Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Nothing shakes the foundation sxb ..... tani ilaa dhamaadka duniday qotontaa.
-
It should've been a weekend today ....
-
What is next .... Obama must go ??
-
Dhinaca kalena Wasiirka arimaha gudaha Md Duur oo shalay shr-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay qabteen dad beelo waayeel u ah, ka dib markii ay ka soo bixi waayeen kaalintoodii isla markaana ay maanta Ergooyin labada dhinac ah ku kulmin doonaan Dilla “Waxaanu wadnaa in nabad la gaadho, maantana (shalay) waxaanu is-aragnay odayaasha labada dhinac daraf ka mid ah oo xafiiska ayaanu ku qaabilay, waxaanu isla garanay in nabada loo gurmado, waxaanu isla garanay in dhaawac iyo dhimasho inagu soo socdaa aanu waxba tarayn, waxaanuna u balanay bari oo khamiis ah (Maanta) inaanu isugu tango Magaaladda Gabiley, sidoo kale wefti wasiiro ah waxaanu diray Magaaladda Boorama oo la kulmay waxgarad badan oo dhinac kale ka soo jeeda, waxayna isla garteen in nabadgalyada laga shaqeeyo, iyagana bari (maanta) ayaanu ku balan-sanahay Magaaladda Dilla” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaanu wadnaa nabad ilaalintii, waxa kale oo aanu wadnaa in dadkii qoryaha qaatay markii dhacdada hore dhacday in ciidankii dhex taagnaadaan oo aanu fal dambe dhicin, sidoo kalena waxaanu wadnaa in odayaashii iyo dadkii wanaagsanaa ee labada beelood ka shaqeeyaan nabada lana dejiyo dadkii ka kacaayda hore ku kacay, sidoo kale waxaanu qabqabanay dad, dadka aanu qabqanay waa laba qaybood, qayb waa dad masuuliyiin ah oo taliyayaal ah oo reeraha waayeel u ah, marka reerkii uu waayeelka u ahaa fal geysto waajib ayaa fuulaya, haddii uu waajibkiisii qabsan waayo waxay noqonaysaa in la qabto oo nabadii loo xidho, waxa kale oo aanu xidhnay dad fidmadan iyo mid horeba loo tirinayo, iyagana baadhis baa ku socota, waxa kale oo aanu xidhnay dad warbaahinta ka faafiyey erayo colaadeed oo dhiirigalinaya colaada, gacan ku dhiigle ayaa jira, laakiin kuwaasi waa afku-dhiigle.” Wasiirka arimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay “Cidii falkaasi wax ka geysatay meel kasta oo ay tagaan iyo wax kasta oo noqotaba gacanta ayaanu ku dhigaynaa, qaarna waanu haynaa oo baadhisbaa socota, kuwa laga shakisan yahay ee hadda dhuumaalaysanayana waanu qaban doonaa, nabada ilaalinteedana looga tudhi maayo nin weyn, nin magac lehna looga baydhi maayo, mid caan ku ah balaayadana looga baqi maayo walaahi.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Eedaysanayaal ayaanu haynaa, haddii dambigaasi ku cadaadana dambiilayaal ayay noqonayaan, waxaanuna haynaa kuwo falkaasi gacan ka geystay sida aanu wararka ku hayno.” Dr Duur waxa uu tilmaamay inay deegaanka Seemaal geeyeen ciidamo boolis ah oo faro badan “Meeshaana waxaanu gaadhsiinay ciidan aad u badan oo boolis ah, kaas oo ah ciidan aad u qalabaysan oo watta gaadiidka gaashaaman, labada dhinacna waxaanu ka codsanaynaa in si wanaagsan loola shaqeeyo booliska.” Ayuu yidhi.
-
Yeah ,, Weekend ,, whoohoooooooooooooooo
-
Now what da hell is this ??
-
loooooooooooooooooooool@Caqli years ,,, :D Igu hallee Alpha ..... anigaa shaqo ka qabane
-
Sayid*Somal;763747 wrote: I don't follow you logic here saxiib, care to explain further? Indeed Allah ha u naxariisto sheekha. Here is the logic: - You receive a death threat from Yuhuudda - You informed your family, friends and government about this. - ONLF came to know about this threat and because you used to speak against them found this an opportunity to eliminate you - Boom,,,, they sent someone. He shoots you in the head and disappears. - Because people knew that threat, they will not notice the third party here and start hunting down Yuhuuda. Got me now ???
-
:D ,,, u mean they will be the same age as you ?
