Cawaale
Nomads-
Content Count
1,272 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cawaale
-
Gheelle, ninkaan muriidi oo la hadlooya adi maxaa rabtaane? seriously, in la gudbo(lana xisaabtamo) wax fiican waaye.
-
^Markaad cataba wareegeysay aniga Qaxooti aan ahaa, ceel aan biya ka shubaayay! NG, maalmahan Af-soomaali waa dhameeyay, waaba ku doodaaye, asmaa sahlan aa u qabtiin, dab yar shidi maayo nabee
-
loll@Wareeg. taarle waaxid
-
Tamaam wallahi. Dhulkii fircoon waaye meeshaan Juxa, maxaa u maleyneysaa? Dalxiis goobo loogu tala galay aa jiraan, oo dallada lagaa daba wadaayo, bad iyo biyo qabowna wey leedahay. waa ku kaas
-
Salaam Alaiko, people. Xiin i know you had interest in Somali music(naga dhaaf yaaqee),how ever heestu waa suugaan adna suuganta ad ayad ugu fara dhuu-dhubantahay. Juxa, soo dhacyeey maa keentay saa u soo socotay?
-
Originally posted by NGONGE: Wa anigu ku leh wadaad ayaa whore house tegy and said "give me the one with the most akhlaaq". Macqool maaha dee. Markaasna tan ugu yaree iyada is keentay, ee aanan lagu soo qasbin "the business" ayuu wadan wadaadku. wax fahan ninyow!
-
Ururka Xisbul Islaam oo mamnuucay in Ciyaaraha Adduunka lagu daawado goobaha uu ka taliyo Talaado, June 15, 2010 (HOL) − Sheekh Maxamed Cismaan Caruus oo ka mid ah Afhayeenka sarsare ee Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in ururkoosa uusan aqbalayn in ciyaaraha Kubadda Cagta ee Adduunka lagu daawado goobaha ay gacanta ku hayaan. Sheekh Maxamed Caruus ayaa sheegay in Ciyaaraha Adduunka ay yihiin kuwo la doonayo in lagu marin habaabiyo dhalinyarada, sidaa daraadeedna aysan cidna u ogoleyn inay ku daawato Muqdisho iyo Gobollada dalka. "Waxaan uga digaynaa dhallinyarada inay ciyaaraha daawadaan, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada aan gacanta ku haynno" ayuu yiri Sheekh Caruus oo intaas ku daray in cid walba oo go'aankooda oo kalena ka qaadata Koobka Adduunka ay soo dhaweynayaan. Saxaafadda Caalamka qaarkood ayaa tabiyay in ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ay u dhaceen guri ku yaalla degmada Huriwaa ayna ku dileen laba qof oo ka mid ah daawadayaasha ciyaartii Nigeri iyo Argantine dhexmaray xirayna 10-qof oo kale. Degmada Afgooye ayaa sidoo kale waxaa lagu xiray 30-qof oo ay ku jiraan caruur aad u da'yar, kuwaasoo daawanayay ciyaartii dhexmaray dalalka Germany iyo Australia, iyadoo dadkaan ay weli ku xiran yihiin xabsiga degmadaas. "Mar walba waan ka digaynaa in lagu dhiirado daawashada Ciyaaraha Adduunka, waana wax aad u xun in lagu bixiyo lacag iyo waqti ciyaaro aan faa'iido lahayn, lana daawado nin kor iyo hoos u bood-boodaya" ayuu yiri Sheekh Caruus. Koobka Adduunka oo ay ka qaybgalayaan 31-dal ayaa deegaannada ay kaga sugan tahay Dowladda Magaalada Muqdisho waxaa looga daawadaa si xorriyad ah, waxaana uu noqonayaa markii ugu horreysay oo lagu qabto Qaaradda Afrika. Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyaduna horay uga mamnuucday Gobollada ay ka taliso in lagu daawado Ciyaaraha Adduunka, iyagoo sheegay inaysan ku bannaaneyn daawashadooda Diinta Islaamka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Muqdisho, lama ogola daawashada Koobka Adduunka Inta badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga daawaneyn Koobka Aduunka ee 2010 ka socda dalka South Afrika sababo la xeriira cabsi iyo amar kasoo baxay Ururada Argagaxisada ah ee Al-shabaab iyo Xisbul Aweys, amarkaas oo farayay in talaabo laga qaadayo cidii lagu arko isagoo daawanayo Kubadda Koobka Aduunka oo ay Ururadaasi Xaqjirka ahi ku tilmaameen wax xaaraan ah oo diintu waafaqsaneyn. Dhalinyada Ku sugan Muqdisho oo hore loogu diiday inay daawadan wax Film ah ayaa hadana waxaa loo diiday inay daawadaan Ciyaaraha ayagoo arinkaasi u arkay caburin iyo xad gudub waxeyna u baqooleen dhanka Shineemooyin ku yaala goobaha ay dowlada ka taliso sida Xamarweyne, Xamar jajab, madiino iyo qeybo ka tirsan Wardhiigley iyo Boondheere, si ay u helaan xoriyad ay ku daawadan koobkaan oo xiiso gooni ah leh oo 4-tii sano soo mara dunida kaliya hal mar. Hadaba Akhristoow waxaa Jilaa lasoo xeriiray Axmed-nur Qeys oo ka mid ah aqristayaasha Jilaa.com ee Muqdisho waxuuna sheegay in xaalku uu meel xun marayo maadaama ay dhalinto fiirsasho iska daaye, xataa ka sheekeyn karin ciyaaraha adduunka oo hadii lagu maqlo arinkaas ay Islaamiyiintu kula kaci karaan Jirdil ama xarig iyo dhibaatoooyin kale waxuuna Axmed-nur sidoo kale sheegay inuu maalmaha soo socdaa u wareegsan doono xaafadaha aysan ka talin shabaabka si uu u daawado koobkaan uu hadda ka maqlo dhagaha kaliya. Source
-
Originally posted by chocolate & honey: Actually the 70 year old is my eldest uncle so no ku tiri ku teen there. You are not the only one here. it was last year when a fellow Soler's uncle was assassinated, his death was celebrated here.
