Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Just In: Central police station re-opened and SL police patrolling the town to sustain the peace.
  2. Siilaanyo: Waan difaaceynaa...Somaliland President Siilaanyo
  3. inkasta oo warkaasi uu yahay ilaa iyo hada mid aan sugnayn.
  4. Wararka naga soo gaaraya degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in saaka gacan ku haynta degmadaas ay la wareegeen ciidamada Somaliland oo iyagu 24-kii saac ee lasoo dhaafay usoo ruuqaansanayey dhinaca Buuhoodle. La wareegidda ciidamada Somaliland ee degmada Buuhoodle ayaa timid kadib markii uu dagaal xoogani dhex maray iyaga iyo ciidamada deegaanka, dagaalkaas oo sida Horseed Media loo xaqiijiyey ahaa mid aad u culus. Goobta uu iska hor imaadka xoogani ka dhacay ayaa ah deegaanka Sool-joogto oo qiyaastii 30km dhinaca bari kaga beegan degmada Buuhoodle, lamana oga ilaa iyo hada khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaas ka dhashay. Arintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Somaliland uu shalay si cad u qeexay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin shirka Khaatumo ee ka socda degmada Taleex islamarkaana ay qaadi doonaan tallaabo walba si shirkaas iyo go’aamada kasoo baxaba loo hor joogsado. Qabsashada ciidamada Somaliland ee degmada Buuhoodle ayaana qayb ka ah dadaalka uu maamulka Hargeysa ugu jiro sidii loo carqaladayn lahaa habsami u socodka shirka Khaatumo2 oo Somaliland ay u aragto mid danaheeda Siyaasadeed ee gobolka liddi ku ah.
  5. ... and as usual, Jidbaale is off the air
  6. War Degdeg ah: Tiradii u badnayd ee wariyaal ah oo Goor dhoweyd xabsiga lagu Guray iyo Agaasimihii Hadhwanaagnews Najax Adan Cunaye oo ka mid ah Weriyasha la xidhay.. Waxaa Goor dhoweyd xabsiga lagu guray weriyaashi u badnaa abid ee la xidho hal maalin iyo isku wakhti, weriyaashan ayaa bannaanbax selmi ah ka hor dhigay Madaxtooyada horteeda , waxaanay bannaanbaxa weriyashani ku saabsan xidhitaanka televisionka HCTV ee xalay ay ciidanka Boolisku albaabada u laabeen gebi ahaanba xafiisyadii iyo xarumihiisi baahinta ee Hargaysa, iyo sido kale dhaleecayntii qaawanayd ee madaxweynuhu khudbadiisa ku soo darsaday shalay kulana dul kufay Televisionka HCTV iyo warbaahinta madaxa bannaan. Xadhiga weriyaashan ayaa noqonaysa dhacdadii ugu yaabka badnayd ee abid soo marta warbaahinta xorta ah, iyo cabudhin aad xad lahayn oo xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku hayso warbaahinta xorta ah. Illaa iyo imminka weriyaasha xidhan ee ciidanka Boolisku ka hor qabteen xarunta madaxtooyada ayay ku jiraan saraakiil sarsare, tafatirayaal iyo sawirqaadayaal, waxaana ka mid ah weriyaasha xabsiga lagu Guray NAJAX AADAN CUNAAYE Agaasimaha Somaliland iyo Somaliya ee Hadhwanaagnews.com XASAN MAXMED YUSUF Guddoomiyaha Ururka Suxufiyinta Somaliland ee SOLJA MAXED CABDI SHEEKH (ILIG) Agaasimaha Guud Ee Hctv MAXED CUMAR CABDI (CIRRO) Tafatiraha Guud Ee JAMHUURIYA XAMSE CALI BULBUL Madaxa Wararka ee TV ga HCTV NIMCO CUMAR MAXMED (NIMCO SAMRIYE) Weriyaasha HCTV Iyo weriyaal kale oo tiro badan. Lama garanayo illa iminka waxa lagu xidhay weriyaashaas iyo saraakiishaas warbaahineed ee xabsiga ku jira ,marka laga reebo banaanbax nabadgelyo oo ay ka hor sameeyeen madaxtooyada horteeda. Tan iyo markii ay xilka la wareegtay xukuumada madaxweyne siilaanyo waxa warbaahinta xorta ah ku batay xadhiga, cabudhinta, tacaddiga iyo caga juglaynta aan xadka lahayn ee loo geysanyo warbaahinta, dhacdadan imminka ay ku kaceen Ciidanka madaxtooyadu ayaa illa imminka fajiciso ku ah bulshada, taaso ay ugu dareen xadhigii TV gii keli ahaa ee somaliland laga lahaa kuna shaqaynayey sida xorta ah. Agaasimaha