Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Bannaan-bixii ay qorsheeyeen uu ka dhacay oo kaliya Hargeysa, halka gobollada kalana ama waddanka intiisa kale laga abaabulay bannaan-baxyo lagu taageerayo dowladda KMG iyo midnimada Soomaaliya. LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL ,,,,,,,,,,,,, Intaas baaba igaga filan inaan ka akhriyo ,,, i'm not going bother reading the rest ,,,,
-
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
Jacaylbaro replied to Emperor's topic in Politics
waar odayga Cadde ha la iska daayo ha iska yara daaqee -
I'm not talking about desparate or destroy groups here ,,,,,,, you better get my hint ,,,,,,,,,
-
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
Jacaylbaro replied to Emperor's topic in Politics
GOOD ,,, So it is the Vice Minister ,,, not the Minister himself ,,,, -
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
Jacaylbaro replied to Emperor's topic in Politics
Muqdisho: Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga iyo Madaxweynaha dowladda KMG oo Kulan ugu socdo Villa Somalia. 19. Maj 2007 APL Muqdisho(AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dowladda Talyaaniga Patricia Sentineli ayaa saakay ka soo degtay garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho iyadoo haatan kulan ugu socdaa xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed. ISN'T THIS YOUR FIRST POST ?????? -
Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister
Jacaylbaro replied to Emperor's topic in Politics
She is not a minister ,,,,,,, a VICE MINISTER -
“Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro” Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa…Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay? Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....? Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. “Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata” Ayuu uurka ka yiraahdaa. Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan “Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay” Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan “Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray”. Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani maba’aha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, “Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay” uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa “Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale” Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa. Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene. Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu ma’ihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:“Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho la’aan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan. Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:“Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta” Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa “Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa” goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba ma’ahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH……Sidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba.
-
Walee aduunkan in wax walba lagu maqli ,,,,,
-
