Sophist
Nomads-
Content Count
2,095 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Sophist
-
Paragon, you can hear more of Xinne Xiireey stuff on www.golkhatumo.com
-
Nuune, Xinne waa lagend Artiste.Have you seen the other Vids on youtube? Wa rageedii odeygu!. Abti it is called majaajilo besides I have warned the fainthearted!. S.
-
Hi Bokero, how is Toora boora! All is well I hope!.
-
Funny little bit vulgar Video! "Gabdhana...nimaan meherba ugu dhicin la mushaaxa fiidkii.." S.
-
Samafal, The Sheikh has dealt with a poignant issue. What is transpiring in Mogadishu is terribly sad! Alaah hanoo gargaaro. S.
-
Marx, you have learned the Somali jokes huh you fox
-
That is the old Bank of the city! next to the Masjid jaamaca!
-
" if they want to be isolated, they can be assured that I will do all I can to isolate them... and evidently that they dont need or want the support of US... and will support SOmalia and Puntland". Chairman Pyne! That is a not what Somaliland thought would be the result of ciyaalnimada ey kudhaqmeen! This guy seems to have taken their absence personally! walee waa la idiin digey! S.
-
JaanJuumoow, C/raxmaan Abyad is a sheikh who is known by all those who are close to Dacwa in Somalia. But that is not the point. The issue is do you agree with the Nusuus the good Sheekh has presented in light of the question he intended to answer? If you are not erudite in the Science of Aqeedah and not a student of this feild of our religion then you should not opine on the matter and seek clarification from scholars whom you deem to be on the Manhaj. Both Ibnu Ba'az and Muqbil ibn haadi alwaa'idi have passed away (Raxmatulaahi Caleyhim) and are not in privy to respond to this matter- unless you believe some have the power to respond to issues facing the over from the grave? Sheikh Fawzaan is a respectable man but it is all about how one phrases the question S. PS: Sheikh Abyad of Denmark is Salafi and is someone whom I have known since I was the tender age of 12. He is an erudite man with the Madhab of the Ulama you have mentioned above insha Allah.
-
Sh.Axmed Max’ed Suleymaan oon ka Waraysanay Nadwadda ka Bilaabatay Laascaanood. By Somalimirror on 26 Jun, 2009 1:45 PM in Main, Wararka, Wareysiyada Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Waraysi aanu la yeelanay Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Nadwada ka bilaabatay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Somalimirror:- Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan : *****aykumu Salaam Waramatulaahi Warabakaatuh Somalimirror:- Shekh Axmed ku soo dhawoow Somalimirror Sheekh Axmed :- waan ku dhawahay Baarakalaalhu Fiikum. Somalimirror:- waxaad tahay Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Nadwada lagu qaban doono Magaalada Laascaanood ee qorshaheedu yahay in uu caawa bilowdo faah faahin guud naga sii nadwada iyo qaban qaabada aad u gasheen? Shekh Axmed: Bismilaahi Raxmaan Raxiim Nadwada waa Nadwo soo socotay ilaa mudo laba sano gudahood tii sadexaad weeye ee goboladan lagu qabto waqooyiga Hargeysa ayay ka soo bilaabatay Burco , Laascaanood baa hadda fursad u heshay ilaahay mahadiis qaban qaabadeeduna meel fiican ayay maraysaa wax alaala wixii loo baahnaana waa noo diyaar waxaan jecelahay taariikhdii loogu tala galay iyo qaabkii loogu tala galay in Ilaahay idankiis ay ku bilaabato. Somalimirror:– Culimada Nadwada ka qeyb galaysa