Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Somaliland: Tartanka Qasiidooyinka oo Hargeysa Lagu Qabtay
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
Tartan aan noociisa hore loogu arag Somaliland Oo Lasoo Gabogabeeyey Iyadoo Madashaasina Si Weyn loogaga hadlay Ammaanta Nebi Muxamed (S.C.W) Hargeysa (OWN)- Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaale oo ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka warbixiyey sida ay u habboon tahay in markasta la weyneeyo Ammaanta Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (SCW). Isla markaana, waxa uu Xildhibaanku wax lagu farxo ku tilmaamay in Somaliland, gaar ahaan Hargeysa lagaga lagu qabto kulan loogu tartamayo Ammaanta Nebiga (S.C.W). “Waa in markasta la weyneeyaa Rasuulka (SCW), maaddaama oo aynu nahay dad boqolkiiba boqol Muslim ah, waayo? Xuska Rasuulka oo la badiyo waxay ka qaybqaatada inaad ILLAAHAY ugu dhawaatid oo aad Janno ku hesho. Markaa, waa in Carruurteenna la baraa ku Salliga iyo ku toosnaanta dariiqi Nebigu innoo jeexay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo xalay ka hadlay Xaflad loo sameeyey gebagabada tartanka Qasiidooyin Nebi ammaan ah (S.C.W). Xildhibaanka oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Walaallayaal waxa aynu ku jirnaa Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo loo baahnahay in waxa badan la xuso Rasuulka ILLAAHAY innoo soo diray ee aynu ku dayanno dhaqankiisa subaan nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.” Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed oo ahaa Guddigii tartanka gacanta ku hayey oo sheegay inay intii ka qaybgashay tartanka ay u rejeynayaan guul iyo inuu ILLAAHAY la kulmiyo wax fiican, waxaanu yidhi; “Dhalinyaradii ka qaybgashay tartanka lagu xusayay Nebi Maxamed (SCW) waxaanu u rejeynayaynaa inuu ILLAAHAY la kulmiyo wax fiican oo ka farxiya, intii tartanka aan ka qaybgalinna waxaanu leenahay way soo socdaan tartanno kale oo kan la mid ah. Markaa, ILLAAHAY waxaynu ka baryaynaa inuu Jannadiisa Fardowsa uu innaga waraabiyo oo aynu mar walba xasuusanno Rasuulkeenni suubbaanaa ee Muxamed (S.C.W).” Waxa iyaduna halka ka hadashay Guddoomiyaha Ururka ODHA Marwo Faadumo Siciid Maxamed oo iyadu lahayd firkirka lagu qabtay tartanka ammaanta Nebi Muxamed (S.C.W), isla markaana ay Xafladdan lagu soo gebagabeeyey tartanka Nebi ammaanka (S.C.W) iyo suuragelintiisa ay Faadumo iska kaashadeen Shirkadda Gulf Petroleum Guuleed Jaamac Faarax, taasoo lagu qabtay Huteel Summar Time ee magaalada Hargeysa. Waxaanay Faadumo Siciid faahfaahin ka bixisay sidii uu fikirkani ku yimi, isla markaana waxay sheegtay in uu ku yimi habeen ay ku riyootay Rasuulka (S.C.W) iyada oo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi; “Caawa habeen iiga farxad badani ma jiro, waayo? Waxaan ka soo qaybgalay munaasibad lagu xusayo Nebi Maxamed (SCW) oo ahaa Aabbihii Adduunyada. Waxaana loo baahanyahay in dhalinyarada lagu ababiyo xuska Rasuulka (S.C.W) iyo ku dayashada akhlaaqdiisa suubbaan. Waxa kale oo aan doonayaa inaanu tartankani noqon kii ugu dambeeyey ee lagu xuso Nebi Muxamed (S.C.W) ee waxaannu qabanaynaa tartanno kale oo ay ku tartamayaan Hablaha maaddaama oo uu soo dhammaaday tartankii Wiilashu. Waxaanu doonaynaa inaan lagu haysan marfishyada iyo meelaha lagu qayilo ee dibadda loo soo saaro Xuska Nebi Muxamed (S.C.W).” Waxa isna halka hadal kooban ka jeediyey Xafladdaas, Masuul ka socdey Shirkadda Gulf Petroleum Mr. Guuleed Jaamac Faarax, oo sheegay inaanu xuskani noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay sii wadi doonaan haddii Illaahay yidhaahdo wakhtiyada soo socda. “Xuskani noqon maayo kii ugu dambeeyey ee aannu ka qaybqaadanno, laakiin waxaanu markasta ku boorrinaynaa dhammaan ummadda Islaamka inay ka qaybqaatan xuska Rasuulka (SCW) oo loo baahanyahay in kor loo qaado oo meel sarre la gaadhsiiyo. Waayo? Xuska Nebiga nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo la badiyo waxa lagaga fogaada Cadaabta iyo in uu ILLAAHAY ku naco. Rasuulku waxa uu yidhi; ‘I xus si aan kuu xuso’. Markaa, walaallayaal aynu xusno Nebiga (S.C.W) meel kasta oo aynu joogno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Guuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah xubnaha sida weyn uga qayb-qaatay suuragelinta tartankaas. Gebgebadii munaasibaddaas waxa Shahaadooyin-sharafyo la guddoonsiiyay tartamayaashii ka soo qaybqaatay Ammaanta Nebiga (S.W.C) oo kaalinta kowad uu galay Maayarka Arabsiyo Cabdillaahi Cabdi Faarax halka uu kaalinta labaad galay Xasan Batuun, kalinta saddexaadna waxa galay Maxamed Axmedweyne. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horrreysay ee tartan noocan oo kale ah lagu qabto Caasimadda Hargeysa ee Somaliland, kaasoo haddii la sii wado sare u qaadi kara in ka qaybqaataan tartannada loogu tartamayo ammaanta Nebigeennii Suubbanaa ee Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (S.C.W). Source: Oodweyne News