-
Wavin Flag- K'naan Feat. Guled Ahmed [Official Video, Somali Version]
Cawaale replied to Che -Guevara's topic in General
^you may want to vote for k'naan and show your support. bestawards -
OTTAWA (AFP) – Amnesty International on Thursday called on Canada to press Ethiopia to repatriate a Canadian serving a life sentence on terrorism-related charges. "Prime Minster Stephen Harper must insist that Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi bring Canadian citizen Bashir Makhtal with him when he comes to attend the G20 Summit in Toronto, says Amnesty International Canada," the non-profit organization said in a statement. Harper should inform Zenawi that his invitation to the G20 meetings "is conditional on an invitation for two," for both himself and Makhtal, it said. Makhtal was convicted last year on charges that he supported the ****** National Liberation Front, an Ethiopian separatist movement. He was among some 150 people detained by Kenyan forces on the border with Somalia as they fled invading Ethiopian troops in early 2007, and was initially accused of supporting the hardline Islamist movement in Somalia. Later he faced allegations that he aided the ****** National Liberation Front. Makhtal denied all the charges. Amnesty International said Makhtal's trial was "fundamentally unfair," while the source of accusations against him were "unclear." "Much of the case seems to be based on the fact his grandfather was once an ******i leader," it said. Canada's Foreign Minister Lawrence Cannon said previously that Ottawa was "extremely disappointed by the maximum jail sentence" handed down against Makhtal."
-
Karl, I think he wrote on here too!. i am sure i can dig it up. i mean there was a thread where they promoted one of his clubbing parties sin Minneapolis, and they were like k'nan aka K-something and mizzy something will be there ya'll don't miss it(where is rudy when you need him).
-
Wavin Flag- K'naan Feat. Guled Ahmed [Official Video, Somali Version]
Cawaale replied to Che -Guevara's topic in General
The video clip is on the way he told me. they need a crowd so they waiting for the world refugee day to blaze it. -
Wavin Flag- K'naan Feat. Guled Ahmed [Official Video, Somali Version]
Cawaale replied to Che -Guevara's topic in General
Jacfad, Wiilka Qaxooti waaye nooh, heestana dareen gooni ah ay u leedahay. he feels it man. Fufu, saas aan kaa rabaa, koobka dahabiga ah waxaa leh ninka martida loo yahay, but i am afraid farxad darteed in ay idin gowracaan ninyow. -
Wavin Flag- K'naan Feat. Guled Ahmed [Official Video, Somali Version]
Cawaale replied to Che -Guevara's topic in General
^Which kid boollo, kana mise k'naan, kuusow yaa dhisoosaa adi sanadkaan? :cool: -
Wavin Flag- K'naan Feat. Guled Ahmed [Official Video, Somali Version]
Cawaale replied to Che -Guevara's topic in General
Originally posted by Somalicentric.: Why does the somali version look silly & sounds like it is done in someone's basement? or is guled just featuring himself? haha cooooooooooome on son, the song is by k'naan the least they can do is make to somali version THE HOTTEST ONE!!! sc, Check ,its done by young refugee artist. -
Wax badan kaama fahmin, fahmadda oo igu yar darteed, aan is fahanno ma xumee, maxaan kaa fahannaa oo aad adigu fahansantahay? bal na fahansi ninyow! Muriidi's ruuxaan is contagious
-
Ng, Bootada dhaaf, the Arabs just swear and curse at each other, but hey that is it no feer iyo faralaab. and one more thing, they kiss a lot 3al faady ol malyaan..
-
^there was another one in Nashville, Tennessee. he raped a lady, and he was only 24. Dadka buufis aa haayo.
-
Loll@Haatu&Adi, Wallaahi kan waa ku deeyay. maku haayo aan ku dhahay. Sheekh, maaddey ma3a e7traamy lak, dooddaa meel xun kaa gashay fadiiltak!