xageebay ka kala iman doonaan? Sheekh Axmed :- Culimadu waxa ay ka imanayaan dhaman gobolada dalka ayay ka imaanayaan waana culimadii wadanka ugu caansaneyd uguna aqoonta badneyd waxaan rajeynaynaa in aad looga faa’iidaysan doono. Somalimirror:–Nadwad a Sanadkan maxay ugu duwan tahay maxayse gaar uga tahay kuwii hore hore? Sheekh Axmed : - hadaan soo koobo waxyaabaha ay ugu duwan tahay waxaa ka mid ah Mowduuca maanta Nadwada tan ciwaankeeda ah oo ah mowduuc wakhtiga kan aad iyo aad loogu baahan yahay baahi wayn loogu qabo oo ku munaasib ah in wakhtigan aad looga hadlo waxaa kaloo Nadwada tani ay ku sifaysan tahay qaban qaabadeedu waa mid ka sareysa nadwooyinkii horay uga dhici jiray gobolkan ama magaaladan is badalka xaga Tiknoolajigana aad ugu faa’iidaysatay iyadoo sidaad og tihiin laga tabin doono Masaajidka Hudaa nadwada toos looga taban doono Nadwada gude iyo dibadba waa is badal weyn oo ay uga duwan tahay waxyaabihii hore. Somalimirror :- Ciwaanka Nadwada isna bal sharax inaga sii ? Sheekh Axmed :- saad ogtihiin ciwaanku “ال 8;سط 10;ة و الت ;وا 6;ن سمة ; هذه ; الأ ;مة” dhex dhexaaadnimada iyo isku dheeli tirnaanta ay Diinta Islaamku caanka ku tahay macanaha waxaa weeye dariiqa saxda ah in dadka loo ifiyo ee musataqiimka ah siduu Ilaahay yidhi “وك 4;لك جعل ;نا 3;م أمت ;اً وسط ;اً” yacni in umada tan ay noqoto mid xaga siduu ahaa ugu taasan “بي 6; الإ ;فر 5;ط وال ;تف¡ 0;ض” aanan xaqii ka xad gubin oo aan ka dheereyn kana gaabin oo aan noqon dad ku xad gudba ama ka gaabiya waajibaadkii si sax ah caqiido ahaan iyo akhlaaq ahaan iyo dhan walba dadka Muslimiinta ah looga dhaadhiciyo wadada toosan ee Quluwiga iyo xad gudubka ku jirin isla markaa gaabinta iyo xuma sameyntu ayna ku jirin in dadka loo iftiimiyo ayay tahay ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ciwaankana laga dhadhansan karo. Somalmirror:- qorshahiina ma ku jirtaa inaad Nadwada gaadhsiisaan Deegaano ka baxsan Gobolka Sool? Sheekh Axmed:- haduu Ilaahay idmo Nadwada waxaa lagu tabin doonaa qalabkan casriga ah ee Internetka ,Paltalk-ga dibada gudahana sidoo kale waa laga xidhiidhinayaa gobolada meesha ay ka suura galayso gude iyo dibadba in lagala socon doono ayaan rajeynayaa intii Live ama toos ula socon weydana waa loo duubaya oo si dhakhso ah ayay u gaadhi doontaa Insha’allahu Tacaalaa. Somalmirror:- hadii aad tihiin gudiga qaban qaabada Nadwada sida muuqata ama si dadbanba u muuqata sida muuqataba waxaa baxaya kharashaad loogu tala galay Nadwada inta ay socoto kharashaadkaas yaa idinka gacan siiyay? Sheekh Axmed :- Soomaalidu isku tashi ayay maalmaha kan ku jirtay oo hormar ay gaadhay weeye markaa sama falayaasha Soomaalida ah dibad iyo gudaba ayaa wax isku daray tabarucaadkoodii oo jeebkooda ka bixiyay baa nadwada tan qaban qaabiyay aad baan ugu mahad celineynaa kheyr Alle ha siiyo, sidoo kale waxaa qeyb ka qaadanaya Shirkadaha Isgaadhsiinta oo iyaguna ku deeqay Internet-ka iyo Taleefanada iyo Isgaadhsiinta iyagana aad ayaan ugu mahad celineynaa koleyba waa isku tashi soomaalida dhex deedu ay isku tashatay oo ay iyagu iska aruuriyeen . Somalimirror :- waxa Hey’adda ah oo Nadwada ka qeyb qaadatay ma jirtaa ? Sheekh Axmed :- maya ma jirto wax Hey’ad ah oo ka qeyb qaadatay Soomaalidu in dhaweydba wax Hey’ad ah kuma xidhneyn isku tashi dhexdooda ah ayaa howlahan lagu waday in dhaweydba. Somalimirror :- Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan Jasaaka laahu Kheyran.
