Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Adis Ababa (The Sub-Saharan)-Wefti Somaliland ka socda, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Ambaasadoor Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Isniintii soo gaadhay magaalada Addis Ababa, si uu ula soo gunaanado mashaariicda la xidhiidha dib-u-dhiska Marinka Berbera dhiggiisa Itoobiyaanka ah. Warkan, oo uu faafiyay wargeyska The Informer, waxa uu intaa ku daray in sida uu sheegayo heshiiska labada dhinac wada gaadheen, keenitaanka Kaybulka Isgaadhsiinta Casriga ah, ay kontraaggiisa qaatay Shirkad Maraykan ah oo la yidhaahdo Seacom, taasoo ku xidhiidhinaysa Hanaanka Bariga Afrika ee Kaybulka Submarine-ka (EASSY), iyo mashruuca horumarinta waddada, taasoo ka bilaabmaysa Berbera ilaa Tog-wajaale. “Waxay noo ahayd sharaf balaadhan in aanu nimaadno Itoobiya,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Mr Cawil. “Itoobiya waa dalkayaga labaad, isla markaana si loo hubiyo mashaariicda, waa in aanu hubinaa in Itoobiya iyo Seacom ay isku raacaan furitaanka xafiisyo ay ku yeeshaan xeebta Berbera. Inkasta oo aanay Somaliland weli ku guulaysanin aqoonsi caalami ah, dawladda Itoobiya waa inay la socodsiisaa Shirkadda Seacom in Somaliland tahay mid ka mid ah dalalka Afrika ugu amaanka fiican, kana dalbataa Shirkadda Ameerikaanka ahi inay Somaliland ka furato xafiiskeeda wayn, iyaga oo aan ka werwerin wax ku saabsan amaanka,” ayuu yidhi Wasiirku. Mr Juneydi Saddo, oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Is-gaadhsiinta Itoobiya, ayaa dhiniciisa ballanqaaday inuu samaynayo wax kasta oo suurtagalinaya hubinta sidii mashruucaasi uu guul ugu dhamaan lahaa. Waxaanu intaa ku daray in Qaarada Afrika ay ka mid tahay qaaradaha caalamka ugu faqiirsan, isla markaana sidii loogala dagaalami lahaa faqiirnimada qaaradda, Wasiirku waxa uu samayn doonaa inuu sii wadayo xidhiidhka wanaagsan ee labada dal u dhexeeya. Gunaanadkii kulankaas, ayaa saddexda dhinac waxay isku raaceen furitaanka xafiis ay Berbera ku yeelato Shirkadda Seacom, oo la furayo aakhirka bisha September. Qiimaha xafiisyada iyo qalabkooda ayaa la rajaynayaa inay gaadho 12.5 milyan oo USD, kuwaas oo loogu baahnaan doono isku xidhka Kaybulka Isgaadhsiinta Casriga ah (Fiber optic cable system), oo laga soo bilaabayo Dekedda Berbera ilaa Magaalada Togwajaale. Qiimaha mashruucan, marka loo eego sida laysla fahansan yahay waxa uu noqon doonaa mid ay saddexda dhinacba wadaagaan. Mr Brian Herlihy, oo ah madaxweynaha Shirkadda Seacom, oo joogay madashaas ayaa sheegay in hanaanka isgaadhsiinta casriga ah (Fiber Optic Cable System) uu u yahay fursad uu Somaliland ku baranayo, isla markaana uu ka maqlay arrimo dhiirigelin u ah dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee la xidhiidha sida uu qalabkaasi u yahay ka ugu jaban, uguna wanaagsan dhinaca amaanka. Mr Cawil Cali Ducaale, Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa booqashadiisa ku wehelinayay Wasiirrada Hawlaha Guud Mr Siciid Sulub Maxamed iyo Boosta iyo Is-gaadhsiinta Mr Liibaan Ducaale Casayr, Mareeyaha Somaliland TV (SLNTV) iyo xubno sharafeed kale. Hanaanka Bariga Afrika ee Kaybulka Submarine Cable (EASSY), waa hab casri ah oo Bariga Afrika ku xidhaya dunida inteeda kale, iyada oo loo marinayo Hanaanka Fiber Optic Cable System. Waxaana loo tixgelinayaa inuu door cajiib ah ka qaadan doono horumarinta wararka baahiyaadka aasaasiga ah ee gobolka. Qorshan EASSY, waxa lagu wadaa in laga soo qaado magaalada Mtunzini ee Koonfur Afrika, lana soo gaadhsiiyo ilaa Port Suddan, oo dalka Suuddaan ku taala, waxaanu isku xidhi doonaa ugu yaraan lix waddan oo aan ku xidhnaan karin hanaanka qaaliga ah ee satlayd-ka, si uu ugu qaado macluumaadka iyo hawlahooda gaarka ah. Mashruucaas, oo ay maalgelinayaan Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrikadda Koonfureed, waxa la hindisay bishii January 2003, ka dib markii ay shirkado badani baadhitaano ku sameeyeen wax-qabadkiisa. Inkasta oo Baanka Horumarinta Afrika iyo dawlado kala duwani ay soo jeediyeen taageerooyin dhaqaale oo laga siiyo, haddana weli maalgelintiisu si buuxda umay soo dhamaanin. Source Ogaal