-
Official Somaliland provincial football tournament thread
Jacaylbaro replied to Xaaji Xunjuf's topic in General
Hargeisa 2 - 0 Hawd -
You not getting the point dee ,,, me no helping u
-
Hargeysa-(HWN)-La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ay ciidamada ammaanku shalay xidheen ayaa ka hadlay sidii uu ku tagay xarunta Dambi baadhista oo uu ku xidhanyahay. Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Abiib loo haysto tuhun la xidhiidha dilkii foosha xumaa ee habeenimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan ka dhacay deegaanka Seemaal ee deegaanka Ceelbardaale. Laakiin Abiib Timacad, oo markii uu shalay tagay xarunta CID-da ee uu ku xidhanyahay la hadlay weriye ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inaanu wax lug ah ku lahayn dambigaas, waxaanu sheegay inuu isagoo baabuurkiisa wata tagay xarunta CID-da, Waxa ii yimid laba wiil oo dhallinyaro ah, waxaanay igu yidhaahdeen waa lagu doonayaa, dabadeedna anigaa idinka daba imanaya ayaan idhi. Ayuu yidhi Abiib, waxaanu intaas raaciyay, Dabadeedna anigoo gaadhigayga wata ayaan tagay xarunta CID-da, waxaana la igu yidhi waa laguu imanayaa ee halkaas fadhiiso welina waan fadhiyaa oo waxaan sugayaa in la ii yimaado. Abiib Timacad, wuxuu cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal, isagoo ku baaqay in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ciddii ka dambaysay, Waxaan cambaaraynayaa dilkaas foosha xun ee ka dhacay Seemaal, waxaanan cid kasta oo reer Somaliland ah ugu baaqayaa in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ciddii dilkaas ka dambaysay. Ayuu yidhi. Abiib, oo la weydiiyay waxa uu aaminsanyahay in loo haysto, wuxuu yidhi, Aniga weli waxba la iima sheegin, laakiin nin weyn ayaan ahay oo waxaan dareemayaa in la igu xidhiidhinayo dilkaas, waxaanan cadaynayaa inaanan wax lug ah ku lahayn islamarkaana aanay jirin sabab aan uga shaqeeyo dilka qof bini-aadam ah. Waxaanan sugayaa bal marka la ii yimaado iyo waxyaabaha la I horkeeno. Baraha internetka qaarkood ayaa baahiyay in Abiib Timcad lala xidhay cid kale oo qoyskiisa ka tirsan, laakiin ma jirto cid ka tirsan qoyskiisa oo la xidhay.
-
Hargeysa (Waaheen) – Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay saddexdii qof ee lagu dilay deegaanka Seemaal ee u dhaxeeya Baki iyo Gabilay. Taliyaha ciidamada qaranku waxa u tacsi u diray ehelada ay ka baxeen saddexdii qof ee lagu dilay Seemaal, waxaanu tilmaamay in falka dadkaasi lagu laayey uu ahaa mid bani-aadaminada ka baxsanayd, isaga oo xusay inuu aad uga xun yahay. Nuux Ismaaciil Taani oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa soo qaaday eedaymo ay u jeediyeen qaar ka mid ah madax-dhaqameedka saddexdii qof ee lagu dilay deegaanka Seemaal, waxaanu sheegay inaanu dilka saddexdaa qof wax lug ah ku lahayn “Marka hore waxa aan tacsiyadeynayaa ehaladii ay ka baxeen dadkii dhawaan lagu dilay Tuuladda Seemaal.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Runtii waxa uu ahaa fal ka fog bani´aadamnimadda.” Taliyaha guud ee ciidamada qaranku waxa uu sheegay inuu falkaasi ka xun yahay wax lug ahna aanu ku lahayn “Waxaan shacabka reer Somaliland guud ahaantiiba aan u sheegi lahaa in falkaas aan aad uga xumahay wax lug ahna aanan ku lahayn”ayuu yidhi Taliye Nuux Ismaaciil Taani. Nuux Taani waxa uu sheegay in uu Maxkamadda u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Maxamud Axmed Barre Garaad oo ah Xubin sharaf ka tirsan Golaha Guurtida oo uu sheegay in uu Idaacadda VOA-da ka lahaa hala khaarajiyo Nuux Sidoo kale waxa uu Suldaan Saleebaan Ismaaciil Cali ku tilmaamay inuu yahay Xumaan doon dhawr jeer oo horena ay is qabteen oo Eedo uu u soo jeediyay markii danbe u dhaceen sidii uu isagu ku doodayay. Waxaanu sheegay wararka uu faafinayo ee uu ku doonayao inuu Sumcada kaga dilo aanay waxba ka jirin ee uu garanaqyo halka uu u socdo. Nuux Taani waxa uu sheegay Nimanka dhintay labada is dhalay inuu Suldaanka isagu ka xigo oo ay il-maabtiyadii yihiin Dad Beeralay ah oo aan waligood-na kala tagayn yihiin.
-
Killing of three people in Somaliland is such big news ,,,,,, Wallee way duushay
-
Juxa, don't mind NG, He knows how to talk
-
Norf, that is Dubail style dee... I'll just do a humble SL style Malika, Yeah, I just woke up and there is still a big room
-
How about some others who knew about the threat took the chance and killed him so that they will not be noticed ??? Allah ha u naxariisto sheekha ...
-
I'm beginning to think of starting a Shisha Joint in Hargeisa ,,,,,,, whach ya think ??
-
Enemies within ,,,,, wax fahan
-
Habeen wanaagsan dhamaantiin ,,,, maxaad haysaan ,,,, warka soo daaya bal
-
Popular Contributors