-
Familiar faces! JB, do you know where we can hear the lectures! Halgan.net is not working proper for me!. Cawaale, I guess Al fatwaa tataqayar bitaqayirati azminiti wal amkania S.
-
Xiin, Awoowe Salam, how are you? It has been a while!. JB: What is the difference between Takfiir and Khaariji? S PS: C/raxmaan Abyad is an excellent daaci with profound understanding of Caqiidatul Salaf.
-
Salaam All, Below is an article written by a leading young enlightened scholar by the name of Al-Akh C/raxmaan Abyad who is the leading daaci in Denmark. This is somewhat a long article but well worth reading as it demystifies the issue with nusuus. Enjoy. S. -- Mahad dhammaanteed ALLAAH baa iska leh , intaas ka dib, Umuuraha murugsan ee Soomaalida dadka la socda waxaa beryahan danbe dhegohooda ku soo noq-noqonayay, oo qaar badan xaajo uguba ku noqotay , odhaahda ah “ Ciddii aniga i khilaafta , ama aan u okobnaan waxa aan keeno waa Khawaarij , amaba koox heblaayo waa Khawaarij, iyadoo marar badan si gaara loogu duur xulo xarakada Al- shabaab. Arinkaas waxaa ka dhashay in dad badani is weydiiyaan horta “ Khawaarijtan “ la sheegayaa maxay yihiin sidoodaba, halka qaar kalena isku maan dhaafsan yihiin garta ama gardarrada hadalkaasi amaba canjarafkaasi waa sida qolyo kale u arkaane , xanbaarsan yahay. Sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan akhristaha qormadan u soo gudbiyo xog kooban oo ku saabsan firqadan hadal haynteedu badatay ee “ AL- KHAWAARIJ “, iyo jawaabta su’aashayda cinwaanku xanbaarsan yahay . Qormadani waxay ka koobnaan doontaa afar xidhmo : B- Xog guud oo ku saabsan Khawaarijta . T- Jawaabta su’aasha cinwaanka. J- Yaa ku sheega Shabaabka Khawaarij . X- Gabo-gabo . Intase aanan galin muca iyo ujeedka qormadan waxaan gogol dhig uga dhiganayaa hal-beeg “qaacido” lama huraan u ah marka koox ama qof waxa uu yahay la gorfaynayo : Dhaleecaynta ama amaanidda aad qof ama koox u jeedinaysaa waxaa lagama maarmaan u ah labo shardi oo kala ah 1- Aqoon , cilmi la’aani hadday jirto waxaa shaki la’aan ah in xad gudub iyo Gabood fal imanayo . 2- Caddaalad , haddiiba qofka wax qaadaa dhigayaa cilmi leeyahay , haseyeeshee uu caddaaladda ka fog yahay waxaa loo aanayn karaa amaba lagu tuhmi karaa dulmi . Intaas haddaan ku dhaafo halbeegaas , bal aan u gudbo inaan wax ka tibaaxo xog kooban oo ku saabsan khawaarijta . Xog ku saabsan khawaarijta. Sidii aan hore u soo tibaaxay waxaaan ka horeysiin doonaa jawaabta waydiinta cinwaanku xanbaarsan yahay – si jawaabtu u fududaato – xog ku saabsan firqada khawaarijta , sida : · Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay khawaariji ?. · Astaamaha lagu yaqaan . · Soo yaalkooda iyo goorta ay soo ifbaxeen. · Xukunkooda. · Dhibaatooyinkii ay geysteen · Qaar ka mida nusuusta ku soo aroortay . Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay Khawaarij Khawaarijta ” ??????? ” waa eray Af- carabi asalkiisu yahay, Af-soomaali ahaanna waxaa macnihiisu yahay ” baxayaasha ” , ama kuwii baxay . Maxay ka baxeen tolow? Yayse ku baxeen ? . Waa labo waydiimood oo kusoo deg-degi kara maanka akhristaha , jawaabtooduse waxay ku imaan doontaa qormadan dhexdeeda . Khawaarijtu waxaa kaloo ay leeyihiin magacyo kale oo ay caan ku yihiin , sida: Muxakkimah , Xaruuriyah , Maariqah Shuraah … Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Khawaarijtu yihiin koox ka mida kooxaha halaagsamay ee lunsan , kuna gafay waxyaabo badan oo caqiido iyo camalba leh . Tilmaamaha khawaarijta Waxay firqadani leedahay summado badan oo qofkii aqoon u lihi aanu ka hadfayn, Hayeeshee aanay qormadan koobani wada xanbaari Karin ,halkanna aanan kusoo wada minguurin Karin , waxaanse si korka xaadis ah u sheegi doonaa kuwa ugu wax ku oolsan uguna waawayn , waana kuwan : 1. Inay qofkii danbi wayn ku dhaca sida : beenta, xanta, gogol dhaafka , khamriga , dilka , ribada , iwm ku tilmaamaan inuu yahay GAAL naarta ku waaraya , muslimna aan lagu sheegi Karin . Taasina waxay sabab u noqotay in ummadda muslimka ah oo dhammi agtooda gaalo ka noqdaan wixii aan iyaga la fakir ahayn “ kaligood muslim “ maadaama oo aan dunuubta macsuum laga ahayn , sidaas darteed muslimka lama tukadaan , gawrocooda ma hungureeyaan , xabaalohooda wax kuma aastaan . Muslim ka fogaan shaha gaadhay inaan xataa lala tukani, waxay ka dhalatay gaalaysiinta muslimka la gaalaysiiyo, iyadoon loo aabbe yeelin amaba loo kitaab furin , waxayna culimadu u yaqaanaan ” ????? ??????? ” 2. Saxaabadii Suubanaha “??? ???? ???? ???? “ qaarkood sida : Cuthmaan , Cali , Dalxa , Caa’isha iyo kuwo kaleba oo ay ku tilmaamaan inay amaanadii khiyaameen ama gaaloobeenba !!!. 3. Sunnada nabiga “??? ???? ???? ???? “ oo ay inkiraan in la xujaysto haddii aanay waafiqin shuruudo gaar ah oo ay iyagu dajisteen . 4. Dirirtooda ama halgankooda oo ay ku wajahaan muslimka halka gaaladu ay ka badbaado . 5. Jahli iyo diinta oo loo fasiro si’aan xaqa waafaqsanayn, lana adkeeyo wax aan mudnayn in la adkeeyo . 6. Haweenka oo ay ku waajibiyaan inay soo qalleeyaan salaadihii dhaafay intii dahaaradu ka jabnayd . 7. Magacyada iyo tilmaamaha ALLAAH oo ay ta’wiiliyaan ( marin habaabiyaan ) . 8. Ahlul cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro . 9. Midawga muslimiinta iyo madaxdoodaba in guluf colaadeed lagu kiciyo , iyagoo ka duulaya inay gaalo yihiin . 10. Suuradaha Qur’aanka qaarkood oo kooxo ka mid ahi diidaan , sida suuratul yuusuf. Calaamadahaas ayaa ah kuwa ugu tunka buuran ee firqadaasi lagu ibtileeyay. Sooyaalkooda iyo goortii ay soo ifbaxeen Waxaa culimadu isku maandhaafeen goorta ay soo ifbaxeen , waxaanse ku ekaan doonaa soo bandhigidda saddexda aragtiyood ee ugu xoogga badan : · Culimada qaarkood waxay qabaan inay soo baxeen wakhtigii Suubanuhu noolaa, aragtidoodaasna waxay u cuskadeen , ninkii nabiga “??? ???? ???? ????