-
Very Long ,,, but really Interesting and usefull
-
loooooooool@DD .... you can still complete the paragraph ...
-
what is after the green zone will be the red zone ,,,, prepare your rockets now
-
Britain urged to engage moderate elements in Hamas
Jacaylbaro replied to Ibtisam's topic in Politics
modern elements in Hamas ...... the same they were saying the moderate ICU in Somalia sow maaha ?? Cajiiiiiiiib ! ! ! ! -
. I have lived, in short bursts, in northern Somaliland - a country quite unlike anything you have read in your newspaper. It is peaceful, well ordered, the only fully-functioning democracy in Africa. A little piece of my heart belongs there. The swallows you see in Greece during the summer spend their winters in Somaliland. HERE
-
Xubnaha la baxay Baarlamanka xorta ah oo kulamo ka wada gobolada Jubbooyinka
Jacaylbaro replied to BiLaaL's topic in Politics
Let's see what developes bal .... there must be something else going on there. -
Xubnaha la baxay Baarlamanka xorta ah oo kulamo ka wada gobolada Jubbooyinka
Jacaylbaro replied to BiLaaL's topic in Politics
All the way from Asmara miyaa ,,,,,,, ?? Cajiiiiiiiiib walee ,,,, -
It is difficult to bribe some ppl i tell ya .. even if you try it. Seems the young boy is just shocked .....
-
The good news is that besides those old planes it seems we never faced such incidents where hundreds die in one crash .........
-
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk it'll only increase a confusion if i try to explain waxaan qabto ,,,
-
the single gals oo fakfak badan
-
Wa ma al xubu ila xabiib al awal CLASSIC ,,,,,,,,,,,,,,,, JUST CLASSIC
-
There must be some chemicals that your body is alergic to it ,,, u just have to figure out so that you can avoid them later. Go for that test and see what they say.
-
His hair cut because the guard did not like the “uncultured western style” of his hair. This is the first time, in Somaliland’s history, that a policeman has ordered anybody’s hair to be cut on cultural or religious grounds. The incident happened outside the country’s parliament building. The boy, Khadar Abdirahman, said he was on his way home after buying milk for his mother from a nearby shop. He said one of the police guards stopped and searched him. “I heard someone shouting ‘get him and cut his hair’ I looked towards the parliament building from here I thought the voice was coming,” Khadar said. A police guard, identified as Osman Mohamed, called Khadar and told him to put down the pot of milk he was carrying. The guard then sent someone to buy a blade, and later ordered a washer for the MPs’ cars to cut his hair. Khadar complained that his rights may have been violated. “I have no power to defend myself.” Asked why he had ordered the boy’s hair cut the police guard said the boy’s hair was against the country’s culture and Islamic religion. “We cannot tolerate this western hairstyle among our children. If we see other boys with a similar western-style hair we will also cut their hair,” he said. But, Somaliland’s police officials said they will investigate the incident. They refused to comment further.
