Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. SOMALILAND NOT SOMALIA ,,,,,, i like this part is just to make sure ppl won't understand wrong about the issue.
  2. Jacaylbaro

    1 July

    soomaaliyeey seexdoo seexdoo haysku toosina eey hadba kiina taag dareneey qashoo cuna weligiineey I thought heestaas in sidaas loo bedelay for the last 17 years ......
  3. Jacaylbaro

    Sad day...!

    Xabashi sow soomaali uuni umay yeedhin ,,,, they were invited by somalis sow maaha ??
  4. hadhwanaag 2007-06-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada Dawlada Federalka Ethiopia Atto, Tekeda Alemu ayaa maanta kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada, kadib markii uu wasiiru dawlaha arrimaha dibada Ethiopia socdaal kedis ah oo aan hore loo sii cayimi ku yimi Somaliland. Sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani mooge oo maanta nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa. Waxa warsaxafadeedka lagu sheegay inay Madaxweyne Rayaale iyo wasiiiru dawlaha arrimaha dibada Ethiopia Takeda Alemu, Ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeyaa labada wadan, haday noqoto mid ganacsi iyo mid. Isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto, Tekeda Alemu, oo booqasho gaaban maanta ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Takeda Alemu, waxay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid ganacsiba. Mudane Takeda Alemu, waxa uu farriin gaar ah uga siday Madaxweynaha JSL, Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, oo farrintaasi ku sheegay in Ethiopia ay go’aansatay, waxna aanay iska bedelin sii xoojinta xidhiidhkii sxb-tinimo ee ay la leedahay Somaliland.” Wasiiru Dawlaha Ethiopia, oo maanta ku laabtay dalkiisii, waxa dhabaha diyaaradaha ku sii sagootiyey, Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaci, Wasiirka Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale [Cawil] iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda, Mudane, Siciid Maxamed Nuur. Warsaxafadeedkan ayaanay ku qornayn wax cusub oo uu kaga duwan yahay warsaxafadeedadii hore ay dawlada Madaxweyne Rayaale markay kulan la yeelato masuuliyiinta Dawlada Ethiopia ay ka soo saari jirtay.balse marka laga tagi waayo uu Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada Ethiopia sheegay inay u jeedada Socdaalkiisa uu ku yimi Somalilanad ay tahay fariin uu Madaxweyne Rayaale uga sido Ra’isal Dawlada Ethiopia Meles zanawi.
  5. Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiiru-dowlada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mr. Tekede Alamu ayaa booqasho kedis ah oo aan hore loo sii sheegin maanta ku yimi magaalada Hargeysa. Wasiirudowlaha Itoobiya oo booqashadiisu qaadatay muddo saacado ah, lama garanayo ujeedada socdaalkiisa, balse, waxa uu saxaafadda u sheegay in booqashadiisu la xidhiidho wadatashiyo hore ugu socdey Somaliland iyo Itoobiya iyo socdaallo hore uu ugu iman jirey Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay inuu farriin gaar ah uga sida Madaxweynaha Somaliland, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya. Muddadii uu joogey Mr. Tekede Allemu waxa uu la kulmay Madaxweyne Riyaale. Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani mooge, Wasiiru-dowlaha Itoobiya iyo Madaxweyne Riyaale waxay si baahsan uga wadahadleen sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, dhinacyada siyaasadda iyo ganacsiga. Waxa kale oo uu warsaxaafadeedku sheegay in Wasiiru-dowluhu Madaxweynaha soo gaadhsiiyey farriin uu uga sidey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya. Waxana uu sheegay in farriintaasi ahayd in Itoobiya go'aansatay in "Itoobiya ay go'aansatay, waxna aanay ka beddelaynin xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Somailand". Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mr. Alemu, waxa ku soo dhoweeyey madaarka Hargeysa, kuna sii sagootiyey, Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale, wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Somaliland, Siciid Maxamed Nuur iyo Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaciil. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa isagu hadda dalka dibadda kaga maqan, waxaana la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Ghana, halkaas oo uu berrito ka furmayo shir-madaxeedka Ururka Midowga Afrika, isaga oo Addis Ababa kaga hadhay Madaxweyne Riyaale markii uu ka soo laabtay Yurub. Markii ugu dambeysey ee Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Atto Takede Alemu booqasho ku yimaaddo Hargeysa waxay ahayd laba sannadood ka hor. Booqashadan kediska ah ee wasiiru-dowluhuna waxay ku soo beegantay wakhtigan oo ay muuqato in hawlgalkii dowladda Itoobiya iyo ciidamadeedu ku qabsadeen magaalada Muqdisho ay soo kartay, siina daba dheeraatay, taasina ay sababtay in ciidamada maamul-goboleedka Puntland loo daadgureeyo magaalada Muqdisho, iyadoo si toos ah loogu wareejinayo dowladda taagta daran ee Cabdillaahi Yuusuf. Ilo diblomaasiyadeed ayaa booqashada kediska ah ee Wasiiru-dowlaha Itoobiya ku xidhiidhinaya ciidanka maamul-goboleedka Puntland ee loo daadgureeyey Muqdisho, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo laga ururiyey deegaamada Somaliland ee maamulka Puntland sheegto iyo kuwa ay ciidanka Somaliland is horfadhiyeen deegaamadaas bariga Somaliland. Waxayna ilahaasi sheegayaan in Wasiiru-dowluhu la socodsiinayey Madaxweynaha Somaliland xaaladaha ku soo kordhay arrinta Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska, tilmaamo cusubna uu siiyey. Dowladda Itoobiya ayaa isku deyaysa inay iska fududayso culayska Muqdisho ka haysta, wakhtigan oo dhinaca Ereteriya laga baqayo inuu dib u cusboonaado dagaalkii xuduudka ee u dhexeeyey labadaas dal, Itoobiya iyo Ereteriya, isla markaana gudaha dalka Itoobiya ay ka bilaabmeen dhaqdhaqaaqyo mucaarid hubaysan.
  6. Wasiir Dawlaha Arimaha Dibada ee Eithopia Tagadhe Alumu iyo wafti uu hogaaminaayo Oo yimid Somaliland isla galabtana dib uga dhoofay Wasiir dawlaha Arimaha dibada ee Eithopia Tagadhe Alumu iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Madaarka Egal International Airport ee casimada Somaliland ee Hargeysa, wasiirka oo faah faahin kooban ka bixiyay socdaalkooda uu ku yimid Hargaysa waxa aanu yidhi " Tani waa caadi socdaaladiijoogtada ahaa ee aanu ku iman jirnay Somaliland , mana jiraan wax isbadal ah oo xidhiidhka labada dhinac u dhaxeeyaa waanu waanaagsanyahay xidhiidhka labada dal, socdaalkaygana waxa uu ka midyahay sii xoojinta xidhiidhka iyo wada tashaiga u dhaxeeya labada dal, isaga oo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu yidh. Waxaan fariin kasidaa Raysal wasaaraha dalkayga mudane Melez Zenawi, fariintaasi oo aan usido Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayale Kahiin, waana caadi socdaalkaygani oo waa mid saxiibtinimo ayuu hadalkiisa siiraaciyay. Maaha markii ugu horaysay ee uu Wasiir Dawlaha Arimaha Dibada ee Eithopia socdaal kuyimaado Somaliland, balse waxa uu hore uyimid Geeridii Madaxweynhihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal oo uu aaskiisa kaga qayb galay magalada Berbera. Dhanka kalena warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyda oo na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto, Tekeda Alemu, oo booqasho gaaban maanta ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Takeda Alemu, waxay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid ganacsiba. Mudane Takeda Alemu, waxa uu farriin gaar ah uga siday Madaxweynaha JSL, Ra'iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, oo farrintaasi ku sheegay in Ethiopia ay go'aansatay, waxna aanay iska bedelin sii xoojinta xidhiidhkii sxb-tinimo ee ay la leedahay Somaliland. Wasiiru Dawlaha Ethiopia, oo maanta ku laabtay dalkiisii, waxa dhabaha diyaaradaha ku sii sagootiyey, Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaci, Wasiirka Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale ( Cawil) iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda, Mudane, Siciid Maxamed Nuur. qarannews.com