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Ma puntlanderska oo kaliya ba dawan kara? Good question.
-
Yet better question, Sheekh umal culimo ma u heysataa?
-
Originally posted by NNC: She told police her husband had been using magic on her! So she thinks that her man(all the way from Africa.)did magic spells on her. That explains why she stabbed the poor kids. Miskiinkta clearly she was having hallucinations and delusional thinking, which escalated to violence behavior in stabbing the children. Ilaahay ha u gargaaro, and hope in ay caruurta qaraabo meesha ku leeyihiin.
-
Culimo ka hadashay Hajabaadda UNIVERSAL Qaar badan oo kamid ah Culimaa'udiinka Soomaaliyeed oo caawa ka hadlay warkii TVga Universal ayaa si kulul uga jawaabay go'aanadda ay qaateen Ururka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ahaa in ay ridoobeen Universal TV isla markaana aanay ogolaan doonin cudur daarkii iyo khaladkii lama filaanka ahaa ee maamulka Tvgu ay ka towbad keeneen kadib markii wariyaha Universal ee Koonfur Afrika uu labo second cameradda ku qabtay Jaraaidkii aflagaadada u gaystay Nabigeena Muxamed (SCW) xilli uu ka hadlayay sida Muslimiinta dalkaasi ay uga horyimaadeen jaraa,idkaasi iyo culimadda dalkaasi oo ka hadlayay difaacidda nabiga. Culimadaasi oo uu kamid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo jooga Nairobi ayaa sheegay in ay khaldantahay xukunkaasi oo liddi ku ah Islaamka, waxaa uu xusay in aan lagu mashquulin khalad lama filaan ah oo ka dhacay qof difaacayay Nabigiisa isla markaana uu isagu ku qanacsan yahay Raaligalintii iyo tawbadkeenkii Universal TV ee BBCSomali ka baxay iyo Universal TV. Sheikh Umal waxaa uu ka digay fatwadaasi khaldan ee lagu kadin karo dadka caamadda ah iyo kuwa aan wax hubsanin. Sidoo kale waxaa uu si weyn uga hadlay in TVgu uu ka qaybqaato Khayr badan oo ay dhiseen Masaajid badan isla markaana ay isku xireen dadka Soomaaliyeed ee caalamka jooga iyo kuwa Soomaaliya jooga, cidii dana kale wadatana aysan kusoo gaban diinta islaamka oo qofka hadii uu khalad ka dhaco aan laga hor iman marka uu cudur daarto oo ilaahaygii abuurtay uu utowbad keeno. Sidoo kale Sheekh Maxamed Shakuul ayaa uga digay dadka Soomaalidu in ay ka feejignaadaan sida khaldan ee Warbaahinta Soomaalidu ay uga hadleen arintan oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan diinta islaamka oo ku salaysan tartan dhanka Warbaahinta ah, waxaa kaloo uu sheegay in Taleefishinku uu qayb wayn ka qaatay kobcinta dhaqaalaha, Wacyi galinta, Gargaar iyo Muxaadaraad islaami ah soomaalida caalamka ay si weyn ugu qanacsan yihiin. Arimahani ayaa kadaba maray Waraysi dheer oo BBCSomali ay la yeelatay wariyaha Aljazeera ee Nairobi fahad Yaasiin oo si weyn u weeraray TVga isagoo sheegay in ay tahay arin la qorsheeyay oo aan la ogolaan karin, sidoo kale waxaa uu sheegay in TVga uu ula mid yahay isaga Joornaalkii Aflagaadada u gaystay Nabiga, waraysigaasi ayaa dad badani ay ku dagmeen. Dhanka kale waxaa fahad yaasiin uu si khaldan fasiraad uga bixiyay Waryisigii isla BBCda ka baxay ee lagu waraystay Eng Axmed Abubakar oo si weyn u cadeeyay khaladka dhacay iyo raaligalinta ay ka bixiyeen oo uu ku sheegay mid aan la ogolaan karin, eryada kale ee uu ku talax tagay waxaa kamid ah in Universal dacwad lagusoo oogo sidoo kale waxaa fahad uu sheegay in aanu arkin in uu TVgu tawbad keenay xilli lagu shaaciyay TVGa iyo Bogiisa Internetka Cudurdaarkaasi iyo tawbadkeenka la gaarsiiyay daawadayaasha meel kasta oo ay joogaan. Wararkan Dacaayadaha ah oo dad badani ay aaminsan yihiin kuwo dan laga lahaa waxaa ay sababeen in loo hanjabo dhamaan wariyayaasha iyo Shaqaalaha TVga ee ku sugan Muqdisho, gaar ahaan Wariyaha TVga ee Koonfur Afrika, Maamula Eng Axmed iyo Ridwaan Haji oo isna kamid ah Wariyayaasha sida weyn u bixinayay raaligalintaasi kadib markii uu dhacay khaladkaasi lama filaanka ahaa. Onkod News, London