-
Ururka Qaran Iyo Qareenada Siyaasiyiinta Xidhan Oo Qaadacay Ka Qaybgalka Dhegeysiga Maxkamadda Berrito Ka Furmaysa Mandheera Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida ku-meel-gaadhka ah ee hoggaamiya ururka Qaranka ayaa qaaddacay maxkamadda berrito la filayo in la horkeeno siyaasiyiinta hoggaamisa ururkaas oo ka dhici doonta Jeelka ay ku xidhan yihiin ee Mandheera. Guddida ururka Qaran oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ku tilmaameen maxkamadda la filayo in berrito la horkeeno siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran mid xaqdarro ah oo sharciga baalmarsan. Waxayna ugu baaqeen taageerayaasha ururka Qaran, ururrada xuquuqul Insaanka iyo dadweynaha reer Somaliland ee danaynaya arrintaba in aanay ka qaybgelin dhegeysiga dacwaddaas, maadaama aan loo marin dariiq sharci ah. Mr. Maxamed Cabdi Daa'uud oo ah Afhayeenka ururka, xubinna ka ah guddida Ku-meel-gaadhka ah ayaa saxaafadda u sheegay in siyaasiyiinta xidhan laftoodu, markii ay la tashadeen Qareenadooda ay go'aansadeen in la qaaddaco Maxkamaddaas, kadib markii ay ku qanceen in Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo bixisay amarka lagu xidhay siyaasiyiintaasi aanay awood u lahayn, sharciguna u ogolayn inay dacwad ku gasho meel aan ahayn xarunteeda oo ah Hargeysa. Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee gacanta ku haya dacwadda loo haysto siyaasiyiintaas ayaa u muddeeyey dhegeysiga dacwadda siyaasiyiintaas Khamiistam 16 August, isagoo sheegay in meesha ay ka furmaysaana ay tahay Jeelka Mandheera; taas oo ururka Qaran iyo Qareenada difaacayaaba ay ku tilmaameen mid sharci darro ah. Waxa kale oo uu ururka Qaran ku doodayaa in dacwadda ay u xidhan yihiin siyaasiyiinta Qaran ay tahay khilaaf dastuuri ah oo loo baahan yahay in Maxkamadda Sare oo ah, Maxkamadda Dastuurku ay ka garnaqdo, taas oo ay ula jeedaan khilaafka ka taagan furashada ururrada siyaasadeed, maadaama aanay siyaasiyiintaasi wax dembi ciqaabeed ah gelin. Dhinaca kale, Qareenada Difaacaya siyaasiyiinta ururka Qaran ee xidhan ayaa la sheegay in maanta ay u gudbiyeen maxkamadda Gobolka qoraal ay ku deedafeynayaan in dacwadda lagu dhegeysto Jeelka Mandheera, isla markaana ay ku dalbanayaan in dacwadda lagu qaado Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Qareenada ayaa la sheegay inay ku hanjabeen in aanay ka qaybgelayn dacwadda haddii meesha lagu dhegeysanayaa ay noqon weydo xarunta Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa. Siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran iyo Qareenadooda ayaa si is daba joog ah walaac uga muujinayey in maxkamad caddaalad ah iyo garsoor madax bannaan ay helayaan.
-
Sorry for you ............ if you were in the miyiga you would have those alergics ,, u know everything in the miyiga is natural ,, you can use subag sixin ah instead of those creams and you can put Burcad on your head . . . .