Hadhwanaagnews ee Somaliland iyo Somaliya oo xabsiga ku jira oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanay garanayn waxa xukuumaddu ku xidhay isagoo sheegay in ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo ciidamo kale oo dheeraad ah loo dalbay halkaasna ay ku qabqabteen weriyaal tiro badan oo xarunta madaxtooyada horteeda tubnaa, isagoo xusay in qaar ka mid ah weriyaashana ay garaacis iyo handadaad u geysteen. Illaa imminka waxa xidhan jidka hor mara madaxtooyada, waxaana cakiran agaagarka madaxtooyada, lamana garanayo waxa ay madaxtooyadu cadowtinimada intaas leeg ugula dagaalamayso warbaahinta oo la odhan karo waa tii keli ahayd ee u sahashay in madaxweynaha haatan talada hayaa uu kursigaasi fuulo.
  7. As if i'm hiding anything .... iyaguun baa ku daali ,,, my shukaansi, ballamo, social plans, politics, chitchats ,,,,,, ha iskaba akhristeen dee ,,
  8. because only clans can be president and prime minister
  9. LAS ANOD — Somaliland army is reported to have seized control of the disputed eastern town of Buhoodle in Buhoodle region, near the Ethiopian border, without any confrontations. Reports said thousands of heavily armed soldiers moved into the town and neighboring villages early Sunday morning (local time) after they heard heavy gun fire from the town. They added a local tribal militia was testing their guns but were caught off-guard by surprise. The army move comes days after separatists gathering in near by town of Taleeh declared the formation of a semi-autonomous state. The President Ahmed Silanyo said his government will not tolerate the disintegration of Somaliland. 136 320x240 ciidan019 BREAKING NEWS: Somaliland army takes control of Buhoodle Many families have already fled from Buhoodle and there are reports Somaliland is moving in more army from Sool-Jogto, Meygagle and Horu-Fadh. Somaliland officials said anti-Somaliland elements such as the former Somali Prime Minister, Ali Khalif Galayr, entered the country from Buhoodle. They added they were sealing the area from tribal militants and other groups who wanted to destabilize the region. Mohamed Adan Geele (Urri), former rebel leader and commander, recently told local press that he prepared more than 300 former tribal militants based in Buhoodle for the Somaliland National Army. It is unclear if they took part in the operation. The President addressed a joint session of Parliament yesterday (Saturday) in which he made it clear that his government was ready to defend the country and flush out separatists. The main aim of the meeting was to discuss ways to handle the outcome of the tribal conference in Taleeh in Sool region organized by a group calling itself G6. The group argues it wants a semi-autonomous region within Somalia. Traditionally, the area was disputed between Somaliland and Somalia’s semi-autonomous region of Puntland. Puntland is also against the conference and has reportedly arrested few officials who were heading to Taleeh from Bosasso.
  10. xiinfaniin;774702 wrote: This one is for the books ...I call it desperation, you call it good strategy , lets when the conference concludes. If anything this says you guys have lost hope and want to risk everything you have, bal aan aragno faa idaad ka maasho I still believe the conference is for the good of Somaliland sxb ..... I never ululate for a war and bloodshed is the last thing in my mind. I never expect you to call it starategy (specially on SOL ) ... but time will tell. Sometimes you have no choice but made a necessary move. This will only strengthen the conference which I said is the good of Somaliland .... Yes, it will be in the history of course.
