Qudhac
Nomads-
Content Count
1,751 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Qudhac
-
che you arguing for qabiil region called ssc it has nothing to do with secession or somaliweyn???
-
Somaliland Finance minister meets Kenyan Foreign minister in Kenya
Qudhac replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
outsmarted and out manouvered.... those hollering in kenya will hoping mad. the pirate money waxba wey tariweyday -
DALMAR surely you not suggesting leaving faroole and crew duke will be very upset.
-
looool even the UN works for somaliland miyaa, TUUG LA QABTAY TALOW MALE.
-
This warlord call for war few months ago as well. tolow magaca "sheikh" miyuu iibsaday lool
-
the leader of pirateland is the chief of all one eyed pirates.... well thats no brainer aint it... or maybe pirate chief is houdini.... you are falling sleep... when you wake up you will believe that i have no connection to pirates and that AMIN AMIIR AND THE UN are evil of this world....
-
good developement........ A&T is the most excited person here, he becomed frenzied with exitement. if business people want to invest in somaliland i dont where recognition comes from mise ninba meel bay kaga dhegtay and he is just showing his inner fears... miskiin. Ana weykan ayaad noqotay indeed
-
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
duke wuldnt it be embrassing if the pirateboys did another runner agains few khasuusi boys heheheheheheheheh -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
so all the local websites are making it up right looool, widhwidh.com jidbaale.com boocame.com afnugaal.com holhol.net xargaga.net Garaadka ayaa ii sheegay in ay saaka alasaydii ka war heleen in ciidamo ku gaashaaman baabuurta tiknikada ah ay soo gaareen duleedka buurawada kuwaas oo ka soo kici timay Magalada Garoowe . -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
so duke its soon kicking off whos your money on the KHASUUS VS PIRATES -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe 18.03-10 Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in lagu guul Daraystay duulaankii lagu qaaday Magaalada Buurawadal oo ahaa in la soo qabto Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Maxaa keenay fashilkii maanta? Kadib markii ciidamada iyo Tikniko ay la hayd Jaaliyada SSC kuna jiray Geerash garoowe ayaa lala soo baxay, loona soo kaxaystay dhinaca madaxtooyada oo ay joogeen tikinkadii Faroole iyo C/samad oo aad iyo aad u jecel innay maruun soo qabtaan Labadaas Garaad. Markii dooxada Buurawadal ayaa soo gaadheen tikniko dhan 10 gaadhi ayaa waaxba markiiba ka hor yimid ciidamada ka soo jeeda deegaanada SSC kuna hubaysan labo tikniko ah, waxaana markiiba raacay ciidamo badan oo gaadhi wayn saarnaa. Kadib sarkaalkii wadatay ciidamadaas oo ah nin ka soo jeeda Deeganka Garoowe ayaa aad iyo aad ulla yaabay wax away ku kaceen ciidamadani, weexyna ciidamadan u sheegeen aysan weereri Karin Magaalada buurawadal oo ay ku sugan yihiin ragii ugu karaamada sareeyay deeganada SSC. Ciidamadii SSC ayaa ku biiray ciidankii joogay buurawadal halka kuwii reer garoowena ay ku dhaqaaneen dhinaca garoowe. Maxuu ugu hor yimid Col. Dayr hogaaminta ciidaka weerarka ku haa Buurawadal? Col. Dayri oo ah nin ka soo jeeda Deegaanada SSC ayaa ku gacan saydhay inuu weeraro Ciidamada iyo Garaadada ku sugan Magaalada buurawadal iskaga uu sheegay innay tahay mid sharici daro tahay in Ciidamada Puntland weeraraan Issim ka mid ah issimada Puntland. Halkaas ayaa waxaa ka Cadho kala tagay Faroole iyo C/samad. Maxaa ka socda Magaalada