My Dream honeymoon ,,,, waxa weeye inaan gabar fiican, dhaqan leh, akhlaaq iyo dabeecad wanaag ilaahay ku mannaystay aan helo ,,,, no matter inaan honeymoon u baxno ,,, hadaan rabno aan buul isku aroosanno laakiin waxa aan ka door bidayaa inuu qofku noqdo perfect (Insha Allah).
Markii qofka la helo ,,, waxa aan tegi lahayn my Favorate place ,,, Ceerigaabo waxa aanan soo daansha daanshoon lahayn buuraha Daallo annagoo cagta soo yara gelin lahayn xeebaha Maydh iyo Xiis ,,,,,,,, waxa aan jeclaan lahaa inaan ku degno hotel ku yaal agagaarka buurta Daallo ,, halkaas oo aan One Month ku qaadan lahayn nasasho Cake gana aan si fiican ugu cuni lahayn
Subaxdii waxa aan kici lahayn around 10:00am ,,, waxa aan tegi lahayn Miiska oo quraacdu diyaar ku tahay ,,,, aniga oo lebbisan dharkii bajamaha ahaa iyaduna sidoo kele. marka aan xoogaa quraac ka ku dhufano ka dib waxa aan aadi lahayn qolka fadhiga halkaas oo inta aan falaas shaah ah geysano sheeko iyo qosol bilowno annaga oo TV ga fiirsanayna si aan u ogaano wixii adduunka ku cusub. sheeko iyo kaftan dheer ka dib waxa la gaaray xilligii salaadda duhur loo kici lahaa ,, marka la tukado ,, waxa loo baxayaa barxadda sare ee guriga oo hoos fiican leh ,,, si halkaas looga sii wado kaftanka , qosolka iyo faro ka ciyaarka iyadoo aanay dhunkashaduna meesha ka maqnayn.
waxa la gaarayaa xilliga qadada ,,, xoogaa qado oo fudud baa lagu tuurayaa ka dibna waxa dib loogu noqonayaa qolka hurdada si xoogaa sheeko ah sariirta dusheeda loogu sii wato ama game la ciyaaro ilaa inta casar laga tukanayo.
waxa ay gaartay xilligii Coffee lagu dhufan lahaa ,,,,, ka dibna inta kubbad (bolooni) la qaato banaanka loo baxo laga fogaado meesha aanu deggennahay. waxa dusha looga baxayaa buuraha ku hareeraysan Daallo iyadoo hadba ugaarta meesha yaacaysa dhinac loo eryanayo ugu dambayntana xoogaa jimicsi ah la ciyaarayo iyadoo kubadda la ciyaarayo marna la is baacsanayo kaymaha dhexdooda ilaa inta cadceeddu ka dhacayso oo lagu soo noqonayo meeshii la deggenaa.
Taking shower iyo lebbis ka dib waxa loo soo baxayaa magaalada iyadoo gacmaha la is haysto suuqa dhexdiisa isla markaana qosolka iyo dhoolla caddayntu ay wejayaga buuxisay. Waxa aanu u casho tegeynaa mid ka mid ah restaurent yada ugu fiican magaalada ,,, ka dibna waxa la soo marayaa suuqa iyadoo la daadaawanayo dukaamada iyo supermarkets ka ku yaal oo hadba wixii loo baahan yahay laga soo gadanayo.
Iyada oo dhexda la is haysto ayaan ku soo noqonaynaa meeshii aan deggenayn ,, marka dharka la iska bixiyo ka dib ee bajaamihii gurijoogga dib loo qaato ,,, waxa aan daaranaynaa hal Movie oo Romance ah ,, iyadoo lagu wada fadhiyo hal Sofa chair ah qof walibana uu kan kele ku dul jiifo ama at least gacmaha la isku dheggan yahay oo inta hadba isha la isku xado si jacayl qoto dheeri ku dheehan yahay la isu dhunkanaayo.
Ilaa ay gaarayso waqtigii sariirta la aaadi lahaa oo inta qof waliba soo diyaar garoobo ,,, cadar iyo wixii udgoon la heli karana la iska soo buuxiyo inta si fiican legga la isaga galo hurdo la muquuranayo.
Of course after eating the Cake
ka warran ,,,, that will continue for One complete Month ,,,,, unless there is someone (of course the bride) would like to extend it to three months
I think you must get lust reading this ,,,, heeey wake up ,,, u r dreaming ,,it is no real ,,,, wake up ,,,, i'm just writing my dreams . . . . .