“ ku yiri isaga oo qaniimo qaybinaya : caddaalad samee maad caddaalad samayn ee!!!!. Ninkaas oo ah aabbaha khawaarijta , waxaana la oran jiray “ dul khuways sarah “ · Waxay soo baxeen sabankii Cuthmaan ayaa culimo kalena qabaan . · Inay soo baxeen wakhtigii Cali ayaase loo badan yahay , maadaama oo dagaallo ba’ani dhex mareen Cali iyo nimankaas ibtilaysan , oo ay ugu magac dheer tahay goobtii nahrawaan sannadkii 37 H ugu danbayntiina iyagu ay dileen - saddex sano kadib - saxaabigaas weyn ??? ???? ??? ?????? Si kastaba ha ahaato e’ waxaa inoosoo baxaysa in kooxdani ay tahay tii ugu horaysay ee daba marta waddadii suubanaha “??? ???? ???? ???? “ , ceelalyona u noqota 72kii la sheegay inay soo bixi doonaan . Qaybohooda Kooxdani sida ay ummadda inteedii kale u khilaafeen ayay iyana isu khilaafeen , waana arrin dabiici ah oo ay la kulmaan kooxaha lunsani . Laamaha firqadan ka farcamay waa tiro badan yihiin , waxaase ugu magac dheer : 1- Al azaariqah “ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Naafic binu Azraq” . 2- Assufariyah “ ??????? “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey “ Zayaad binu Al asfar” ???? ?? ?????? . 3- Al ibaadiyah “ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Cabdullaahi binu Ibaad ” . Waxaa xusid mudan in khawaarijtu tiro ahaan iyo siyaasad ahaanba ay maanta dunida farakutiris ku yihiin, walow ay iyagu xukumaan gaar ahaan firqada Ibaadiyadu waddanka” Cumaan” oo ka mida waddamada gacanka carbeed ” ?????? ?????? ” . Xukunkooda . Markii dadka aqoonta lihi lafa gureen kooxdan iyo waxa ay rumaysan tahay , waxay arini la dhaafi wayday inay ka kala qaateen laba aragtiyood : · Muslimba maaha oo xanafiyadaba kuma jiraan , sidaas darteed baana loo yidhi khawaarij = kuwii baxay , loogana gol leeyahay inay diinta ka bexeen . · Waa firqo lun san oo xaqa aad uga baydhay oo ahlul bidac ah , laakiin waxaa lagu tirinayaa guud ahaan inay ahlul qiblaha ka mid yihiin . Qaar kamida nusuusta ku soo aroortay . Waxaa lagama maarmaan ah inaan wax uun ka tilmaanno nusuusta ku soo aroortay firqadan, si’aan u fahamno waxa ku xanbaaray ahlulcilmiga qaarkood inayba ku gaalnimo xukumaan sida aan kor ku soo xusnay. Waxaa kamida xadiiskii suubanuhu ku tilmaamay inay ahlu naar yihiin ???? ??? ????? Waxaa kaloo kamida in suubanuhu ku sifee yey inay diinta ka bexeen ?????? ?? ????? ??? ???? ????? ?? ?????? iyo nusuus kale oo aad ka heli karto kutubul xadiis, caqiidah , fiqhi , taariikh . T – Jawaabta su’aasha cinwaanka . Aniga oo ka shidaal qaadanaya nusuusta iyo xogaha kor ku xusan , waxaan akhristaha usoo bandhigayaa su’aalahan : Qofkii kabiiro ( danbi wayn ) ku dhaca, sida: xanta beenta …iwm shabaabku ma ku gaalay-siiyaan?. Saxaabadii suubanaha afkooda ma la gaadhaan , gaar ahaan , Cuthmaan ,Cali Dalxa , Caa’isha ? Gaaladu ma ka badbaadaa dirirtooda ? Su’aalahan jawaabtooda ayaa fure u ah su’aasheenna jawaabteeda. Waxay aniga ila tahay in qof kasta oo caadil ah ay u soo bixi karto in shabaabku aanay khawaarij ahayn , maxaa yeelay ? usuushii firqadaasna kama muuqato , furuuc badan oo ay ku waafeqeenna looma jeedo . J – Yaa ku sheega shabaabka khawaarij ? . Aniga aragtidayda shabaabka waxaa sifadaa ku tuhmaysta inta badan afar kooxood : 1. Suufiyada . Gaar ahaan kuwa masaargaabka ah, kumana koobaan khawaarijnimada alshabaab oo kaliya, ee ciddii xabaalaha la dul dangiigo, iyo lafaha maytida ee la tuugayaba shirkinimadeeda iftiimisaa agtooda waa ka khawaarij !!. 