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Hindiya oo kolkii u horaysay laga xusay 18-ka May Malintii shalay waxay ku beegnayd 16 guuradii lasoo noqoshdii madax banaanida Somaliland Hadaba waxa ka dhacdey dalka India xaflad aaad u baladhan oo ay soo qaban qaabiyeen ardeyda reer somaliland talkasi wax ka barta waa markii kowaad e abid laga xuso sanad guurooyinka somaliland dalka India oo ay ardey badani wax ka bartaan Ugu horyn waxa xaflada furay oo isla markaana daadihinayay c/rasaaq muuse cali faruur Waxnuu ku soo dhaweeyay xaflada ardaydii iyo marti sharaf kaloo ka soo qay gashay kuwaaso isagu jiray rag iyo dumarba mahadnaqaas iyo soo dhawentaas kadib waxa aayado quraanka kariimka ah ka akhriyaya sheekh ismaciil maxamed magan Intas ka dib waxa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gudida qaban qabada xaflada mr maxmuud x muuse jaamac Waxuu gudoomiyuu ugu horaynba u hanbalyeeyay dhaam shacbiga somaliland meelkastoo ay joogaan islamarkasna waxuu xusay inay tahay xafladani tii koowaad lakin insha allah ayuu yidhi noqonmayso tii ugu danbeysay isagoo ardeydana kula dardaarmay inay sanad walba soo bandhigaan xafladni oo kale Intas ka dibna waxa loo yeedhay arday ku hadlayay magaca gud/xigeenka mr yasiin maxamed cabdilaahi Oo isna hadalo soo dhaweyn iyo hanbalyo ah halkaas ka jeediyay. Itaas kadibna waxa mashraxa yimi abwaanka weyn ee caanka ah abwaan -- maxamed cali cartan haldeeq Waxa intii anu soo gadhinba mashraxa laysku daray sacab iyo qaylo waayo waa nin dadku aad u xiiseeyaan isla markana murti badanleh Waxanu halkasi ka soo jeediyay gabay aad u qiimo badnaa qiira sarena lahaa Intaas ka dib waxa mashraxa yimi mudane cadnaan cabdi yasiin oo kamid ahaa gudida qabanqabada waxnu halkaas ka soo jeediyay hadal dheer oo ku saabsan munaasibada iyo siday ku timi taariihdani 18 may goortey ahayd iyo goobtii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanidana isagoo xusay mudane cadnaan in inbadanoo kamida ardeyda reer somliland ee halkani joogtaa goortaas anay lahaynba garad hadanabu yidhii tariikhdu ay tahay ta wax kastba ina barta iyadu waxuu kula dardarmay ardeyda inay sii wadaan xafladaha lagu xuso somliland dhamaantood Waxa kaloo aan dhinaca kalee ka maqnayn xaflada oo dhex socotay damshaadka iyo farxada xaga fanka iyo suuganta Waxa heeso aad u qiira badnaa oo lagu amanayay calanka somaliland soo bandhigay ardey kamida ardeyda india, maxamed cabdi caydiid Tima cade Heestan oo qiira badan lahyd waxa isla kacdey meeshii isla markaasna aad loogu farxay. Waxa kaloo heeso badanoo oon tani ka dhicin isna daadihinayay ardey kale mr maxamed cabdi maxamed farxaan Waxa kaloo isna halkasi qudbad aad u qiima badani ka soo jeediyay mudane mustafe maxamuud Ordaaye Qudabadiisanoo ahayd mid muhiima oo uu kaga hadlayay muhiimada aqoonta iyo waxa halkani loo yimi madama layahay ardey waxuu mustafe ugu danbayntii kula dardaarmay ardeyda inaanay iska dayicin wakhtigooda oo any net kulimin ee ay ogadaan inayna in badanoo waladood ah amba ilmaderadoodi helin fursadin qaliga ah e waxbarasho islamarkaana ay ka faiidaysataan cilmiga badanee wadankani yaala waxuuna sheegay inaanu cilmigu dhamaan ee markastba lagaga bahanyahay inaad sii wadid oo sii korodhsato si aad naftada iyo nafaha kaleba ugu anfacdid. Intaaska dibna waxa sii socotay xafladii iyo damashaadkii iyo hambalyooyinkii laysgu hanbalyaynayay waxan intaas ka dib lagalay hoolkii cuntada oo loogu diyaariyay ardeyda iyo marti sharafta kalaba casho sharaf. Hadaba guud ahaan xafladni oo ahayd tii koowaad ee noceeda ah ee abid ka dhacda dalkani India waxay ahayd guudahaan mid si heer sare ah loo soo agaasimay aadna u quruxbadnayd inkastoo oo ay ahyd tii koowad ee halkini abid lagu qabto hadana aad ayay u wacnayd una qurux badnay sida fiican ee loo soo agaasimay waxay ku soo dhamaatey farxad iyo qiiro iyagoo ardeydu markasta sii jeclaysanayay in la sii wado hadana wakhtiga samixi wayay waxanay bilaabantey lixdii habeenimo ilaa 12 habeenimo ayayna socotay waxanay ku dhamatey jawi aad u quruxbadnaa faradna ka muuqatey