-
- Tripoli airport is held by a small tribe but equipped with armored vehicles - Libya Central bank is held by another tribe - The Post Office compound goes to - Ministry of information is held by another tribe - Green Square and nearby roads are being held by the Berbers from the mountains - Bab Al Aziziya compound are being held by Misrata Brigade, a powerful one - Zawiya refinery is being held by two powerful tribes - Nearby tribes want to have some share of this, but are being repelled. - The port goes to another tribe from Gharyan town - Rixoz Hotel and nearby District is being held by the Zawiya groupd of rebels, another powerful tribe from there Xamar baan xasuustay in 1991 ....
-
Was crazy day ,,,,,,,,,, don't ask me why
-
For many Africans khat is a stimulant drug that also stills hunger pangs. But the world’s biggest seller of khat doesn’t fit the typical profile of a drug dealer. Indeed, throughout much of the continent it is legal. In Somaliland, not a lot works. Somaliland is a republic in the north of Somalia, which, although it declared itself a sovereign state, is not internationally recognized as such. But one thing you can count on here: Suhura Ismail’s trucks, driven at breakneck speed, arriving as regular as clockwork every night on the unpaved roads. The trucks are delivering khat, a drug that is mostly forbidden in Europe. In Somaliland, on the other hand, the business is legal – and booming. Up to 80% of all men in the tiny country in the Horn of Africa are addicted to khat. Suhura Ismail says she herself has never tried chewing the bitter leaves. But it has made her rich, and in her homeland, Ethiopia, she is a highly respected entrepreneur. “I was just voted Businesswoman of the Year,” she says. “And then I got a bill for back taxes amounting to 48 million Birr (1.9 million euros.) But we’ll figure something out. I have good connections with the Prime Minister.” The 49-year-old mother of ten is the biggest khat dealer in the world. And although she does have a flashy gold tooth, there is none of the usual baggage about her that usually attends international dealers: no body guards, no fake names, no fear of other drug cartels or the police -- though the tax man is a bit of a bother. FULL STORY: http://www.worldcrunch.com/drug-trade-africa-how-queen-khat-got-so-rich/3660
-
Somaliland President Addresses the Nation ... Congratulate Muslims
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Short Speech: Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu. Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka. Munaasabadda ciid-al-fidriga waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan munaasibaddan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta bugtana ka dul qaado xanuunka. Beesha caalamka iyo cid kasta oo awood u leh in ay kaalmo ka geysato waxaanu ugu baaqayna in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ay xoolihii ka baxeen ee reer Somaliland oo aad u tabaalaysan. Iyagana Ilaahay waxaanu uga baryayna inuu ciwad khayr qaba ugu soo badalo. Sida aynu ka warqabno dalkeena oo kaliye maaha, balse, Geeska Afrika waxaa jirta abaar xun oo si weyn u saamaysay dad badan oo ay qaarkood ka barakaceen guryahoodii, sida dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Soomaalya, ilaahayna waxaanu uga baryayna in uu ka dul qaado abaarta. Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr. Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo. -
Somaliland President Addresses the Nation ... Congratulate Muslims
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
Somaliland President Addresses the Nation ... Congratulate Muslims