  7. The Minister arrived Hargeisa today in the afternoon. He said he has a message from Melez for President Rayaale ...... The news is broadcased from the BBC somali section this afternoon and not yet on the websites ,,,,,,,,,
  8. Jun 28 2007 - Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamuud Suufi Muxumed ayaa shir diini ah oo lagaga doodayo Aragtida Diintu ka qabto Talaalka oo ay ka soo qaybgaleen Lixdan Xubnood oo culimodiinka Gobolada Dalka,Masuuliyiin W/caafimaadka ah,iyo Saraakiil ka socda Hayadaha Unicef iyo Who,ka furay Huteelka City Plaza ee Magaalada Burco. Wasiirka oo hadlay Furitaankii Doodaas ayaa sheegay inaan Culimadu diidanaeyn in lays daweeyo laakiin marka wax la sheegayo way jirtaa in lakala shakiyo “Ma,Qabo nin culimo sheeganayaa diidan yahay ha lays daweeyo,Laakiin marka wax la sheegayo way jirtaa in lakala shakiyo,haseyeeshee wax culimo u gaar ahi ma jirto”Ayuu Wasiirku yidhi. Waxa Wasiirku intaas ku daray in shirkani yahay mid shaki saara,Sidaasdarteed Culimo iyoDhakhaatiirba waynu wada joognaa ee dhankay ka baxdaa waa bakaylo qaleen. Agaasimaha Guud ee Wasaarda Caafimaadka Anwar Maxamed Cige ayaa Isaguna tilmaamay in Arintani inagu noqotay Aafo Qaran,dhibaatada ugu weynina ee Burco ka hortaagan Talaalka ay yihiin Wadaada,Haseyeeshee waxa loo baahan yahay Maanta haday Culimadii joogaan Diiniyan khatarta uu u leeyahay Talaalku Bulshada la cadeeyo ,hadii kale aad joojisaan Borobagaandada. Badhasaabka G/togdheer Cabdi Xuseen ayaa Kulankaa ka sheegay in Burco had iyo jeer lagu sheego inay meesha kaliya ee uu ku jiro cudurka dabayshu,waxa u ka dhaqaaqi waayayna talaalku ay yihiin Wadaadada markaa bal maanta ha la cadeeyo dhibaatada uu leeyahay. Sh.Ismaaciil Dheeg oo ka mida Culimada Somaliland ayaa kulankaa ka Cadeeyay in haday jirto cid si dhaba oo cilmiyaysan u og dhibaatada iyo waxyeelada uu xambaarsan yahay Talaalku ha soo bandhigto angaaba Raacaynee. Cabdi Gurey oo ah Sarkaal ka socday WHO oo doodkulameedkaas ka hadlaya ayaa yidhi ‘Yoolka waxaan saaraynaa Cidhibtirka Cudurka Dabaysha,inkastoo dareen ay Abuurtay Dhacdii Liibiya iyo Najeeriya ee la yidhi waxa lagu talaalay Caruur Aids” .Waxa uu intaas ku daray waxaad moodaa in wadanka ay ka jirto Isgiijin dhinaca talaalka oo sabab ay u tahay Dacaayada laga fidiyay. Sidoo kale Cawil oo ka socday Hayada Unicef,ayaa faahfaahin ka bixiyay Ujeedad Kulanka waxaanu sheegay inay tahay in laysla fahmo Culimo iyo Caamaba aragtida Islaamka ee talaalka,in Culimadu ka soo jeediso Aragtida iyo inuu waafaqsan yahay diinta,iyo Qaraar laga soo saaro gabagabada shirka,Fariintada ay qaadaan Culimadu oo gaadhsiiyaan Dadweynaha. Doodan oo socondoonta Mudo laba Maalmood ah ayaa ah markii u horeysay ee la qabto mid nooceeda ah balse Madasha Doodan diiniga ahi ka socotay ayaaanay ka dhex muuqan Wadaadii dhalinyarada ahayd ee sida weyn had iyo jeer u dhaliili jiray Talaalka. Here
  9. Originally posted by Baashi: Lix halkaad ku joogtaan, dagaal laabta ka ogaada, Luqunta haddii laydin jaro, lugaha meermeersha! Gurrigii la geeyaba, hadaan gaas dhan ku afuufin, Geellii la qaadyaye hadaan lagu garabaasin, Hadaan lagugu guban waan hadaan gobi ku maalayn! Ha la dirriro, dagaal waxan ahayn daawo lagu waaye ! wow wow wow ,,,,,,, waar reerka gabayga u daa