Garoowe? Saacada hada waxay tahay 6:30 habaynimo, waxay wararku sheegayaan in Madaxtooyada Garoowe ka socdaan shir sadex geesood ah oo ah kala ah Saraakiisha Puntland oo dhac ah, Issimada SSC qaarkood oo dhinac ah iyo Faroole iyo C/samad oo dhac ah, waxaan looga tashanayaa sidaa dagaal qaawan loogu qaadi lahaa Magaalada buurawadal oo ah meeshii maanta lagu fashilmay. Puntland ma jabisay Sharciga? Waxaa hubaal ah in maanta Puntland ku talaabsatay qorshe jabinaya Axdiga Puntland ay dhigteen xiligii 1998kii. Sharicgaasoo qoray inaan marnaba la taaban Karin Issimada ama Qoborada ***** iska daa weerare. -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya Buurawadal waxa ay sheegayaan in laba gaadhi oo Tiknika ahi ka gadoodeen Ciidan laga soo diray Madaxtooyada Garoowe ,kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Buurawadal ku biiray shacabka jooga magaalada Buurawadal. Dhinaca kale waxaa madaxtooyada Puntland laga soo diray Tikniko hor leh kuwaas oo haatan ku sugan Dooxada Bixin ee magaalada Duleedkeeda ah , iyada oo hadda shacabka iyo tiknikadan soo ogaal celisay ay isku dulfadhiyaan halkaasi. Madax dhaqameedka saaka soo gaadhay ayaa shir iswaraysiya ku yeeshay magaalada Buurawadal iyada oo markii danbe ay qaarkood ku noqdeen magaalada Garoowe. Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan iyada oo dadweyne badani ka soo kicitimayaan dhinaca magaalada Garoowe kuwaas oo ku biiriya shacabka magaalada Buurawadal oo haatan u muuqda in maamulka Puntland weerar ugu soo dhiila dhaansaday, wixii ka soo kordha saacadaha soo socda ayaan idinla soo socodsiin. News Desk WidhWidh Online -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
Wararka naga soo gaadhaya duleedka magaalada Buurawadal ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku guul daraysteen tiknikadii loo diray in ay weerar ku qaadaan magaalada Buurawadal ka dib markii ay is khilaafeen ciidankii saarnaa tiknikadan. Wararku waxay sheegayaan in askartii ka soo jeeday SSC ay sheegeen markii la marayey duleedka Buurawadal in aanay halkaasi dhaafayn iyaga oo intaasi ku daray in aanay cadayn waxa loo weerarayo madax dhaqameedka ku sugan Buurawadal iyo golaha khusuusigu, arrintan ayaa keentay in la hakiyo tiknikadii weerarka ku ahayd magaalada Buurawadal iyada oo wararkii ugu danbeeyeyna ay sheegayaan in ay Yoocadda ku sugan yihiin tiknikada weerarka ku ahayd Buurawadal oo halkaas dib loogu celiyey. Dhinaca kale waxaa maanta ka dhacay magaalada Buurawadal Mudaharaad ay isugu soo baxeen shacabka magaalada iyaga oo ku hor mudaharaad goob ay ku sugnaayeen Garaad Abshir Saalax iyo Ugaas Faarax Dheere, dadweynaha mudaharaadayey ayaa sheegay sida ay uga xunyihiin go,aamada lagu minjaxaabinayo shirka Buurawadal ee lagu saxeexay madaxtooyada Garoowe, waxa kale oo ay dadweynaha is hortaageen in ay magaalada soo galaan Garaadada ku sugnaa magaalada Garoowe oo iyagu saaka u soo kicitimay magaalada Buurawadal, waxayna taasi keentay in Garaadadaasi dib ugu noqdaan magaalada Garoowe, waxaase isla markiiba ka daba tagay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo magaalada dib ugu soo celiyey taasina ay keentay in ay shacabkii gadoodsanaa ka codsadaan in ay kala dareeraan oo madax dhaqameedka laysu daayo si ay uwada tashadaan. Xaaladda magaalada Buurawadal ayaa kacsan iyada oo shacabku aad uga anfariireen mudada aanay 2 bilood ka soo wareegin ee madax dhaqameedka SSC ku soo saareen laba go,aan oo isburinaya iyada oo ay shacabku sheegeen in ay kala hadalka madax dhaqameedku karaamadooda hoos u dhigtay kana dhigtay niman maqaamkii