  11. Somalina;774674 wrote: This aggression is uncalled for. I know ,,,, but sometimes one has no choice but make a move
  12. Magaala madaxad gobolka Cayn ayaa waxaa saaka ay u gacan gashay maleeshiyada Jabhada SNM. Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in ay maleeshiyaadka SNM ee ay ka soo weerareen magaalada dhinaca koonfureed ee Xadhadhanka. Hogaamiyaha Jabhada SNM ayaa shalay *****lka ka qaaday in uu ka jawaabi doono go’aamadii Taleex. Ciidamadii difiici jiray magaalada Buuhoodle ayaa ku maqan dhinaca Taleex oo uu ka socdo shirka beesha . Taleex Media
  13. xiinfaniin;774685 wrote: This is by far is the most ****** move SNM have made since 1991...Jacaylbaro and Oodweyne know it. One thing is clear though, a new chapter for better or worse in the north has started. It is a dangerous but a much needed move sxb. Somaliland has done everything to keep the peace and provided the Gogosha Nabada for more than a year now. It is not a wide scale right now but it has its long term strategy for the good of Somaliland.
  14. Al-shabaab Oo Dhanbaal Mug Leh Soo Gaadh Siisay Shirkii Taleex Iyo Gorgortan Hoose Oo Laba Waji Leh Oo u Socda Wararka laga helaayo ilaha Sirdoonka ee Isha ku haya dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Geeska Afika, siiba Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo tabiyey xidhiidh wada-shaqayneed oo la filaayo in uu dhex-maro kooxdii shirkii Taleex soo abaabushay iyo Al-shabaab. Inta aynaan ku gondo-degen xidhiidhku nooca uu yahay, waxa yara jeclaystay in aan faahfaahiyo Al-shabaab iyo halka xaal la maraayo. Al-shabaab waxa ku furan ugu yaraan 7 Aag oo dagaal ah, afar ka mid ah waxay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda shisheeye ka socda oo hub iyo qalabka casriga u dhamaystiranyihiin. Kooxda waxa ku sii daba-yar Saanaddii militari, kadib markii ay joogsadeen hubkii iyo saanadii uga iman jiray dalka Eritrea oo iyadda haatan teeda u yaaban. Kala-carar iyo baxsasho ku habsatay Maleeshiyaadkii kooxda u dagaalami jiray ee caruurta u badnaa, kadib markii mushahar la’aan iyo xaalad nololeed oo xuni ay soo foodsaartay. Taageerada Shacabka Somaaliyeed ee dheg-weynta ah ay ka heli jreen oo si weyn u wiiqantay kadib markii dadku ku baraarugeen in Shabaab-ku ku abeen abuuranayaan Caqiidada Islaamka.....Xalaashadeena dhiiga dadka Islam-ka ah, Shacabkii ku noolaa goobaha Shabaab-ka laga saaray oo afka-furtay iyaga oo sheegay in ay ka raysteen Argagixisadii iyo Gowracii ay ku hayeen Shabaab-ku, warkiina waxa uu gaadhay dadka ku nool gobolada kale ee ay Kooxdu ka taliso, taasina waxa ay keentay dareen ah in dadku iska fujin karo Qaniinyada xanuunka badan ee shabaab-ku ku hayaan dadka ku hoos nool. Labadii Xaq daro ku heshiisa Xaq Alleh ayey ku colowdaa, Waxa dagaalka Al-shabaab lagula jiro ku soo biiray iminka oo Muxaadarooyinka Diiniga ah ee la isku Gaalaysiinaayo sida Gantaalaha la isu weydaarsanayaa Kooxda Al-ictisaam (Ex Al-itixaad). Shabaab-ku waxa ay dilal qorshaysan ku khaarajiyeen Wadaado Ictisaamka ah, waxaanay Iclaamiyeen in Dhiigoodo xalaal yahay.....ku dar soo Shabaab-ku waa garab ka soo gø'ay Al-itixaad. waxaana loogu maahmaahaa iminka Ictisaamka Ama Itixaadka Dhaqaalo xumo baahsan oo soo wajahday kooxda kadib, markii laga qabsaday ilo dhaqaale oo muhiim ah sida Suuqa Bakaaraha, dekada buurgaabo iyo waliba ta Kismaanyo oo xayiraad saarantahay. Kooxda Shabaab-ku waxa ay si lama filaan ah u fashilmeen oo garan-kooda laga kacay, markii ciidamada Ethiopia ay dhawaan si sahlan oo dagaal la’aan ah kula wareegeen magaalada Baladweyne oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsanaa ee