  10. It seems they are somehow confident of their agreements ,,,,,,,,,, it rings a bell don't u think so ??
  11. Still in the weeekend ,,,,,,,, what is wrong with my head these days ?? i mean , it is headache again .............
  12. Diyaarad cusub oo la magac baxday "East Africa Airlines" ayaa maanta lagaga dhawaaqay furitaankeedii Xaflad balaadhan oo lagu qabtay hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa. Xafladani oo ay ka soo qayb galleen wasiiradda Duulista Hawada, Cali Warancadde, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Maayor ku xigeenka caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, xubno ka mid ah saraakiisha hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye sida C/raxmaan Aw Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi), hogaanka sare ee xisbiga UCID Sida Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigaasi Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan, Xasan Xuseen iyo dadweyne aad u tiro badan. Guddoomiyaha shariikaddani Cusub ee diyaaradaha East African Airlines oo ka warbixinaayey diyaaraddani cusub ee ay dalka keeneen ayaa sheegay in ay diyaaradani kaga duwanaan doonto kuwa kale ee hadda dalka ka shaqeeya iyadoo keeni doonta diyaarado casri ah oo ah ayuu yidhi nooca hadda dunidu isticmaasho ee Airbus iyo Vocal, kuwaasi oo ayuu yidhi aad tayadoodu uga sarayso nooca ay diyaaradaha hadda ka hawl galla somaliland ay isticmaalan kuwaasi oo ah ayuu yidhi nooca ruushku farsameeyo oo qadiimi ah. Guddoomiyaha shariikadani wuxuu sheegay in duulimaadyada shariikadda East African Airlines ay iskaga gooshi doonto Somaliland, Soomaaliya, dalalka Carabta, iyo isku xidh ay kuugu samayn doonto shariikadaha kale ee iskaga goosha daafaha dunida, wuxuu sidoo kale sheegay inay samayn doonaan duulimaadyo dalka gudahiisa ah (Local Flights), isagoo sheegay inay keenayaan diyaarado casri ah kuwaasi oo markiiba qaadi kara 50 duulimaadyadaasi oo ah dalka gudahiisa. Masuulkani guddoomiyaha ka ah shariikadda East African Airlines wuxuu sheegay in diyaaradani ay mulkiyadeeda iska leeyahiin muwaadiniin reer Somaliland ah oo maalkooda iyo muruqooda ku soo iibsaday markii ugu horaysay diyaaradaha ay shariikadani ku hawl gallayso. Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda duulista Hawada Mudane Cali Maxamed Warancadde oo sheegay in dalku baahi weyn u qabo diyaarado casri ah, wuxuu sheegay wasiirku in xilliga xagaaga ee wakhtigani oo kale ah duulimaadyadu ay cidhiidhi noqdaan isagoo sheegay in dadku ay ka bataan diyaaradaha. Here
  13. BURAO, 28 June 2007 (IRIN) - Ali Hussein Diriye, 78, is a resident of Kosar camp in Burao, one of the main cities in the self-declared republic of Somaliland, northwest Somalia. Kosar is home to thousands of Somali returnees from Ethiopia. Diriye spoke to IRIN about his life in the camp. "We were among the first groups of families to settle in Kosar in 2001. We came from the Daroor refugee camp in Ethiopia's Somali region. "We used to live in a rented house in Burao but were forced to flee our homes in 1988 when the civil war led by Siad Barre [somalia's president from 1969-1991] broke out. We became displaced and ended up in the refugee camp. "After the end of the war, when we came back, we had nothing. We had no land, no buildings or even a plot to return to in Burao. "Over time, the number of people in my family here at the camp has increased to 11. My oldest son is 40 while my youngest child is eight. "My son is also a father and his family is living with us too. Life is difficult for us because despite being the head of the family, I have no job. "We have been forced to rely on relatives in towns who are working in construction sites or operating their own businesses to support us. "Before the war, life was easier. My wife was working in a slaughterhouse where she would buy and sell goats. I was working as a foreman attached to the ministry of hides and skins. "But now, food is sometimes hard to come by; in terms of feeding, the refugee camps were better. "Here, all we have is freedom."