badni waxa ka soo qaybgalay in ka badan 300 oo ardey oo reer somaliland ah oo wax ka barta dalkan India iyo ardey kaloo reer Djiibouti ah oo iyagu marti sharaf ahaa Xafladani waxa soo agaasimay ardeydani hoose ku qoran 1- C/risaaq muuse cali faruur 2- C/qani cabdilahi maxamuud 3- Maxmuud x.muuse jaamac 4-maxamed cabdi caydiid timo cade 5-cadnaan cabdi yaasiin 6-mustafe maxamuud Ordeye 7- mustafe Haruun Jama 8-ILyaas aw ciise jamac 9-Maxamed cabdi maxamed Farxaan 10-Saleeban cabdi (salo) speacial thanks Dhamaan intii nagala qayb qadatey gaar ahaan dhalinyaradii reer Hyderabad qarannews.com -
Badacas, why you so rude niyow these days ,,,,,, is deji bal niyow
-
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xuska 18 May Oo Maanta Boorama Si Wayn Looga Xusay Boorama-(QARAN)-Fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Boorama ayaa saaka waxaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayey sanad guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii S/land ay la soo noqotay madax banaanideeda, waxaa halkaas saaka isugu soo baxay dadwayne fara badan oo ay hor kacayeen maamulka G/Awdal iyo kan Degmada labaduba waxaana, meeshaas ciyaar gaado ka ciyaar ah ku soo bandhigay Ciidamada Qaranka S/land iyo Booliska taas oo dadwaynihii kumayaalka ahaa ee daawanayey ay aad uga heleen. Kaada ka ciyaarka ka dib waxaa halkaas hadlo ku aadan maalinkaas ka soo jeedyiyey halkaas gudoomiyaha G/Awdal Max'uud C/laahi Cige isaga oo aad uga waramay muhiimada aya maalinkaasi ay leedahay, Waxaa kale oo isana halkaas ka hadlay Gudoomiyaha waxabarashada G/Awdal Prof. Daahir Max'uud Xaddi oo hadal aad u qiimo badan ka jeediyey aadna dadka ugu booriyey qiimaha maalinkan. Waxaa kale oo halkaas hadal kooban ka jeediyey duqa demada Boorama C/raxmaan Shide Bille oo aad uga mahad celiyey sida ay reer Boorama uga soo qayb galeen isla markaana ay u muujiyeen dareenkooda wadanimo ee ku beegan maalinkan. Waxaase aad loola wada yaabay markii makarfoonka lagu soo dhaweeyey mid ka mid ah suldaamada beelaha reer Boorama ay dadka qaarkood ku qayliyeen iyaga oo muujinaya in ay diidan yihiin isla markaana uu madasha ka cadhooday oo uu ka kacay suldaan kale oo ay isku khilaafsan yihiin hogaanka beesha, taasina ay ka dhigi gaadhay goobtii fagaaraha meel fawdho ah oo buuq ah. -
I'm waiting ,,,,,,,,,,,,,,,
-
SOURCE
-
Axsaab ka dhisan koonfurta Soomaaliya oo shacabka iyo maamulka Somaliland ugu hamblayeeyey munaasabada 18-ka May oo ah 16 guuradii ka soo wareegtay gooni isu taagooda Midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyeed oo ay ku bahoobeen ilaa dhowr xisbi oo ka jira koonfurta Soomaaliya ayaa maanta hambalyo iyo bogaadin ku aadan 16 guuradii ka soo wareegtay gooni isu taagii Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 18-ka May uga diray shacabka iyo maamulka Somaliland munaasabad lagu soo gebagebaynayey dood cilmiyeed looga hadlayey Somaliland oo maanta ka dhacday xarunta xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaliyeed ee magaaladan Muqdisho. Dood cilmiyeedkan oo socday muddo 3 cisho ah ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin waxa keenay gooni isu taaga Somaliland iyo iyo sida xalku ku jiro waxaana ka qeyb galay xubno fara badan oo ka kala yimid qeybaha kal duwan ee bulshada sida dhallinyarada, haweenka iyo aqoonyahanka iyo mas’uuliyinta midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyeed oo iyagu soo qaban qaabiyey dood cilmiyeedkan ayaa intii uu socday waxaa ka qeyb galayaashu ay si saraaxad leh uga doodeen labadaasi qodob iyagoo fikrado iyo aaraa kala duwan oo arimahaasi ku saabsana kulankaasi isku dhaafsaday. Munaasabadii Gebagebadii dood