Shabaab-ka, ciidamada Kenya ayaa iyaguna qabsaday deegaano badan, iyadoo dagaalo ba'ani aanay ka dhicin Haatan waxa jira oo soo baxaaya warar ka sheegaaya weeraro ka dhan ah magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Afgooye, Baardheer iyo Ceel-Buur oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab, waxaana la doonayaa in magaalooyinkaa Alshabaab laga saaro, haddii ay taasi dhacdana waxa hadhaaya waa Kismaanyo iyo Marka oo iyana badda iyo cirka laga weerari doono. Khubrada u dhuunta-daloosha arimaha ciidan ee shabaab-ka ayaa ka dhawaajiyey in haddii Al-shabaab la jabiyo oo laga saaro magaalooyinka iyo dhulka ay haystaan iminka aanay habayaraatee u suurta-galayn Rogaal-caleen dagaal iyo jabhadayn danbe, sababta oo ah shacabkii Somaaliyeed ee lagu dhex-dhuuman jiray iyo Kooxda oo kala xabaalo seegay, waxa taa kaga daran dhulkii Kaymaha iyo Hawdka ahaa ee Jubooyinka ee ay u carari jireen marka xaalku ku xumaado oo isna gacanta u galay ciidanka Kenya oo ay la socdaan maleeshiyaad hubaysan oo degaanka ah, kuwaas oo wacad ku maray in Gaas iyo Kabriid ama Taraq ku ololiyaan oo dab qabad-siinayaan meesha ay ka uriyaan Shabaab-ka. Haddii u soo noqdo ciwaanka Qoraalka ama dulucda uu xancaarsanyahay.......Sirdoonkii ka ag dhawaa shirkii Taleex ka dhacay ayaa soo tabiyey in koox gacan saar la leh Shabaab-ka oo u dhalatay degaanka Sool ay u kala dabqaadaayeen Shabaab-ka iyo Qolda shirka wadatay ama abaabulaysay, laba Damac oo aan Is-*****layn ayaa la isula yimi ama la is-weydaarsaday. Damaca Al-shabaab.......Shabaab-ka oo ka wabinaaya colaada kaga socota koonfurta Somalia kana baqaaya in si dhakhso ah looga soo saaro dhulkii ay ka talin jireen ayaa watay qoshe ama kaarto ay kaga faa'daysanayaa xasarado iyo dagaalo ka qarxa degaanka ay qolada shirka wadatay kaga dhawaaqeen Maamul goboleedka, kadibna ay ku soo ruqaansadaan degaanka *********** markii dagaal ka qarxo iskuna balaadhiyaan ilaa buurta Galgala iyo Puntland oo iminkaba ay Faro-baas ku hayaan. Shabaabku waxa ay u soo jeediyeen Qolda shirka wadatay in ay si qarsoodi ah ugu tababarayaan ciidan u gaar ah iyaga oo fuliya dilalka qorshaysan, qaraxyada, dhigida Miinooyinka iyo la dagaalnka ciidan dawladeed oo habaysan. waxa kale oo ay ku beerlaxawsadeen in ay yihiin hal beel oo sooc ah, taas oo keeni karta in aanay u babacdhigi karin Somaliland iyo Maamulka Puntland. Damacii Qolda shirka wadatay ama reer Taleex.........Xaaladoodu waxay ahay Beerka Jecli Xaydhana Jecli. Siyaasiyiinta Shirka watay may doonayn in marnaba Shaabada Argagixisadu ama Shabaab-ku ku dhacdo, waana u jeedaan baahida dhaqaale, ciidan iyo xulufaysi loo qabo. Sheekadii waxa dib luugu riixay kooxdii shabaabka gacan saarka la lahayd ee hore-na degaanka dilka qorshaysan, Qaraxyada iyo Kharbudaada uga weday......Wixii intaa ku soo kordha waa la socon doonaa. By: Osman Abdillahi Sool...... Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
  15. Can't stop watching this ,, http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=SWJ7eQgdKOw" frameborder="0" allowfullscreen>
  16. Oodweyne;774627 wrote: JB , I agree with you; but, I think we have bend backward so much time. That now time has come to really separates the wheat from the chaff. Hence, this SSC gang, really ought to be put out of business, very soon. I wish it is that easy sxb ...... But as I said, it is a long journey that has just started. The Sool people are not the enemy but the SSC group is. I just hope the bloodshed is minimized to Zero before things get better in the near future. No one needs war sxb ,, but sometimes one has to take one step to pave the way for a lasting peace.
