Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Aug 01 2007 (Somaliland Net) - Xulalka Gobolada Sool iyo Awdal ayaa galabta Ciyaar adag oo ay iskaga Horyimaadeen waxay ku dhamaatay Barbardhac 2 gool iyo 2 gool. Ciyaartan oo ay Daawashadeeda kasoo qaybgaleen Dadweyne aad utiro badan waxa ay ku bilaabantayJawi aad uwanaagsan taasoo ay Xulalka Awdal iyo Sool ay Garoonka lasoo galeen Ciyaar Hufan iyo Farsamo Ciyaareed. Haseyeeshee Daqiiqadii 17 aad ee Qaybtii Hore waxa goolka ku hormartay Gobalka Awdal waxaana Goolkaasi udhaliyay (Xassan C/laahi Dafe) oo Xidhnaa no.17 Qaybtii Koowaad ee Ciyaarta waxay ku dhamaatay (1-0) ay ku Hogaaminayeen Ciyaartoyga Gobalka Awdal . Qaybtii Labaad markii laysugusoo Laabtay waxay Koox kastaaba ay garoonka la yimaadeen dardar iyo dadaal dheeraada markii ay Saacadu maraysay Daqqiiqadii 58 aad ee qaybtii dambe wax Gool labaad keensaday Xulka Awdal waxaana udhaliyay (Suubane Cali Cilmi ) Ciyaaroyga Gobalka Sool ayaa intaa ka dib weeraro isdabajoog ah kuku Qaaday Xulka Gobalka Awdal. Gobalka Sool ayaa Goolkoodii 1 aad la yimid Daqiiqadii 75 aad kaasoo uu udhaliyay Fuaad Abokor X. Cabdi oo Xidhnaa No 15. Sidoo kale mar kale Gobalka Sool Waxa uu Goolkii Labaad dhaliyay Daqiiqadii 85 aad kaasoo uu udhaliyay( Axmad Qani ) oo sitay No 11 waxaanay Ciyaart ku dhamaatay barbardhac . Ciyaartan Galabta dhexmartay Gobolada Sool iyo Awdal waxa ay Noqotay Ciyaartii ugu horeysay ee la bixiyo Kaadhka Cas waxaana qaatay ama lasiiyay laba Ciyaartoy oo ka kala tirsan labada Kooxood . Dhinaca Kale waxa galabta dhacay Koobka isreebreebka Oradka 400 ee mitir taasoo la orday laba wareeg waxaana ugu danbayntii tartanka usoo baxay 8 ciyaartoy.
-
The President Ordered to Investigate the Cause of the Fire
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
“Waxaanan idiin Muujinaynaa khasaarahaas Dhacay{Al-khayr] In aanu aad uga Xunahay, Khasaarahaas Oo aanu U aragno Mid Somaliland Ku dhacay”Siilaanyo hadhwanaag 2007-08-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md.Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Xisbiga uu Gudoomiyaha u yahay ee KULMITYE uu aad uga xun yahay khasaaraha ku habsaday warshadhii buushka iyo furshaanta ee Al-khayraad ee shalay dabku qabsaday,isla markaana uu tilmaamay khasaarihii qabsaday warshada uu Somaliland-na ku dhacay. Sida waxa uu Gudoomiyuhu ku sheegay bayaan uu Maanta Soo Saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa. Waxaanu u dhignaa bayaankii sedan:- “Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Gudida Fulinta Xisbiga, Golaha Dhexe, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga, waxa uu tacsi u dirayaa Muwaadiniintii iska lahaa Warshada Al Khayraad ee soo saari jirtay Buushka ee Magaalada Hargeisa, isaga oo ka tacsiyadaynaaya khasaarihii ka soo gaadhay Dabkii Warshada qabsaday ee dhaawaca weyn u gaystay. Warshada Al Khayraad, waxay ka mid ahayd Warshadaha wax-soo-saarkooda laga dareemay guud ahaan Somaliland iyo geeska Afrika ee aynu kaga kaaftoonay baahiyo badan. Ilaahay waxaan idiinka rajaynayaa in cawil naqeeda ilaahay deg-deg idiinku soo celiyo, waxaanan idiin muujinaynaa khasaarahaas dhacay in aan aad uga xubnahay, khasaarahaas oo aanu u aragno mid Somaliland ku dhacay. Ugu dambayntii, waxaanu aad uga xunahay, wax aad looga naxana ah, in Magaalo madaxdii Dalka oo dhan aysan lahayn wax dab demis ah, taasoo macnaheedu yahay in magaalada inteeda kale oo dhamina khatar ku jirto. Hadaba, su'aashu waxay tahay, aaway Hay'adihii xil ka saarnaa?” -
The President Ordered to Investigate the Cause of the Fire
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