-
Contrary the most prediction, Somaliland self proclaiming state is a bright affair and There’s no doubt that Somaliland has a well-working government, military, parliament, constitution, ministries?etc brief all what makes a country run properly. Since the Somaliland authority assumed control of Somaliland territory a relative calm and development has persisted and will succeed at the end. It is sufficient for all of us to assert that Somaliland’s Unitary Government can be considered a phenomenon and an uncommon African success story that needs to be specified with full credit. Undermining the achievements of Somaliland miserably would also undermine the goals of NEPAD that are to endorse peace, stability and good governance in Africa. Lets look the United State of America and at the other members of the quarter (the group which include the European Union, the United Nations and Russia that sponsored the "Road Map” for the middle east peace process three or fourth year ago), they have used time and budget to build up the peace and by focusing two secondary project: Helping the Palestinian Authority build a functioning government in Gaza and pushing Mahmud Abbas to disarm Hamas, the militant organization that has spend the last decade entrenching itself as the dominant force in the territory. And still the Middle East is in KO or worst. Question! Does Somaliland government has to claim a sustainable recognition from the united state, the European union, the African union and all other international organization to further their development and self being if they never realize or see what really happened and how we come from the ash to were we are today ? Somaliland has a natural history of peace and time for urgency is now?war, terrorism, workplace violence’s, sabotages, theft?the list of security related worries preoccupying today’s executives seems to grow each year around the world. Somali Landers triumphed over those looms on the horizon and it’s easy to pretend that Somali Landers wherever they are have shielded themselves from these threats. What we all did has determined well that we met the international and Somali Landers needs in the entire world in this century and beyond. Demand is soaring like never before. As population grow (about 4 million in Somaliland) and the economies still down. Million in the developed world are enjoying the benefit of lifestyles that requires increasing amount of energy. In fact everybody knows what Somaliland economy rely on. Livestock. We can’t wait till a crisis take us back to where we lifted this forgotten Democratic Republic, and we are all committed to work together and never last to ask the thought questions: How can we meet the developing world and those industrialized nations without federalism? What role renewable us and be an attractive key to get that unreachable recognition without federalism? Because we know that federalism failed everywhere in the world ” Europe, Asia and Africa as well” and never worked out for us with Somalia. Whatever action we take, we must look not just the next year, but the next 50 years. Our constitution and self-determination are the cornerstones on which we build this country and we did it alone. Governments and every committee would have been part of the solution to help this country and give its merits, as surely as they are part of its problems. We Somali Landers call upon educators, African union, the European Union, the Unite Nations, politicians, governments leaders and each one of you to be part reshuffling next step of getting sustainable acceptance, development, and economy grow of this country? Husain Abdi Husain
-
Bud-dhigga Taallada Hawlgalkii Birjeex Hargeysa (Jam)- Munaasibad taalo loogu dhagax dhigayey Alle ha u naxariistee Mujaahid Biixi Xaaji Xasan Cilm oo 1983-kii ku shahiiday hawlgal oo ay koox ka tirsan mujaahidiintii ururka SNM ka fuliyeen xerada Birjeex oo ay ciidamadii taliskii Siyaad Barre ku xabbiseen mujaahid Cabdillaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminayey halgankii hubaysnaa ee SNM,ayaa shalay lagu qabtay xabaalaha Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa. Munaasibaddan oo uu soo qabanqaabiyeyMaxamed Cabdillaahi Maxamed (Aar) oo ka mid ahaa qurbojooga, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, xisbiyada mucaaridka ah, mujaahidiin, iyo qaar ka mid ah carruurtii uu dhalay mujaahid Biixi Xaaji Xasan. Muj. Cabdillaahi Askar oo isagu ahaa ninka hawgalka uu ku geeriyooday Muj. Biixi