  14. Never trust those administrations wherever they are ,,,, they have 2 faces, one for us and another one for the US ..... it is just like Djibouti supporting the ICU and hosting the American military at the same time ,,,
  15. Somaliland: Africa's Success Story
  16. Burco (QARAN) Xaakimo ka socday Maxkamada Sare ee Somaliland oo Magaalada Burco u yimi dhegaysiga Dacwada Derajada Sadexaad ee kiisaska dilalka ah.ayaa xukumaya Gacan ku dhiiglayaal oo hore u gaystay Dilal. Xaakimo ka socday Maxkamada Sare ee Somaliland oo Magaalada Burco u yimi dhegaysiga Dacwada Derajada Sadexaad ee kiisaska dilalka ah.ayaa xukumaya Gacan ku dhiiglayaal oo hore u gaystay Dilal. Ku Xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka togdheer Jaamac Ducaale Siciid oo Weriye Keyse Axmed Digaale, wax ka weydiisay Tirada dacwadaha dilalka ee ay Maxkamada Sare xukuntay ayaa waxa uu yidhi “Maxkamada Sare waxay u timi inay dhegaysato Dacwadaha dilalka ee ay u hadsanaeyd Darajada Sadexaad oo ah Maxkamada Sare,Sidaas Dareteed waxay xukumo dila ku qaaday Gacankudhiiglayaasha kala ah, Gacan ku dhiigle Axmed Caydiid Nuur oo dilay sadexda Marxuun ee kala ah Khadar Axmed Xuseen ,Yaasiin Saqadhi Cali,iyo Xasan Xuseen Xaamud oo 19.9.06kaasoo ku dilay Magaalada Burco,Gacan ku dhiigle Baashe Maxamed oo dilay Mustafe Siciid Maxamuud oo 8.10.07,gacan ku dhiigle, Gacan ku dhiigle Baashe Maxamed Guutale oo dilay Marxuun Cabdi Xasan Xirsi 7.1.o7,oo Burco ku dilay,Gacan ku dhiigle C/llaahi C/qaadir Axmed oo dilay Marxuun Axmed Cali Axmed 8.5.06,kuna dilay Ceerigaabo,Jaamac Axmed Yuusuf oo dilay Marxuun X.Saalax Yuusuf Faarax 29.11.05.oo ku dilay Ceerigaabo. Xeer Ilaaliyuhu waxa uu intaas ku daray in loo cuskaday Qodobada 434XQG,iyo Aayadaha Quraanka ee kala ah 178,179 ee Suuratal Albaqra,iyo Aayada 45 ee Suuratal Maaida. Todobaadkii hore ayaa Maxkamada Gobolku Qisaas dil ah ku fuliyay laba Gacan ku dhiigle ka dib markii ay soo dhamays tirantay Jaranjaradii sadexda Maxkamadood ee dalaka,Mudayntii Maxkamada Sare iyo Goaamintii Madaxweynaha. Soure Togdheernews
  17. The Representative of the Republic of Somaliland to the United States, Dr. Saad Noor, is visiting the United Nations this week. Dr. Noor has come to New York to meet with officials in the UN Secretariat as well as diplomats from Security Council members. He was received by Under-Secretary-General for Political Affairs, B. Lynn Pascoe and other UN officials dealing with the Horn of Africa. He also met permanent members of the Security Council, including the United States and Great Britain. Other meetings included the delegations of Italy and Belgium and Norway. In addition, Dr. Noor held discussions with political analysts who pay close attention to events that are of critical importance to Africa. During his stay in New York, Dr. Noor, aims to strengthen Somaliland’s relationship with the United Nations Secretariat as well as with individual member states. His visit coincides with Security Council deliberations on Somalia as well as a visit by the Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia. Dr. Noor’s intention is to lay out Somaliland’s views and concerns regarding the situation in neighboring Somalia. Somaliland requests that, through its policies and responses towards the situation in Somalia, the United Nations and in particular the Security Council acknowledge its existence and needs as a separate entity. Likewise, the international body should be keenly aware that the problems of Somalia as a whole could not be solved without also addressing the issue of Somaliland.