W. Warshadaha S/land Oo Kormeeray Warshadii Gubatay hadhwanaag 2007-08-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka warshadaha Somaliland Maxamed Saleebaan Maxamed ayaa daboolka ka qaaday inay Xukuummadu kaalinteeda wixii kaga soo hagaaga ay bixinayso, isla markaana waxa uu ugu baaqay ganacsadatada iyo jaaliyada qurba-jooga ee Somaliland inay gacan ka geystaan sidii ay warshada furshaantu dib shaqadeedu u bilaabi lahayd. Wasiirku waxa uu sida ku sheegay mar uu maanta isaga iyo Masuuliyiin kale ay kormeer ku tageen warshadii furshaanta ee uu dabku qabsaday shalay si ay u soo ogaadaan khasaaraha soo gaadhay baaxada uu leeg-yahay. Wasiirka Warshada iyo Xubnaha kale ee la socday waxay ku soo wareegeen kaan-boolka ay warshadaasi ku fadhido iyaga oo u kuur-galay baaxada uu leeg-yahay khasaarihii qabsaday warshadaasi. “Xukuummada Somaliland Waxay ka murugeysan tahay Warshada Buushka ee Al-khayraad khasaaraha weyn ee la soo dersay, taasi-na waa amar eebe oo aan la baajin karin” ayuu yidhi Wasiirka warshaduhu Maxamed Saleebaan Maxamed oo muujiyey sida ay Xukuumadu uga xun-tahay gubashada ku timi Warshada Buushka “Dawladu waxay diyaar u tahay wixii door-kooda kaga soo hagaaga inay ka qaadanayso sidii ay warshadani [Al-khayraad] uga soo kaban lahayd khasaarihii dabku soo gaadhsiiyey, isla markaana ay shaqadeedi dib ugu bilaabi lahayd.” ayuu yidhi Wasiirku. Maxamed Saleebaan Maxamed waxa uu Ugu Baaqay ganacsatada iyo qurba-jooga reer Somaliland inay kaalin ka geystaan sidii dib loogu kicin lahaa Warshadaasi furshaanta, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Somaliland iyo Jaaliyada dalkani u dhalatay ee dibada ku nool inay u guntadaan sidii ay Warshadani [Al-khayr] shaqadeedi dib ugu bilaabi lahayd” Wasiiru-dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Axmed Cali Shire oo is-na halkaasi ka hadlaya ayaa waxa sheegay inay qofkasta tabanayso gubashadii warshada furshaantu, isaga oo ariinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Gubashadii ku timi Warshadii Al-khayr kumay koobnayn murugadeedu mulkiilayaasha warshadaasi iyo shaqaalaheeda, basle ay qofkasta taabanayso” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey “Waa daruuri in la is-gacan qabto marka ay cid dhibaato la soo deristo” Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliand Cabdiraxmaan Faarax Sugaal ayaa sharaxaad ka bixiyey kaalinta ay warshada Al-khayraad ee Buushku kaga jirtay kobcinta dhaqaalaha dalka. “Waa Muhiim in gacan laga geysto sidii dib loogu kicin lahaa Warshadaasi”ayuu yidhi Cabdiraxmaan. “Waxay warshadan Al-khayraad dhiiri-gelisay sidii ay Muwaadiniinta Somaliland u maal-gashan lahaayeen dalkooda” ayuu yidhi Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal. Maareeyaha Warshadii buushka ee Al-khayraad Cabdilaahi Jaamac oo is-na halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay warshadani kaalin kaga jirtay dhaqaalaha dalka, isla markaasina waxa uu tilmaamay wax soo saarka warshadani inuu gaadhay dalalka ay Somaliland la dariska la tahay. Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii uu shalay gelinkii danbe dab aan haybtiisa la garanayn u qabsaday wershadii furshaanta ee Al-khayraad, isla markaasina ay shufbayshay, taas oo dadka qaar ku doodayaan inay Xukuumadu ku guul-dareysatay bakhtiinta warsahdaasi. -
It can kick you and break your car weliba ... too dangerious weeyaan
-
Originally posted by Northerner: Camel in the way Doh Doh Doh Doh ,,,,,,,, Aar naga baydh
-
No, i don't know how to play games. That is not me
-
loooooool ,,, waar jerekaanow Walaahi that was funny habeenkaaas ,,,
-
hahaha ,,, and why do u want to see their faces if you didn't like the back of their heads ??