Xaaji Xasan Cilmi lagagala soo baxayey xerada Miiska Saraakiisha oo uu ku xidhnaa, ayaa ugu horeyn hadal dheer oo uu munaasibaddaa ka jeediyey waxa uu kga waramay taariikhdii halgankii SNM, sidii loo qabtay markii la xidhay iyo mahadnaqba. Mar uu ka hadlayey sidii loo qabtay waxa uu yidhi; “Markii la iqabtay waxaan marayey dariiqa National Cinema kor uga soo kaca. Habeenkaa oo goor dambe Ibraahim Koodbuur uu igu yidhi ina mari oo aan ku idhi anaa kaligay imanayee iska soco, waxa habeenkaa noo xidhmayey filimo ay daawanayeen kooxdan hawlgalka samaynaysa, midkood waxa uu ku saabsanaa labada fililm Madaxweyne Galbeedka Afrika ah oo lala baxayo, ilayn taydii baa soo dhaw habka wax loola baxayo. Markii la isoo qabtay halkan Miiska Saraakiisha ayaa la I keenay. Jidh-dilkii adduunka ugu xumaa waa la igu sameeyey, dareemadda waa la iga garaacay, ilkaha, feedhaha meel walba waa la iga garaacay, ma jiro adduunka nin la jidh dil oo aan wax sheegini, wax kasta oo ay sameeyaan afkayga eray kama soo bixin, waxa kaliya oo iga soo baxdayey Gaani in aan adiga ku dilo weeye.” Muj. Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa kooxdii fulisay hawlgalkii Muj. Cabdillaahi Askar lagula baxayey ee uu ku geeriyooday Muj. Biixi Xaaji Xasan Cilmi oo isna halkaa ka hadlay ayaa isaga oo sababaynaya waxay xusaskani hore ugu dhici waayeen waxa uu yidhi; “Sababahay u suurogali waydayna khilaafaad badan oo waddanka markii la soo galay iska abuurmay iyo raggii dhibida lahaa ee meesha aannu ugu nimi, meesha tignikadii uun baannu qabanaye, tegnikadii iyo afantarigiiba way tuban tahay wali hadda, waa ta ugu xoogga badan.” Waxa kale oo Muj. Aadan Maal ka warramayey qaabkii uu hawlgalka lagu la baxayey Muj. Cabdillaahi Askar u dhacay, waxa uu yidhi; “Maalintaa waxaannu ahayn markaannu halkan soo galaynay 11, waxa naga shahiiday laba oo uu ka mid yahay ninkan aynu taaladiisa duljoogno, waxaannu ahayn 8 gudaha galayey iyo 3 dibedda ah. 5 waannu ku dagaalamaynay 2-na waxay ahayd in ay meesha ka jabiyaan Cabdillaahi Askar soona qaadaan. Biixi bidixdayda ayuu taagnaa markay xabaddu ku dhacday, markii aannu la soo baxnay Cabdillaahi Askar waxay ahayd in aannu Biixi qaadno, laakiin Turki (mid ka mid ahaa kooxdii hawlgalka) oo habsaamay awgeed, baabuurkii baa naga tagay aniga iyo Turki ayaa qaadnay, dabadeed gaadhigii baa saddex jeer naga dhaqaaqay, markaasu Biixi nala hadlay oo uu yidhi; ‘Waar anigu dhintaye baabuur yaannu idinka tagin. Markaa waxa dhacday in aannu ka tagnay,” ayuu yidhi; Muj. Aadan Maal Caqli. Sidoo kale mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo isna halkaa ka hadlay waxa uu ku tilmaamay hawlgalkii mujaahid Cabdillaahi Askar lagula baxay in uu ahaa kii ugu qiimaha badnaa adduunka oo dhan, kaasi oo sheegay in uu ahaa guul Somaliland gaadhay oo aan lagu khasaarin. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Muj. Yuusuf Ciise Ducaale oo isna kelmad xuskaa ka yidhi, waxa uu tilmaamay in guushani ay ahayd mid dadku wada lahaa, taasi oo xuskeedu uu yahay mid iyaga seegtay. “Arrintani waa hal na seegay ama intayada kale kaba caajisnay ama aannu waxyaabo kale ka horreysiinay weeye, canaanteeda ayaannu leenahay intaan aniguna ugu dambeeyo Xasana ugu dambeeyo Cabdiraxmaan Aw Calina ku xigo baa wixii halkaa ku habsaama eedeeda qabna, waa dambi aannu iska qirsanahay intiina kalena naga cafiya. Maantana meel ma jirno khaladaad aynu galnay baana wax badan u sabab ahaa, aqoon darro ayaana ina haysay xoreeya garanay waar maxaa ku xiga baynaan is waydiin, taariikhduna ismay taagine way socotaa. Maalintaa cadaw kaliya ayeynu lahayne maanta intaas oo shiish oo siyaasi ah baa ina wada saaran,” ayuu yidhi Tallaabo. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sidoo kale xusay in arrintani ay ahayd mid loo baahanaa, isla markaana taariikhdu ay qori doonto qof waliba waxa uu wadankan gashaday. Waxa kale oo uu sheegay si aynaan mar labaad halgan kale u galin loo baahan yahay in qaranimada la ilaashado oo danta gaarka ah laga horreysiiyo. Muj. Maxamed Aar oo isagu soo qabanqaabiyey hawlaha mujaahidiinta SNM loogu dhisayo taallooyinka oo isna munaasibaddaa hadal kooban ka jeediyey, waxa uu sheegay si loo xasuustoo halgankii la soo maray in kuwa naafada ah lagaga bilaabo, isla markaana marka la xuso kuwii dalkan u so halgamay ay dadka inta kalena wax noqon doonaan. Jamhuuriya Online
-
