ah cagta ma dhigin. Kii Apo ahaana Wajeer baan war ka siin karaa iyo meeshii kulaylka badnayd.:D

    Horta khilaafka dadka waan ka waaninayaa. Xamar dadka igu casumey haddii aad ogaan lahaydeen xiin iyo rag kale buuqu wuu ka yaraan lahaa. Laba shakhsi oo si qaas ah igula soo hadli jirey oo intaas safarkayga dhararsanayey labaduba waa rag qurbaha wax badan joogey midna waa reer Puntland dhalasho ahaan kan kalena waa Gedo balse waxaan aaminsanahay inay aniga Xamar iga xigaan oo aan cidna ka xigin. Runtiina aad baan uga mahdinayaa inay talo weyn ku lahaayeen safarkayga.


  10. Akhyaarta waan idin salaamay. Idinkama dheerayn oo hawadana waan idin kala socdey.:D Waxaan ku soo koobayaa in safarkayga Ilaah mahadi haka gaartee uu ahaa mid aad u wanaagsan, waxaan rajeynayaa midka xigana inuu noqdo sidaas iyo si ka wanaagsan. Calaashaan that shows inaan noqonayo soon insha Allaah, so haddii meeshaan la iga waayo in few times haddaba waan idiin sheegay.:D

    Warkii oo kooban "Ninna Dhulkiisa looma dhaamo". Waan dareemayaa dadka halka soo gala badankood maba ka gadmayso in Soomaaliya laguba noolaan karo balse waxaan idinkula talin lahaa, waddanka dhismihiisa yaan la idinkaga hor marin. Maanta fursadda taalla berri haddii Eebbe idmo ma sii oolleyso. I am not suggesting inaad wakhti xitaa iskaga lumisaan dhulalka boqollaalka kun iyo malaayiinta doollar maraya ee dhul badan oo aan la degin ayaa Soomaaliya ka buuxa oo dhawr kun oo doollar oo keliya aad ku gadan kartaan dhul dhan garoon kubbadda lagu ciyaaro. That is my talo. We can start building up new cities, ma waxaan ka liidannaa bacaadka Cajmaan ee iyadoon xitaa crane la keenin Soomaalida lacagta looga dhammeeyey? War meesha dad la'aan baa ka jirta runta ayaan idiin sheegayaa. Sheekooyinka lagu habsaamay intaad ka baxdaan dalkii halloo noqdo.


  11. Naxar Nugaaleed;917661 wrote:
    There is an old Somali saying: gacmoho wadajir bay wax ku goyan. The time of rer hebel vs. rer hebel is over. We sink or swim together. Someone needs to remind this president and you hapless critics of Xiin of that.

    :D Waa sax, waana in loo gudbaa in la wada noolaado. Calaacal iyo dhaar midna wax ma tarayaan. Kuwa rabo inay boor isku qariyaan 2013 uma soconayso. Qof walba wixii uu shaqaysto ayuu leeyahay, wax uusan shaqaysanna afka ma saarayo. Anigu waxaanba la yaabay dadka internetka keliya ayey ku kala qaybsan yihiin ee dhibkaan dalka gudihiisana ma yaallo. Xitaa degaannada lagu tuhunsan yahay inaysan la dhacsanayn dowladda ma yaallo.

    Embargo-dana reer Galbeed way qaadi ama joojiya dhaha ama ha dhihina wax difference ah ma samaynayso. Qofkii cabsi ka qabo in ciddiisa la gumaadayo, haddaba yaan askarta qorashadeeda lagaaga hor marin oo xitaa wixii geel jire aad taqaan soo dhoob. Haddii kalena waxaanba ku dhihi lahaa niyadda khayr u sheeg waayo taasi maba dhacayso insha Allaah. War 2013 baa la joogaa Soomaali maalayacni dambe uma baahna.