ay hore u joogeen hoos uga dhacay maalinba maalinta ka sii danbaysana isa sii qiima riday xilli deegaankoodii ay banaanka ka joogaan. Madax dhaqameedka SSC ayaa laba bilood ka hor soo saaray qoraal ay ku cadaynayaan in beesha *********** deegaankeeda soo ceshato maamulka Puntland looga fadhiyo in uu garab ku siiyo isla markaana aanu dibin daabyeyn. Laba maalkood ka horna waxa ay 8 madax dhaqameed ka soo saareen madaxtooyada Garoowe go,aamo burinaya kuwii hore ee loo dhamaa , kaas oo sheegaya in Maamulka Puntland loo daba fadhiisto soo celinta Laascaanood. Shacabka SSC dibad iyo gudaba waxaa ku noqotay arrin la yaableh in maanta Puntland oo aan awood lahayn iyaguna qireen loo daba fadhiisto xilli hore loogu daba fadhiyey muddo 12 sanno ah arrimaha SSC oo sanadba sanadka ka danbeeya Guuldaro lagala kulmayey, ayna ugu danbaysay qabsashadii Laascaanood 15.10.2007 oo haatan sadex sanno laga joogo, ilaa maanta aanu maamulka Puntland waxba ka qaban. News Desk WidhWidh Online -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe) 17.03-10 War hada naga soo gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay halkaas ka baxeen maleeshiyo hubaysan oo wadata 5 tikniko ah. Maleeshiyaadkan ayaa waxay ku wajahan yihiin deegaanka Buura wadal oo ay ku sugan Yihiin Madaxdhaqameedyo ay ka mid yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Maleeshiyaadkan ayaa waxaa ay u badan yihiin ilaalada Faroole, ayadoo amarkaa ay qabaan uu yahay in ay weeraraan Ciidamada SSC iyo madax dhaqameedka ku sugan halkaas, Ciidanka SSC ee ku sugan duleedka magaalada Buura wadal ayaa ayaguna heegan galay waxayna diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan Cadawga soo weeraray. Hadii dagaalkani dhaco waxaa ay noqonaysa markii koowaad ee si badheedh ah uu maamulka Puntland u weeraro Madaxdhaqameed *********** ayadoo la rajeynayo in dagaalku ka wada qarxo gudaha magaalooyinka Puntland oo dhan maadaba ay joogaan askar SSC iyo shacaba kuwaasoo hubaysan. Wararka ka soo kordha lasoco goor dhaw, -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
duke dont you know faroole is carrying out S/l orders when comes to these renegades. -
Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS
Qudhac replied to General Duke's topic in Politics
address the LA, problem and kick out the secessionist. so when will pirateland do this this, current decade or the next one? -
Puntland oo inqilaabtay shirkii Garaadada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle uga socday Buuro-Wadal.Warbixin Warkii 17-Mar-2010 iyo Qormadii: NEWS Shir ay Garaadada iyo odayo-dhaqameedka gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle beryahanba uga socday tuulada Buuro-Wadal oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Garoowe,ayaa waxa inqilaab siyaasadaysan taladii iyo wixii qodobo lagu lafogurayba kula wareegay maamulka Puntland,kuwaasoo ka faa'iidaystey kala qaybsanaanta odayaasha dhexdooda ah. Shirkaas oo mudo aan sidaas u fogeyn ay dhamaantood ka dhawaajiyeen inay midoobeen oo aan wax khilaaf ahi jirin,ayaa waxa khilaafka odayaashu soo shaac baxay markii la soo gaadhay wakhtigii khusuusida la soo sooci lahaa,iyadoo mar walba marmarsiiyo shirkaas lagu carqaladeeyo la doonayey,oo markii hore qaar garaadadii ka mid ah hawlo loogu diray dhinaca Buuhoodle,qaarna dibadaba loo dhoofiyey,iyada oo ay u yaalaan hawlo muhiim ah,oo shirkii weli socdo. Intaas markii laga soo gudbay oo loo dhabar adaygay ayaa waxa qorshihii kama danbaysta ahaa noqday in Garaadada qaar shirka si cad u qaadacaan,kuwo kalena arintaas ku