Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Only if you know what is Dooro in af reer waqooyi
  2. It is called TAARIIKH NOLOLEED not MOWTI SOO TOOSIN
  3. Source I've no idea about the man but came across this topic and thought may be some of you know him.
  4. TAARIIKH NOLOLEEDKII Abdullahi Mohamud Hassan OO KU CAAN DHEERAA (MATUKADE) 1924-2001 Abdullahi Mohamud Hassan oo ku dhashay Gobolka Muduga, wuxuu hana qaaday isagoo aad u dhallin yar, wuxuu ahaa nin keligiis wax is baray, wuxuu ku caan baxay waxbarasho jaceyl, karti dheeraad ah, dadaal aan kala go’ lahayn, iyo inuu ahaa nin an la loodin karin oo an marna ka waaban runta, xaq ku dirirka iyo waxa u aaminsanyahay. Wuxuu ahaa nin aad waxbarashada u jecel, tabobarro aad u farabadanna ku qaatay xirfadiisa isagoo u aaday waxbarasho waddamo badan oo ay ka mid yahiin Talyaaniga, Ingriiska, Maraykan iyo Rush-ka.. Wuxuu aad ugu dadaalay inuu waxbaro caruurtiisa si ay dadkooda iyo dalkoodaba u anfacaan. Wuxuu u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisaba muddo aad u dheer isagoo inta badan ka tirsanaa Ciidanka Boliska Somaliyeed. Waxuu u soo dagaalamay xorriyadii dalka, is hortaagidii xukunkii kali taliyaha ahaa ee Mohamed Siyad Barre, waqatigan danbana dib u soo celinta dowlanimadii Somaliyeed iyo qoridda taariihk nololeedkiisii iyo taariikhda Somaliya guud ahaanba. Si uu u difaaco qadiyadda saxa iyo qaranimada Somaliyeed, waxuu u babac dhigay shaqo ka erid, musaafiris iyo xabis aad u dheer intaba. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayna taariihkdiisii oo aad u gaaban. 1924 Abdullahi Mohamud Hassan wuxuu ku dhashay Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya 1942 wuxuu ku biiray ciidamadii Boliska ee waqtigaas oo la oranjiray "Gendarmeria" 1944 wuxuu ku biiray SYL 1950 waxaa laga eryey ciidamadda boliska, oo Talyaanigu ku eedeeyey inuu kaalmeeyo SYL 1952 wuxuu ku jiray laba nin oo SYL u diratay dalka Ethiopia si ay uga codsadaan in Ethiopia ay garab istaagto qadiyadda SYL 1953 wuxuu ku biiray ciidamada Boliska ee Kenya halkaas oo u ka soo shaqeeyey muddo sideed sano ah. 1960 wuxuu ku soo laabtay dalka somaliya oo u ka qaybgalay dabaaldagii xoriyadda is maalintaasna uu ku biiray ciidamada Boliska. 1961 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch) ee gobolada waqooyiga ee Somalia 1964 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch) ee dalka oo dhan 1967 waxaa loo beddeley taliyaha ciidamada boliska ee jubada hoose. 1969 wuxuu ka mid ahaa madaxdii gobolka jubada hoose oo xilka la wareegay markii waddanka inqlaabku ka dhacay. 1970 wuxuu ku jiray ragii ugu horeeyey oo Mohamed Siyaad Barre ka wareejiyey ciidamada asagoo lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer (Governor) 1972 waxuu ku jiray dadkii ugu horeeyey oo loo masaafuriyey Russia. Halkaas oo uu ka bilaabay wax barasho Jaamacadeed ( Lavof University) 1974 si lama filaan ah ayaa loogu magacaabay inuu noqdo hogaamiyaha ciidamada Boliska Somaliyeed (Commander in chief) 1978 ayaa la xiray iyadoo lagu eedeeyey inuu ka soo horjeedo kacaankii Mohamed Siyad Barre, halkaasna u ku xiranaa xabiskii caanka ahaa ee LAANTA BUUR muddo dhan LIX SANO IYO AFAR BILOOD 1984 ayaa laga sii daayey xabisgii, wuuna diiday inuu jago cusub ka qabto wadanka in kastoo Mohamed Siyaad barre u soo jeediyey. 1990 mar kale ayaa la xiray isagoo ku jiray odayaashii Somaliyeed oo saxiixay warqadii caanka ahayd ee la magacbaxday "MANIFESTO" 1991- 2000 wuxuu aad isugu masquuliyey inuu ka qayb qaato dib u soo celintii dowladnimada Somaliyeed asagoo ka qayb galay shirar kala duwan oo ay ka midiahiin kii 1991 ee dalka Jabuti iyo 1993 dalka Ethiopia 2001, Axad Lulyo 8, 1dii aroornimo ayuu ku geeriyooday gurigiisa, aydoo ay la joogaan dhammaan caruurtiis, magaalada Lorton, Virginia ee Dalka Maraykanka Waxaa lagu aasi doona Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya Wuxuu ka tagey Xaaskiisa Xalima Warsame iyo 26 qof oo isuku jira waxuu dalay iyo waxay sii dhaleen. Waxaa dhawaan soo bixi doona boog uu qoray Marxuumku oo ka hadlaya taariikh nololedkiisii iyo taariikhda Somaliya guud ahaan laga bilaabo xorriyad u dirirkii ilaa iyo burbuka waqtigan lagu jiro Allaha u naxriiso Abdullahi Mohamud Hassan, samir iyo iimanna allaha ka siiyo eheladiisii iyo asxaabtiisiiba iyo Ummada Somaliyeed Guud ahaanba.