  17. ^ ^ It is not that easy sxb but i'm glad things were swift and easy in Buuhoodle without any civilian death just like it happened in Lasanod last time. It is still along way though ,,,,,
  18. MoonLight1;774613 wrote: It seems the first shot was fired by SL, lets see how ssc reacts. Reacts ?? .... Dee they will come here and say "Ciidanka SNM oo buuhoodle soo weeraray iyo SSC oo madaafiic waaweyn ku difaacaysa"
  19. UPDATE Waxa Abbaaro 7:00 Subaxnimo ee saaka ka bilowday Magaalada Buuhoodle iska hor imaad xooggan oo dhex maray Ciidan ka socda Dawladda Somaliland oo ay hormuud ka yihiin Saraakiil ciidan iyo maamulkii magaaladaas ee dhowaan ay dawladda soomaliland ku soo dhoweysay Xarunta Gobolka Togdheer. Buuhoodle: iska hor imaad dhex maray Ciidamo ka socda Somaliland iyo Shacabka Buuhoodle oo istaagay iyo Magaalada Buuhoodle oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Somaliland Waxa Abbaaro 7:00 Subaxnimo ee saaka ka bilowday Magaalada Buuhoodle iska hor imaad xooggan oo dhex maray Ciidan ka socda Dawladda Somaliland oo ay hormuud ka yihiin Saraakiil ciidan iyo maamulkii magaaladaas ee dhowaan ay dawladda soomaliland ku soo dhoweysay Xarunta Gobolka Togdheer. Saraakiishan oo uu ka mid yahay Col Curri oo ka mid ahaa sarakiishaa SSC ee bil ka hor soo gaadhay somaliland isla markaasna sheegay in Gogoshii nabadeed ee xukumaduu fidisay uu qaatay. Illa imin ka lama oga Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay dagaalkas, balse goobjoogayaal ku sugan Buuhoodle ayaa xaqiijiiyey in dhaawacyo jiraan , Dagaakuna uu hakad ku jiro lama garanayo inu sidaas ku joogsaday iyo in dib ay u bilaabmi kraan. Madaafiic iyo rasaas aan kala joogsi lahayn ayaa muddo saacad kabadan laga maqlayey Gudaha Magaalada Buuhoodle , ciidanka ka socda dhinaca somaliland ayaa gudaha u galay magaalada Buuhoodle, waxaana iska hor imaadku uu dhex marayey shacabka Buuhoodle iyo Ciidan ka socda Somaliland. Qabsashada ay soomaliland qabatay magaalada Buuhoodle ayaa ku soo beegmaysa xilli kooxihii nabadiidka ahaa ee SSC uu shir beeleed lagaga soo hor jeedo somaliland uga socdo deegaanka TALEEX, waxaana qabashada magaalada Buuhoodle haddii ay sidaa ku dhabowdo noqonaysaa Guul ay xukuumadda somaliland ka soo hoysay in mar kale ay dib gacanta ugu soo dhigto xuduudaheeda iyadoo waxa keliya ee la sugayaa ay tahay sida ay wax uga qabato iyo goaankeeda maamulgobleedka ay kooxaha nabadiidka ahi kaga dhawaaqeen TALEEX.
  20. Comgratulations Our Man And Woman In Uniform Our Defenders, Our Heroes, Our Champs. Job Well Done And Thank You We Are All Behind You!