-
Ngonge, didn't you see all those pictures with people at the university ???
-
I hope they won't say Osama is behind this ,,,,,
-
Love is Blind baan maqli jiray .... now we can see Love doesn't have a memory
-
WOW .............
-
........... Wuxuu dhashay 1991kii markaasuu rabaa inuu taariikh ka sheekeeyo. Adduunyo waa taas. HA KUGU TAAGNAATO DHEH ,,,,,,,,,,,,
-
Samatar's five points for solution
Jacaylbaro replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by Sophist: Salaams, Okay some clarifications are needed. 1. There is a DIFFERENCE between Democracy and elections. Most people mistake between the two; democracy is an idea (a sort of government; or an order to organise society) whereas elections are just instruments. In Greek, the word is demos-kratia, the rule by the people; this goes against the grain of Islamic spirit. In Islam, it is the Rule by Allah. As such, people execute ordained hukums rather than occupying the legislative seat if you will. However, elections (as to who will execute these rules) do not contravene with Islam-- though who will participate is a debate for the Uluma. That is my two cents!. Good points indeed. Ghanima, you are still differenciating between the governemt and Shariah ... once the Islamic government is there it is responsible for the religion and the implementation of the Shariah is up to the government not an institution. there is where we have different views ... -
May be inay xabashida laftoodu tan samaynayeen si ay shacbiga iyo Muqaawamada isugu diraan .....
-
I'm sure he has many pics ,,, after Burco it'll be Hargeisa then Miyiga .... before he post Berbera beach ..... I liked that Masjid walee .......... North, did you take pictures of the military camp in Burco as well ? the one near the airport.
-
Originally posted by Kool_Kat: quote:Originally posted by Jacaylbaro: Kool_kat, what is your dookh marka ?? ^^^He is the ideal "WHOLE PACKAGE"...Tall, dark, handsome, successful career, family oriented, not to mention RICH ... Tell me you are kidding :rolleyes: :rolleyes:
-
I love when it is raining .......
-
'No Political Prisoners in Somaliland' Press Release Somaliland Forum
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
The government is here to implement the law and manage the people ..... Of course it is an African government so never expect 100% from them, they have their mistakes but HAATUF was wrong and again QARAN is wrong regardless of who and who ......... I admired M. Hashi until he did this action and everybody knows Gaboose's stance and actions ........ Now they will be there until the court finishes its hearing then they will be either charged or released ........... that is the system and it is the same thing they would do if they are the government ......... I would ask the government to arrest some other ppl if they listen to me ......... Dhegoweyne is one them ........... -
loooool@Ghanima ,,,,,,, I didn't run from North but i didn't do anything for him ,,, that was the ugly part ,,, it was not the right time for me As for Redsea ,,,, he is the one running and hiding from me ,,,, don't know what you told him but ninkaasi is hiding from me
-
and the Mushakal
-
loooooool ,, Burcaawi + Sujui + reer Hargeisa = Snoopy
-
hahaha ,, even him, he looked like a snoopy ,, miyaanad u fiirsan