cilimiyeedkaasi ee maanta ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah mas’uuliyiinta midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaliyeed ahna gudoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay inaan loo kala fogeyn shacabka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya xitaa haddii ay labo dal ay u kala baxaan, wuxuuna Timajilic ka waramay in shacabka Somaliland ay tahay in loogu hambalyeeyo sida ay dalkooda u nabadeeyeen, isla markaana u dhiseen nidaam dowladeed oo soo celiya adeegyadiii asaasiga ah ah bulshada sida caafimaadka, dugsiyada, nadaafada iwm. “Somaliland waxaan leenahay hambalyo, gooni isu taagaasina maaha mid lagu qasaaray sababtoo ah waxaa ku badbaaday dal iyo dad Soomaaliyeed marka loo eego qasaaraha ay dhex fadhido koonfurta Soomaaliya oo 16 sano ka bixi weysay dagaal iyo fowdo aan dhamaad laheyn, waxayna intii koonfurtu isdileysay shacabka Somaliland ku talaabsadeen horumar ay ka mid yihin nabadglyo, dowladnimo iyo doorashooyin xor ah ay ugu talaabeen nidaamka dimoqraadiga ah ee xisbiyada badan” ayuu yiri Timajilic oo intaa ku daray in haddii ay kala go’ayaan iyo haddii kaleba ay u taallo labada shacab balse lama inkiri karo howsha ay shacabkaasi qabteen iyagoo aan taageero ka helin beesha caalamka. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa iney Sonaliland wax badan kaga dayato qaabka ay u xalisay arimaheeda gudaha iyo kuwa qabaa’ilka, kana fogaadaan dibindaabyo kasta oo kala fogeynaysa shacabkaasi Soomaaliyeed ee intii koonfurtu isdileysay shaqada fiican qabtay, waana nasiib daro iyo wax laga xishoodo in dad dalkoodii nabadeeyey maanta lagu tilmaamo argagaxiso iyadoo burbur la dhex taagan yahay, waxaan u jeedineynaa dowladda federaalka Soomaaliya iney ku shaqeyso Axdiga ku meel gaar ka ah, ayna qaado jidka dimoqraadiyada iyo nidaamka asxaabta badan, dalkana ka saarto xoogaga shisheeye ee ay adeegsaneyso sida ciidamada Itoobiya waayo? xoogag shisheeye waxba kaama dhigi karaan ee shacabkaaga ayaa wax kaa dhigi kara, ” ayuu Timajilic oo ugu dambeyntii cambaareeyey kooxaha qaraxyada ka geysanaya magaalada Muqdisho oo u sheegay iney yihiin wax shacabka Soomaliyeed ay ka soo daaleen oo xiligana aan loo baahneyn qas iyo jahwareer kale, wuxuuna ugu baaqay iney joojiyaan falalka ay ku howlan yihiin oo uu tilmaamay waxyeelada ka dhalata inaaney ku koobnaan doonin oo kaliya kuwa ay beegsanayaan oo kaliya, balse ay shacabkoodana dhibaato ka soo gaareyso, wuxuuna tilmaamay in haddii ay wax dhalliilsan yihiin ay ku soo bandhigaan qaab nabadeed. Ugu dambeyntii Timajilic ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka, maamulka iyo axsaabta siyaasadeed ee ka jirta maamulka Somaliland 16 guuradii ka soo wareegtay markii ay goonida isu taaageen oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka May, isagoo u rajeeyey iney ku noolaadaan sanadkan kiisa kale iyaga iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba barwaaqo, bash bash iyo nabad waarta oo horumar leh.
-
KKKKKKKKKKKKKKKKK Why do they want to change and divert their celebrations bal ?? People were celebrating for the Somaliland's Day In Sool and Sanaag bari ,,,,,,,,,
-
looooooooooooooool@Aaliya, Munira and Hunguri ,, I have a lot to offer but no one is gonna take the chance and gong for the test I fixed my teeth and got a new hair ,,, i think i'm a candidate again Hunguri, gimme those addresses niyow
-
I agree with you and it is a tough task to do so ,,, but so far so good. It will take even more time if someone wants to convine those residents for the issue specially in peace process ,,,,,,,, we could simply use force but it ain't work and will have it is impact in the future ,,,,,,,,,,,,,, I HOPE FOR THE BEST ,,,,,,,,,,