Faysal Cali Waraabe:"Xisbiga UCID wuxuu aad iyo aad uga xun yahay dagaalka ay ku soo qaadeen maleeshiyada ******teeniya degmada taleex War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaal dhawaan ka dhacay degmada Taleex halkaasi oo ciidanka Puntland iyo kuwa ka soo jeeda deegaankasi ay halkaasi ku dagaalameen. war-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi isoo gaadhay ayaa u qornaa sidan. "Xisbiga UCID wuxuu aad iyo aad uga xun yahay dagaalka ay ku soo qaadeen maleeshiyada ******teeniya degmada taleex iyagoo adeegsanaya ciidanka maamul goboleedka ******tiinya. Dagaalkaas oo dhimasho iyo dhaawacba keenay. Dhinaca Somaliland waxa caabiyay duulaanka beelaha halkaas daga oo wax taageero ahana ka helin xukuumada Somaliland . Marka u horeysa waxaan tacsi u diraynaa belahaas wixii kaga dhintay dagaalkaas isdifaca ah ee ay dalkooda iyo dadkooda uga caabiyeen cadawga ku soo dulay . Mar labaad waxaa dadweynaha Somaliland ka codsanynaa in ay taageero hiil iyo hooba ah u fidiyaan walaalahood gardarada lagu soo weeraray. Xukuumada Somaliland waxaan xusuusinayna in xilka kowaad ka saarayn yahay difaaca iyo ilaalinta dadweynaha ku dhaqan dhulka JSL ee sida gardarada ah loo soo weerarayo iyado u jeedada ka dambaysan tahay dhul balaadhsi iyo boob khayraadka degaankaas". here
-
Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka, Sayidkeennu tii uu na yidhi Torog ku heensaynnay. Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine, Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay, Misna tawlka qaalmaha tanniyo tulud u soo saarray. Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka, Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani, Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay. Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay, Habeenkii fardaha waw tudhnaye taag ku sii mirannay, Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay. Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay, Tixda gabay kolkii aan akhriyey toose niman jiifay, Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi. Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay, Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay, Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage. Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay, Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay, Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray. Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday, Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday, Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare, Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray. Tala xumada awrtuu xidhay baqi tarraarsiinnay, Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela, Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore, Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay. Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay, Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba, Tukihii intaan niman u wadhay tobanle soo qaatay. Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle, Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay, Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaadhka, Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay, Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay, Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe, Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay. Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo, Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey, Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda, Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray, Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto, Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne, Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye. Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye, Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye, Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere. Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye, Tunkaana waan ka soo xidhahayaa Timirki dheeraaye, Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye? !! Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye, Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye, Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye, Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye, Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo. ADD YOUR FAVOURATE LINES ........... HAYE YAA WAX ISLA HAYA ??
-
yeah , that is the good part even if we are busy ... we still have breaks it is only 11:50am here and i'm already dead hungry ....
-
This is the only picture available from the crashed plane ..