  5. number of female Arab singers have been banned from singing in Syria - to put a limit to moral corruption. In another development, Arabs seem to be targeted at airports around the world, even in their own homes, where they are being treated like terrorists. These are just two of the conversations taking place in Arabic blogs this week. Syria: No to Some Female Singers The dean of Syrian performers Sabbah Obaid stressed that Lebanese pop singer Haifa Wahby has been banned from singing in Syria. He said that the ban wasn’t for a political reason as Arab media agencies reported but was part of a list of female Arab singers which included Elissa and Ruby. Obaid said this decision was made to limit the moral pollution created by such art which is closer to nudity than actual singing. I don’t know whether what he is saying or what the media agencies are saying is the truth. But what I agree with is that the Arab singing scene has reached an unprecedented low level of pollution and moral decay. I really do wish that all Arab countries and festivals take a united stance against such corruption. Egypt: Arab Terrorists at Airports Ahmed Gharbiya from Egypt describes how all Arab men are suspected as being terrorists in airports around the world and at home. At airports, I have made it a favourite pastime to watch security guards. I have a lot of time there which I have spend. Put all your belongings into that tray. Are you wearing a belt? Bottles and glass will not be allowed into the airport beyond a certain point. Is there a laptop in this bag? You have to get it out so that it gets scanned on its own. Now you can pass through the door. Show me your boarding pass and passport. What is this? Figments of your memory? I have started to love the look of fear my appearance causes them. A male traveller from the Middle East, with an Arab name and a Muslim religion, with dark hair, travelling alone and carrying just one bag and a funny looking passport, where the details are handwritten. I ask: I have coins in my pocket. Shall I put them in the tray? I lift my shirt in an exaggerated manner and say: Look, I am not wearing a belt. I pass through the door in a theatrical manner, lifting my arms like wings, with a look that encourages the security guard to body search me. I open the bottle of water slowly and drink from it. I think of the answer to each question, even if I already knew the reply. After I pass the final security check..I stop for a while to see how everyone is treated at the inspection point. Who will be subjected to closer checking? Who will be asked to take off his shoe? What are the characteristics of those who stir the fear of security guards? I compare how those obstacles are tackled in each country and airport - the consistency, the flow, the actions of employees and the reactions and types of passengers. I am a terrorist - so I should at least enjoy the role. I used to be counted as a terrorist abroad but I am now considered a terrorist in my own country. I am thinking of taking a Sabbatical leave. Global Voice
  6. The dog is better than a child without manners
  7. I don't know ,, we left them behind coz they were many and we were in qax .... you couldn't take the rest i guess. I hope they were eaten by humans
  8. For on this fine day I will not be alone I will be walking with those who do not care About being a size four, fourteen, or forty About being eighteen, eighty or eight-nine, With those who are not bothered About the difference between Somalia and Somaliland Nor the distance between Cape Verde and Cape Town here
  9. One fine day I shall walk with my head held high My back ever so straight My strides long and purposeful As I take my walk My hips will swing from left to right With absolutely no thought about cellulite My breasts will have a dose of sanity And disobey the laws of gravity I will carry a large bag Full of everything I need For work, for play and for looking good Everything, that is, Except money But who cares? For on this fine day I will not be alone I will be walking with those who do not care About being a size four, fourteen, or forty About being eighteen, eighty or eight-nine, With those who are not bothered About the difference between Somalia and Somaliland Nor the distance between Cape Verde and Cape Town Yet they know about dreams and visions They know about hopes and aspirations They know that if you work hard enough Think big enough Dream large enough And live long enough Dreams do come true And visions do come to life And that we don’t have to die Before we go to heaven On this fine day I will walk Bag full of this and that My body responding to the warm caress of the sun And even if it is cold I will walk free of all the symbols and signifiers that tell me I am less than who I am Those I am walking with will know how I feel We are walking a road we have all paved together And it is finally taking us to the places we want to go together Oh, how I will enjoy my walk On this fine day With all my sisters And the brothers who would like to join us
  10. i can already vision Jacaylbaro, telling his wifey "bal naaskaan aad ku daldaleysid cunuga nagdaa, wrinkles baay ku siinaysa. looooooooooool ..........