-
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
President Rayaale's Statement: Waxaan ku bilaabayaa salaanta islaamka marka u horaysa: Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatuhu. Waxaan Salaan u soo jeedinayaa dhammaan sadexda Gole Qaran Ciidamada qaranka, Axsaabta Qaranka, mujaahidiintii SNM iyo Wefdiga sharafta mudan ee Ghana iyo cidkastoo nagala soo qayb-gashay Xafladeenan. “Walaalayaal Qadyadeena Somaliland ee goonisutaago waa muqadas lama taabtaan ah ciddii wax kale sheegaysaa ee carqalad iyo tashwiish kula dhexjirtaana inaga mid-maaha ee halo ogaado – hala ogaado ”. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda reer Somaliland ee ku baahsan daafaha Dunida oo dhan Rag, Dumar, yar iyo waynba. Waxaan illaahay uga baryayaa inay ku naaloodaan nabad iyo nolol fiican, Illaahayna waxaan ka baryayaa sannadkan sannadkiisa inuu inagu gaadhsiiyo horumar iyo barwaaqo aynu dhammaanteen ku naaloono iyo madax-bannaanideena oo caalamkoo dhammi aqoonsado. Haddaba, markaan dib u milicsano taariikhada sooyaalka ee aan soo maray waxa inoo suuro-gashay in waxyaabo badan oo horumar-ihi aan ku talaabsanay, laga soo bilaabo 1991-kii waxa xusid mudan hirarkii wajiyadda kala-gadisan lahaa ee loo soo maray xorayntii dalka, nabadayntii beelaha Somaliland, dhisidii Dawladino sharci ku dhisan, samayntii Dastuur Qaran iyo taabo-galintii Diimoqraadiyada ee maanta aynu ku naaloonayno, caalam kuna inagu ammaanayo. Waxaynu kaga soo gudubnay heerka aynu marayno, isku-duubni, tallo-wadaag, isqancin iyo isqadarin. Inkastoo guulahaa gaadhnay, waxa markastiba mudnaan leh in aan ogaano waajibaadka ina sugaaya, kuwaasi oo aan ku soo koobi-karo qodobadan: 1. Dib u dhiska Hay’adaha Qaranka. 2. Kobcinta ilaha dhaqaalaha ee inoo abbuurmay. 3. Ka faa’iidaysiga khayraadka Dalka 4. Shaqo abbuurista da’yarta 5. Soo jiidashada Maal-gashiga shisheeyaha oo aasaas u ah kobcinta dhaqaalaha. 6. Kor u qaadida waxbarashada ummada iyo caafimaadkooda. 7. Fayo-dhawrka Deegaanka iyo Aasaarta. 8. Kor u qaadista sayladaynta Magaca Dalka iyo himiladeena. 9. Adkaynta nabad-galayada dalka iyo tan muwaadiniitaba. 10. Fidinta Maamulka iyo tayeynta ciidamada aminga oo la siindoono mudnaanta kowaad si ay ugu sahlanaato xil-gudashadooda. Haddaan dib idiin xasuusiyo, Khudbaydii aan Golaha Wakiilada ka jeediyey kulankoodii u horeeyey waxaan bixiyey tilmaamo badan inkastoo sidii aan ku taliyey aanay inta badni inoogu hirgalin. Taasi oon isleeyahay himiladaasi sidii aan rabnay inoogumay fulin asbaabtu si kastiba ha ahaatee. Sidaa darteed, waxa si niyad sami ah u soo jeedinayaa inaanu wakhti dambe inagaga lumin khilaaf, balse aan u wada shaqayno si wadaninimo leh oo xilkasnimo leh oo ka turjuma xilka aynu wadaagayno ee ina saran. Waa in aan u aragnaa xilka qaran mid isku mid ah oo aan si u wada aragno oo waajib ay tahay markastiba iskaashi iyo is qadarin aan ku wada gudano. Inakoo markastiba ku wada fekirayna in waxqabadkeenu xumo iyo wanaagba taariikhda uu ka wada muuqandoono. Xukuumad ahaan, waxaan balan qaadayaa in markastiba si qadarin leh idiin la shaqayndoono, waxaanan rajaynayaa in idina sidaasi oo kale u wada shaqayn-doono Insha Allah. Xukuumad ahaan, haddii aan dul mar ku sameeyo waxqabadkii Wasaaradaha gaar ahaan kuwa arrimaha Bulshada waa sidan hoos ku qoran; I. Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay Bulshada u qabatay: 1. Dhismaha Dugsiyada waxbarsho, Arday wax-barata, Manhaj Waxbarasho, Diyaarin Macallin tayeysan, qiimayn iyo Shahaado siin, Kormeer iyo Xog ururin, Dejinta Sharciyada iyo Xeerarka haga Waxabarashada Dalka, Adeega maamulka iyo maaraynta waaxyaha Waxbarasho iyo Kobcinta Deeqaha Waxbarasho. 