  18. loooooool Let's watch the lil games here ,,,,,
  19. TAARIIKHDU MARKAY AHAYD BISHAN JUNE 25, 2007 SAACADUNA AHAYD 4.30MP EE HABEENIMO WAXAA GAROONKA DIYAARADAHA CAALAMIGA AH EE BERBERA SOO FADHIISATAY DIYAARAD WAYN TAAS OO FAJAC IYO AMAKAAG KU RIDAY DHAMAAN LAAMAHA MAAMULKA EE GAROONKA KUWAAS OON WAXBA KALA SOCON IMAANSHAHA DIYAARADAAS HASE YEESHEE KU WAR HELAY GUUXA DIYAARADA IYO DHAQDHAQAAQA CIIDANKA SIRDOONKA MADAXTOOYADA OO INTAAN DIYAARADU SOO CAGO DHIGAN HORTEED KAGA HOR TEGAY GOOB CAYIMAN OO KA MIDA RUN WAYGA KANA FOG TAAWARADA IYO XAFIISYADA LAGA HAGO DIYAARADAHA SOO DEGAYA IYO KUWA DUULAYA GOOBTAAS OO AHAYD MEEL KA DURUGSAN HALKA LOOGU TALAGALAY IN LAGU BAARKIN GAREEYO DIYAARADAHA SOO DEGA DIYAARADAN OO ILO XOGOGAAL AH KU SHEEGEEN IN AY AHAYD NOOCA AY ISTICMAALAAN CIIDAMADA MARAYKANKU AYAA WAXAY KU SOO DEGTAY DHABAHA GAROONKA XILI AANAY JIRIN WAX JABAQ AH OO DADKA BADANKIISUNA HURDO DHULKUNA MUGDI YAHAY OO XATAA DAYAXII IYO XIDIGIHIIBA DAATEEN KUNA BEEGAN XILIGA EEDAANKA SALAADA SUBAX WAQTIGA BERBERA WAXAA KALE OO WAQTIGAAS DHACAYSAY DABAYL XAGAA AAD U XOOG BADAN OO SI TOOS AH U HIRDIYEYSAY MOWJADAHA BADDA, MAADAABA GAROONKU KU YAALO BADDA XEELIGEEDA. HADAL IYO DHAMAAN MA CADDA WAXA DIYAARADANI WADAY IYO WAXAY QAADAY TOONA WAXAANA JIRA WARAR IS KHILAAFSAN OO KA SOO BAXA, OO AY ADAGTAY SIDA XAQIIQADOODA LAGU OGAADAA MAADAABA GAROONKU MARKA HOREBA KA DURUGSAN YAHAY MAGAALADA MASAAFO DHAN 15 KM Iyo IYANA XILIGA DIYAARADANI KU SOO BEEGTAY. WAXAASE WARARKA SOOYAALNEWS SOO GAADHAYAA XAQIIJINAYAAN IN DIYAARADU MARKAY SOO CAGO DHIGAY GAROONKA AY HALKAAS DIYAAR UGU SII AHAAYEEN CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA SIRDOONKA MADAXTOOYADA KUWAAS OO KULA KULMAY GOOB CAYIMAN OO KA DURUGSAN TAAWARKA DIYAARADAHA LAGA HAGO KANA FOG GOOBAHA AY ISTICMAALAAN DIYAARADAHA AY LEEYIHIIN SHIRIKADAHA GANACSIGA EE GAROONKA KU SOO DEGA WAXAANA LA SHEEGAY IN DIYAARADA