  11. looooool ........ actually we used to have some adhi in Hargeisa but we left them all and took that waxar only ....
  12. Damqashadu maaha tii dadka yaa MMA ,,,,,,,, waa tii REERKA ,,,
  13. you needed a money and you sold it ,,,, we needed something to eat and we slaughtered it
  14. OOD comes first waayo canjeelo waa wax soomaalidu aanay hore u isticmaali jirin oo oodda ayaa ka horaysay xagga isticmaalka.
  15. We had one waxar too during the qax ,,, but we ate her on da way to the refugee camps .... quruxdeeda waxaaba ka darnaa hilib macaankeeda ... i even forgot her name
  16. I have found it amusing that every time a political, economic or a social issue occurs in Somaliland, some 'unnamed" diplomat says, and I quote "This event could hinder Somaliland's efforts for international recognition". On the one hand, as a Somalilander, I am honoured that my country is held to a high level of accountability, but on the other hand, I am perturbed that all of Somaliland's efforts are to be judged one incident. Talk about a double standard. This situation regarding the arrest of Dr.Gaboose, Inj. Maxamed Xaashi and Mr.Caydiid should be settled at the judicial level. It is imperative that due process should be followed. The accused have been asked to appear before a court, they did so, and the court remanded them for seven days. Not even all the queen's counsel in the inner courts of London will argue with that procedure. They weren't beaten Mugabe "style", they weren't massacred on a deserted beach, they were not put before a military tribunal with a soldier in the background polishing the execution stake. This is Somaliland, not some banana republic. These politicians are charged with bringing "instability to Somaliland with their political actions which contravene the Somaliland constitution". In Somaliland, everyone will have their day in court. Whether the court rules in favour of the government or not, is something we all have to wait and see. The real question, is not whether the government is right or wrong, whether these politicians are guilty or not, whether some people will support or oppose these events. No, the real challenge is whether Somaliland justice will follow due process and whether all parties will be satisfied with the decision. After all, the last Presidential election was decided by less than 80 votes and to the credit of all concerned the decision of the supreme court was accepted. I anticipate a similar scenario which will once again show the political maturity of Somaliland and its people. So, all those "unnamed" diplomats, please don't judge Somaliland on the latest political or social intrigue, but look at the bigger picture. Somaliland favours the broadminded analysis over the narrow minded opinion. Ahmed Kheyre London, UK
  17. it is a similar to the original one: Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa
  18. Burco (Ogaal)- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa mar kale shacbiga u soo jeediyay inay iska jiraan, wax ay ugu yeedheen siyaasiyiin kursiga u maray tolaay iyo fidno abuur ay ku doonayaan inay ku hantaan Kursiga. Hogaanka UCID oo shalay hadal ka jeediyay kulan aqoon is waydaarsi ah oo xisbiga Uicd u qabtay dhalinyarada ku dhaqan magaaladda Burco, ayaa waxa ay dhalinyarada ku adkeeyeen inay iska jiraan habab ay sheegeen inay siyaasiyiinta qaarkood u maraan caadifada dhalinyarada. "Bulshadeenu ma xasuusato taariikhda, hadii aynu xasuusano kumaynaan dhacneen dhibatooyin badan, markaa maanta waxan idin xasuusinayaa taariikh ina soo martay. Sanadkii 1991-kii 18/ May waxaynu Burco kaga dhawaaqnay madaxbanaanideenii oo aynu soo helnay markay inaga luntay 1960 waxa lagu heshiiyay in Ururkii SNM laba sano loo dhiibo dalka beelihii kalana way inugu ixtiraameen waxana hogaanka dalka qabtay C/raxmaan Axmed Cali Tuur iyo Xasan Ciise, nasiib