2. Haddaba horumarka xawliga ku socda ee wasaaradu ku talaabsatay koma soo koobi karno halkan waxaadse ka dheehan kartaan sanadihii 2003 ilaa 2006 waxqabdkoodii Guulaha ay Xukuumadu ka gaadhay waxbarashada waa sidan: - Tirada Dugsiyada H/Dhexe ee JSL waa 516 dugsi - Tirada guud ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe waa 131,279. - Tirada Ardayda dalka ee Dugsiyada Sare waa 13,369 - Tirada korodhay waa boqokiiba 56% - Tababarradda Macallimiinta: a) 3,518 Macalin ayaa dugsiyasda Aasaasiga ah wax ka dhiga. waxaana lagu tabobaray dhammaan buugta Manhajka Cusub ee Dugsiyada Aasaasiga ah ee (1-8) b) 150 macalin oo ka mid ah, waxa Wasaaradu siisay tabobar horaad (Pre-service) 2 sano ah oo ku qaateen Hargaysa oo ah heer Diploma. c) 124 macalin oo Dalka laga soo xulay waxay 2 sano tabobar ku qaateen Camuud. Dusiyada Sarena ka dhigidoonaan. d) Waxa Kuliyada/Jaamacadda ka soo qalin jabiyey waa kuwan: - Jaamacadda Camuud 142 diploma, 55 digree. - Tabarka Macllimiinta Primary Per-service 150 - Tababrada Macllimiinta Jaamacadaha Hargaysa & Burco (36 hablo ah) - Waxa Xusid mudan in Deeqaha Waxbarasho oo heer Jamicadeed ah ay Xukuumadu uga heshay Dalalka ay ka mid yihiin: Ethiopia, Sudaan, Yemen, Ugandha, UK, Kenya iyo Dalka Masaarida. Oo maanta mid walba ay inoogu jiraan ardaydeenii. - Waxa la sameeyey Guddida Imtixaanka ee heer Qaran ( National Exmination Board). - Iyadoo la kaashanaysa Hay’adaha Samofalka waxay Wasaaradu dalka ka hirgalisay Xarumo Quudineed oo tiradoodu dhan tahay 150 Dugsi iskuguna jira kuwa dhaqan galay kuwa hadda hirgalintoodu socoto iyo kuwa qorshaha dhaw ku jira kuna filiqsan dhammaan dugsiyada JSL. - Waxqabadkii Wasaaradda Waxbarashada ee garabka Waxbarashada dadban ee 2003-2006 (Non Formal Education). - Waxbarashada Caruurta Reer Guuraaga iyo Deegaanada aan tooska u gaadhin (ABE Program). - Si lo gaadhsiiyo waxbarasho ubadka Reer Guuraaga, Beeralayd. Xoola-dhaqatada iyo Bulshada Xeebaha ee aanay gaadhin waxay ka hirgalisay deeganaadaasi 34 dugsi. II. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay qabatay Wasaaradu waxay ummada uga masuul tahay Nabad-galyadda iyo hagida toosan ee siyaasadda arrimaha gudaha. - Si loo sugo nabada iyo Xasiloonida waxay Wasaaraddu hawl-galisay kumanaan ciidanka Booliska ah. - Waxay joogtaysay tabobarka Ciidanka Booliska. - Sii wadida Mashaariicada ka hortaga iyo la Dagaalanka Argagixisada gudaha iyo tan Caalamiga ahba. - Diiwaan-galinta hubka fudud - Waxay hirgalisay inay bixiso Magaha dhimasho iyo dhaawac wixii ku yimaada hawlgalka Ciidanka Booliska. Waxa laga rabay inay bixiso 2006kii Sl.Shs 413,000,000/= iyadoo ay kala fogaayeen waxay haysay iyo waxa laga rabay. Wasaaraddu iyadoo mudaanta u kala siisay sida u kala horeeyeen. - Degmooyinka dalka waxay ka fulisay mashaariic badan iyadoo la kaashanaysa Dawlada Dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ahba dhismayaal: Cusub iyo kuwo dayactir ahba. Sida Rugo Boolis, Caafimaad Ceelal Biyood Wadooyin iyo dugsiiyaba leh. - Wasaaraddu waxay Safar ugu kicitimeen Dalka Ethiopia waxaanay heshiisyo la soo galeen Dawlada Ethiopia waxaany ku heshiiyeen qodobadan: a) In Ethiopia siiso Ciidanka Booliska Somaliland Deeqo waxbarasho Booliis-nimo. Kooxdii u horaysayna ay tageen bishan horaanteedii. b) In Ethiopia inoo soo dirto tabobaryaal Ciidankeena gudaha Dalka ku siiya tabobaro kala duwan. c) In Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somaliland ay ka wada shaqeeyaan arrimaha nabad-galyadda Xuduudaha labada Dal. III. Wasaaradda Mac & Biyaha Wasaaraddu waxay u