raacaan,iyada oo qorshihii ugu weynaa ee khayaamada ama inqilaabka ay dhigeen niman sheeganaya xildhibaano ka tirsan kooxda Muqdisho,oo asal ahaan ka soo jeeda gobolada Puntland,oo ay ku jiraan rag ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,sida Axmed Saakin iyo Deeqa Colujoog oo ah xaaska axmed Cabdi Xaabsade,ay la soo xidhiidheen garaadada,iyagoo u sheegay inay daacad yihiin oo weliba Puntland heshiisiin doonaan,si loogu ogolaado in hogaankii lagu soo dhisay Nayroobi uu ka soo dego Puntland iyo arimo kale oo lagu soo shukaaminayeyba,si loogu hubsado xarunta Faroole ee Garoowe,kadibna saxiix iyo kamarad lala gaadho. Nasiib daro Garaad Jaamac Garaad Cali oo aan mudo cag dhigin xarunta madaxtooyada Puntland,isla markaana horay u sheegay inuu kalsoonidii kala noqday,mar danbana sheegay in maamulka Puntland rag ka tirsani ay u sameeyeen mu'aamaraad loogu gacan gelin lahaa Somaliland,ayaa ogolaaday inuu shirkaas ka qayb galo,meesha uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil isaga oo dhawraya mawqifka beeshiisa,ogna inaanay beeshiisu raali ka ahayn inuu shir u tago madaxtooyada Garoowe,uu keligiis ku hadhay Buuro-Wadal,isagoo ku adkaystay mawqifkiisii. Balse nasiib daro mar kale ayaa Garaad Jaamac galay xaruntii intaas oo jeer dhibka iyo ceebtu ka soo gaadhay,isaga oo ay weheliyaan Garaadadii kale ee shirka Buuro-Wadal la joogay. Garaad Jaamac ayaa nasiib wanaag markiiba iska gartay sida shirku u eekaan karo,kadib markii uu sida uu sheegay uu meeshii ka waayey isimadii Puntland oo loo balan qaaday inay madasha imaan doonaan,taas bedelkeediina ay kuraastii soo buuxiyeen wasiiro iyo xildhibaano u daacad ah Faroole iyo C/Samad,ay ka mid yihiin labadii nin ee mu'aamaraadkii hore u dhigay ee Halas iyo Dhega-Cade,isla markaana xataa wasiiradii qaar ka maqan yihiin meesha oo rag xul ahi meesha fadhiyaan. Garaad Jaamac ayaa intii aan shirka la furin ka hadlay oo sheegay in sidii lagu soo casuumay aan meesha ka muuqan,oo aan isimadii fadhin,shirka uu u yimid Garoowena aanu kanoo kale ahayn,sidaas daraadeed ay waajib tahay in Garaadadu shirka ka baxaan,oo lagu noqdo Buuro-wadal,codsigaas oo dheg jalaq loo siin waayey,oo lagu yidhi Garaad ha deg degine fadhiiso oo madaxda imaanysa sug,balse markuu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo ragii la socday inay shirka ka wada baxaan,ayuu go'aan keligiis ah qaatay oo shirkii ka baxay,mana jirin Garaad la yidhaahdi Baaruud oo shirkaas Garaadku codsaday in loo ogolaado,sida ay warbaahinta qaarkeed sheegeen,arintaas oo ah been abuur lagu khaldayo dadka,si loo qariyo inqilaabka meesha ka dhacay. Garaadka ayaa dib ugu soo laabtay Buuro-Wadal,iyo khasuusidii la soo xulay,wuxuuna uga waramay sida wax u dhaceen,arintaas oo fajaciso ku noqotay umadii oo dhan. Hadaba maxaa ka dhacay Garoowe markii Garaad Jaamac ka soo baxay?Waxaa isla markiiba la saxiixay go'aamo horay loo diyaariyey oo miiska saarnaa,shirkaasina wax badanba ma socon oo waxaa markiiba diyaar ahaa waraaqda la saxeexayo iyo saxaafada sawirada qaadi lahayd,oo qorshuhu ahaa in sawirku ku dhaco Garaad Jaamac iyo odayaasha kaleba,sidaasna lagu fashiliyo shirarkii hore oo dhan. Hadaba su'aasha is weydiinta leh waxay tahay,Garaadadii dhowaan soo saaray go'aamadii shirkii Buuro-Wadal,isla markaana khusuusida dhaariyey qaarkood,ma Puntland bay weligood u shaqaynayeen oo dhab kama ahayn hawshay ku jireen,mise iyagana waa la khayaameeyey oo arinku sidaan moodayno maaha,oo go'aamadani waa kuwo ay beenin doonaan? Hadii arintu sida la baahiyey ay tahay,oo wixii Buuro-Wadal iyo nayroobi lagu