2. Rag ay siyaasadda isku hayaan oo ” dawladda ” ka tirsan oo bar yahan danbe ku xabeeb iyo xuurtoobay ” ciddii i khilaaftaa waa khawaarij” . Sida muuqata waxaa iskaga dheehmay khawaarijta iyo buqaadda oo farqi wayni u dhexeeyo, waxaana ugu muhiimsan , in buqaaddu aanay had iyo goor dhaliilnayn ee ay gar yeelankaraan, halka khawaarijtu ay ka yihiin firqo lunsan , waaba haddii dawlad nimadoodu sugnaato. 3. Ashahaado la dirirka oo sida ka muuqata helay xadhig ay cuskdaan, kagana aargoostaan raggii shalay dhangalaasooyinka culculus u gaysytay oo ay wali dingaraaradeedii hayso, baladkana ka sifeeyay. Sida ciil iyo madhuudhyo sadrigooda u jiiftona ma filayo inay shabaab kaliya ku ekaan doonaane , hadday u suuro gasho , waxay olki doonaan waxoodii xilka lahaa , culimo dhoofin, iyo isbaaro birimagaydada lagu baadhona dib bay u noolayn doonaan . 4. kooxo ay isku hayaan masalooyin u badan sida iyo waddada ugu haboon ee lagusoo celin karo xukun islaami ah iyo khilaafadii duntay . X – Gabogabo . Waxaan ku soo xidhayaa in qof kasta oo muslim ahi maskaxda ku hayo marka Uu ruux muslim ah diintiisa gacan togaalaynayo aayaddan qur’aanka ah : Oo macneheedu yahay : yay idinku xanbaarin qolo cadhadeed inaydaan caddaalad samayn , caddaalad sameeya taasaa cabsida u dhowe . Ugama jeedo qormadan inaan leeyahay shabaabka waxba kama khaldana oo waa ceeb ka saliim xalay dhalay ah , ee waxaa ujeedkaygu yahay , waxaanay qabin yaan la saarin !!. Shabaabka wax maka khaldan yihiin . Waxaan qabaa HAA. Mana aha wax lala yaabo maxaa yeelay waa bashar , basharna gaf iyo daalaa dhacays kama madhna , laakiin taasi keeni mayso in caddaaladda iyo cilmigaba lagu xadgudbo oo lagu sheego waxaanay ahayn iyagana aan berri ku koobnaan doonin. ?????? ??????? W.Q. Cabdiraxmaan Abyad
-
I have just seen a dozen of people crying and when I inquired as to what tragedy befall them I was dually informed MJ has passed away! Quite curious this idol worship! S PS: I think this is all **** and he will be in three days time and proclaim he has been resurrected
-
Gaalo iyo Gaalo raac! Walee markii qarbiga la imanaayey tan iyo wax kadan waan filaayey iney imaanayaan! New Ayaan in the making anyone? I hope not S.
-
Nino Brown, but you're successful and wholly integrated Sorry about earlier, I will call you later on today Insha Allah!. S
-
Gaalo iyo Gaalo raac!
-
Interesting list of scholars yaa JB! I thought Abu Xasaan was the scholar of Al Shabaab! I guess things has changed for the past couple years.
-
Emperor, It is not Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud who is in nugaal and is well. Saleebaan Daahir Afqarshi was my fathers good friend. He was a senior member of SSDF and later SNM. He was educated in England and became a broadcaster- before he joined SSDF in late 70s. Saleeban comes from a well celebrated family. His Father was the legendary Dahir Afqarshi who is well known chap in Somali literature. S
-
Inaalilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun. Alaah ha unaxariisto Saleebaan.
-
OMG Al-shabaab are now fighting ONLF freedom fighters
Sophist replied to Hassan6734's topic in Politics
Farancab! Waa su'aale, waa maxay manuusi? -
Dad wareersan! Udkhuluu fi silmi kaafa.