xilsaarantahay (Mandate) - U fidinta Bulshada Somaliland biyo ku filan oo ka fayaw cudurada biyaha ka dhasha oo dhaqaale ahaana la awoodi karo iibsigooda. - Sahaminta iyo soo saarida khayraadka macdanta si loola dagaalmo faqriga, dhaqaalaha dalkana kor loogu qaado. - Sahaminta iyo soo saarista khayraadka batroolka iyo dhuxul-dhagaxda si loo sugo istaraatajiyadda mustaqbalka ee qaranka oo ah madaxbanaanida dhinaca dhaqaalaha. - Heerka Biyaha Magaalooyinka: a) Biyaha magaalooyinku waxay leeyihiin mudnaanta ugu horaysa, waxa laga qabtay waxaabo farabadan meel fiicana way marayaan laakiin ma dhawa mana fududa baahida biyaha Magaalooyinka in la daboolaa. b) Magaalooyinka Aduunka heerka ugu yar ee la rabo in uu qof kastaa helo waxa weeyi 33.3 Litir qof walba maalintii (lowest urban standard), Markaa dalkeena la eego taasi suurto-gal-maaha inagoo ku jirna dalalka biyuhu aad ka ugu yar yihiin. Iyadoo Wasaaradu taasi ka duulaysa waxay bartil-maameed ka dhigteen inay magaalooyin-keena qofkiiba helo 20 litir maalintii. Hada wakhtigan xaadirka ah isku cel-celiska xadiga ay helaan waa 14-16 litirs maalintii qofkiiba. c) Biyaha Miyiga: Dhibaatada ugu wayn waxay ka haysataa dadka reer miyiga ah dhinaca biyaha waxa jiri-jiray dalka: 129 Ceel oo riig oo baddan-kooda loo adeegsado Miyiga 60% dib ayaa loo hagaajiyey, 30% waxay u baahan yihiin in la badelo. 10% waxay u baahan yihiin dib u hagaajin. d) Waxa kale oo jira ceelal kale oo farobadan oo iyaguna hal-bawle u ah Tuulooyin iyo Deegaano dalkaahba. Hadaba, Xukuumadu way ku darsatay qorshaha wax qabad mustaqbalka dhaw iyo ka fogba si wax looga qabto dhibaatada Biyaha dadka ka haysta miyi iyo magaalo. Dhinaca waxqabadka Batroolka: Wasaaraddu waxay heshiisyo bilawo ah dhinaca sahanka batroolka kala xaajootay shirkaddo Caalami ah waxay dabo-gal iyo hubin ku samaysay heshiisyaddii socday. Waxay Wasaaraddu ku talo-jirtaa in la sii wado lana gabo-gabeeyo hawlaha la xidhiidha baadhista iyo horumarinta baatroolka ee heshiisyadooda la bilaabay sanadihii hore. Dhinaca Tabobarada & Shirarka Dibadaha ee Baatroolka: - 2005 & 2006 Waxay Wasaaraddu ka qayb-gashay shirkii AAPG ee sanadlaha ahaa ee America lagu qabtay - 2006 kii ka dhacay Australia - 2007 waxa u qorshaysan in ay ka qayb-galaan mid ka dhici-doona Dalka Talyaaniga. IV. Wasaaradda Caafimaadka: Wasaaradu waxay ummada ugu xilsaarantahay daryeelka Caafimaadinta yar iyo waynba. Ka hortaga cudurada faafa, iyo kuwa aan faafinba. Waxaaradu waxay dhammaan gobolada iyo Degmooyinka ka dhistay iyadoo la kaashanaysa Dawlada dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ahba dhismayaal sida Rugo Caafimaad. MCH iyo gobo Caafimaad iyo shaybaadho. Waxay kaloo fulisay siminaaro wax ku ool ah, qaar tabobaro iyo qaar waxbarasho taam ahba sida Kalkaaliyeyaasha, Dhakhaatiir. Waxa Wasaaradu ku dedaashay inay dibadaha uga hesho deeq waxbarasho. Siyaasadda Arrimaha dibada: Waxaan kaloo dulmar ku samaynayaa Siyaasadda Arrimaha Dibada meesha ay marayso. Waxaad ogtihiin sanadihii u dambeeyey ay Xukuumadu dedaal aan kala go’lahayn ka waday Afrika iyo Urub iyadoo awoodeena dhaqaale ay xadidnayd, haddana waxaan isleeyahay guulo badan ayaa laga soo hooyey oo aad markhaati ka wada tihiin. Waxa ugu dambeeyey Safarkii Axsaabta Qaranka iyo Wakiiladu ay ku soo mareen Dalalka Afrika kuwaasi oo iyakuna qayb ka ahaa in qadyadeena gaadhsiino Walaalaheena Afrika iyaka oo xoojiyey dedaalka awalba Xukuumadu waday, talooyin badana oo ay keeneen aan tixgalin siin-doono. Dedaalka siyaasadda waxa inoo barbar-yaala sidaan horeba u balan-qaaday in aan raadino maal-galinta Shisheeye kuwaasi oo natiijada ka soo baxday aad Insha Allaahu dhawaan