dhisay ay sidaas ku dhamaatay,maxaa la gudboon Garaadada labada ah ee ku sugan Buuro-Wadal?Ma keligood ayaa go'aamadii Buuro-wadal hirgelin doona,mise go'aamo kale ayay qaadan doonaan?Mise waa laga batayoo waa inay u hogaansamaan go'aamada Garoowe,oo ay la shaqeeyaan Puntland? Su'aalahaas iyo kuwo kaloo badan ayaa shacabka ay odayaasha heshiiska la galay maamulka Puntland is weydiinayaan. Dad badan oo waxgarad ah ayaa ka digay in shirka Buuro-Wadal ee markii horaba lagu qaban lahaa Holhol uu ahaa mid lagu baabi'inayo go'aamadii shirkii Nayroobi,oo Garaadada xataa shirkaas wax ka waday ay yihiin kuwo weli la shaqeeya maamulka Puntland,arintaas oo maanta soo shaac baxday,oo khayaamo aan geedna loogu soo gaban ay sameeyeen odayaashii umadu isha ku haysey,oo taladii beesha ay mar kale u dhiibeen kii halkaas dhigay,oo kala qaybsanaanta iyo khalkhalka siyaasadeed ku abuuray beesha SSC. Hadaba Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac garaad Ismaaciil,oo ka soo jeeda beesha degmada Laascaanood,oo ala ha u naxariistee labadii Garaad ee jagoooyinkan hayey ee ala janadii firdowsa ha ka waraabiyee Garaad C/Qani iyo Garaad Ismaaciil ayan Puntland isku fiicnayn,ayaa maanta gooni loo saaray,iyada oo lagu riixayo inayan ahayn kuwo Puntland daacad u ah,taasoo ah arintii keentay in odayadii hore ay kala dhintaan maamulkaas,taasoo weli sidii u taagan,oo iyagaa tegi waayeye si kastaba loo colaadiyey loona fogeeyey labadaas Garaad oo maanta Buuro-Wadal dhinac ay u dhaafaan garan la'a,oo talo ku cadaatay,mar horena guryahoodii Laascaanood si khayaamo ah looga soo saaray,si iyaga iyo dadka ay u taliyaan loo kala dilo. Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa go'aamada ,maanta Garoowe laga soo saaray ee ah Puntland baa beeshu tahay,iyo iyagaa soo celinaya Laascaanood ay yihiin kuwo aan afka baarkiisa dhaafsiisnayn,oo lagu wiiqayo midayntii la filayey inay ka soo baxdo Buuro-Wadal,taasoo maanta mar kale maamulka Puntland ku guulaystay inuu kala qaybiyo odayaashii halkaas mudada fadhiyey,si beeshu weligeed u ahaato mid aan isu imaan karin oo aan heshiin karin. Arintaas ka dhacday Garoowe ee lagu inqilaabay shirkii Buuro-Wadal ayaa waxay keentay inay candhuuftoodii dib u liqaan dad badan oo qaarkood markii hore taageersanaan jireen maamulka Somaliland oo filayey in wax beesha u gaar ah la heli karo,oo laga maarmi karo maamulada kale,si beeshu u midowdo.Waxaa iyaguna maanta quus taagan aqoonyahamiin rajo ka qabay in laga xoroobo labada maamul oo talo kale beeshu yeelato si umadaha kale wax loola qaybsado. "Adeer hadii Puntland muqadas tahay,kuwii aan is lahayn dhinaca Somaliland ka kasbada sow iyana odhan maayaan,Somaliland waa muqadas,oo sidii hore labada maamul loo kala qaybsanana maayo,taasoo ahayd arinta keentay in siyaasiyiintii Garoowe iyo Hargeysa kala joogaan,markaa waxba soomay kordhine nimankaasi Puntland meeshay gesyso baan arki doonaa"sidaas waxaa yidhi waxgarad reer Laascaanood ah oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin.
-
Division Of the Sool Garaads - Another Blow to the Khusuusi
Qudhac replied to Jacaylbaro's topic in Politics
In Masuuliyada soocelinta deegaanada ay leedahey dawlada Puntland. In doorka Isimadu yahey Xalinta Khiaafaadka, dhex dhexaadinta Umada, mideynta beesha, wacyi galinta iyo Abaabulaka oo lagama maar maan u ah soo celinta deegaanada maqan. puntland howsheedii sifiican ayay uga soo baxday -
here it it!!!!
-
i got better than pics!!!! i got the video for the official opening of the police station and laanta socdaalka L/A.
-
Popular Contributors