ALBAABADA LOO FURAY HALKAASNA UU KA SOCDAY DHAQDHAQAAQ QAATAY IN KA BADAN 1:30 AAKHIRKIINA DIYAARADII WAXAY KA DUUSHAY GAROONKA ABAARO 6: 00 EE SUBAXNIMO IYADOO FULISAY HAWSHII AY U SOCOTAY WARARKA QAAR WAXAY SHEEGAYAAN IN DIYAARADU HALKAAS KU ROGTAY HUB IYO SAANAD KALE OO MILITARY WARAR KALENA WAXAY SHEEGAYAAN IN DIYAARADU HALKAAS KA QAATAY DAD MAXAABIIS AH ISKU SOO WADA DUUBOO MA CADA WAXA HAWGALKA DIYAARADANI KU AADANAA MANA JIRTO WAX WARA OO KA SOO BAXAY DHANKA XUKUUMADA SOMALILAND OO KU SAABSAN SABABTA DIYAARADANI U SOO CAGO DHIGATAY GAROONKA BERBERA. GAROONKA DIYAARADA BERBERA WAXAA DHISAY DAWLADII MIDAWGII SOOFIYEETI WUXUUNA AHAA SALDHIG AY ISTICMAALAAN CIIDAMADII CIRKA EE DAWLADII MIDAGGA SOOFIYEETI WIXII KA HOREEYEY 1978 XILIGAAS OO UU XUMAADAY XIDHIIHKA U DHEXEEYA DAWLADIII MIDAWGA SOOFIYEETI IYO DAWLADII KACAANKA AHAYD EE SIYAAD BARRE HOGAAMINAYEY INTII WAQTIGAAS KA DANBAYSAYNA WAXAA DAYACTIR IYO DIBU HABAYN KU SAMEEYEY CIIDANKA CIRKA EE DAWLADA MARAYKANKA WUXUUNA AHAA SALDHIG AY ISTICMAALAAN CIIDAMADA CIRKA EE MARAYKANKU HASE YEESHEE WIXII KA DANBEEYEY BURBURKII XUKUUMADII SIYAAD BARE GAROONKA DIYAARADA WAXAA GACANTA KU HAYSTAY XUKUUMADA SOMALILAND WAXAANA BADANAA ISTICMAALI JIRAY SHIRIKADA DIYAARADAHA EE WADANIGA AH INKASTOO GAROONKANI YAHAY MIDKA UGU DHEER QAARADA AFRIKA KAAS OO DHERERKIISA LAGU QIYAASO INUU KU DHAWDHAW YAHAY 5KM BALACIISUNA YAHAY 30M HADANA WAXAA KA MUUQDA BAYLAH BADAN WAXAA IYANA JIRTA DAWLADA MARAYKANKA OO HADA DAGAAL KULA JIRTA WAXAY UGU YEERTO ARGAGIXISADA CAALAMIGA AH INAY AAD U DANAYNAYSO ISTICMAALKA GAROONKAN WAXAANA LA SHEEGAY IN ARINTAN DHAWR JEER KALA SOO XIDHIIDHAY XUKUUMADA SOMALILAND INKASTOO AAN LABADA DHINAC MIDNA DHANKIISA WAX WAR AHI KA SOO BIXIN SOOYAALNEWS
  20. loooool ,,, and i'm sure NO ONE can translate this including you yaa Nuune : Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle
  21. loooooooool ,, be carefull then ,,