indhihiina ku arki-doontaan waxna ka bilaabmi-doonaan. Waxa Baryahan dambe Magaalada Hargaysa gaar ahaan ka dhaca qaraxyo aan dhibaato gaysan. Waxaan u arkaa falakan dadka ku kacaayay inay yihiin cadawga kowaad ee Somaliland. Sidaa darteed, muwaadiniinta Somaliland waxaan ku baraarujinayaa inay Ciidanka Aminga gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa daka arimahaan ku kacaaya. Waa dad ku talojira in ay nabadii aanu u soo marnay wadada dheer wiiqaya oo dhabarka ka jabinaaya una adeegaya cadawga Somaliland khatarna ku yihiin jiritaankeena, Rag iyo dumar waxaan ku boorinayaa inay soo sheegaan cidda ay ku tuhmaan waxaasi. Hanna la ogaado inay yihiin Cadaw halis ku ah jiritaankeena. Aduunka manta aynu ku nool nahay hadii aan milicsano gaar ahaan mandaqadeena waxa ku jira dhibaatooyin baahsan oo nabad-galyo-daro. Sidaa darteed, Shacbi iyo Xukuumadba waxa ingu waajib ah in aan feejignaano, xoojinona midnimadeena iyo wada-jirkeena. Sababtoo dalka ay jaarka nahay meelaha dagaaladu ka jrinaa waxa inagaga iman kara kuwo nabad la socda oo caadi ah iyo kuwo ku soo dhuunta oo nabadeena wax yeeli kara. Sidaa darteed waa in la feejinaadaa. Arinta Beriga Somaliland, waatii ay tageen Wafdigii uu hogaaminaayey Madaxwayne-Ku-Xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay keeneen taloyin wakhatiga dhaw iyo wakhti fogba wax lagaga qaban karo. Waxaanay Xukuumadu u xilsaridoontaa cid ku sugnaata jiidaas oo isku dubarid hawlahaas lagaga mido-dhalinaayo. Waxa fooda inagu soo haya Doorshooyinkii labaad ee geedi socodka Diimoqraadiyadeena curdinka ah. Sidaa darteed, Golaha Wakiiladda JSL waxaan si qadarin leh ugu boorinayaa in sida ugu dhakhso badan ugu dhammaystiraan ansixinta Komishanka Qaranka oo soo dhammaystirmay si ay u dardar-galiyaan hawl-galkooda iyadoo mudo dhawr bilood ah inaga luntay, wakhtiguna inagu gaaban-yahay. Si aan wakhti dambe inooga lumin. Wakhti ku filan diiwaan-galinta Cod-bixiyeyaasha loo helo. Guud ahaan Ummadda Reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa guddo iyo dibadba in aan u midawno qadyadeena , khliaafka iyo naqdinga aan waxba inoo tarayn aan iska dayno. Sababtoo ah dagaalka horteena yaala aynu cuddud midnimo aan kaga gudbayno. Waxaan halkan mahad u soo jeedinayaa Baarlamaanka Afrika ee Dalkeena u yimid taageerada qadyadeena sidii Baarlamaanka Kenya iyo kan Ghaana ee maanta inagala qaybgalaaya Xafladeena qaaliga ah. Waxan kaloo u mahad-naqayaa Beesha Caalamakam Afrika, Urub America iyo Aqoon-yahanada ku kala firidhsan Aduunyada ee taageera qadyadeena. Waxaan Ummadda u jeedinyaa baaq midnimo iyo wada jir aan danaheena meel uga soo wada jeedsano. Waxaan Illaahay ka baryayaa in Sanadkan Sanadkiisa ku gaadhno nabad, horumar iyo qaranimo buuxda oo taam ah Wa Bilaahi Tawfiiq -
LOOOOOOOOOOOOOOL
-
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
INAAN HELO MADAX BANAANI, ANAA MAYALKA U ADKAYSTAY -
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
it is the flag for the military ,,, their special logo well, about the ppl ,,, i wait until you come (it is soon no ? ) and see for yourself. In short, THEY ARE HAPPY FOR THE BIG DAY ,,,,,, YOU CANNOT BRIBE ALL THOSE CAN YOU ?? -
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Xanthus: ^^summary plZ, indeed it is the day, WHich one of the skinny's with the flag is you?? Is this state staged or just normal civilian event?? looooooooool ,,, i wish i'm in Erigavo today but i missed that chance ,,,,, it is the official gathering day ,,,,, state staged and a civilian even at da same time ,,, -
I'm glad you realized that ,,,,,,,,, now avoid jidbaale and widhwidh ,,, will you ??
-
Popular Contributors