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland ilaahay uga baryay dadka ay abaaruhu ku hayaan dalka aynu jaarka nahay ee Somalia in uu alle ka dul qaado, isaga oo dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay in ay gacan laxaad leh ka geystaan sidii ay walaalahooda kale wax u tari lahaayeen. Hmm ... -
argeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaadii ciida kala qayb galay Kumanaan ka mid ah dadka Ku dhaqan caasimadda Masjidul Jaamaca Weyn ee ku yaala badhtamaha Magaaladda Hargeysa. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay shacabka, ka hor salaadda kula dardaarmay in ay ilaashaadaan nabadgalyadda iyo isla markaana feejignaan xoog ah ka galaan wax kasta oo khalkhal gelin kara. Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyay guud ahaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin in Munaasibadda Ciidul fidrida, waxaanu ilaahay uga baryay in uu ka aqbalo soonkii bisha barakaysan ee ramadaan. Waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland ilaahay uga baryay dadka ay abaaruhu ku hayaan dalka aynu jaarka nahay ee Somalia in uu alle ka dul qaado, isaga oo dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay in ay gacan laxaad leh ka geystaan sidii ay walaalahooda kale wax u tari lahaayeen. Madaxweynaha ayaa waxa wehelinayay xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda, shirguddoonka labada gole, guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB iyo waliba xildhibaano kale.
-
Somalia: President Sheik Sharif addresses the nation on Eid celebrations
Jacaylbaro replied to Somalina's topic in Politics
Shariif ayaa salaadii ciida ku tujiyay boqolaal ruux Masaajida loogu magac daray Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada ;);) -
GaadhHaye;743272 wrote: Better yet, what if the whole population in Hargeisa and the surrounding cities/towns/villages stop chewing the green leaves for only 48hrs? There is no doubt in my mind the amount of Eurodollars raised would have increased tenfold. But the question is, can the Dubaab addicts show mass tolerance for that short period? (For these who have no idea of what Dubaab is, it is transitory lower abdominal pain experienced by addict communities and caused by missing kat chewing sessions for at least two days or more). Don't be so ungrateful waaryaa ,,, caruurtaadii oo gaajo u dhimanaysaa lacag loo ururinayaaye adigu casiirka Europe iska cab
-
Ninkaa ha la qayilsiiyo weliba ,,,,
-
Eid Mubarak Trollers ......................
-
.... what is next ?? ...... Venezuela training Somali pirates to wage a proxy war against US ??
-
Saudi Arabia, Qatar and UAE announced it is Tomorrow ,,, Tuesday
-
300 for Turkey ,,,, 200 for Iran .... then Saudis will take another 300 ,,, the Uganda will demand the same ,,,, then kuyuu baaba loosoo geli meeshaas ,,,
-
Gaddafi's girl executioner: Nisreen, 19, admits shooting 11 rebel prisoners, now she is shackled to hospital bed awaiting justice http://www.dailymail.co.uk/news/article-2031197/Gaddafis-girl-executioner-Nisreen-19-admits-shooting-11-rebel-prisoners.html
-
Switzerland could become the first country to outlaw PowerPoint presentations if a new party runs in the October parliamentary elections. Matthias Poehm, founder of the Anti-PowerPoint Party, claims that €350bn could be saved globally each year by ditching the scourge of public speaking. Poehm believes that the software takes people away from their work and teaches them little. "There is a solution," he says. "A flipchart." On leaving academia seven years ago I vowed that I would never use PowerPoint again. I still speak at conferences, though, and have been known to rant at organisers when asked in advance for my PPT presentation. I inform them that I will be turning up with a set of index cards on which I have jotted down key points, but will not be boring my audience to tears with fiddly slides consisting of flying text, fussy fonts or photo montages. HERE ,,,,, http://www.guardian.co.uk/technology/2011/aug/28/powerpoint-party-switzerland-ban
-
GaroweOnline: Somali PM visits Puntland, meets with Sool community elders
Jacaylbaro replied to NASSIR's topic in Politics
Stop dreaming now .... It would be a big jump which is not happening. -
Showqy. Why not talk about everything ?? ....
-
How can you fix the current if you don't wana talk about what happened ?? ,,,