daro saxiibadood kumay ixtiraamin inay sugaan labada sano, xataa waxay Cabdiraxmaan iyo Xasan markay wax yar hayeen inay dalkii xoreeyeen taasna saxibadood kumay ixtaraamin ee waa kii dagaaladu dhaceen" sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo kulankaas ka hadlay, waxana uu intaas raciyay Gudoomiyaha UCID oo uu yidhi "Maanta 8 bilood ayaa u hadhay ninka reer Boorama xabad kumuu qabsan ee doorasho ayaanu la galnay, waxa maanta dalka ka taaganina waa waxyaabihii inqilaabku ka dhici jiray xukuumad musuqmaasuq ah oo aan wax-ba qabanaynin laakiin, maanta inaku taas diyaar uma nihin oo ma samayn karno....Mar walba nin kursi doonaya ayaa doonaya inuu dalka dumiyo waligiin miyaad aragteen nin siyaasiya oo dagaaladdii Sokeeye ku dhintay? ma jirto taasi kuwii Caddiraxmaan Tuur la dagaalamay ayaa jooga kuwii dagaalkii xiligii Cigaal ku jiray ayaa jooga kuwii baa maantana jooga mana hayaan si hufan oo ay cod ku gali karaan waxa la yidhaa Idoorku ninka uu Adhiga kala quusto ayuu u diraa Geela markaa ragii jabhada wadi kari wayay ee Siyaad Bare dalka ka xorayn kari waayay ayaa leh dalka hanaloo dhiibo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe Waxa kale oo isna halkaas ka hadalay Aadan Maxamed Mire Waqaf oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID oo sidoo kale la dardaarmay dhalinyarada aqoon iswaydaarsigaas ka qaybgashay, inay iska ilaaliyaan wixii dib u dhac ku keenaya waxana uu yidhi "Waxaad tihiin masuuliyiintii bari, waxaad tihiin qaybta bulshada ugu firfircoon waxa haboon inaad xor ka noqtaan mukhadaraadka iyo qabyaaladda ma jiro qabiil Dugsi idiin dhisi karaa mana jiro qabiil garoon idiin dhisi karaa ee qaran ayaa wax idin dhisi kara markaa aynu qarankeena ilaashano" Aadan Mire Waqaf waxa uu ka daba maray Gudoomiyaha UCID hadalkiisa ah inay ka digtoonaadaan siyaasiyiin uu sheegay inay bur-burin wax ku doonayaan, "Marka nin doonayo inuu wax burburiyo, waxa uu dhalinyarada ku kiciyaa tolaayeey markaa iska ilaaliya kuwa doonaya inay idinka dhigtaan salaam wax ay ku burburiyaan" Waxa kale oo isna halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Ururka UCID ee UK iyo Gudoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer Cismaan Afgaab Kulanka loo qabtay dhalinyarada ayaa ahaa mid ay ku baranayeen siyaasada iyo marnaamijyada Xisbiga UCID
  19. War-Saxaafadeed Kulan aan caadi ahayn oo ay xisbigu maanta ku yeesheen xarunta dhexe kana doodeen kuna falanqeeyeen xaaladaha dalka ka taagan waxay ka soo saareen war saxaafadeedkan hoos ku qoran. Maalintii 28-kii july 2007waxa ay xukuumadu jeelka mandheera rumaan ahaan ugu taxaabtay masuuliyiintii ururkii qaran ee dhawaan lagu dhawaaqay. Hadaba Xisbiga UCID waxay qiraysaa in masuu’liyada koowaad ee ilaalinta ammaanka iyo nebad-gelyada ay leedahay xukuumaddu, mana jiro muwaadin ka sareeya sharciga dalka oo aan la xidhi karin, hadii lagu tuhmo khalkhal-gelinta ammaanka iyo nabadgelyada iwm, masuuliintani waa muwaadiniin weli aan ku jirin inta distuurka qaranku siiyay dhawrsanaan. Haddii aanu nahay Xisbiga UCID waxaa aanu xukuumada u soo jeedinaynaa in si dhakhso ah loo hor keeno masuulintaas maxkamada horteeda si eedeymaha lagu soo oogay lagu helo ama loogu waayo, Muwaadin kasta xoriyadiisa lagama qaadi karo illaa dambi maxkamad horteed lagaga caddeeyo oo lagu helo. 1. Arrinta sharcinimada in urur la furan karo iyo in kale, iyo arinta goorma ayuu bilaabi karaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed? waxay la tahay xisbiga UCID inay caddahay arintaasi, waayo marka hore waa inay jirtaa guddi diiwaan-gelinta xisbiyada oo hubiya in ururku buuxiyay shuruudihii ururnimo, dabadeedna la siiyo kaadhka (Card) ama ogolaansho furid urur. Dabadeedna loo oggolaado inuu sameeyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed. Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in kooxina urur sheegan karin dhaqdhaqaaq siyaasadeedna la sameyn karin ka hor inta la marinaayo sharciyadda xisbiyadu soo mareen. Sidaa darteed, waxaa masuulinta qaran ku waajib ahayd in sifo sharciya u maraan doonista samayn urur, taas oo ahayd in dacwad ka furtaan maxkamada distuuriga ah ee JSL, kuna waydiistaan fasiraadda qodobada distuurka ee muranka dhaliyay, dabadeedna sugaan jawaabta ka hor inta aanay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed la bilaabin. 2. Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID wuxuu soo jeedinaya:- a) In muwaadiniinta reer Somaliland ilaashadaan midhihii halgankii Qadhaadhaa ee dalkan loo soo maray, iyagoo ka fogaanaya qof iyo beel jeclaysi, kana hor marinaaya wax kasta danta guud ee dalka. b) In muwaadiniinta reer Somaliland ka fogaadaan wax kasta oo nabadgelyada iyo ammaanka dalka wax yeeli kara, Cadawgana ka farxin kara. c) In dhamaan wixii khilaaf ah ee taagan sida :-(komishinka & miisaaniyada oo wakhtigeedii gabaabsi yahay) in la soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo laga duulaayo qodobka 9aad ee Distuurka Qaranka. Qodobkaas oo tilmaamaya in nidaamka siyaasadeed ee JSL saldhig u tahay nabad iyo tala wadaag. d) Ugu dambayntii waxaa Xisbiga Cadaaladda iyoDaryeelku UCID hambalyo iyo bogaadin u diraaya bahda(sports)-ka ee suurta gelisay qabashada tartanka ciyaaraha ee Gobolada JSL, ee maanta ka bilaabmay
  20. Tartankii Gobolada Somaliland Oo Maanta ka furmay Hargeya Iyo Awadal Iyo Saaxil oo isku barbareeyay Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed ayaa maanta Garoonka Hargeysa Stadium ka furay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland,ka dib markii Tartankaasi aanu qabsoomin muddo laba Sanadood ah. Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo ay ka qeyb galayaan lixda gobol ee dalka waxa ay isugu jiraan Kubadaha cagta,Kollayga iyo Tartanka ordada,waxana sanadkan markii u horeysay gobolada Somaliland metalaya Ciyaartoyga Kooxaha Heerka Labaad Tartankan oo lixda gobol loo qeybiyay laba qeybood oo min sadex Gobol ah,qeybta koowaad waxa ku wada jira xulalka Gobolada Saaxil, Awdal iyo Sool,halka qeybta labaad oo ah mid adag ay ku wada jiraan Gobolada Hargeysa,Togdheer Iyo Sanaag. Xafladii loo sameeyay furitaanka tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland waxa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad, Xidhiidhka Kubada Cagta iyo masuuliyiinta Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha iyo Dadweyne tiro badan. Wasiirka Ciyaaraha Somaliland ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay ciyaartoyga lixda gobol u soo jeediyay inay si hufan u ciyaaraan tartankan,axa kale oo uu shacbiga ku dhaqan Magaalada hargeysa ka dalbaday inay soo dhaweeyaan ciyaartoyga martida ah ee ka yimid Gobolada kale ee Dalka. Tartankan maanta waxa lagu furay Xulalka Awdal iyo Saaxil oo ku wada jira qeybta koowaad[Group-A] waxana labada kooxood oo ciyaartooda ay ka muuqatay mintidnimo koox waliba ay doonaysay in aan laga badin waxana labada kooxoodba ay muujiyeen ciyaar aad u adag. Labadan kooxood ayaa isku barbar dhacay oo aan kala dhalin wax goolal ah oo ciyaartoodu ku dhamaatay 0-0. Xulalka Gobolada Saaxil iyo Awdalba waxa ay iska lumiyeen fursado badan oo goolal lagu dhalin karayay. Ciyaarta beri waxa wada ciyaaraya xulalka Hargeysa iyo Tog-dheer oo ku wada jira qeybta labaad[Group-B].
  21. looooooooooool@HHM .......... i can't imagine someone has rats
  22. look at these ppl attacking me from every side where is my minister of defense bal ??? can't someone ask you a question ?? Thanks Pucca for yourhelp and you better teach these ppl some lessons ........ Seriously, why can't you turn to sportingnews.com, cbc.ca or cnnsi instead of reading these creepy articles about women affairs? Layzie ,,,, that is coz I LOVE WOMEN ... sorry you not included
  23. where is the translation yaa yaabka ??